Midowga Afrika oo ugu baaqay beesha Caalamka in kaalmo Milatari oo deg deg ah ay siiyaan dowladda KMG Soomaaliya.

ceerigaabo.wordpress.com. Ururka Midowga Afrika ayaa waxa ay ugu baaqeen beesha Caalamka in kaalmo Milatari oo deg deg ah ay siiyaan dowladda KMG Soomaaliya.

Kadib kulankii 217-aad oo ay yeesheen Golaha amaanka iyo nabada ee Midowga Afrika oo dhacay 25-kii bishan February ayaa waxa ay ku celceliyeen baaqa ay u jeedinayaan Beesha caalamka ee ku aadan in laga taageero dhinacyada Milatariga iyo dib u dhiska hay’adaha dowliga ah si dowlada KMG Soomaaliya ay awood ugu yeelato in ay xakameyso weerarada joogtada ah ee uga imaanaya dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya. War qoraal ah oo la soo gaarsiiyay Saxaafada ayaa Golaha Amaanka iyo Nabad galyda ee Midowga afica ayaa lagu sheegay in ay ka soo raynayso xaalada dalka Soomaaliya markii loo eego sidii ay horey u aheyd. Golahaasi ayaa waxa uu walaac xoogan ka muujiyay xaaladaha dhinaca bani’adanimo ee ka jirta wadanka Soomaaliya iyagoona ugu baaqay xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda KMG Soomaaliya in ay u hogaansamaan sharciyada Caalamiga ah ee dhinaca bani’aadannimada si kaalmo bani’aadannimo loo gaarsiiyo dadka ay wax yeeleeyeen dagaalada iyo abaaraha ka taagan guda dalka Soomaaliya. Sidoo kale Golaha amaanka iyo Nabadgalyada Midowga Afrika ayaa waxa ay sheegeen in ay si diiran u soo dhaweynayaan heshiis hor u dhac ah oo ku aadan dhinaca iskaashiga kaasi oo dhexmaray Dowladda KMG Soomaaliya iyo Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu sunna Waljamaaca, waxaana ay ku tilmaameen in arinkaasi uu yaha talaabo dhinaca hormarka loo qaaday. Ugu dambeyntii waxa ay ku celceliyeen baaqooda ku aadan in dhinacyada Soomaaliya ay ku soo biraan hanaanka dib u heshiisiinta iyadoona wax sharuudo ah lagu xerin.

Golaha Wasiirada dowladda KMG ee Soomaaliya oo maanta ansixiyay in dowladda KMG ay soo samayso lacago cusub oo uu yeesho dalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirada dowladda KMG ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa maanta ansixiyay in dowladda KMG ay soo samayso lacago cusub oo uu yeesho dalka Soomaaliya.

Kulankaani oo ahaa mid xasaasi ah oo ay maanta golaha wasiirada dowladda KMG ee Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayay ku ansixiyeen in dowaladu ay soo samayso lacago cusub oo Shilin Soomaali ah.

Markii uu soo dhamaaday kulanka ay golaha wasiiradu ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyay qodobadii ka soo baxay kulanka Afhayeenka Xukuumadda KMG ee Soomaaliya C/qaadir Wilaayo isagoona sheegay in sameynta lacagtaani loo saari doono gudi ka kooban aqoonyahano Soomaali ah iyo kuwa Caalami ah.

Waxa uu tilmaamay C/waadir Wilaayo in lacagtaani ay noqon doonto mid ka badalan tan haatan laga isticmaalo dalka Soomaaliya islamarkaana ay noqon doonto mid aan la been abuuri Karin.

Sidoo kale Waxay golaha wasiirada kulankooda ku magacaabeen gudoomiye ku xigeenka Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo dhawaan ay sheegtay dowladda KMG in ay dib u howlgalisay iyadoo jagadaasina loo magacaabay Max’ed Xaaji Cali sida uu mar kale sheegay C/qaadir Wilaayo.

Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayay aheeyd Markii wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda dowladda KMG Shariif Xasan Sheekh Axmed uu gaaray Wadanka Suudaan iyagoona masuuliyiinta ugu sar sareysa wadankaasi Suudaan la saxiixday sidii lacag loogu sameyn lahaa dowladda KMG ee Soomaaliya.

MAJSA’ATA IBNU THAWR AL-SADUUSI

Waa xilli ay geesiyadii sharafta badnaa ee ciidanka Alle ay iska ja-jafayaan boorkii dagaalka Al-qaadisiyah, weliba iyagoo ku faraxsan guushii uu Ilaah ka siiyay dagaalka, sidoo kalena ku faraxsan wixii walaalahooda dagaalka ku shahiiday loo qoray oo ajar ah. Dhinaca kale waa xilli ay u hilowsan yihiin dagaal la mid ah dagaalkii Al-qaadisiyah, isla markaana ay sugayaan inuu xagga khaliifka Cumar Binu Khaddaab (rc) uga yimaado amar tilmaamaya inay sii wadaan jihaadka si loo ciribtiro carshigii reer Kisraa.

Sugitaankoodii maba sii dheeraanin jeer uu maalintii danbe ka yimaado magaalada Madiina nin uu soo diray Khaliifka Cumar isagoo siday dhambaal ku socota guddoomiyaha gobolka ee Abii Musa Al-ashcariyyi. Dhambaalka wuxuu ku saabsanaa inuu Abuu Musa kaxeeyo ciidanka muslimiinta iyadoo ciidanka lagu darayo ciidan kale oo ka iman doona magaalada Basra, iyagoo markaasna si wadajir ah u aada gobolka la yiraahdo Al-ahwaaz (magaalo ku taalla Iiraan), si loo raacdeeyo hoggaamiyaha reer Furus ee la yiraahdo Al-hurmuzaan markaas ka dibna laga takhalluso lana xoreeyo magaallada Tustur, magaaladaasoo ahayd xarunta boqortooyada reer Kisra.

Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi: sayidkii reer Banii Bakr ee ay aadka u aqbali jireen hadalkiisa.
Amarkii Khaliifka Cumar uu u soo diray Abii Musa ayaa waxaa ku jiray inuu Cumar amray Abii Muusaa inuu dagaalka uu u kaxeysto dagaalyahankii geesiga ahaa ee la oran jiray Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi, isla mar ahaantaana ahaa sayidkii reer Banii Bakr ee ay aadka u aqbali jireen hadalkiisa. Halkan, waxaan ka fahmaynaa qiimaha uu lahaa Majsa’ata Ibnu Thawr.

Saxaabigii Abii Musa Al-ashcariyyi wuxuu shaaca ka qaaday amarkii Cumar Binu Khaddaab, wuxuuna diyaariyay ciidankiisa, dhinaca bidix ee ciidankana wuxuu yeelay Majsa’ata Ibnu Thawr, dabadeedna wuxuu ciidankii ku daray ciidankii ka imaanaayay magaalada Basra, sidii ayeeyna si wadajir ah u dhaqaaqeen iyagoo jidka Alle u duulaya. Kama aynan suulin muslimiintii kuwii magaalooyin badan xoreenaya, tirtirayana meelihii ay gaallada ku jireen, halka hoggaamiyihii ciidanka Faaris ee Hurmuzaana hortooda cararaya jeer uu ka gaaray magaaladii Tustur, iskuna ilaaliyay dhufeysyadeeda.

Tustur ee uu Hurmuzaan ku dhuuntay ayaa waxay ahayd magaalooyinka reer Furus magaallada ugu bilicda badan.
Magaallada Tustur ee uu Hurmuzaan ku dhuuntay ayaa waxay ahayd magaalooyinka reer Furus magaallada ugu bilicda badan xagga quruxda, xagga cimilladana waxay ahayd tan ugu quruxda badan, sidoo kalena waxay ahayd meel aad ugu habboon xagga dhufeys-galka. Waxaa intaa dheer waxay magaaladu lahayd magac dheer oo leh taariikh qadiim ah, waxayna ku taallay meel taag ah oo qaabka ay u dhisan tahay u ekeyd qaab sida faras oo kale.

Waxaa magaallada waraabiya oo mara webiga yar ee lagu magacaabo ”Nahru Dujeyl”. Waxaa magaallada ay lahayd taallo-biyood, taalladaasoo uu dhisay boqorkii la oran jiray Saabuur, waxaa dhinaca taallada ka soo burqanayay biyaha webiga iyadoo ay marayaan waddooyinka mara dhulka hoostiisa.

Haantaas biyaha iyo waddooyinkaas dhulka hoostiisa mara ayaa waxay ka mid ahaayeen dhismaha kuwooda lala yaabo. Maxaa yeelay waxaa lagu dhisay dhagaxyo waaweyn, waxaana lagu taagay tiirar bir ah oo aad u adag, dhinaca kalena dhulka waddooyinka hoose marana waxaa lagu goglay maar. Hareeraha magaallada Tustur waxaa ahaaday derbi aad u weyn aadna u dheer, kaasoo hareereeya magaallada.

Culumada mu’arrikhiinta waxay yiraahdaan, derbigan wuxuu ahaa derbigii ugu horeeyay uguna weyna ee laga dul dhiso dunida dusheeda.

Intaa dabadeed wuxuu Hurmuzaan hareeraha derbigaas ka qoday god dhufeys ah, kaasoo ay adag tahay in laga soo tallaabo, dhinaca kale wuxuu godkaas ka buuxiyay ciidanka Faaris kuwooda xulka ah. Haddaba, muslimiinta waxaa ku soo food lahaaday mushkilad cusub, waayo waxay yimaadeen meel aynan awoodi karin inay gudbaan.

Ciidamadii muslimiintii waxay fadhiyeen hareeraha derbiga Tustur, iyagoo halkaas fadhiyay muddo dhan 18 billood oo aynan awoodin inay godkaas ka gudbaan. Muddadaas intaas le’eg waxay ciidamada muslimiinta la galeen ciidamada Furus 80 iska horimaadyo ama dagaallo.

Dagaal kastana oo ka mid ah dagaalladaasna waxay ku billaabanayeen qaab isu-soo bax, iyadoo ay isu beddeli jireen markii danbena dagaal qadhaadh oo weliba lagu hoobto. Haddaba, Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi ayaa wuxuu goobtii dagaalka ku soo bandhigay wacdarro la yaab leh, taasoo ka yaabisay cadowyadii iyo asxaabtii hal waqti. Waxaa u suurto gashay Majsa’ata inuu laayo boqol nin oo ka mid ah halyeeyadii fardoollayda ahaa ee reer Furus, magaciisana wuxuu noqday mid cabsi ku rida safafka gaallada Furus, halka sharaf iyo awood ay u kordhinaysay muslimiinta.

Saxaabo fara badan oo aanan markii hore aqoonin Majsa’ata ayaa gadaal danbe ka garawsaday sababta uu amiiral mu’miniinka ugu dadaalay inuu halyeeygan geesiga ah ka mid noqdo ciidamada muslimiinta. Dagaalkii ugu danbeeyay ee ka mid ahaa dagaalladii 80-ka gaarayay ayaa waxay muslimiintii weerareen ciidamadii cadoowga weerar geesinimo leh, nimankii gaallada ahaa ee reer Furus ahaana waxay ka carareen kaabadihii ka dhisnaa godka korkiisa, waxayna ku dhuunteen magaallada Madiina iyagoo isku soo xiray iriddadii dhufeyska ahayd.

Muslimiintii, waxay galeen khatar hor leh.

Sabarkii dheeraa ka dib, waxay muslimiintii markale u gudbeen xaalad ka xun tii ay markii hore ku sugnaayeen. Gaalladii reer Furus waxay billaabeen inay leebabkoodii sida roob oo kale uga dhigaan muslimiinta, iyagoo ka soo ganayay dhismayaashii sare korkoodii ee ay ku jireen. Waxay kaloo billaabeen inay derbiyada korkooda ka soo laalaadiyaan silsilado dab ah, silsilad kastana afkeeda waxay wadatay kalbado holcaysa, kuleyl badni awgeed. Haddii mid ka mid ah muslimiinta isku dayo inuu soo koro derbiga amaba uu u dhowaado, gaalladii waxay ku daban jireen kalbaddii sidiina ayeey ku soo jiidan jireen, markaas jirkii ayaa guban jiray, hilibkiisana wuu kala daadaadan jiray sidaasna ayuu ku dhimman jiray.

Waa xaalad aad u qadhaadh.
Waa xaalad aad u qadhaadh. Muslimiintii waxaa ku badatay dhibaatadii, sidii lagu yiqiinnayba waxay billaabeen inay Ilaah baryaan, iyagoo si qushuuc leh isugu dulloonaya Rabbigooda sharafta badna si uu uga qaado dhibaatadan, isla markaasna uga gargaaro cadoowgooda gaallada. Goor uu Abuu Musa Al-ashcariyyi uu ee-eegayo derbigii weynaa ee Tustur, isla mar ahaantaana ka quustay in laga gudbo derbiga, ayaa waxaa hortiisa ku dhacay leeb laga soo tuuray dhinaca derbiga. Wuu eegay, wuxuuna arkay inay wadato warqad ku qoran: “annigu waan idinku kalsoonaaday haddaad tihiin jamaacada muslimiinta, waxaana idin weydiisanayaa amaan iyo nabadgelyo anniga iyo naftayda iyo ehelkayga iyo ciddii i raacdaba, annigana dhinaceeyga waxaa ballan ah inaan idin tusin doono meel qarsoodi ah oo aad uga baxdaan meeshan magaallada Madiina”.

Abuu Muusa wuxuu ninkii u qoray warqad xambaarsanayd inuu amaan iyo nabadgelyo siinayo ninkii, wuxuuna warqaddii ay ku qornayd fariintaas kula xiray leeb dabadeedna ninkii ayuu u tuuray. Ninkii wuxuu ku kalsoonaaday nabadgelyada iyo amaanka muslimiinta iyagoo lagu yiqiinnay tusaalahaas wanaagsan sida ballanta oo laga run sheego, ballanta oo la oofiyo.

Ninkii wuxuu u soo dusay muslimiintii, isagoo ku gabbanaya mugdiga habeenka. Markii uu u yimid Abuu Muusa waxa uu u sheegay waxa uu yahay dhab ahaan, wuxuuna yiri: “innagu waxaan ka mid nahay dadka magaalladan deggan madaxdeeda, ninka la yiraahdo Hurmuzaan (hoggaamiyaha ciidamada Furus) wuxuu laayey walaalkaygii iga weynaa, hantidiisii iyo reerkiisana wuu dhacay. Annigana wuxuu ii hayaa cadaawad iyo xummaan oo wuxuu doonayaa inuu i dilo. Caddaaladiina ayaan dulmigiisa ka door biday, ballan oofintiina ayaan ka door biday ballan ka-bixiisa, waxaana go’aan ku gaaray inaan idin tuso meel qarsoodi ah oo aad uga baxdaan Tustur, sidaa darteed waxaad i siisaa nin ku tilmaaman dhiiranaan iyo maskax furnaan, dhinaca kalena yaqaana dabaasha si aan u tuso waddada”.

Abuu Muusa Al-ashcariyyi oo hoggaaminayay ciidamada muslimiinta ayaa wuxuu u yeeray Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi, ka dibna wuxuu sir ahaan ugu sheegay arrinkan isaga ah isagoo ku yiri: ”waxaad iigu kaalmaysaa nin ka mid ah tolkaaga, ninkaasoo leh go’aan adag iyo caqli hufan, isla markaasna yaqaana dabaasha”. Majsa’ta ayaa durbadiiba yiri: “ninkaas waxaad ka dhigtaa anniga amiiroow”.

Abuu Muusa ayaa wuxuu ku yiri, haddaaba sidaa doontay ku soco barakada Ilaahay, intaa dabadeed wuxuu u dardaarmay inuu xifdiyo waddada, sidoo kalena u fiirsado iridka halka uu ku yaallo, iyo inuu soo xaddido meesha uu joogo Hurmuzaani, inuu sidoo kale soo hubsado shakhsiga Hurmuzaan, dhinaca kalena uusan wax ficil ah qaadin aan ka ahayn howshii loo diray.

Majsa’ata ayaa dhaqaaqay goor habeen ah, isagoo ku gabbanaya gudcurka iyo mugdiga habeenka isagoo la socda ninkii faarisiga ahaa. Way socdeen ilaa ay ka soo galaan meel nafaq ah (waddo marta dhulka hoostiisa), kaasoo isku xira webiga iyo magaallada. Nafaqaas ama godkaas wuxuu mararka qaarkood noqonayay mid waasic ah oo waxaa suurta galeysay in socod looga gudbo, halka marka kale uu ciriiri noqonayay jeer ay sababto inuu dabaasho.

Waddada nafaqa wuxuu ahaa mid qal-qalooca oo kala bax-baxa, mararka qaarkoodna wuxuu noqonayay mid toosan. Sidaas ayeey ku jireen ilaa ay markii danbe ka soo gaareen meeshii looga baxayay magaalada. Ninkii Faarisiga ahaa ayaa wuxuu Majsa’ata tusiyay Hurmuzaan.

Majsa’ata wuxuu yiri, waxaan isha saaray hoggaamiyhii ciidamada Furus ee Humrmuzaan, iyo goobtii dhufeyska u ahayd. Kolkii uu Majsa’ata arkay Hurmuzaan ayaa wuxuu damcay inuu leeb ku gano dhuuntiisa, hase ahaatee durbadiiba wuxuu xasuustay dardaarankii uu siiyay Abuu Muusa Al-ashcarriyyi ee ahayd inuusan wax ficil ah qaadin. Majsa’ata wuxuu xakameeyay naftiisa, wuxuuna ku noqday halkii uu markii hore ka yimid intaan la gaarin fajarkii.

Abuu Muusaa Al-ashcarriyyi Ilaah ha ka raalli noqdee, wuxuu diyaariyay ciidan gaarayay ilaa 300 qof, kuwaasoo ka mid ah ciidamada muslimiinta kuwooda ugu geesisan, uguna adkeysi badan, dhinaca kalena ugu adkeysiga badan xagga dabaasha. Ciidankaas wuxuu amiir uga dhigay Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi, wuuna sagootiyay oo u dardaarmay. Wuxuu ciidamada muslimiinta astaan uga dhigay oraahda takbiirta (allahu akbar), taasoo calaamad u ah goorta la galayo magaallada.

Majsa’ata oo hoggaaminayay ciidamada.
Majsa’ata oo hoggaaminayay ciidamada, ayaa wuxuu ciidankii faray inay iska fududeeyaan dharka ay qabaan, si aynan biyaha u cusleynin dharka. Dhinaca kale, wuxuu uga digay inay soo qaataan waxaan ka ahayn seefahooda, isagoo u dardaarmay inay seefaha ku adkeeyaan jidhkooda. Ciidamadii way dhaqaaqeen, way socdeen ilaa laga gaaray habeenka qaybtiisa hore (qiyaastii 10-ka habeenimo).

Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi iyo ciidankiisa geesiga ahaa waxay godka nafaqa ku jireen muddo ku dhow 2 saacadood, iyagoo socday waddada marta dhulka hoostiisa meeshaasoo aad khatar u ahayd. Kahtartaasina haddaan arki doonnaa. Markay yimaadeen meeshii looga baxayay godka nafaqa ayaa wuxuu Majsa’ata ogaaday in nafaqii uu liqay labo boqol iyo labaatan nin oo ka mid ah ciidamadiisa, waxaana ciidamadii isugu soo haray oo keliya 80 nin. Gumadihii Majsa’ata iyo asxaabtiisa maba aynan dhigin dhulkii magaallada jeer ay soo baxsadeen seefahoodii, kuna qamaameen ciidankii waardiyeenayay dhufeyska iyagoo seefahoodii ku laayey ciidankaas.

Intaa dabadeed, waxay ku soo boodeen albaabadii wayna fureen iyagoo ku hutaafayay ALLAHU AKBAR. Takbiirtooda (allahu akbartoodii) iyo takbiirta ciidankii gudaha ku jiray ayaa wada kulantay, markaasna waxay muslimiintii gudaha ku jiray soo aadeen dhinacii magaallada, waxayna ahayd xilli waaberi ah. Ciidamadii muslimiintii iyo cadoowgii gaallada ayaa madaxa isla galay, waxayna is dhaafsadeen dagaal aad loogu hoobtay, taasoo ay yar tahay in lagu arko taariikhdii duulimaadyada marka laga eego xagga dhibaatada, cabsida iyo tirada dhimashadaba.

Goor uu dagaalku socdo ayaa wuxuu Majsa’ata arkay hoggaamiyihii Hurmuzaan. Isla markiiba, wuxuu soo aadey dhinaciisa, hase ahaatee waxaa ka dhex galay dadkii dagaalamayay oo ka qariyay ninkii uu eeganayay. Wax yar ka dib, ayuu haddana arkay, dabadeedna wuxuu u cararay xaggiisa isagoo la soo baxay seeftiisa. Halkan, wuxuu Majsa’ata kala kulmi doonaa dhibaato, maxaa yeelay sidaan hore ugu soo aragnayba Majsa’ata iyo ciidamadiisuba ma aynan wadan cambuur bireedka dagaalka, taasoo u diidday godkii biyaha ee ay soo mareen.

Majsa’ata iyo Hurmuzaan waxay iskula boodeen seefahoodii, mid kastana midka kale wuxuu ku dhuftay darbad xoog leh. Laakiin nasiib darro, Majsa’ata oo aanan qabin cambuur bireedka way haleeshay darbadii seefta, halka Hurmuzaan ay ka difaacday cambuur bireedkiisa. Geesigii halyeeyga ahaa ee Majsa’ata wuxuu si sara joog ahaan ugu dhacay goobtii dagaalka, isagoo ishiisu ay ku qabowsatay wixii uu Ilaah gacantiisa ku xaqiijiyay oo guul ah. Ciidamadii muslimiintii waxay sii wadeen dagaalka jeer uu Ilaah ka siiyo gaallada guusha, ayna gacanta ku dhigaan hoggaamiyihii ciidamada Furus ee Hurmuzaan.

Muslimiintii iyagoo furashadii iyo guushii ay heleen ku bishaaraysanaya ayaa waxay yimaadeen magaalada Madiina.
Muslimiintii iyagoo furashadii iyo guushii ay heleen ku bishaaraysanaya ayaa waxay yimaadeen magaalada Madiina, iyagoo Khaliifka Cumar Binu Khaddaab ugu bishaaraynaya guusha furashada ee uu Ilaah ku mannaystay, isla mar ahaantaana ayna wadaan hoggaamiyihii ciidanka Furus ee Hurmuzaan. Muslimiintii bishaaraynaysay waxay Khaliifka Cumar uga tacsiyeeyeen geeridii ku timid geesigii halyeeyga ahaa ee Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi. Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu uga abaalmariyo guulihii uu Islaamka u soo hoyay xasanaad iyo ajar fara badan, dhinaca kalena uu ummadda Islaamka maanta ku karaameeyo in la helo boqolaal la mid ah halyeeyga Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi aamiin.

ceerigaabo

http://www.ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaan cali
Email:siciid_cc@hotmail.co.uk
siciid_32@hotmail.com

Daawo Buurta Dallo billicda Allah Subxaana Watacaalaa ku banaystay

daallo-mahad001daallo20-20mahad

Daawo buurta dallo iyo bilicda uu Allah subxaana watacaalaa ku banaystay

ceerigaabo

ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaan cali
siciid_32@hotmail.com
siciid_cc@hotmail.com

ciid mubaarik ciid mubaarik ciid mubaarik

111

Iid Mubaarik , Ciid Mubaarik Dhamaanba Somalida kunoo daafaha dunida iyo inta u dhaxeesa
Dhamaan Akhristayaasha sharaftaleh ee soo booqda shabakadan ceerigaabo.wordpress.com iyo Dhamaanba Somalida kunoo daafaha dunida
waxaan idin leeyahay Iid Mubaarik , Ciid Mubaarik Illaahayna hanaga dhigo kuwa la aqbalay Soonkooda
kuna Ciid bash bash iyo barwaaqo , markale Iid Mubaarik , Ciid Mubaarik
ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaan cali
Email:siciid_32@hotmail.com

USAAMA BINU ZEYD

USAAMA BINU ZEYD

“Usaama aabihiis Rasuulka (scw) wuu ka jeclaa adiga aabahaa, isaga ayuu adigana kaa jecel yahay Rasuulka” Hadalkii Cumar uu ku yiri wiilkiisa

(25)

Waa sannadkii lixaad ee hijriyada kahor. Goobtuna waa magaallada Makka. Wuxuu Rasuulka (scw) ka sheeganayay dhibaatooyinkii iyo hagardaamooyinkii kaga imaanayay gaallada qureysh isaga iyo asxaabtiisa, isagoo uu Rasuulkuna (scw) waqtigaas ku howlanaa gaarsiinta iyo fidinta dacwada islaamka.

Dhalasho farxad leh

Rasuulka (scw) oo ku sugan xaaladdaas, ayaa waxaa soo gaaray war ka farxiyay. Waxaa u yimid qofkii ku bishaareenayay inay Ummu Ayman ay dhashay wiil. Dhalashada wiilkaas ayaa waxaa si aad leh ugu farxay Rasuulka (scw), iyadoo ay wejigiisana ay si weyn u hareereesay farxaddaas. Taloow yuu noqon doonaa wiilkaas nasiibka badan ee uu dhalashadiisa ku farxay Rasuulka (scw)? Haddaba, aqristow wiilkaas waa saxaabiga aan soo bandhigayno sheekadiisa. Waa saxaabiga la yiraahdo Usaama Binu Zeyd ee loogu magac dari jiray “kii uu jeclaa Rasuulka (scw)”.

Asxaabta lama aynan la yaabin sirta ka danbeysa ee keentay inuu Rasuulku (scw) ku farxo dhalashadii Usaama Binu Zeyd. Maxaa yeelay waxay ogaayeen xiriirka qotada dheer ee uu Rasuulka (scw) la wadaagay waalidka Usaama. Usaama hooyadiis waxaa la yiraahdaa Barakatu Al-Xabasha looguna kunyoodo “Ummu Ayman”. Ummu Ayman waxay addoon u ahayd Aamina Bintu Wahab oo ahayd Rasuulka (scw) hooyadiis. Kolkii ay dhimmatayna hooyadiis waxaa Rasuulka (scw) barbaariyay Ummu ayman, iyadoo wanaajisay xanaanaynta Rasuulka (scw).

Jaceylkii Rasuulka (scw) ee Usaama

Sidaa darteed, qaddarin iyo maamuus aad u weyn ayuu Rasuulka (scw) u hayay Ummu Ayman. Aad iyo aad ayuu u jeclaa. Wuxuu u ixtiraami jiray sida inay dhashay oo kale oo ay tahay hooyadiis. Wuxuu Rasuulka (scw) inta badan oran jiray hadal macnihiisu ahaa ” Ummu Ayman waa hooyaday marka laga reebo hooyaday kadib, waxay ka hartay ahlu-baytkayga”. Waa taa hooyadii sharafta badneyd ee dhashay wiilkii nasiibka badnaa ee uu sida weyn ugu farxay dhalashadiisa.

Haddaba, haddaan ogaannay Usaama hooyadiis, waxaa misna habboon inaan baranno aabihii Usaama. Waa saxaabigii sidoo kale uu aadka u jeclaa Rasuulka (scw) ee la oran jiray Zeyd Binu Xaaritha, sidoo kalena aabihiis loogu magac dari jiray magaca Rasuulka (scw) kahor intuusan iman islaamka. Dhinaca kale, Zeyd wuxuu ka mid ahaa xog-hayeenadii Rasuulka (scw) ee uu sirahiisa ku qarsan jiray, sidoo kalena ku soo barbaaray gurigii Rasuulka (scw). Sharaf iyo wanaag waxaa Zeyd ugu filan in magaciisa lagu xusay qur’aanka kariimka ah, iyadoo muslim kasta oo aqriya qur’aanka xusayo magaciisa, isla mar ahaantaasna ajar iyo xasanaad ka helayo xuska iyo sheegitaanka magaciisa.

Saan horey u sheegnay, guud ahaan asxaabta Rasuulka (scw) waxay ku farxeen bishaaradii dhalashada Usaama Binu Zeyd farxad aynan sidiisoo kale ayan horey ugu farxin. Maxaa yeelay, tarbiyaddii ay ka qaateen Rasuulka (scw) ayaa tilmaamaysay inay ku farxaan dhammaan wixii farax geliya Rasuulka (scw), sidoo kalena ay dhibsadaan wuxuu dhibsado. Asxaabtii waxay ugu magac dareen Usaama magacan “wiilkii la jeclaa ee uu dhalay kii isna la jeclaa”. Bixinta magacaas kama aynan ahayn asxaabta mid ay macno la’aan ay isaga yiraahdeen, ee waxay u yiraahdeen maadaama uu jeclaaday Rasuulka (scw) sidaa si la mid ahna uu u jeclaa aabihiis Zeyd Binu Xaaritha ayeey magacaas ugu doorteen.

Saxaabiga ugu da’da yar

Ilaahay ha ka raalli noqdee, wuxuu Usaama Binu Zeyd ka mid ahaa dhalinyaradii asxaabta ugu da’da yaraa, waxayna isku da’ ahaayeen wiilkii uu awoowga u ahaa Rasuulka (scw) ee la oran jiray Xasan ayna dhashay Faatima Bintu Rasuulillaah. Xasan Binu Cali wuu caddaa, muuqaal qurxoona wuu lahaa, wuxuuna aad ugu ekaa awoowgiis Rasuulka (scw). Hase ahaatee, Usaama maadaama ay hooyadiis ka soo jeedday Xabasha (afrika) wuxuu lahaa midab maariin, lehna san weyn, wuxuuna aad ugu ekaa hooyadiis Ummu Ayman.

Inkastoo ay saas kala ahaayeen, haddana Rasuulku (scw) dhinaca kalgacaylka iyo jacaylka kuma kala sooci jirin labada wiil. Rasuulka (scw) wuxuu labadiisa gacmood mid uu ku qaban jiray Usaama, markaasuu wuxuu saari jiray mid ka mid ah booddadiisa, halka gacanta kalena uu ku qaban jiray Xasan markaasuu isna wuxuu ku fariisan jiray booddada kale, markaasuu si wadajir ah u dhunkan jiray isagoo labadooda u duceenaya oo leh “Ilaahayoow waan jeclaaday ee adigana jecloow”.

Jacaylkii weynaa ee uu Rasuulka (scw) u qabay Usaama Binu Zeyd waxay gaartay inuu maalin maalmaha ka mid ah uu arkay Usaama oo yimid albaabkii guriga Rasuulka, markaasna uu wejigiisa dhaawac ka soo gaaray, uuna dhiig ka daadanayo. Wuxuu Rasuulka (scw) u baaqay xaaskiisa Caa’isha inay ka tirtirto ama ka masaxdo dhiigii ka socday wejigiisa, hase ahaatee ma aynan jeclaysan Caa’isha inay samayso. Rasuulka (scw) ayaa intuu istaagay ka masaxay oo ka tirtiray dhiigii ka socday Usaama, isagoo ku oranayayna hadallo naxariis leh oo uu ku dejinayay wiilkan yar ee dhaawaca soo gaaray.

Rasuulka (scw) siduu u jeclaa Usaama yaraantiisa, ayuu misna u jeclaa markii uu noqday dhalinyaro. Mid ka mid ah madaxda qureysh oo lagu magacaabi jiray Xakam Binu Xizaam ayaa u soo hadiyeeyay Rasuulka (scw) xariir aad qaali u ah oo uu ka soo gatay Yeman. Rasuulka (scw) ma uusan qaadan haddiyaddii. Hal mar ayuu gashaday, waxayna ahayd maalin jumco ah, dabadeedna wuxuu siiyay xariirtii Usaama, isagoo ku xaragoonaya uuna la socdo dhalinyaradii muhaajiriinta iyo ansaarta ayuu magaallada kula wareegi jiray. Usaama markii uu qaangaaray waxaa ka soo muuqatay sifooyinkii suubbanaa ee keentay inuu muteysto in loogu magac daro “kii uu jeclaa Rasuulka (scw)”.

Usaama Binu Zeyd Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu lahaa caqli qoto dheer, geesinimo xad-dhaaf ah, xikmad uu ku kala miisaamo ummuuraha, dhowrsanaan oo aan aqbalin dulliga iyo daciifnimada, dadka soo jiita ayna dadka jecel yihiin, Alle ka cabsi badan oo ku dadaala xalaasha aadna u jecel Allihiisa.

Maalintii dagaalkii Uxud Usaama oo ay la socdaan qaar ka mid ah dhalinyarada asxaabta ayaa waxay u yimaadeen Rasuulka (scw), iyagoo markaas doonaya in loo fasaxo inay ka qayb galaan jihaadka. Rasuulka (scw) wuxuu dhalinyaradii ka qaatay qaar ka mid ah, halka kii aan qaan-gaarinna uu ka reebay ka qayb qaadashada jihaadka. Kuwii la soo celiyay waxaa ku jiray Usaama Binu Zeyd, wuxuu soo laabtay, isagoo labadiisa indhood ay ka burqanayaan ilmo badan, murugada uu ka naxay inuusan ka qayb gelin jihaadka.

Dagaalkii ugu horeeyay uu ka qaybgalo Usaama

Markii la gaaray maalintii dagaalka Khandaq ama Axzaab, waxaa sidoo kale markale u yimid Rasuulka (scw) Usaama oo ay la socdaan qaar ka mid ah dhalinyarada asxaabta. Usaama ayaa si kor ahaan u qooraansaday, bal si loogu oggolaado inuu ka qayb galo jihaadka. Rasuulka (scw) ayaa u dabcay isaga, dabadeedna wuxuu u oggolaaday inuu ka qayb galo jihaadka. Isagoo shan iyo toban jir ah ayuu qaatay seefta isagoo jidka Alle ku duullaya.

Maalintii dagaalkii Xuneen, waa dagaalkii lagu jebiyay muslimiinta waxaa sugnaaday Usaama Binu Zeyd oo uu la socdo Cabbaas Binu Cabdil-Mudhalib oo ahaa Rasuulka (scw) adeerkiis iyo Abii Sufyaan Binu Xaaritha iyo lix kale oo ka mid ahaa asxaabta kuwooda ugu sharafta badnaa. Wuxuu Rasuulka (scw) awooday isagoo wata ciidankan tirada yar ee rumeysan Rabbigooda inay jabkii muslimiinta ay u rogaan gargaar iyo guul, iyo inay muslimiintii cararay ka badbaadiyaan dhagarta kaga iman gartay mushrikiinta.

Markii la soo gaaray maalintii dagaalkii Mu’ta waxaa sidoo kale dagaalamay Usaama Binu Zeyd isagoo garab socda calankii uu siday aabihiis oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii dagaalkaas ee ka koobnaa saddexda nin. Markaan uu Usaama dagaalamayo da’diisu ma gaarin 18 jir. Wuxuu si fool-ka-fool ah u arkay dilkii aabihiis oo ku shahiiday dagaalkii Mu’ta. Hase ahaatee ma laciifin oo ma niyad jabin, balse wuxuu sii ballaariyay dagaalkii uu waday isagoo hoos socday calankii uu siday Jacfar Binu Abii Daalib oo ahaa Rasuulka (scw) ina adeerkiis, jeer isna laga dilo oo uu sidaas ku shahiido. Sidoo kale, wuxuu garab istaagnaa hoggaamiyihii isla ciidankaas ee saddexaad ee Cabdillaahi Binu Rawaaxa jeer isna laga dilo oo uu dagaalka ku shahiido.

Usaama Binu Zeyd wuxuu ku soo laabtay magaallada Madiina, halka aabihiisna uu ku shahiiday dagaalka. Markii uu soo galayay magaallada wuxuu Usaama saarnaa faraskii uu aabihiis saarnaa markii la dilayay.

Hoggaamiye ciidan

Sannadkii 11-aad ee hijriyada, wuxuu Rasuulka (scw) amar ku bixiyay in ciidan loo diyaariyo ciidankii roomaanka ee hoggaaminayay Hiraqle, wuxuuna ciidankaas ku daray saxaabada odayaashooda sida Abuubakar, Cumar, Sacad Binu Abii Waqaas, Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax iyo saxaabo kale oo fara badan. Wuxuu Rasuulka (scw) ciidankaas madax uga dhigay wiilkii xikmadda iyo caqliga badnaa ee Usaama Binu Zeyd, xilligaas iyada ahna da’diisu ma aynan dhaafin 20 jir.

Ciidankii oo ku jira is diyaarinta, ayaa waxaa xanuunsaday Rasuulka (scw), wuuna sii kordhay xanuunkii iyo cudurkii Rasuulka (scw) hayay. Sidaa darteed, ciidankii muslimiinta waxay dib u dhigeen duullimaadkii ciidanka, iyagoo doonayay inay ka war-dhooraan xaaladda uu ku danbeyn doonno Rasuulka (scw). Usaama wuxuu yiri “markii uu xanuunkii ku sii siyaaday Rasuulka (scw) waxaan u imid Rasuulka (scw), dadkuna way i soo raaceen. Markaan u soo galay, waxaan oggaaday inuu aamusay oo uusan hadli karin, xanuunka daran haya awgeed. Gacantiisa ayuu xagga samada kor ugu qaaday, markaasuu haddana anniga dusheyda saaray, waan gartay inuu ii duceenayo”.

Wax yar kamaba soo wareegan jeer uu markii danbe Rasuulka (scw) ka geeriyoodo, waxayna muslimiinta intaa kadib khilaafada u doorteen Abuubakar, dabadeedna howshii ugu horeysay ee lagu dhaqaaqo dowladdii Abuubakar waxay noqotay aaskii Rasuulka (scw) iyo inuu fuliyo amarkii Rasuulka (scw) ee ahaa in la diro ciidankii Usaama. Hase ahaatee, koox ka mid ah ansaarta ayaa waxay soo jeediyeen in dib loo dhigo arrinta ciidanka, waxayna ka codsadeen Cumar Binu Al-Khadaab inuu bal la hadlo Abuubakar, iyagoo ku yiri “haddii uu diido waxaan ka ahayn in ciidanka la diro, waxaad naga gaarsiisaa inuu talada ciidanka noogu dhiibo nin ka da’ weyn Usaama”.

Kolkii ay gaartay Abuubakar dhambaalkii uu siday Cumar ee ay soo jeediyeen koox ka mid ah ansaarta waxaa si aad leh uga carooday arrintaas Abuubakar. Fadhigii uu fadhiyay ayuu ka kacay markuu maqlay hadalkaas, kadibna wuxuu si caro leh u qabtay garkii Cumar Binu Khadaab isagoo ku yiri “hooyadaa ku weysay Cumaroow…, waxaa Usaama madax u doortay Rasuulka (scw) adigana waxaad i faraysaa inaan ka qaado jagadaas?! Wallaahi ayaan ku dhaartay inay dhacaynin taasi”. Cumar markii uu ku soo laabtay nimankii u soo dhiibtay dhambaalkaas, waxay weydiiyeen wixii uu la kulmay, wuxuuna ku yiri “iska taga oo baxa hooyadiin idin weysaye, anniga unbaa og wixii idinka dartiin aan kala kulmay khaliifkii Rasuulka (scw)”.

Ciidamadii uu hoggaaminayay wiilkii dhalinyarada ahaa waxay billaabeen inay anbabaxaan. Waxaa ciidankii sogeetiyay khaliifkii Rasuulka (scw) oo dhulka socdo, iyo Usaama oo saaran awrkiisa. Usaama ayaa ku yiri Abuubakar “khaliifkii Rasuulka Allow waxaan ku dhaaranayaa inaad halkan fuulayso annigana aan soo deggayo”. Abuubakar ayaa ku yiri “wallaahi inaadan soo deggayn, annigana aan koreynin.., “, kadibna sidii ayuu Abuubakar u sogootiyay ciidankii Usaama, isagoo u dardaarmay inuu fuliyo dardaarankii Rasuulka (scw). Dhinaca kale, wuxuu Abuubakar ka codsaday Usaama inuu Cumar u fasaxo inuu isaga la joogo, wuuna u fasaxay Usaama. Waa tusaale aad u wanaagsan oo aan ka baranayno ardaydii ka soo baxay madaaristii iyo hanuunkii Rasuulka (scw). Waa khaliifkii ama madaxweynihii muslimiinta ninka sidaas leh.

Guullo waaweyn

Ciidankii uu hoggaaminayay Usaama Binu Zeyd ayaa sidii ku kicitimay, wuxuuna Usaama fuliyay dardaarankii uu faray Rasuulka (scw). Fardihii muslimiinta ay wateen waxay jaxaabeen ama ay cagta mariyeen magaalooyinka Balqaa ee ka tirsanaa falastiin iyo sidoo kale qalcada lagu magacaabo Al-daaruumi oo iyadana ka tirsan falastiin. Ciidankii Usaama waxay cabsi weyn ku abuureen ciidamadii roomaanka ee waqtigaas ka talinayay dhulka Shaam ee sidaan sheegnay uu madaxa u ahaa Hiraqle, iyagoo waddada u xaaray sidii ay u furan lahaayeen magaalooyinka kale ee ku yaalay Shaam iyo Masar iyo waqooyiga Afrika ilaa laga soo gaaro badweynta hadda loo yaqaano badweynta atlantic-ada.

Ilaahay ha u naxariistee Usaama Binu Zeyd wixii intaa ka danbeeyay wuxuu soo laabtay isagoo saaran faraskii uu lahaa aabihiis kadib markuu ku shahiiday dagaalkii Mu’ta, isagoo sidana markaas qanaa’imtii ama hantidii faraha badnayd ee ay intay muslimiintii fara badnideeda la yaabeen yiraahdeen “lama arag ciidan ka nabad gashoon kana hanti badnaa ciidankii uu hoggaaminayay Usaama”. Dhammaan muslimiintii ayaa qaddarin iyo maamuus weyn u hayay Usaama intuu noolaa oo dhan, isagoo lagu ammaanayay siduu u fuliyay ballamihii uu la galay Rasuulka (scw) iyo awooddii shakhsiyadeed ee uu lahaa.

Dhacdo uusan Usaama weligiis hilmaamin

Inkastoo wacdarooyin fara badan uu wiilkii dhalinyarada ahaa ka muujiyay duulimaadyo badan oo uu muslimiinta kala qayb taaya dagaallo kala duwan, haddana waxaa dagaalladaas ku jiray mid uusan hilmaamin ama iloobin intuu dunida saarnaa oo dhan. Waxay ahayd labo sanno kahor intaanan la oofsan Rasuulka (scw). Wuxuu Rasuulka (scw) diray koox ilaalo ah oo gacanta ku soo dhigta gaallada kuwooda sida daran dhibaatada ugu hayay islaamka iyo muslimiinta. Kooxdaas ilaallada ahayd waxaa madax looga dhigay Usaama. Waa markii ugu horeysay ee uu Usaama hoggaamiye loogu dirto koox ciidan ah. Kooxdii ilaallada ahayd howshoodii waxay ku soo gabagabootay guul, guushaasna waxaa si weyn ugu farxay Rasuulka (scw). Bal Usaama laf ahaantiisa aan ka dhagaysano wixii uu dagaalkaas kala kulmay maalintaas.

“…. waxaana ballan ku galay inaan wixii hadda ka danbeeya aanan la dagaalamin qofkii ku dhawaaqa shahaadada ee yiraahda Laa Ilaaha Illallaah kadib markaan sidaas Rasuulka (scw) ka maqlay” Usaama Binu Zeyd
Usaama wuxuu yiri: “waxaan u imid Rasuulka (scw) annigoo ugu bishaareenaya guushii aan helnay. Rasuulka (scw) wejigiisa waxaa ka soo muuqday farxad weyn, wuu ii soo dhowaaday, wuxuuna igu yiri bal ii waran. Waxaan billaabay inaan uga sheekeeyo siduu dagaalka u dhacay. Waxaan u sheegay markii ciidanka gaallada ay jabeen inaan gacanta ku dhigay nin ka mid ah iyaga, markaan warankii aan watay aan damcay inaan ku dilo ayuu yiri Laa Ilaaha Illallaah, hase ahaatee kama aanan dhageysan oo waan dilay. Markaan intaas iri, waxaa markiiba doorsoontay wejigii Xabiibka Rasuulka (scw), wuxuuna igu yiri maxaa kugu dhacay Usaama..!, maxaad ku oran doontaa Laa Ilaaha Illallaah??. Dhowr jeer ayuu hadalkaas ku soo celceliyay Rasuulka (scw) jeer aan ka jeclaado inaan diinta islaamka hadda koow ka soo billaabo, waxaana ballan ku galay inaan wixii hadda ka danbeeya aanan la dagaalamin qofkii ku dhawaaqa shahaadada ee yiraahda Laa Ilaaha Illallaah kadib markaan sidaas Rasuulka (scw) ka maqlay”.

Falkaas waxay Usaama u noqotay dersi uusan weligiis hilmaamin, taasoo tilmaamaysa caddaaladda iyo insaaniyadda Rasuulka (scw). Xitaa qofkii gaalka ahaa ee laga yaabayay inuu oraahdaas naftiisa ku badbaadinayay wuu diiday Rasuulka (scw) in la dilo kadib markii uu ku dhawaaqay shahaadada. Waa dhab inuu Usaama dhacdadaas ka qaatay dersi aad u weyn. Xilligii ay dhacday fidnadii dhexmartay Cali Binu Abii Dhaalib oo ay taageerayaashiisa weheliyaan iyo Mucaawiye oo isna ay weheliyaan taageerayaashiisa, waxaan og nahay inuu Usaama dhexdhexaad ka ahaa labadaas kooxood.

Inkastoo Usama ay ula muuqatay inuu xaqa la jiro Cali, haddana wuxuusan marna ku dhicin inuu seeftiisa ula baxo qof muslim ah oo rumeeyay Alle iyo rusushiisa. Qaar ka mid ah asxaabtiisa ayaa u yimid, iyagoo ku boorinaya inuu iyaga la safto, hadalladii cad-caddaa ee uu ku yiri waxaa ka mid ahaa “annigu la dagaallami maayo qof yiri Laa Ilaaha Illallaah”. Mid ka mid ah nimankaas ayaa ku yiri “soow Alle ma oran: la dagaallama jeer aan laga helin gaalnimo (fidno) una ahaato diintu dhammaan Eebbe (sw)..” aayadda 39 suuradda Al-anfaal. Usaama wuxuu ugu jawaabay “kuwaas laga hadlayay waa mushrikiinta, waana la dagaallanay jeer laga waayay fidno, diintuna dhammaan ay u sugnaatay Eebbe (sw)”.

Mushaar dheeri ah

Dowladdii khilaafada Cumar, wuxuu Cumar uga qoray Usaama bankiga dhexe ee muslimiinta mushaar ka badan intii uu qaadanayay wiilkii uu dhalay Cumar ee la oranayay Cabdullaahi, isagoo Cabdullaahi arrintaas ka biyo-diiddanna wuxuu aabihiis ku yiri ” aabe, waxaad Usaama u qortay lacag gaaraysa 4000, halka aad annigana iga siisay 3000, mana arki waxa uu aabihiis uu adiga ku dheer yahay, dhinaca kalena isaga (Usaama) laf ahaantiisa wuxuu i dheer yahay ma jiraan”. Cumar ayaa wiilkiisa ku yiri “waxaad sheegtay waa kaaf-iyo-kala-dheeri, Rasuulka (scw) Usaama aabihiis ayuu ka jeclaa adiga aabahaa, isna (Usaama) ayuu Rasuulka (scw) adiga kaa jeclaa”. Markii uu hadalkaas maqlay Cabdullaahi wuu ku qancay hadalkii uu aabihiis ku yiri, isagoo ku raalli noqdayna qaybtii looga qoondeeyay bankiga dhexe ee muslimiinta.

Maamuuskii Cumar ee Usaama

Cumar Binu Khadaab Ilaah ha ka raalli noqdee si goonni ah ayuu maamuusi jiray Usaama. Kolkii uu la kulmo wuxuu ku oran jiray “soo dhawoow amiirkaygow”, markii uu arko qof la yaabaya hadalkaasna wuxuu ku oran jiray “waxaa amiir iigu dooray Rasuulka (scw).” Sannadkii 54-aad ee hijriyada wuxuu Usaama isagoo aad ugu hilowsan ugu dheelmaday la kulanka Eebbe (sw), sidaasna ayuu ku geeriyooday.

Ugu danbeyntii, waxaan Ilaah ka baryaynaa inuu u naxariisto kana raalli noqdo Usaama Binu Zeyd, taariikhda islaamka way ku yareyd in la helo qof kulansaday sifooyinkii suubbanaa ee uu lahaa Usaama Binu Zeyd.

ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaan cali
Email:siciid_32@hotmail.com

Geel Salaad Tukanaya, Mucjiso Indhaha Caalamka soo jiidatay

rati20tukanaya1(ceerigaabo.wordpress.com)(10.11.2008)-Nin la yidhaahdo Abuu C/laahi oo u dhashay Waddanka Sacuudiga ayaa saxaafadda u sheegay in Ratigiisa uu ku arkay Calaamado uu aad ula yaabay,

Arrintaani oo uu il gaar ah ku hayay in badan Abuu Cabdullaahi ayuu ugu Dambeyntii go’aansaday in uu soo bandhigo.

“Xilliga aan safarka ahay oo Salaadda waqtigeeda la soo gaaro ee aan salaaad galo Ratiguna dhaqaaq ayuu sameeyaa ,Isagoo markaan Sujuudana ila sujuuda, Waxana aan aad ula yaabaa Dhawaq la maqli karayo oo uu bixiyo Inta aan Aqrinayo Salaadda Qiraa’adeeda” Ayuu yidhi Abuu Cabdullaahi oo ah Ninka iska leh Ratigani Cajiibka ah.

“Xitaa hadii aan guriga aan joogin oo aan la joogin ee waqtiga Salaadda la gaaro wuu Tukanayaa”. Ayuu yidhi Abuu C/llaahi.

Waxaa kaloo dadka oo dhan ka yabisay marka uu tukanayo Ratigani waa uu qushuucaa indhihiisana waxaa kasocda ilmo aan kalajoogsi lahayn.

Dhacdadan Mucjisada ah oo maalmahan Saxaafadda Adduunku ay aad u hadal haysay ayaa Dadka Muslimka sheegta ee aan Iyagu Salaadda Ilaaheey Tukanin ay ku noqotay Xujo aaney meel ay kaga baxsadaan jirin, Maadaama Xayawaankii oo Ilaahood u Sujuudaya ay Indhahooda ku arkayaan,Iyagoo Insaan ah oo Caqli Ilaaheey siiyay laguna Faral yeelayna ay ka tagayaan.

ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaan cali
Email:siciid_32@hotmail.com

ceerigaabo iyo dawasho wacan

ceerigaabo iyo daawasho wacan

Wacan oo wanaagsan waxaad ku soo dhawaataa taariikhda gobalka suuban ee Sanaag.

Dalxiisaida Sanaag sidaan wada ognahayaba Somaliya waa meel aad iyo aad u qurux badan lehna wax yaabo aad ka helayso gobal walba oo soomaliya ku yaal wuxuu leyahay wax aad markaad argto aadan ka tegi karayn kuwo waxay leeyihiin webiyo waa waayn buuro dhaadheer iyo dhaqale lakiin qaybtood dhaqaale fiican malaha ee waxay leeyihiin dhul fiican Sanaag waxay kamid tahay Gobaolada somalaiya ug qadiimisan waay ku fadhidaa dhul aan yarayn markaa waxay sanag leedahay buura ad u waawayn ahana caan loona dawasha tago waxa ma mida buurahaas CALMADOW iyo DAALLO waa buuro aad iyo aad u qurux badan markaad tagtona aad ka helayso wax walba oo illahay uu ku abuuray Daallo maantegin lakiin Calmadow waxay ledahay beero aad u waawayan oo qudaarta lagabeero iyo weliba qaadka iyo wixii lamida hoos markaad calmadow uga sii degto waxaad ku degaysa bada iyo Lasqoray uu leh bada ug fiican badan waqoyi waxaa ku taal laasqoray oo ay caan ku tahay warshada kalluunka oo ka mid ahayd shantii warsahdood oo somaliya ug cansanaa welina shaqaysa oo hadala sii cus boonaysiiyey calmadow waxaa ka baxaa qaad, saytuun ,rumaan, qashir i.w.m waxaa ka baxa calmadow oo aah buurta kowaad ee somalya ugu anfaca badan geedka dhamaska iyo maydiga, beeyada waxaan kaa codsana inaad soodawato Sanaag Calamadow waxaa degan dad noocwalbaleh waxaan lagu soo dhawaynayaa Sidii boqor makraa yimid ee go and see it i hope i see ypu there that is all i know about Sanaag.

ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaan cali
Email:siciid_32@hotmail.com

ceerigaabo

allaa mahad leh

Qabyo(2)

caalamka jacaylka

Calaamaadka JACEYLKA Doodi kama taagna in dunida aynu ku nool nahay in ay Jaceyl ku dhisan tahay , mana jiraan laba qof oo isku haysta in waxa la yiraahdo Jaceylka uu yahay mid jira laakiin qof waliba macna gaar ah ayuu u yeelaa gaar ahaan qof uu cudurkaasi ku dhaco .Waxaana adag in si dhab ah loo micneeyo Jaceylka ama la ogaado macnaha dhabta ah ee saxda ah ee uu leeyahay inkastoo qoraayaal badan ay isku micno u soo dhaweeyeen .

Haddii aad qof weydiiso waxaa maxay Jaceylka waa adag tahay in uu ka jawaabo weyna adag tahay in xiligaasi aad jawaabta hesho .

Laakiinse jawaabta dhabta waxa ay noqoneysa in Jaceylka uu yahay magacyada kuwo la sameeyo kan ugu mac , waxaan kaloo u dhigi karnaa sidaan:

Jaceylka waa Koob ay ka buuxdo Hawo qof walba oo wadna sahqeynayana leh uu doonayo in uu Cabbo ,waana sida qaboow iyo kuleel sida uu kuu so maro , waa uuna ka dheereeya Ileyska dhab ahaan , waana asaaska wax walba oo qeyr ah oo Fiican .

Jaceylka waa sida Doon Bilaa shiraac ah oo badda mowjadaheeda si amaan ah ku mareysa marna waa gilgilaha Dunida oo buuraha Fulkaano ka qarxiya .

Jaceylka waa Cudur , Guurkana waa Caafimaad , Cudur iyo Caafimaadna meel ma wada kulmaan .

Jaceylka dhabta waa sida Catar ama Barfuun oo raadkiisa ama caraftiisa iska taagan tahay oo aan baaba`eyn waligiisa.

Jaceylka waa abuur dareen oo dabiici ah oo uu qofi qof kale ugu gudbiyo aragti, hadaan si kale u dhigana Jaceylka waa hanasho waa jamasho waa hiloow.

Jaceylka waa mid ka mid ah xalaadaha ugu weyn aduunka kaasi oo qofka qof kale u soo jeeda si ay u garaan wada noolaasho .

Ma ah Jaceylka in aad ku tiraah qofka wana ku jeclahaya balse waa in uu lahaada ficil oo la qaadaa talaabooyin si ugu dambeeyntii loo gaaro dhadhaminta macaanka nolosha lagu askumay Jaceylka dhabta ah .

Qofka wax jeclna waxa uu sameeyaa inta karaankiisa sidii uu soo jeedin lahaa nafta kale isaga oo ku saleeynaya dareemo ah in ay wada yihiin hal naf , hal caqli , hal gacan , hal jir iyo hal urur .

Macnaha Jaceylka ma ah mid lagu soo koobi karo maqaal ama laba maqaal laakiinse waan filiyaa in nuxur badan ama macno badan aad kala bixi doonin .

Calaamadaha Jaceylka:

Inkastoo qof waliba oo uu soo maray Jaceyl dhab uu u leeyahay calaamado gaar ah hadana inta badan waxa la isku raacay calamadahaan Dhidid fara badan, farxada la`aan , Fikir xad dhaaf ah , dhibsiga hadalada dad kale , in si weyn ugu oomanaato in lagaaga sheekeeyo qofka aad jeceshahay(gabar ama Wiil) iyo in aad aragto muuqiisa , cunnada oo ka xeranta , iyo waliba aqrinta sheekooyinka la xariira Jaceylka .

Wax Yaabaha Jaceylka Sara U Qaada: daacadnimo . adkeeynta balanta, ihtimaam siin ama daryeel, Runta , kalsooni .
Wax Yaabaha Jaceylka Bur Buriya:Qiyaanada waa mid ugu horeeysa ee ugu weyn in uu bur buro Jaceylka , Beenta iyana waa qeyb ka mid ah sababaha keena fashilka Jaceylka, Balan la`aan , in aadan daneyn qofka Jaceylka kaala dhaxeeyo , iyadoo Mowjadaha Jaceylka aad qof kula jirto in aan meel kale isku dayin in aad gasho taasi micnaheedu wa Damac qof kele.

Haddii aan Xaraf xafar ukala qaadno Jaceylka Soomaali ahaan waxa aynu u dhigi karnaa J(Jahwareer) A(Amakaag) C(Calaalncal)A(Ahmiyad) Y(Yaab) L(Luul) dhanka Carabta erayga (EiKC ) waxa ay u dhiagaan sida EiKEI waxa ay u taagan tahay Wareer halka EiCEI-na un taagan taagan tahay Cudur .

Erayga Jaceylka Ciyaar ma in aad ku dhawaaqdo waxaase asxaabta maqaalkaan fursad u hesha in ay aqristaan ku boorinayaa iyadoo aan Jaceyl hayn in qof kale ku yiraahdaan waan ku jeclahay iyadoo suura gal ah in qofka aad ku leedahay waan ku jeclahay uu dhab u qato ugu dambeeyntii cidlo uga tagto .

Ubaxu Waa Luqada Jaceylka

Dadka is jecel ee Duinada ku nool waxa ay leeyihiin habab u gaar ah oo ay ku muunjiyaan Jaceylkooda iyo waxa ay rabaan .

Tanina waxa ay tahay luqad u gooni ah oo uusan fahmi karin qof aan dhadhamin waxa uu yahay Jaceylka mooyee iyadoo luqadaasina ay tahay Luqadda Ubaxyada oo ka mid ah luqadaha ugu fiican Aduunka .

Hadaba Haddii Laanta Ubaxa u janjeerto dhanka Midig micnaheedu waa (Aniga ) .

Haddii ay u janjeerto dhanka Bidix micnaheedu waa (Adiga)

Hadii Ubaxa laguugu soo dhiibo gacanta Midig waxa ay ka tarjumeysa jawaab wax ku ool ah oo lagu farxo haddiise laguugu soo gudbiyo Bidix waxa ay muujineysa jawaab aan fiicneyn oo aan wax ku ool aheyn.

Haddii Haweeneydu laanta ubaxa saarto wadnaheeda korkiisa waxa ay dooneysaa in ay tiraahdo “Waxaan jeclahay” .

Haddii haweeneydu Ubaxa ku tidicdo timaheeda waxa ay taasi ku tuseeysaa Digiin .

Midibada Ubaxa iyo micnaha ay xanbaarsan yihiin .

Midibka Gaduudka Micnahiisa: Aniga waxaan diyaarinayay maalmihii mar kale aynu wada kulmi laheyn .

Midibka Gaduudka Buuxa Micnahiisa: In Badan ayaan ku weysanaa.

Midibka Jaalaha Micnahiisa: Run ayaan kuugu dhaaranayaa waan ku jeclahay .

Midibka Cadaanka ah Micnahiisa:Waxaan aamisanahay hufnaantaada iyo ceeb la`aanta waxaana dhowrayaa dhowrsanaantada.

Midibka Oranjiga ah Micnihiisa: Waxaan ahay saaxibkaaga daacadda ah .

Midibka Maariinka micnihiisa:Waxaan kuu rajeeynayaa guul iyo barwaaqo.

Midibka Baluuga:Waan ku bar bar taaganahay inta aan ka dhimanayo .

Tirada Ubaxyada iyo micnahooda

1-Halkii Ubaxa Ah: Wax waliba waa ii Adiga .

2-labada xabo ee Ubaxa: Ina keen aynu wada safarnee .

3-sedexda Ubax: koorma ayaan awoodaa in mar kale aan kuula kulmo.

4-afarta xabo :Waan kuu mahad celinayaa .

5-shanta Ubax: Wax walab oo aad iga codsato waan sameynayaa.

6-lexda Xabo ee Ubax: Sheekadaada ama hadalkaada ayaan u xiisay .

7-todobada Ubax :waan ku Jeclahay .

8-sedeeda xabo ee Ubax :daacad ayaan kuu ahay inta aan ka dhimanayo.

9-sagaal Ubax:waxaan rabaa in aan kaligey ahaado xagaada .

10-Tobanka Xabo ee Ubax: Ma Dooneysaa in aad i guursato Aniga .

Dhambaaol Jaceyl oo kooban :

1-Nafyaheey degtay oo qabsatay qalbikeyga iyo maankeyga xukuntayna guud ahaan dareemaheyga , waxaan kuu soo dirayaa fariintaani xanbaarsan uduga Jaceylka iyo ubaxyada aduunka .

Jaceylkeygaay waxaan ogaaday in Jaceylku Macaan yahay noloshana macno leedahay taasina waxa ay timid markii aan ku jeclaaday .

Jaceylkaaga qalibigeyga waa uu ku kobcay iyadoo haatan uu gaaray in aan maxbuus u noqdo Jaceylkaasio.

Jaceylkeygaay waxaan xanbaarsanahay guud ahaan wax walba oo is burinaya oo liddi isku ah ee dunida yaal oo ah Rajo , Quus , Faraxad iyo Murugo waana ku faraxsanahay Jaceylkaaga .

Waxaad iga soo bixisay nolosha murugada iyadoo Jaceylkaada uu i keenay oogada dhulka oo aad igu dhandhansiisay faraxda Jaceylka .

Xabiibi kaama qarinayo in wadnaheygu ama qalbikeygu ahaa saxaro lama dagaan ah balse Jaceylkaada ayaa iiga dhigay beer doog leh oo uu Jaceylkaada waraabinayo .

Xabiibi waxaan doonaya in aan ku qayliyo cod kan ugu dheer , waxaan doonayaa in guud ahaan waxa Qalin iyo warqad taal dunida in aa ku qoro Jaceylkada .

Waxaan fariintaani ku soo qorayaa guud ahaan xarfaha Jaceylka oo aan ku soo qorayo dhiigga Qalbikeyga , haddii aan kuu soo qoro erayda kuwo ugu mac ee Jaceylka ma gudi karo xaqaaga , waxaan wadnaheyga ku wadaa wax walba oo uusan qof fileyn hadii aan dadka gabya kuwa wax qura u micneyn lahaana Jaceylka aan ku qabo mucjiso ayay ku noqon laheyd .

Dhambaalo Jaceyl :

Macaanto/macaae, Waxaa ii tahay ileys ii baxay waxaa sidoo kale ii tahay Jaceyl aan marna Laabtayda ka go’i karin,Waxaa habeen iyo Maalin Gacaliso/Gacliye i hor taagan waa adiga iyo Riyadaada,Macaaneey/Macaane Waxaan habeen iyo Maalin igu soo kordhaya waa Jaceylka aan ku qabo.

Walaahi Dareenka aad jirkeyga ku leedahay waa mid aan lasoo koobi karin,Laakiin waxaa mararka qaar niyadeyda ku dhistaa in aan Maalin un ku heli doono,Macaaneey/Macanaae la soco in aad nolosheyda gelisay Saaxada Caashaqa oo aad adiga mooyee aysan rabin cid kale.

Waxaan Xalay saqdii dhexe galay Daruuraha Samada’iyo Noloshii Jaceylkeen midii ugu manaaceyd,Waxaan dheelalaababa Waxaa la ii lulaayaa Laamihii Jaceylkeena kuwii ugu wacnaayoo abidkeenba aan rabnay.
Adigana Macaaneey/Macaanoow waxaa kaa sugayaa waa in aad dhankaagiyo ka ilaalisaa Caashaqa,Sababtoo ah haddii aanan Caashaqa labadeena wada ilaalin Macaanto dhibkeeda ayey leedahay,Sidaasi darteed waan ku kalsoonahay Jaceylkeena inuu najixi doono oo waliba Guushisa wada qaadan doono.

Inta Dumar/Rag filkaa’iyo Waxaad tahay Faceed tii u fiicneyd,Umaad dhalan Fudedd iyo Fowdo in aad Abuurtoo Faduul Aadmi maad baran,Fariidaan jaclaayey Fikradaada wacan iyo Fahmadaada Badanbaa Facaa aad ku dhaaftee Alle ii kaa Fayoobee Macaaneey/macaanoow.

Cishqibeygu fidayoo Feeraha dhexdoodiyo Halbowlaha ku faafee,Waxasina waxaa i garsiiyey Waa Codkaaga Dahabiga ah ee lagu laray Dareemihii Jaceylkeyga kii ugu badnaa,Marna ma moogaan karo codkaaga ,sidoo kale marna ma sugi karo inta aan ka helayo Qoraalkaaga iyo Sheekadaada.

Fariin kale :
1-Waan wada eegay wajiyada aduunka maba arag bashar kaa qurxoon kaana wanaagsan , maba sifeyn laheyn arimahaani oo idil haduusan Jaceylkaada i qaadi laheyn.

Jirkaag siman , indhahaaga qurxoon oo hadii dunida oo idil isu timaado sifeyn karin ayaan u oomanahay ,.

Mana ah markii ugu horeeysay oo aan fariin kuu soo diro oo ay ka muuqdaan Oraahyo muujinaya Jaceylka aan kuu qabo iyo muragada i haysa waxaan kaa sugayaa jawaab guud ahaan iga baabisa muragada aynu ku dheehan tahay ogalaasho ku aadan in aad wax ila qabto .

Jawaabta Fariinta:Waa ay i soo gaartay fariintaadi wareegga dhiiga saameyneysay ayna ka buuxday rabitaanka Jaceylka iyo isu soo dhawaanshaha Jawaabta soo daahday-na waxa ay aheyd mid aan ku eegayay inta uu la eg yahay Sabarkaaga iyadoo aan sugi waaysanaa jawaabtaada ayaa waaxa ii keenay boostaale.

Waan ku farxay aqrinteeda markii aan dhadhamiyay dareenada ka muuqda ee fog ee igu aadan , markii aan si wacan u sii eegayan-na Ilmo ayaa iga soo hoortay .

Waa ikanaa aniga oo kuu soo diraya fariin muujineysa sida niyad samida ah ee aan kaaga aqbalay Jaceylka iyo rajada macaan ee aad ii qabto , waxaana tix gilinayaa ilinta iiga dhacday dhulka markii aan aqriyay fariintaadii ugu dambeeysay ee aad ku soo bandhigtay cudurka ku hayo .

Fariin kale:Ka hor inta aan bilaabin qoraalka erayadaani ii ogolaaw in aan muujiyo waxa ka soo baxayo qalbigeyga ee muragada iyo farxadda leh taasi oo ah kuleylka Jaceylka aan kuu hayo .

Ma garanayo meel aan hadal kaaga bilaabo taasina waa karaaca wadnaheyga oo doonayo in aan uu kuula shaqeeyo muragadana iga qaadid , Saacaddii aan ku arkay ilaa hadda indhaheyga waxa ay diideen in ay seexdaan oo ay dhadhamiyaan macaanka hurdada , waxaan kaa fekiraa Habeen iyo maalin waxaan ku riyoodaa in mar uun aan ku heli doono .

In badan ayaan ku kormeerayay mudadaasina waxaan ku ogaaday in aad tahayqof dhowrsoon oo iina qalantana , waxaana dareemay in nafteyda ka maarmin naftaada .

Si aan kuugu muujiyo dareenkaasi waxaan kaa codsanayaa in aad iga aqbashid in aan kuula kumo .

Jawaab fariintaasi :Wax lala yaabo ma ah in markii aad i aragtay uu kuugu dhacay cudurka indhaha l`a ee Jaceylkaasi ah ,shakigana iigama jira in aad dareemay nooca aragtidaada waxaan dareemay in uun wax jiraan , waadna i hamisay iyadoo aan wax hadal ah na dhex marin sidaa awgeed waxaan kaa ogalaaday in aan kuula kulmo beri galab si an u qiimeeyo cadeeynmaha Jaceyl ee aad ii Hayso .

Waxaan kaa rajeynayaa in hadalkaaga uusan noqon mid qiyaano , waana suura gal in nolol daacad kuwada noolaano .

Fariin Qof Jaceyl Qarsanayay:

In badan oo aan Jaceylkaada ku qariyay Qalbigeyga waa kan isaga oo haatan banaanka isa soo dhigay iyadoo daaqad walba oo uu furay-na qalbigeyga uu ka qaabilay falaarta Jaceylkaaga iyo labadaada indhood ee qurxoon .

Waa ikan aniga oo ku dhiiraday in aan fariintaan ku soo qoro si aan kuugu muujiyo sida aad qalbigeyga ugu qoran tahay iyadoo qalbigeygana dhaawacan yahay ka dib markii uu xoogeysaty sida aan kuula dhacsanahay , waana igu kocbay mana ka sheegeyn karo Kaligey.

Ha la yaabin erayada aan kuu soo qoray maxaa yeelay Jaceylka aan kuu qabo ayaa sidaan iga yeelay oo guud ahaan milkiyay nafteeyda waxaan ku jeclaaday Jaceyl kan ugu weyn kaasi oo awood u leh in duniada oo dhan uu saameeyo.

Xubin walba oo jirkaada ah waa ay ii yeereysaa , shaqsiyadaada , indhahaaga raganimadaada , fadlan baaqaasi oo dhan ee qalbigeyga ka soo baxaya igula eeg qalbi naxariisan.

Hadduu gacmahaaga aan ku soo rido amaanadaasi waxaan rajeynayaa in aan gaarayo Jaceylka macaan ee sareeya , waadna igu farxad gilineysaa in aan gaaro riyooyinkaasi oo dhan .

Haddii waxaase oo dhan aan gaari waayo ogoow in badaha muragada galay oo aan qof aan adiga aheyn aan dooneyn wax walba oo dhaca .

Qaali ku kalsoonaaw in aan kuu ahaanayo daacad .

Jawaabta fariinta:Qaali ogsoonaaw in aan doonayay in aan noqdo qofka ku horeeya fariintaani oo aan doonayay in aniguba kuugu muujiyo baaxada shucuureed ee aan kuu qabo .

Balse mar waliba oo aan qalinka iyo waraqada is dul saaro ayaa waxaa ii diidayay qalbiga oo lahaa hadal ku gudbi fariintaani culus .

Ma qarinayo in aan horay ula dhacsanaa hanaankaada , deganaashahaada isu dheeli tirka quruxdaada , mana la yaabayo in eegitaankeygii uu ii igu filnaa in uu soo badhigo quruxdaada .

Ku kolsoonaaw qaali in aan noolaneyn la`aantaada oo aan dhibkaa Jaceylka iyo faa`idooyinkiisa aan kuula qeybsanayo .

Xabiibi waxa uu qalbigeyga u furan yahay in uu qaabilo uu soo dhaweeyo wax walba oo ka soo go`a qalbigaaga daacadna waan kuu ahay si aan guul u gaarno .

Cismaan Xasan Cali (Fantastic)
ossmanfantastic@hotmail.com
Cape Town +27739667794
Xaquuqda Qoraalkaani waxa ay u dhowrsan tahay Qoraaga

ceerigaabo

ceerigaabo.wordpress.com

siciid c/raxmaan cali

Email:siciid_32@hotmail.com

siciid_cc@hotmail.co.uk

WARAAQIHII UU NEBI MUXAMED (SCW) U DIRAY BOQORRADA

Casharka 64aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

WARAAQIHII UU NEBI MUXAMED (SCW) U DIRAY BOQORRADA
QORITAANKII WARAAQIHII LOO DIRAYEY BOQORRADA

Markii uu Rasuulku SCW ka soo laabtay Xudeybiya oo uu heshiis la soo saxiixday codawgii islaamka ugu darnaa ee qureysh, oo ka mid ahaa saddexdii qolo oo ugu fitnada iyo cadaawada badnaa mandiqaddaas, duullaankii Axsaabna isku soo bahaystay, ayuu Rasuulku SCW wuxuu bilaabay in uu dacwadii islaamka u bandhigayo, waraaqana u kala dirayo boqorradii iyo madaxdii caalamka, gaar ahaan kuwoodii ugu waaweynaa, isaga oo jihaadkana dhiniciisa ka wada maxaa yeelay dacwada iyo jihaadku ma kala maarmaan, mana dhici karto in la yiraahdo dacwo ayaa la wadayaa, jihaadna looma baahna, waxayna taasi la mid tahay dowlad ciidan la’aan ah ama ciidan hub la’aan ah. Sidoo kale ma dhici karto jihaad ayaa la wadayaa oo dacwo looma baahna, wuxuu Allaah SW ugu talo galay in ay dacwada iyo jihaadku is dhinac socdaan oo caalamka oo dhan la wada gaarsiiyo diinta islaamka, ciddii ka hor timaadda oo isku deyda in ay joojisa dacwada islaamka ama dadka u diidda in la gaarsiiyo diintaas, in lala jihaado oo la edbiyo ilaa ay ka oggolaato. Jihaadku waqti ma leh ilaa saacadda qiyaame laga gaaro.

Haddaba haddii aan dib u jalleecno mawduuceenii, Rasuulku SCW markii uu soo laabtay isaga oo dacwadii iyo jihaadkiii sidii u wada, ayuu wuxuu bilaabay nooc cusub oo dacwada ka mid ah oo ahayd waraaqo uu u kala direy boqorradii iyo madaxdii caalamka, islaamkana ugu yeerayo. Markii uu Rasuulku SCW waraaqahaas bilaabayey ayaa waxaa lagu yiri “boqorradu ma aqbalaan warqad aan tiimbareysnayn”, markaas ayuu wuxuu samaystay farraanti qalin ah oo lagu naqshadeeyey MUXAMMADU RasuulU-LAAH, wuxuuna ahaa saddex layn: Muxammed oo sadar ah, Rasuul oo sadar ah iyo Allaah oo sadar ah.

Waqtigii uu Rasuulku SCW waraaqahaas bilaabay waxa ay ahayd bishii Muxarram, sannadkii 7aad ee hijriga. Haddii aynu mid mid u soo qaadanno waraaqahaas iyo jawaabohoodii waxa ay ahaayeen sidan:

WARQADDII LOO DIREY BOQORKII XABASHIDA EE NAJAASHI

Najaashi waxaa magaciisa la oran jirey Axsama binu Abjar, wuxuuna xukumayey dowladdii xabashida, qisadiisana waynu soo marnay sidii uu muslimiinta u soo dhoweeyey iyo caddaaladdiisii, wuxuuna haystay diinta Masiixiga. Warqaddii uu Rasuulku SCW u qorey waxa ay ahayd sidatan:

Ka socota Maxammed, Rasuulkii Alle
Ku socota Najaashi, Madawweynaha Xabashida
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ha ahaato.

Intaas ka dib, anigu waxa aan kugu mahadinayaa Alle, Allihii isaga maahane uusan Alle kale jirin oo ah boqorka Muqaddaska ah, ahna nabadgeliyaha mu’minka iyo ilhaamiyaha. Waxa aan qirayaa in Ciise ibnu ruuxdii Alle iyo kalimaddiisii uu ku riday Maryamatu-batuula, Maryamana ay ku qaadday Ciise ruuxdiisii iyo afuufiddiisii siduu Aadanba ugu abuuray gacantiisa. Aniga waxa aan kuugu yeerayaa Alle keligii oo aan shariik lahayn iyo xiriirinta daacadiisa iyo in aad i raacdid oo rumeysid wixii ii yimid, aniguna Rasuulkii Alle ayaan ahay. Waxa aan kuugu yeerayaa adiga iyo askartaadaba Alle Case-wajalle, waan ku gaarsiiyey (diintii), waana kuu naxteexeeyey. Yeel waanadayda, nabadgelyana qofkii hanuunka raaca korkiisa ha ahaato.

Laakiin Beyhaqi wuxuu Ibnu Isxaaq ka weriyey in warqaddii Rasuulku SCW u qoray Najaashi ay ahayd sidan:

Tani waa warqaddii ka socotay Nabi Maxammed,
Ku socotay Najaashi Asxam, madaxweynihii Xabashida
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ah ahaato.

Alle iyo Rasuulkiisa rumee, waxa aan qirayaa Alle maahane Alle kale in uusan jirin, keligiisna yahay, shariikna aanu lahayn, aannuna samaysan xaas iyo ilmo; Maxammedna waxaa weeye addoonkiisii iyo Rasuulkiisii. Waxa aan kuugu yeerayaa dacwada islaamka, aniguna Rasuulkiisii baan ahay. Islaam aad nabad geshide. Markaas ayuu aayaddan qur’aanka ahna u raaciyey:

((WAXAAD DHAHDAA KITAABKA EHELKIISIIYAW: U KAALAY KALIMAD AAN U SIMANNAHAY ANNAGA IYO IDINKU OO AH: IN AANNAAN ALLE MOOYEE CID KALE CAABUDIN, OO AANNAAN CIDNA UGU SHARIIK YEELIN, KANA YEELAN QAARKEEN QAARKA KALE RABBIYAAL ALLE KA SOKEEYA, HADDII AY JEESTAAN DHAHA KA MARKHAATI NOQDA ANNAGU IN AAN MUSLIMIIN NAHAY)), (Suuratu Aali-Cimraan 64).

Ka dib wuxuu Rasuulku yiri “haddii aad diido (islaamka) waxaa dushaada ahaday dembiga masiixiyiinta shacabkaaga.

Intaas ayey ku dhammaatay warqaddii uu Rasuulku SCW u qoray Najaashi, waxayna culimada islaamku isku khilaafsanyihiin Labada waraaqood midda uu Rasuulku SCW najaashi u diray, inkastoo ay culimada qaarkood qabaan in labada waraaqoodba uu u diray Najaashi waqtiyo kala duwan, waxayna isku khilaafsan yihiin midda ay ahayd tii uu qoray heshiiskii Xudeybiya ka dib.

Sidoo kale waxay culimadu isku khilaafsanyihiin Najaashiga uu Rasuulku SCW waraaqada u qoray midka uu ahaa: in uu yahay kii islaamay oo la oran jirey Asxab oo Rasuulku SCW ku tukaday janaasada markii geeridisa loo soo sheegay, iyo in uu yahay kii kadambeeyey, waxayna riwaayad saxiixul muslim weriyey sheegaysaa in kan Rasuulku SCW waraaqda u diray yahay kii dambe oo uusan ahayn kii islaamay, inkastoo aysan sheegayn wixii ku yaalay waraaqdaas. Sidoo kale ibnu Qayim waxa uu Saadul-macaadka ku ayidayaa riwaayadda saxiixul Muslim, wuxuu yiri “waa kala Labo Najaashiga islaamay iyo kan uu Rasuulku waraaqda u diray (Xudaybiya ka dib)”, wuxuu ibnu Qayim qorayaa Labada waraaqood midda hore, wuxuuna sidoo kale ayidayaa in Najaashiha islaamay uu Rasuulku SCW waraaqda u diray hijradii Labaad oo uu Jacfar ugu sii dhiibay, waxaa iyana arrintaan ayidaya in badan oo culimada islaamka kamid ah, qaar kalena waa ay kasoo horjeedaan oo waxay ayidayaan in Najaashaha uu Rasuulku SCW waraaqda u diray yahay kii islaamay, inkastoo qaar kale oo culimada kamid ihi ay is waafajinayaan Labada arrimood, waxayna dheheen: “Labada Nashaasheba Rasuulku SCW waraaqo ayuu u diray oo midna waa islaamay midna lama oga inuu islaamay iyo in kale”. Allaahu aclam.

Rasuulku SCW markii uu dhammeeyey warqaddii wuxuu u sii dhiibay Camar binu Umaya si uu u gaarsiiyo Najaashi. Najaashi markii ay u tagtay warqaddii Rasuulka SCW aad ayuu u ixtiraamay, wuuna ajiibay dacwadii islaamka, wuxuuna ku islaamay gacanta Jacfar binu Abii-dhaalib oo weli dhulkiisa jirey isaga iyo muslimiintii kaleba. Wuxuu Najaashi u soo diray Rasuulka SCW warqad jawaab ah oo ahayd sidatan:

Ku socota Maxammed Rasuulkii Alle
Ka socota Najaashi Asxam

Nabadgelyo xagga Alle ka timid dushaada ha ahaato Nabiga Allow iyo naxariistiisii iyo barakaatkiisii, Allihii isaga maahane uusan Alle kale jirin.

Intaas ka dib, way i soo gaartay warqaddaadii Rasuulkii Allow iyo waxa aad ka sheegtay arrinta Ciise. Rabbiga samada iyo dhulka ayaan ku dhaartaye Ciise kama siyaadin waxa aad sheegtay, isagu waa sidii aad u sheegtay, waana aqoonsannay wixii aad noo soo dirtay, waana soo dhoweynay ina adeerkaa iyo asxaabtaadii. Waxa aan qirayaa in aad tahay Rasuulkii Alle, runlow ah oo la rumeeyo, waana kula mubaayacooday, ina adeerkaana waan la mubaayacooday, gacantiisa ayaan ku islaamay, waxa aan u hoggaansamay Allaha caalamka Rabbigiisa ah.

Ka dib Rasuulku SCW wuxuu Najaashi ka dalbay in uu soo diro Jacfar iyo dadkii kale ee muslimiinta ahaa oo waddankiisa joogey, Najaashina wuu yeelay oo wuxuu soo saaray labo doonyood, waxayna Nabiga SCW ugu yimaadeen Khaybar. Najaashi wuxuu dhintay bishii Rajab, sannadkii 9aad ee hijriga, wuxuuna Rasuulku SCW markii loo sheegay ku tukaday jinaaso. Ka dibna wuxuu Rasuulku SCW warqad u qoray boqorkii Najaashi Asxam ka dambeeyey hase yeeshee lama oga in uu islaamay iyo in kale.

WARQADDII LOO QORAY BOQORKII MASAR

Rasuulku SCW wuxuu warqad u diray boqorkii haystay Masar iyo Aleksandariya, waxa ayna warqaddaasi ahayd sidan:

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
Ka socota Maxammed, Addoonkii Alle iyo Rasuulkiisii
Ku socota Maquuqas, Madaxii Qibdhiyiinta
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca korkiisa ha ahaato.

Intaas ka dib, waxa aan kuugu yeerayaa dacwada islaamka, islaam aad nabad gashide, islaam Alle wuxuu ku siinayaa ajarkaaga labo jeer, haddii aad jeesatana waxaa dushaada ah dembiga reer Qibdhi. Rasuulku SCW wuxuu u qoray aayaddan oo aannu soo tilmaanay macnaheeda: Waa aayada ku jirta (suuratu Aali-Cimraan 64).

Warqaddan wuxuu Rasuulku SCW u sii dhiibay Xaadhib ibnu abii Baltaca. Xaadhib markii uu warqaddii u geeyey wuxuu boqorkii Masar ku yiri “waxaa kaa horreeyey nin sheegtay in uu Rabbigii sare yahay (fircoon), Allaahna wuxuu ku qabtay tii horreysey iyo tii dambeyseyba, wuuna ka aar gutay, kuna cibro qaado qeyrkaa ee qeyrkaa yuusan kugu cibro qaadan. Boqorkii ayaa hadlay oo yiri “waxa aan haysannaa diin, ugana tegi mayno (diintayada) cid ka kheyr badan ma ahne wax kale”. Xaadhib ayaa markaa ku yiri “waxa aan kuugu yeeraynaa diinta islaamka oo Alle ku kaafiyey wixii ka soo haray, Nabigaanna uu dadka ugu yeerayo, kuwa ugu dhib badnaana waxa ay ahaayeen qureysh, kuwa ugu cadowsanaana waxa ay ahaayeen yahuud, kuwa ugu dhowaana waxa ay ahaayeen masiixiyiin, waxa ayna la mid tahay bishaaradii Muuse ku bishaareeyey Ciise, tii uu Ciise Maxammed ku bishaareeyey. Yeeritaanka aan qur’aanka kuugu yeerayno wuxuu la mid yahay yeeritaankii dadka Tawreet loogu yeeray Injiil, Nabi kastana dadkii soo gaara waa ummaddiisa, wuuna haleelaa haddii ay adeecaan. Adiguna waxa aad ka mid tahay dadka soo gaaray nabiga mana kaa reebayno diintii Masiix laakiin iyada ayaan ku amrayaa”. Boqorkii ayaa yiri “waan eegay Nabigaan arrinkiisa, waxa aan ogaaday in uusan xumaan amrin, wanaaggana reebin, sixir iyo baadilna kuma arag, curraafi beenlow ahna maaha, waxa aan ka arkay calaamaddii nabinnimada waana fiirin doonaa”. Ka dib wuxuu u yeertay qoraagiisii Carabbiga u qori jirey, wuxuuna Rasuulka SCW u soo qoray warqaddan:

BISMILLAAHI RAXMAAN RAXIIM
Ku socota Maxammed binu Cabdullaahi
Ka socota Maquuqas, madaxweynihii reer Qibdhi
Nabadgelyo dushaada ha ahaato.

Intaas ka dib, waan akhriyey warqaddaadii, waan fahmay wixii aad ku soo sheegtay iyo waxa aad u yeerayso. Waan ogaa in uu nabi dhimman yahay, waxaanse u malaynayey in uu Shaam ka soo bixi doono. Waan karaameeyey adeegahaagii, waxa aan kuu soo diray labo gabdhood oo darajo weyn ku leh reer Qibdhi dhexdooda, waxa aan kuu soo hadiyeeyey baqal aad fuusho [rakuub].

Nabadgelyo dushaada ha ahaato.

Intaas ayuu ku gaabsaday ninkaasi, mana islaamin. Labadii gabdhood waxa ay kala ahaayeen Maariyatul-Qibdhiya, oo Rasuulku SCW milkiyey, una dhashay Ibraahiim iyo gabadha kale oo ahayd Siiriin, oo uu Nabiga SCW siiyey gabyaagiisii Xasaan binu Thaabit, baqashana waxaa la oran jirey dul-dul oo waxay gaartay ilaa waqtigii mucaawiye.

WARQADDII LOO QORAY BOQORKII FAARIS

Sidii kuwii hore oo kale, wuxuu Rasuulku SCW warqad u qoray Kisraa, boqorkii Faaris. Warqaddaasi waxa ay ahayd sidan:

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
Ka socota Rasuulkii Alle, Maxammed
Ku socota Kisraa, Madaxweynihii Faaris
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ha ahaato.

Rumee Alle Rasuulkiisa, qirna Allaah mooyee in uusan Ilaah kale jirin, yahayna keligiis, shariikna uusan lahayn. Maxammedna uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii. Waxa uu kuugu yeerayaa dacwada islaamka, aniguna waxa aan ahay Rasuulkii Alle ee dadka oo dhan loo soo diray si uu ugu digo ciddii nool, gaaladana uu ugu dul oogo xujada. Islaam aad nabad gashide haddii aad diidde waxaa dushaada ahaaday dembiga Majuusiyiinta.

Rasuulku SCW wuxuu waraaqdan u dhiibay Cabdullaahi binu Xudeyfa. Cabdullaahi wuxuu waraaqdii u gudbiyey ninkii boqorkaas wakiilka uga ahaa Baxreyn, kaas oo isna u sii gudbiyey boqorkii Faaris ee Kisraa. Kisraa wuxuu markaa xukumi jirey Faaris oo waqtigaa ka mid ahayd labadii dowladood ee dunida ugu xoogga badnaa. (iyada iyo Ruum), carabtuna labadaa dowladood ayey taabac u kala ahaayeen.

Kisraa markii uu warqaddii Rasuulka SCW akhriyey ayuu xanaaqay warqaddiina jeexjeexay isaga oo ka san taagaya xaqa, wuxuuna Rasuulku SCW u arkay nin raciyaddiisa ka mid ah, wuxuuna yiri “addoon xaqiir ah oo raciyaddeyda ka mid ah ayaa magiciisa ku qoray magacayga hortiisa”. Halkaas waxa aan ka garanaynaa takaburka iyo isla weynida daalimkaas ku jirtey heerka ay gaarsiisnayd iyo sida uu addoonnimada Rabbi uga kibray.

Rasuulku SCW markii loo sheegay in warqaddiisii uu googooyey si xunna u dhaqmay wuxuu yiri “Alle ha googooyo boqortooyadiisa”. sidii ayeyna noqotay oo muddo yar ka dib Ilaahay wuu kala googooyey boqortooyadiisii.

Ninkaas sheydaanka ihi markii uu jeexay warqaddii Rasuulka SCW oo uu hadalladaas yiri ayuu haddana waraaq u diray ninkii wakiilka uga ahaa Yaman, warqaddaas oo uu ku leeyahay “ninka Xijaas jooga (nabiga SCW u dir labo nin oo xoog badan oo ha ii keenaan”, kaasina sidaa ayuu yeelay oo labo nin ayuu Rasuulka SCW u soo direy, warqadna wuu soo raaciyey uu Rasuulka SCW ku amrayo in uu nimankaas soo raaco.

Labadii nin markii ay yimaadeen Madiina oo Rasuulka SCW u tageen ayaa midkoood hadlay oo yiri “boqorkii boqorrada ee Kisraa ayaa warqad u soo diray boqorkii Yaman uu ku amrayo in uu diro cid kuu geysa, aniga ayaana la ii soo kaa diray si aad ii raacdid”. Rasuulku SCW markii uu hadalkoodii dhegaystay ayuu wuxuu amray in ay berri ku soo noqdaan.

Waqtigaasna waxaa boqorkii Kisraa ku kacay jabhad daakhili ah oo uu hoggaaminayo wiilkiisa, Sharwiish binu Kisraa. Dabadeedna habeen Talaado ah, 10kii Jamadul-Uulaa, sannadkii 7aad ee hijriga ayaa Sharwiish aabbihii Kisraa diley oo xukunkii la wareegay. Rasuulka SCW arrinkaas waxyi ayaa lagu ogeysiiyey, markii ay labadii nin maalinkii dambe ku soo laabteenna wuxuu u sheegay in boqorkii ay ka socdeen ee Kisraa wiilkiisii dilay, xukunkiina kala wareegay. Markaas ayey labadii nin dheheen “maxaan ku dhahnaa (boqorkii na soo diray)?”, Rasuulku SCW wuxuu yiri “waxa aad ku dhahdaan “diinteyda iyo awooddeydu waxa ay gaari doontaa inta uu Kisraa gaaray. Haddii aad islaamto waxa aan ku siinayaa wixii gacantaada ka hooseeya (aad xukuntid), boqortooyada ciddaadana carruurtaada ayaa iska leh”.

Ka dib labadii nin way noqdeen, waxa ayna arrinkii u sheegeen boqorki Faariska ahaa ee Yaman wakiilka uga ahaa Kisraa oo la oran jirey Baddaan, arrinkiina aan weli ka war helin. Muddo ka dibna wuxuu ogaaday arrinkii, wuxuuna warqad ka helay Sharwiish binu Kisraa, taas oo ugu sheegayo in uu aabbihii diley, xukunkiina la wareegay. Waxaa kale oo uu yiri “ninkii aabbahay arrinkiisa warqadda kuugu soo qoray (nabiga SCW) waxba ha ku samaynin ilaa amarkaygu kaaga yimaado”. Ka dibna way islaameen Baddaan iyo ciddii Yaman la joogtay ee Faarisiyiinta ahayd markii ay xaqii arkeen.

WARQADDII LOO QORAY BOQORKII RUUM EE HIRAQLE

Rasuulku SCW boqorradii uu waraqaha u diray waxaa ka mid ahaa boqorkii Ruum xukumayey oo la oran jirey Hiraqle. Ruumna waxa ay waqtigaas ahayd dowladdii adduunka ugu xoogga badnayd. Warqaddii uu Rasuulku SCW u diray ninkaas waxa ay ahayd sidan:

BISMILLAAHI RAXMANI RAXIIM
Ka socota Maxammed, Adoonkii Alle iyo Rasuulkiisii
Ku socota Hiraqle, Madaxweynihii Ruum
Nabadgelyo ciddii hanuunka raacday dusheeda ha ahaato.

Islaam aad nabad gashidhe islaam Alle wuxuu ku siinayaa ajarkaaga laba jeer, haddiise aad diidid waxa dushaada ahaaday dembiga raciyadaada.

Wuxuu Rasuulku SCW warqaddaan u sii dhiibay Dixya binu Khaliif si u ugu geeyo ninka Basra wakiilka uga ahaa Hiraqle oo isaguna uu gaarsiiyo boqorkiisii Hiraqle. Dixya wuu baxay sidii ayuu warqadii ugu gudbiyey.

Hiraqle warqaddii Rasuulka SCW ayaa u tagtay isaga oo markaa yimid meesha la yiraahdo Iiliyaa’ (Baytul Maqdis) kana yimid Ximsa, Waxaana meeshaa joogey safar Qureysh oo Abuu Sufyaan madax u ahaa oo tijaaro u yimid. Waqtigaasna waxa ay ahayd muddadii ay heshiiska lahaayeen Rasuulka SCW iyo qureysh.

Hiraqle markii ay warqaddii Rasuulku SCW u timid ayuu u cid diray nimankii qureysh ee safarka watay, markaas ayaa loo keenay isaga oo ay dhinacyada ka fadhiyaan madaxdii Ruum. Wuxuu markaa Hiraqle u yeertay tarjumaankiisii, wuxuuna Abuu Sufyaan iyo raggiisii ku yiri “kiinnee ugu dhow nasab ahaan ninkaas Nabinnimada sheeganaya?”, Abuu Sufyaan ayaa yiri “aniga ayaa ugu dhaw”. Markaas ayuu Hiraqle yiri “ii soo dhoweeya isaga, ragga la socdana dhankiisa fariisiya”, wuxuu markaa Hiraqle tarjumaankiisii ku yiri (ku dheh nimanka) “ninkaas (Abuu Sufyaan) waxa aan wax ka wey diinayaa ninkaas (nabiga) haddii uu been ii sheego ku beeniya”. Sidaa darteed Abuu Sufyaan su’aalihii la weydiiyey oo dhan run ayuu uga jawaabay isaga oo ka baqayey in markii ay Makka ku laabtaan la yiraahdo ninkii odeyga ahaa been ayuu sheegay. Wuxuu yiri Abuu Sufyaan “Ilaah baan ku dhaartaye haddii aanan ka xishooneyn in la iga guuriyo been waan ka been sheegi lahaa (nabiga)”, taas oo ku tusineysa sida dadkii hore, gaalaba ha ahaadeene ay uga xishoon jireen beenta, sharaftoodana u ilaashan jireen.

Ka dib wuxuu yiri Abuu Sufyaan “su’aashii u horreysey ee uu iga waydiiyey (nabiga) wuxuu yiri “sidee ku yahay nasabkiisu dhexdiina?”, waxa aan iri “dhexdayada waa nin nasab wanaagsan”. Wuxuu yiri “isaga (nabiga SCW) ka hor qof ma idinku yiri hadalkaan oo kale?”, waxa aan iri “maya”. Wuxuu yiri “aabbayaashiis mid ka mid ihi boqortooyo malahaa?”, waxaan iri “maya”. Wuxuu yiri “ma dadkii sharafta lahaa baa raacay mise dadka ducafadii (masaakiintii)?”, waxa aan iri “ducafadii”. Wuxuu yiri “ma bataan (dadka raacay) mise waa yaraadaan?”, waxa aan iri “way bataan”. Wuxuu yiri “ma ka laabtaan qof ka mid ihi diintiisa caro uu u carooday markuu galay ka dib?”, waxa aan iri “may”. Wuxuu yiri “intii uusan dhihin wuxuu (hadda) yiri ka hor ma ku tuhmi jirteen been?”, waxa aan iri “may”. Wuxuu yiri “ballanta ma jebiyaa?”. waxa an iri “may, waxaanna ku dhex jirnaa (muddadii heshiiska ) mana ogin wax uu samayn doono”. wuxuu yiri ‘ma la dagaasheen?”, waxa aan iri “haa”. Wuxuu yiri “sidee ahaa dagaalka aad la gasheen?”, waxa aan iri “dagaalkayagu waa wadaamaysi, marna isaga ayaa naga guuleystay marna annaga ayaa ka guuleysannay”. Wuxuu yiri “muxuu idin amrayaa?”, waxa aan iri “wuxuu leeyahay Alle keliya caabuda oo cidna ha ugu shariik yeelina, iskana taga waxa ay aabbayaashiin dhihi jireen. Wuxuu na amrayaa salaad, sadaqo, dhowrsanaan iyo xiriirin”.

Wuxuu markaa Hiraqle ku yiri tarjumaankiisii “ku dheh (Abuu Sufyaan”, waxa aan ku weydiiyey nasabkiisa (nabiga SCW), waxa aad sheegtay in uu yahay nin nasab wanaagsan, sidaas oo kale ayaa rususha looga soo bixin jirey qowmkooda nasabkiisa (kuwa ugu nasab fiican). Waxa aan ku weydiiyey in axad idinka mid ihi hortiis yiri hadalkaan, waxa aad sheegtay in aysan jirin, waxa aan haddaba leeyahay haddii axad ka horreeyey yiri hadalkan waxaan is dhihi lahaa waa nin ku deyanaya hadal la yiri hortiis. Waxa aan ku weydiiyey in ay boqornimo u ahaatay aabbayaashiis wax ka mid ah, waxa aad dheegtay in aysan jirin, waxa aan leeyahay haddii aabbayaashiis wax ka mid ah boqornimo u ahaatay waxa aan oran lahaa waa nin doonaya boqornimadii aabayaashiis. Waxa aan ku wey diiyey in aad been ku tuhmi jirteen intii uusan dhihi wax uu yiri, waxa aad sheegtay in aysan jirin, waxa aan aqoonsaday in uusan ahayn mid ka taga beenta dadka oo Rabbi ku been abuurta. waxa aan ku weydiiyey in dadkii sharafta lahaa raaceen ama ducafadii, waxa aad ii sheegtay in ay ducafadii raaceen, iyaga (ducafada) ayeyna ahaayeen kuwii rususha raaci jirey. Waxa aan ku weydiiyey in ay siyaadaan ama ay nusqaamaan, waxa aad sheegtay in ay siyaadaan, sidaas oo kale weeyey arrinta iimaanku ilaa uu ka taam noqdo. Waxa aan ku weydiiyey qof ma ka noqday in aysan jirin, sidaas oo kale weeyey iimaanku markii uu macaankiisu quluubta dheeho. Waxa aan ku weydiiyey ballanta ma jebiyaa, waxa aad sheegtay in uusan jebin, sidaas oo kale rusushu ballanta ma jebiyaan. Waxa aan ku weydiiday waxa uu idin amro, waxa aad sheegtay in u idin amrayo in aad Ilaah keliya caabudaan oo aydinaan cid kale ugu shariik yeelin, idinkana reebayo cibaadada asnaamta, idina amrayo salaad, sadaqo iyo dhowrsanaan. Haddaba haddii ay waxa aad leedahay xaq yihiin waxa uu hanan doonaa meesha an labadaydan gommodood ku hayo, waana ogaa in uu soo baxayo mase malaynayn in uu idinka ka soo baxayo. Haddii aan ogahay in aan gaari karana waan aadi lahaa, haddii aan agtiisa joogi lahaana lugaha ayan u dhiqi lahaa.

Ka dib wuxuu Hiraqle dalbaday warqaddii Rasuulka SCW, markaas ayuu akhriyey. Markii warqaddii dhammeeyey ayaa wasiirradiisii la fadhiyey waxa ay ka baqeen in uu boqorku islaamo markaas ayey la hadleen oo buuqeen ilaa uu buuqi iyo hugunkii batay. Abuu Sufyaan wuxuu yiri “waxaa la amray in nala bixiyo. Markii nala bixiyey ayaan ku iri raggaygii “Xaqiiqdii amarkii in abii Kabshe (nabiga SCW) waa weynaaday, waxaa ka baqaya boqorkii reer banii Asfar”. Ka dib abuu Sufyaan wuxuu yiri “kama aanan suulin arrinka nabiga in uu soo daahiri doono ilaa aan islaamka ka soo galay.

In kastoo uu Hiraqle yaqiinsaday dacwadii islaamka iyo xaqnimadii Nabiga SCW haddana ma uusan qaadan islaamka oo wuxuu ka doortay kufri iyo gaalnimo.

Ninkii warqadda Hiraqle Rasuulku SCW u soo dhiibay oo la oran jirey Dixya binu Khaliif markii uu warqadda u geeyey ninkii Basra xukumayey wuxuu soo siiyey maal iyo marasho. Markii uu Dixya soo marayo meel dhexe ayaa waxaa la kulmay niman reer Judaam ah oo wuxu watay ka dhacay. Markii uu Dixya Madiina yimid ayuu isagoo oo aan gurigiisii ku leexan wuxuu u tegey Rasuulka SCW oo u sheegay arrintii, wuxuu markaa Rasuulku SCW u direy ciidan gaaraya 500 oo nin, wuxuuna madax uga dhigay Seyd binu Xaarith si ay u soo edbiyaan qabiilkaas waddo goyska noqday.

Seyd iyo ciidankii uu hoggaaminayey meeshii ayey tageen, waxayna qabiilkii ka dhigeen wax ay dileen iyo wax carara, xoolo badan oo gaarayey 1,000 geel ah iyo 500 oo ari ahna way ka soo kaxaysteen. Waxa ka dib Rasuulka SCW u yimid nin la oran jirey Seyd binu Rifaaca oo ka mid ahaa odeyaashii qabiilkaas iyaga oo soo islaamay isaga iyo rag kale oo qabiilkaas ah. Waxayna Rasuulka SCW ka codsadeen in qaniimadii loo celiyo, Rasuulkuna SCW wuu ka aqbalay wuxuuna amray in loo celiyo.

WARQADDII LOO QORAY BOQORKII BAXREYN

Sidii uu Rasuulku SCW madaxdii horeba waraaqaha ugu diray ayuu wuxuu waraaq u direy ninkii la oran jirey Mundir binu Saawi oo xukumayey Baxreyn. Warqaddaas oo uu ugu yeerayey islaamka, wuxuu ugu sii dhiibay Calaa ibnu Xadrami.

Mundir markii ay warqaddii Rasuulku SCW u tagtay, Alle kheyr ayuu waafajiyey, wuuna islaamay. Wuxuuna Rasuulka SCW u soo direy warqad uu ku leeyahay sidan:

Intaas ka bacdi, Rasuulkii Allow waxa aan ku akhriyey warqaddaadii reer Baxreyn, waxa ayna noqdeen wax islaamkii jeclaaday oo la dhacay iyo wax nacay. Dhulkeygana waxaa ku nool Majuus iyo Yahuud, marka ii soo sheeg amarkaaga.

Markaas ayuu Rasuulku SCW u qoray warqaddan:

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
Ka socota Maxammed Rasuulkii Alle
Ku socota Mundir Binu Saawi

ASALAAMU CALEYKUM

Allaah baan kugu mahadinayaa, Allihii isaga maahee uusan mid kale jirin, waxa aan qirayaa Maxammedna in uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii.

Intaas ka dib, waxa aan ku xusuusinayaa Allaah Casa Wajalla, qofkii la waaniyana waxaa la waaniyey naftiisa, qofkii adeeca farriin wadayaashayda oo raaca amarkooda aniga ayuu i adeecay. Qofkii iyaga waaniya, aniga ayuu i waaniyey. Adeegayaashayduna wanaag ayey kaa sheegeen, aniguna waxa aan ku siiyey qowmkaaga (xukunkiisa), muslimiintana u daa cidda ay u islaameen (Allaah), kuwa dembiyada galayna waan cafiyey ee ka yeel adiguna, inta aad wanaagsan tahayna kaa casili mayno shaqadaada. Dadka deggan ee yahuudda iyo majuusta ahna jisyo (canshuur) kaqaad.

WARQADDII LOO DIREY BOQORKII YAMAAMA XUKUMAYEY

Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu waraaq u diray ninkii Yamaama xukumayey oo la oran jirey Huuddo binu Cali. Waxa ayna warqaddaasi ahayd sidan:

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
Ka socota Maxammed, Rasuulkii Alle
Ku socota Huudda Binu Cali
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ha ahaato.

Waxa aad ogaataa diintaydu in ay kor mari doonto islaam aad nabad gashide, waxa aanna kuu deynayaa inta aad xukuntid.

Ka dib wuxuu Rasuulku SCW warqaddaas ugu sii dhiibey Suleydh binu Camar. Markii uu Suleydh warqaddii u geeyey, ayuu Huudda si fiican u qaabilay, warqaddiina akhristay, wuxuuna Rasuulka SCW u soo qoray warqad uu ku leeyahay “wax ka wanaag badan oo ka quruxsan majiro waxa aad dadka ugu yeeraysid, carabna way taqaannaa darajadeyda ee isii xukunka qaarkiis aan ku raacee”. Ninkii Suleydh ahaa ee warqadda u keenayna waxa uu soo siiyey abaalgud, jawaabtiina wuu u soo dhiibay.

Suleydh wuxuu markaa ku soo laabtay Madiina, wuxuuna Rasuulka SCW u sheegay warkii oo dhan. Rasuulku SCW markii uu warqaddii Huudda akhriyey ayuu yiri “haddii uu i weydiisan laha gobol dhulka ka mid ah ma yeeleen”. Hadalkan Rasuulka SCW waxa aan ka faa’iideysanaynaa in diinta islaamku aysan ahayn mid loo soo galo dano adduunyo ee ay tahay qanaaco uu qofku ku qanco si uu naftiisa uga badbaadiyo cadaabka Rabbi, qofkana in uu xaqa qaato oo uu Rabbigiis ka baqo isaga ayey dani ugu jirtaa. Ninkii Huudda ahaa, maaddaama aan xukunkii wax laga siin wuxuu ku baaqi noqday kufrigii iyo gaalnimadii ilaa uu ka dhintay, waxaana ninkaas xaqa ka hor istagay xukun jaceyl sida kuwo badan oo kaleba uu uga hor istaagay, waxaana sideedaba yar in qof xukun sare haya ama soo hayn jirey uu xaqa u hoggaansamo, qof uu Ilaahay u naxariisto ma ahane.

Rasuulku SCW markii uu Makka furtay oo uu ku soo laabtay Madiina ayaa Malaku Jibriil u soo sheegay in uu dhintay Huudda. Wuxuu Rasuulku SCW markaa ku yiri asxaabta “waxaa Yamaama ka soo bixi doona beenale, waxaana la dili doonaa gadaashay”, markaas ayaa nin asxaabta ka mid ihi weydiyey oo yiri “yaa dili doona?”, wuxuu Rasuulku SCW ku yiri “adiga iyo raggaaga”. Ninkaas uu Rasuulku SCW sheegay ee beenalaha ah waa Museylamatul-Kadaab oo ahaa ninkii Nabinnimada sheegtay, waxaana la dilay markii uu Abuubakar khilaafada islaamka hayey, waxaana diley Waxshi oo ahaa ninkii Xamsa dagaalkii Uxud ku dilay, ka dibna soo islaamay.

WARQADDII UU RASUULKU SCW U DIREY NINKII XUKUMEY DIMISHIQ

Sidoo kale waxa uu Rasuulku SCW waraaq u direy ninkii la oran jirey Xaarith binu Shumar oo ahaa ninkii xukumayey Dimishiq, waxa ayna warqaddu ahayd sidan:

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
Ka socota Maxammed, Rasuulkii Alle
Ku socota Xaarith binu Abii Shamir
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ha ahaato

Aniga waxa aan kuugu yeerayaa in aad Alle keliya rumeyso oo aadan u shariik yeelin, xukunkaaguna wuu kuu baaqi noqonayaa.

Wuxuu Rasuulku SCW warqaddan u sii dhiibay Shujaaca binu Wahab. Markii ay warqaddii gaartay ayuu Xaarith yiri “yaa xukunkayga iga qaadi kara, aniga isaga ka qaadi”.

WARQADDII UU RASUULKU SCW U DIRAY BOQORKII CUMMAAM

Wuxuu Rasuulku SCW warqad u diray boqorkii Cummaan oo la oran jirey Jiifar iyo walaalkiis Cabdi oo labaduba ahaa ilma Jubnaadi. Waxa ayna warqaddu ahayd sidatan:

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
Ka socota Maxammed, Rasuulkii Alle
Ku socota Jiifar & Cabdi, ilma Junadi
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ha ahaato.

Intaas ka dib, waxa aan idinku yeerayaa dacwada islaamka. Islaam aad nabad gashiine. Anigu Rasuulkii Alle ayaan ahay oo dadka oo dhan loo soo diray si aan ugu digo qofkii nool, galadana qowlkii Rabbi ugu dhaboobo. Haddii aad qirtaan islaamka waan idiinka weli dhigayaa (xukunkiinna), haddiise aad diiddaan in aad islaamka qirtaan boqortooyadiinnu way suuleysaa, farduhuna waxa ay aaggiinna ka kicinayaan (boorka), nabinnimadayduna waxa ay ka sarmarti doontaa boqortooyadiina.

Wuxuu Rasuulku SCW warqaddaas u sii dhiibay Camar binu Caas. Wuxuu yiri Camar binu Caas “markii aan tegey Cummaan waxa aan warqaddii u geeyey Cabdi, maxaa yeelay Cabdi ayaa ka dulqaad badnaa, kana dabeecad wanaagsanaa Jiifar. Waxa aan ku iri Cabdi “waxa aan ahay adeegihii Rasuulkii Alle SCW uu u soo diray adiga iyo walaalkaa”, markaas ayuu yiri “walaalkay ayaa iiga horreeya xagga da’da iyo xukunkaba ee isaga ayaan kuu geynayaa ilaa uu ka akhriyo warqadda”. Waxaa kale oo uu igu yiri “maxaa dadka ugu yeeraysaa?”. Waxaan ku iri ‘waxa aan ugu yeerayaa Allaah keligiis oo aan shariik lahayn iyo in aad ka dhex baxdo waxa la caabudo sokadiisa, aadna qirto in uu yahay Maxammed addoonkii Alle iyo Rasuulkiisii”. Wuxuu yiri “Camarow waxa aad tahay wiilkii sayidkii reerkaaga sidee sameeyey aabbahaa waxaa noogu sugan ku deyashee?”. Waxa aan iri “wuxuu dhintay isaga oo aan rumeyn Maxammed SCW, waxa aanna jeclaan lahaa in uu islaamo oo rumeeyo (Rasuulka SCW). Anigu waxa aan ku sugnaa fikraddiisii ilaa Ilaahay islaamka igu soo hanuuniyey. Wuxuu yiri “goorma ayaad raacday (Rasuulka SCW)?”, waxa aan ku iri “waqti dhow”, wuxuu i su’aalay “xaggee ku islaamtay?”, waxa aan ku iri “Najaashi agtiisa” oo waxa aan u sheegay in uu Najaashi islaamay. Wuxuu yiri “sidee (Najaashi) ku sameeyey boqortooyadii dadkiisa?”, waxa aan ku iri “way ka yeeleen oo way raaceen”. Wuxuu yiri “culimadii iyo suufiyadii ma raaceen”, waxa aan iri “haa”, wuxuu yiri “ka fiirso Cumar waxa aad leedahay maxaa yeelay ma jirto arrin qofku sameeyo oo beenta ka xun”, waxa aan iri “been ma sheegin, xalaalna kuma aha diintayada”. Markaas ayuu yiri “ma arko in uu Hiraqle og yahay islaamnimada Najaashi”, waxa aan iri “wuu og yahay”, wuxuu yiri “sidee ku ogaatay arrinkaas?”, waxa aan iri “Najaashi ayaa u diri jirey Hiraqle wax soo saarka (beerihiisa kasoo go’a qaar kamid ah, markii uu islaamay oo uu rumeeyey Maxammed ayuu yiri “May, Ilaah baan ku dhaartaye haddiii u i weydiisto (Hiraqle) hal Dirham ma siinayo”.

Hadalkaan markii uu gaaray Hiraqle ayaa lagu yiri “ma iska deyneysaa addoonkaagii oo aan ku soo direyn wax soo saarkii, kana diin dhigtay diin kale oo cusub”, markaas ayuu Hiraqle yiri “nin jeclaaday diin oo u dooray naftiisii maxaan ku sameeyaa?. Ilaah baan ku dhaartaye haddii aanan boqortooyada u baqaynin waxa aan samayn lahaa waxa uu sameeyey”. Cabdi ayaa yiri “Camar ka fiirso waxa aad leedahay”, waxa aan ku iri “Ilaah baan ku dhaartaye run baan kuu sheegay”. Wuxuu ka dib Cabdi yiri “ii sheeg wuxuu idin amro (Rasuulku SCW) iyo wuxuu idinka reebo”, waxa aan iri “wuxuu na amraa Alle in aan adeecno, waxa aanu naga reebaa in aan Alle caasino. Wuxuu na amraa samafal iyo qaraabo xiriirin, wuxuu naga reebaa dulmiga, cadaawada, sinada, khamriga iyo in la caabudo dhagaxa, sanamka iyo saliibka”. Wuxuu yiri “wanaag badanaa waxa uu dadka ugu yeerayo (Rasuulku SCW), haddii uu walaalkay igu raaci lahaa waan aadi lahayn ilaa aan ka rumeyno Maxammed laakiin walaalkay way ku weyn tahay in uu boqortooyadiisa ka tago oo uu aado”. Waxa aan iri “haddii uu islaamo, Rasuulku SCW wuu u deynayaa xukunka dadkiisa, sakana wuu ka qaadayaa kuwooda maalqabenka ah, wuxuuna ku celinayaa kuwooda faqiiriinta ah”, wuxuu yiri “tani waa dabeecad wanaagsan, maxayse tahay sakadu?”, markaas ayaan u sheegay (sakada) geela, markaas ayuu yiri “Camarow tan (hasha) geedkana daaqeysa biyahana isaga arooreysa miyaa laga qaadayaa (sako)?”, markaas ayaan iri “haa”, wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye ma arko dadkayaga kala fogaantooda iyo tiro badnaantooda in ay tan yeelayaan”.

Ka dib wuxuu yiri Camar maalmo ayaan ku negaaday albaabkiisii, isaguna wuxuu la xiriirayey walaalkiis oo uu u sheegayey warkaygii. Maalintii dambe ayuu ii yeeray, markii aan u tegey ayaa waxaa igu dhegay askartiisii, markaas ayuu yiri “iska soo daaya”, markii ay i soo daayeen ayaan damcay in aan la fariisto hase yeeshee askartii ayaa ii diiddey. Isagii ayaan fiirshay, markaas ayuu yiri “ka hadal dantaada”, markaas ayaan u dhiibay warqadii oo xiran, intuu warqaddii furay oo akhristay ayuu markii uu dhammeeyey walaalkiis u dhiibay si uu u akhristo. Ka dib wuxuu yiri “ka warran qureysh maxay samaysay?”, markaas ayaan iri “way raacday (Rasuulka), nin diin jaceyl ku raacay iyo nin seef lagu diriqiyeyba”, wuxuu yiri “yaa la jira”, waxa aan iri “dadku way qaateen islaamka, qeyrkisna way ka doorteen, waxa ayna ku ogaadeen caqligooda oo uu la jiro hanuunka Ilaahay in ay baadi ku sugnaayeen, mana ogi cid ka hartay oo aan adiga ka ahayn ee adiguna haddii aadan maanta islaamin oo aadan raacin fardaha ayaa lagugu weerari, barwaaqadaasna waa la furan ee islaam aad nabad gashide, xukunka dadkaagana waa laguu dhiibayaa, yeysanna ku soo gelin fardo iyo rag”, wuxuu yiri “iga tag maanta oo berri igu soo laabo”. Walaalkiis ayaan markaas ku laabtay, wuxuuna igu yiri “Camarow waxa aan rajaynayaa in uu islaamayo haddii aan boqortooyadiisu la tegin”.

Maalintii dambe ayaan ku noqday markaas ayuu ii diidey in uu ii idmo. Walaalkiis ayaan u tegey oo u sheegay in aanan helin, wuu ii geeyey, wuxuu markaa igu yiri “waxa aan ka fekerayey wixii aad iigu yeeraysay (islaamka), carabna aniga ayaa ugu taag daran, haddii wixii aan xukumayey aan nin mulkisiiyo isaga oo aysan fardihiisu halkan soo gaari karin, haddii ay so gaaraanse aan la dagaallamayo dagaal uusan la dagaallamin cid la kulantay”, markaa ayaan ku iri “berri ayaan baxayaa”, marki uu intaa yaqiinsaday ayuu walaalkiis la gaar noqday oo ku yiri “maxaan ka yeelnaa arrintan uu la soo baxay, qof kasta oo uu cid u direyba waa raacey?”. Markii uu waa beriistay ayuu cid ii soo diray, waxayna halkaa ku qaateen islaamka isaga iyo walaalkiis.

Intaa waxaa ku dhammaaday waxyaabihii ay culimada siiradu ka qoreen waraaqihii uu Rasuulku SCW u kala diray boqorradii iyo madaxdii caalamka markii uu ka soo laabtay heshiiskii Xudeybiya.

fadlan daabaco waa warqad mihim ah

ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaan cali
Eamil.siciid_32@hotmail.com

CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI

Saxaabi kasta, taariikh nololeedkiisu wax un buu caan ku ahaa. Matalan, waxaynu wada ognahay in Saciib Binu Caamir Al-Jumaxi (rc) uu caan ku ahaa zuhdiga iyo in la naco dhaldhalaalka adduunyada. Haddaba, Cabullahi Binu Xudaafi Al-Sahmi wuxuu isagu caan ku ahaa geesinnimo iyo in aan loo jixin-jixin cadowga Alle. Diinta Islaamka, waxay u suurto gelisay Cabdullahi in uu la kulmo labadii boqor ee jiray wakhtigaas ee kala ahaa Kisraa iyo Qaysar oo kala xukumi jiray Faaris iyo Ruum. Nasiib wanaag, Cabdullahi Binu Xudaafa wuxuu nasiib u yeeshay inuu la kulmo labadaas boqor.

Sheekada la xiriirta la kulankiisa uu la kulmay boqorka Kisraa, waxay ahayd sannadkii lixaad ee hijriyada, ka dib markii uu go’aansaday Rasuulka (scw) inuu u diro qaar ka mid ah asxaabta boqorada cajamta (aan carabta ahayn), si ay ugu yeeraan Diinta Islaamka. Rasuulka wuu dareensanaa dhibaatada ay wadato howshan. Waayo, Saxaabada loo dirayo magaalooyinkaas waa dad aan aqoon luqadaha ay ku hadlaan dadyowgaas, waa magaalooyin fog-fog, taasoo ayan weligood arag. Saxaabadaa waxay dadkaa iyo boqorradadoodaba ugu yeerayaan inay ka tagaan diimaha ay heystaan, isla markaasna ay qaataan diinta Islaamka. Waa safar wata khatar. Waa safar kii safra aan soo noqon, kii soo noqdana uu noqonayo mid nasiib badan. Sidaa darteed, Rasuulka (scw) wuxuu kulmiyay saxaabada, isagoo u jeediyay khudbad. Ilaah ayuu ku mahadiyay, dabadeedna wuxuu Saxaabada ku yiri “Waxaan doonayaa inaan qaarkiin u diro boqorrada cajam ee sidaa darteed ha i khilaafina, sidii ay reer Banuu Isra’il ay u khilaafeen Nebigooda Ciise (cs). Asxaabtii ayaa yiri “Rasuulkii Alloow meeshaad doonto noo dir waan fulinaynaa’e” Haddaba, Rasuulka (scw) wuxuu magacaabay 6 qofood oo ka mid ah asxaabta si ay diinta Islaamka u gaarsiiyaan boqorrada Cajam iyo carbeed.

Lixdii qof ee la magacaabay waxaa ku jiray Cabdullahi Binu Xudaafa Al-Sahmi, waxaana loo doortay inuu gaarsiiyo dhambaalka Rasuulka boqorka Kisraa. Cabdullahi wuxuu u diyaar garoobay safarkiisii, isagoo sagootiyay xaaskiisa iyo caruurtiisa, ka dibna wuxuu u kicitimay safarkii. Waa kelligii oo axad aan Ilaah ahayn lama socdo wuu sii socday ilaa uu ka gaaray magaalooyinka reer Faaris. Markii uu yimi magaaladii uu deganaa boqorka Kisraa, wuxuu weydiistay in uu u soo geli karo boqorka isagoo weliba u sheegay ciidanka Kisraa in uu sido dhambaal ama waraaq ku socoto Kisraa. Boqorka Kisraa wuxuu u fasaxay inuu u soo geli karo Cabdullaahi. Sidii ayuu ku soo galay Cabdullahi Binu Xudaafa oo ay weliba ka muuqato sharafta iyo cisada Islaamka. Kisraa ayaa wuxuu u baaqay ama u ishaaray nin ka mid ah ciidamadiisa inuu ka soo qaado waraaqda uu sido. Hase ahaatee wuu diiday Cabdullahi inuu dhiibo waraaqda, wuxuuna yiri “Rasuulkii Alle ayaa wuxuu i faray inaan gacanta kaa saaro waraaqda, mana laga yaabo inaan khilaafo amarka Rasuulka (scw)”. Intaa ka dibna boqorka Kisraa ayaa wuxuu ku yiri ninkii faraha ka qaad ha ii soo dhowaado’e, ka dibna wuxuu Cabdullahi u dhiibay Kisraa waraaqdii uu uga siday Rasuulka (scw). Waxaa loo yeeray tarjumaan Carabi ah ee ah reer “Xiyara” (magaalo ku taalla Ciraaq).

Waraaqdii ayaa la furay, deedna waa la aqriyay waxaana ku qornaa sida soo socota “Magaca Alle ka dib, warqaddan waxay ka socotaa Muxammad oo ah Rasuulkii Alle, waxayna ku socotaa Kisraa ee ahaa boqorkii Faaris, Nabad gelyo Allaha yeelo ciddii raacda hanuunka”. Markii uu intaa maqlay Kisraa aad ayuu u carooday, waraaqdiinna wuu ka dafay oo isla markiiba wuu jeejeexay, isagoo aan ogaan waxa kalee waraaqda ku xiran dhameystirkeeda, isla markaana uu qalylinayo isagoo leh “Ma sidatan ayuu waraaqda iigu soo qorayaa waraaqda isagoo ah addoonkayga”

Binu xudaafa wuxuu ka dhaqaaqay fadhigii uu Kisraa fadhiyay, isagoo aan garanayn waxa lagu sameyn doono. In la dili doono iyo in faraha laga qaadi doono. Hase ahaatee, wuxuu Cabdullaahi naftiisa ku yiri “Waxba igama gelin marba haddiiba aan gutay amaanadii iyo dhambaalkii Rasuulka (scw) ee uu ii soo dhiibay. Boqorkii Kisraa, markii ay carada ka dentay ayaa wuxuu ciidamadiisa amar ku siiyay in la soo qabto Cabdullaahi Binu Xudaafa. Nasiib wanaag, ma ayan soo helin oo waxay ogaadeen inuu gaaray Jasiiradda Carabta. Cabdullaahi Binu Xudaafa, wuxuu yimi magaaladii Madiina, isagoo la kulmay Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulka (scw) uga waramay wixii uu kala kulmay boqorkii Kisraa iyo inuu jeejeexay waraaqdii uu u siday. Rasuulka (scw) aad ayuu uga carooday arrinkaa, wuxuuna Illaah ka baryay inuu ciribtiro boqortooyada Kisraa. Habaarkii Rasuulka (scw) waa la aqbalay, oo wuxuu Illaah ku salliday (sababay) Kisraa wilkiisa “Shiiraweeh”, halkaas oo uu ku dilay. Taasi waxay ahayd sheekadii dhexmartay Cabdullaahi Binu Xudaafa iyo boqorka Kisraa.

La kulankii C/llaahi ee Qaysar:

Haddaan u gudagalno sheekadii Cabdullaahi Binu Xudaafaee la xiriirtay la kulankiisa boqorka Qaysar ee xukumay Ruum. Waxay ahayd xilligii khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc), sannadkii sagaal iyo tobanaad ee Hijriga. Wuxuu Cumar Binu Khaddaab (rc) diyaariyay ciidan la dagaalanta ciidanka Roomaanka ee uu xukumay boqorka Qaysar. Boqorka Qaysar wuxuu ciidanskiisa amar ku siiyay in haddii ay ku guuleystaan in ay soo qabtaan qof ka mid ah ciidamada Muslimiinta ay u keenaan, ka hor inta ayan dilin. Illaahay, wuxuu doonay in la soo qabto Cabdullaahi binu Xudaafa, waxaa loo keenay boqorka Qaysar, iyadoo boqorka loo sheegay inuu C/llaahi Binu Xudaafa ka mid yahay saxaabadii Nebiga (scw) ee mar hore islaamay.

Boqorka Qaysar wuxuu si aad ah u eegay Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu ku yiri “Waxaan kuu bandhigayaa arrin”. Cabdullaahi ayaa ku iri “waa maxay!?”. Boqorka Qaysar: “In aad noqoto kirishtaan, haddii aad yeesho faraha ayaan kaa qaadayaa oo ku dili maayo, dhinaca kale waan ku wanaajinayaa”. Cabdullaahi Binu Xudaafa ayaa si geesinimo ku jirta u yiri “Lagama yaabo! geerida ayaa kun jeer ka jeclahay inaan kirishtaan noqdo”.

Boqorka Qaysar ayaa haddana yiri “Haddii aad yeesho waxa aan kuugu yeerayo ee galnimada ah waxaan qayb kaa siinayaa boqortooyadayda”. Cabdullaahi ayaa muusooday isagoo weliba ku xir-xiran silsilad, wuxuuna yiri “Wallaahi, haddii aad iigu deeqdid dhammaan wixii hanti ah ee aad leedahay, iyo waxa ay boqorrada carabta haystaan oo maal ah si markaas diinta uga laabto il-biriqsi ma aan sameeyeen”. Boqorkii ayaa wuxuu yiri “Haddaba, waan ku dilayaa”. Cabdullaahi ayaa yiri “waxaad doonto samee”. Intaa ka dib, boqorka Qaysar wuxuu amar ciidamadiisa ku siiyay in la daldalo Cabdullaahi, isagoo amar siiyay nimankiisa wax toogta/shiisha, isagoo kula hadlay afka laatiinka ee ay ku hadli jireen Roomaanka, wuxuuna ku yiri toogta meel u dhow labadiisa gacmood, laakiin isaga ha ku dhufanina”. Isla mar ahaantaana wuxuu u bandhigayay inuu gaaloobo. Cabdullaahi, haddana wuu diiday. Boqorka, ayaa haddana yiri toogta meel u dhow labadiisa lugood.

Intaa ka dib, wuxuu boqorka amar ku bixiyay in laga soo dejiyo tiirkii uu ku xirnaa, ka dibna wuxuu codsaday in loo keeno dheri. Dherigii ayaa waxaa lagu shubay saliid, dabadeedna dherigii ayaa dabka la saaray ilaa ay saliiddii ka karkarto. Wuxuu yiri boqorkii, ha la ii keeno labo ka mid ah maxaabiistii Muslimiinta. Midkood ayaa lagu riday dherigii karkayay, wax yar ka dibna hilibkiisa ayaa kala tagay oo cad-cad u gogo’ay, lafihiisana way muuqdeen. Kii kalena, sidaasoo kale ayaa lagu sameeyay. Intaasoo dhan Cabdullaahi wuu arkayaa, waxaana la doonayay inuu cabsado.

Boqorka Qaysar, ayaa wuxuu deymooday Cabdullaahi isagoo ugu yeeray gaalnimo. Hase ahaatee, Cabdullaahi sidii si ka sii daran ayuu u diiday inuu ka laabto diinta Islaamka. Markii uu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu amar ku bixiyay in isna lagu rido dherigii lagu riday labadiisa saaxiib. Markii loo qaaday xaggii dheriga ayaa Cabdullaahi ilmeeyay (ooyay). Raggii Qaysar ayaa ku yiri boqorka “wuu oonayaa”. Boqorkii ayaa wuxuu u maleeyay inuu cabsaday oo argagaxay, markaasuu yiri igu soo celiya. Kolkii, Cabdullaahi la soo istaajiyay boqorka hortiisa, ayaa wuxuu boqorkii haddana u soo jeediyay kiristaanimadii, laakiinse Cabdullaahi wuu diiday. Boqorkii ayaa yiri, war haddaba maxaa kaa oohiyay?. Cabdullaahi ayaa yiri, waxaan naftaydii u sheegay in hadda la igu tuuri doono dherigan oo aan hal jeer shahiidoobayo, anna waxaana jeclaa in aan lahaado inta jirkayga timo ku taallo oo naf ah inaan lahaado, oo markaas lagu rido dhammaantood dherigan. Wuxuu ka wadaa inuu dhowr jeer shahiido.

Markuu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu ku yiri cabdullaahi “Ma doonaysaa inaad madaxa iga dhunkatid, markaasna aan ku siidaayo?. Cabdullaahi ayaa wuxuu yiri, ma siidaynaysaa maxaabiista Muslimiintana. Boqorka ayaa yiri “Haa, oo waan sii daynayaa dhammaan maxaabiista muslimiinta”. Cabdullaahi, wuxuu naftiisa ku yiri maxay ku yeelaysaa inaad dhunkato madax ka mid cadowga Muslimiinta oo markaas aan ku badbaado anniga iyo maxaabiista Muslimiinta. Cabdullaahi, wuxuu u soo dhowaaday boqorkii, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxiisa. Boqorkii ayaa soo daayay Cabdullaahi iyo dhammaan maxaabiista Muslimiinta. Markii uu Cabdullaahi u soo galay Cumar Binu Khaddaab (rc), ayaa wuxuu uga waramay wixii uu la kulmay. Cumar (rc) aad iyo aad ayuu ugu farxay arrinkaas, wuxuuna u jileecay maxaabiistii la socotay isagoo ku yiri “Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inuu dhunkado madaxa Cabdullaahi Binu Xudaafa, annigaana bilaabaya. Cumar ayaa istaagay, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxa Cabdullaahi. Illaah ha ka raalli noqdo Cabdullaahi, waayo wuxuu ahaa tusaale looga deydo geesinimo

ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaan cali
Email/.siciid_32@hotmail.com

Waa maxay Soonku yaase lagu leeyahay in uu guto?

Waa maxay Soonku yaase lagu leeyahay in uu guto?

<p

Kelimada Ramadaan ama Soon dadka qaarkiis u yaqaaniin,waxaa laga wadaa afsoomaali ahaan nafta oo laga xabisayo cunto iyo cabbid iyo waxyaalaha ay hawooto (shahawaat), iyo iyadoo laga goynayo wixii ay u caado yeelatay oo la hagaajiyo awoodeeda shahwada si loogu diyaariyo in ay dalabto liibaan waarta iyo ladnaan weyn, iyo barwaaqo ma guuraan ah, iyo in ay aqbasho waxa naftu ku daahiroobeyso oo lagu janno tago.

Ujeeddadu waa in ay gaajada iyo oonkuba ay jebiyaan nafta hanqal taageeda iyo qooqeeda. Qofka sooman wuxuu xusuusanayaa xaaladaha ay ku suganyihiin dadka gaajeysan ee masaakiinta ah.

Soonku luqad ahaan waa in wax laga reebtoonaado oo aan la sameyn. Sharciga Islaamkana soonku waa in laga af haysto cunto iyo cabbid iyo in laga reebtoonaado galmo (afooyinka oo xiriir galmo lala sameeyo) laga bilaabo waaberiga (fajarka salaada subax) ilaa ay qorraxdu ka dhacayso iyadoo lala imaanayo niyo qalbiga ah, oo ay tahay in laabta laga niyoodo fulinta awaamiirta Alle (S.W.) oo ah Soonka waajibka ah.

Soonku waa tiir ka mid ah tiirarka Islaamku ku taaganyahay qofkii diida in Soonku waajib yahay waa uu ku gaaloobayaa. Qofkii rumeysan in Soonku waajib yahay laakiin aan soomin wuxuu ku caasiyay Allihii abuurtay (S.W.). Soonka waxaa la waajibiyay sannadkii 2d ee Hijrada.

WAAJIBNIMADA SOONKA

Ilaahay (S.W.) wuxuu kitaabkiisa Kariimka ah ku yiri aayad micnaheedu ay sidaan tahay: “Kuwa rumeeyayow! Soon baa laydinku waajibiyay, sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyayba, si aad u noqotaan al-Muttaqiin (suubanayaasha)”, suuradda Al Baqarah, aayadda 183d.

Ilaahay (S.W.) wuxuu addoomadiisa ugu yeeray magac laysugu yeero kan ugu wanaagsan uguna qiimo badan oo ah KUWA RUMEEYAYOW! [Eeg Tiirarka Iimaanka Lifaaq # 2], waxaa laydinku waajibiyay in aad soontaan (bisha Ramadaan). Ilaahay (S.W.) waxaa kale oo uu noo caddeeyay in SOONKU aanu ahayn mid innaga nagu cusub balse ummadihii naga horeeyay ay soomi jireen.

Garan meyno qaabka ay u soomi jireen, (waxa ay ka soomi jireen, maalmaha ay soomi jireen, tirada inta maalmood oo ay soomi jireen iwm.). Caqiiddadu waxaa weeye in aan ogaanno soonku in aanu ahayn mid ummadda Nabi Muxamad (S.C.W.) ku cusub.

TIIRARKA SOONKA

Soonku wuxuu ku ansaxayaa laba arrimood oo lagu tilmaamo in ay yihiin tiirarka soonka. Waxayna kala yihiin:

(1) NIYADDA: Qofka soomaya waa in uu niyoodo soonka waajibka ah habeennimada (inta ka horeysa waaberiga (fajarka salaadda subax). Qofku haddii uusan neyeysan soon uma jiro. Sida Nabigu (S.C.W.) ku sheegay xadiis saxiix ah oo ah:

Xafsa, Hooyadii Mu’miniinta (A.K.R) waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘Qofka aan soonka (faralka ah) niyeysan intaan waagu baryin lagama aqbalo soon’. W.W. Alkhamsa ~ Shantii.

Sideedaba, niyaddu waxay kala soocdaa cibaadada iyo caadada. Arrin kasta oo cibaado ahna waa in ay niyaddu ka horreyso. Niyaddu waa arrin qalbiga kasoo go’da oo aan u baahnayn in afka lagaga dhawaaqo. Niyadda in afka lagaga dhawaaqaana waa bidco aan sharci ahayn. Niyeysiga soonka waxaa lagu gaar yeelay soonka faralka ah oo kaliya. Soonka sunnada ah uma baahna in habeenkii la neyeysto. Waxaana daliil u ah:

Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: Nabiga (S.C.W.) baa ii yimid maalin oo i weydiiyay: ‘Wax ma haysaa (la cuno)? Waxaannu niri: Maya. Wuxuu yiri: Marka waan soomanahay, ‘Deeto wuxuu noo yimid maalin kale markaasaan ku niri: Waxaa naloo keenay haddiyad ahaan timir bur cad leh. Wuxuu yiri: Bal i tus, waayo waxaan ku billowday maalinta soomanaan.’ markaasuu cunay. W.W. Muslim. Nabiguna (S.C.W.) wuxuu arrintaas ku sameeyey soon sunne ah ee kuma samayn soon faral ah.

(2) In laga afhaysto oo laga joogo (reebtoonaado) dhamaan waxyaalaha soonka burriya [Eeg Waxyaalaha Soonka Burriya].

Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘Qofkii aan ka harin been iyo dhaqanka la xiriira iyo wixii ceebaal ah, Allaah waxba kuma falayo oo dan kama leh in uu iska daayo cuntadiisa iyo cabbiddiisa (yacni dan kama leh soonkiisa)’ W.W. Al-Bukhaari iyo Abuu Daa’uud. Werintaanna waa tii Abuu Daa’uud.

YAA LAGU LEEYAHAY SOOMIDDA BISHA RAMADAAN

Soomidda Bisha Ramadaan waxaa lagu leeyahay, oo ay waajib ku tahay in uu soomo ama ay soonto qof kasta oo ay ku kulmaan saddexda shardi oo kala ah:

(1) QOF MUSLIM AH: Qofka soomaya waa in uu ahaadaa ruux muslim ah. Qof gaal ah haddii uu soomo lagama aqbalayo waayoo xayndaabkii Islaamka ayuuba ka baxsan yahay.

(2) QOF QAANGAAR AH: Qofka soomaya waa in uu ahaadaa qof baaluqay (hanaqaaday). Waxa aan soon laga rabin caruurta, waxaase sunnada ku sugan in caruurta inta ay yaryaryihiin la barro (lagu layliyo) soonka haddii ay awoodi karaan.

(3) IN UU CAQLI TAAM AH LEEYAHAY: Qofka soomaya waa in uu miyir qabaa. Qofka waalan soon kama ansaxayo. Waxaa la doonayaa in uu soomo ruux miyirkiisu taam yahay.

DADKA LOO RUQSEEYSEY IN AY AFURAAN BISHA RAMADAAN

Naxariista Alle (S.W.) waxaa ka mid ah in dad gaar ah ay fasax u haystaan in ay afuraan iyadoo lagu jiro bisha Ramadaan. Dadka loo ruqseeyay in ay afuraan waxay kala yihiin:

(1) QOFKA SAFAR KU JIRA: Ilaahey (S.W.) wuxuu u ruqsiiyay dadka safarka ku jira in ay afuraan oo ay dib kasoo qaleeyaan maalmihii ay afurnaayeen. Culimadu waxay safarka lagu afuri karo ku qiyaaseen in uu dhanyahay 80 km ama 90 km. Laakiin waqtigaan casriga ah iyo waayihii hore waxaa u dhexeeya farqi aad u weyn, maxaa yeelay imminka waxaa lagu safraa gaadiid aad u dheereeya sida diyaaradaha, tareennada, iwm.

Haddaba su’aashu waa sidee loo qiyaasayaa safarka lagu afuri karo? Habka ugu wanaagsan waxaa weeye: Qofku mar haddii uu musaafir yahay oo la dhihi karo safar buu ku jiraa, kaas ayaa safar lagu qiyaasi karaa. Isla markaasna waxaa la eegayaa dhibaatada qofka kasoo gaareysa safarka uu ku jiro – qofka haddii aysan wax dhibaato ah kasoo gaaraynin safarkiisa wuxuu khiyaar u leeyahay in uu afuro ama uu soomo (waayoo rukhsaddii Ilaahey (S.W.) siiyay ayuu haystaa, Ilaaheyna wuxuu jecelyahay in rukhsaddiisa la qaato), haddiise ay dhibaato kasoo gaarayso safarkiisa waa mamnuuc in uu soomo.

(2) QOFAKA XANUUNSAN: Qofka xanuunsan oo soonka ku dhibtoonaya waxaa loo rukhseeyay in uu afuro oo dib kasoo qaleeyo maalmihii uu afuray.

(3) QOFKA KU DHIBTOON SOOMIDDA: kuwa soomi kara laakiin ay dhib ku tahay sida qofka da’da ah iyo qofka qaba cudur aan dawadiisa la aqoon oo soomidduna dhib ku tahay, ama dhakhtar lagu kalsoon yahay oo Muslim ah uu u sheegay in uusan soomi karin, waxaa u banaan in ay afuraan oo dib kasoo qaleeyaan.

Allaah (S.W.) wuxuu yir: ‘Haddii uu midkiin xanuunsanyahay ama safar yahay isla tiradii uu afuray waa in uu gudaa (qaleeyaa) maalmo kale; kuwa ku soomi karaa dhibka (sida qof da’ ah, iwm) waxaa la siiyay (ikhtiyaar in ay soomaan ama) quudiyaan qof sabool ah (bedelka maalin kasta oo ay ufuraan.\ ‘, suuradda Al Baqara, aayadda 184d.

Ciidamadii xooga Dalka Somalia

DAGAALKII UXUD

Casharka 46aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

DAGAALKII UXUD [Qaybta 1aad]
| Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 3aad | Qaybta 4aad | Qaybta 5aadKa dib markii uu dhacay dagaalkii Badar, oo ay qureysh u soo hoyatay guul darro iyo jab, lana laayey odeyaashoodii, ayey waxa ay galeen tabaabushe ay u tabaabusheysanayaan sidii ay Nabiga SCW iyo asxaabtiisa uga aarsan lahaayeen. Sidaa darteed waxa ay is amreen in aan loo ooyin dadkii Badar lagu laayey, laguna degdegin furashada dadkii lagu qafaashay Badar. Dadkii ugu xamaasad iyo shaqo badnaa in muslimiinta lala dagaallamo waxaa ka mid ahaa Abuu Sufyaan binu Xarbi, Cikrama binu Abii Jaha, Safwaan binu Umaya, Cabdullaahi ibnu abii Rabbiica. Waxay raggaani soo jeediyeen fikrad ay leeyihiin maalkii saarnaa safarkii Abuu Sufyaan waday oo ka koobnaa 1000 ka rati sababtana u ahaa dagaalkii Badar dadkii iska lahaa waa in aan la hadalnaa. Markii ay dadkii u yimaadeen waxa ay ku dheheen “qureysheey Maxammed waa idin dabar gooyey, akhyaartiinniina wuu laayey, marka maalkan noogu kaalmeeya sidii aan kula dagaallami lahayn, waxaa la arkaa in aan ka aar gudannee”. Maalkaas oo qiimihiisa lagu qiyasay 50,000 oo Diinaar dadkii iska lahaa way oggolaadeen, wayna u riyaaqeen fikraddaas, maxaa yeelay waxaa quluubtoodii buuxiyey ciil iyo caro ay u hayaan Nabi Maxammed SCW. Sidoo waxay hoggaamiyayaashaas qureysh bilaabeen in ay ka ururiyaan dhaqaale cid kasta oo jecel in ay ka qayb qaadato dagaalka lala gelayo muslimiinta, oo u dhashay qabiillada Kinaana, iyo Tuhaama. Allaah SW isagoo ficilkooda tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

((KUWA GAALOOBAY WAXAY BIXINAYAAN MAALKOODA SI AY (DADKA) UGA JEEDIYAAN JIDKA ALLE, WAY BIXIN DOONAAN (MAALKA) KA DIB WAXAY KU NOQON DOONTAA SHALLAYTO WAANA LAGA QAALIB NOQON DOONAA, KUWA GAALOOBAY WAXAA LOO KULMIN XAGGA JAHANNAMO)), (Suuratul-Anfaal 36).

Hoggaamiyayaashaa qureysheed waxa ay aad xoogga u saareen ururintii maalka iyo dhiirri gelinta dadkii qureysheed iyo qabiilladi kale ee xulufada la ahaa iyagoo adeegsanaya raggoodii gabayaaga ahaa sida ninkii la oran jirey Abaa Cisa, oo ku jirey dadkii la qafaashay dagaalkii Badar, ka dibna Rasuuku SCW iska cafiyey markuu u dan sheegtay, kulana ballamay in uusan dib dambe islamka uga hor imaanayn, laakiin ballaantii wuu ka baxay. Sababta uu Abaa Cisa ballanta uga baxay waxa ay ahayd waxaa kadiyey Safwaan binu Umaya oo ku yiri “waxaan kaa ballan qaaday, haddii aad dagaalka nabad uga soo labato, in aan qani kaa dhigo, haddii aad ku dhimatana aan gabdhahaaga kafaalo qaado”. Sidaa awgeed ninkii Abaa Cisa ahaa gabaygiisii ayuu qabiillada kala dhex istaagay isaga oo ku boorrinaya la dagaallanka Nabiga SCW iyo asxaabtisa. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa Musaafe binu Cabdimunaaf Al-jumxi.

Dadkii reer Makka waxay ku jireen diyaargarowgaas iyo hub urursi laga soo bilaabo bishii Ramadaan oo dagaalkii Badar dhacay iilaa laga gaaray Bishii Shawaal ee sannadkii xigay oo dagaalka Uxud dhacay. Waxaa isna cadaawaddii Qureys sii siyaadiyey oo ka caraysiiyey khasaarihii ka soo gaaray safarkii Safwaan, taas oo ku noqotay murugo kale. Ka dib markii la gaaray bishii Shawaal ee sannadkii 3aad ee hijriga oo hal sano laga joogo dagaalkii Badar ayaa waxaa u dhammaaday diyaargarowgoodii dagaalka. Sida darteed waxaa Makka ka soo baxay ciidan gaaraya 3,000 oo nin oo isugu jirey qureysh iyo xulafadooda, waxayna soo kexeysteen 15 dumar ah oo ay ugu talo galeen in ay ciidanka guubaabiyaan oo dhiirri geliyaan si aan ciidanku u baqan oo uu aad ugu dagaallamo.

Hoggamiyaha guud ee ciidanku wuxuu ahaa Abuu Sufyaan binu Xarbi, ciidanka fardooleydana waxaa madax u ahaa Khaalid ibnu Waliid, waxaana kaaliye u ahaa Cikrama ibnu Abii Jahal. Calanka ciidanka waxaa waday waday jilibka reer banii Cabdi-daar, gaadiidkii ay wateen wuxuu ahaa 3,000 oo rati iyo 200 oo faras, dhinaca gaashaanka iyo qalabka difaaca waxa ay wateen 700 oo canbuur bireed. Waxay ka soo ambabexeen Makka oo soo aadeen dhinicii Madiina iyagoo duullaan ah.

Dhinicii muslimiinta Cabbaas binu Cabdimudhalib, oo joogey Makka, had iyo jeerna akhbaarta cadawga u soo gudbin jirey Rasuulka SCW ayaa warqad degdeg ah oo uu ku qoran yahay dhammaan warkooda oo dhan u soo direy. Ninkii warqadda loo soo dhiibey aad ayuu u dheereeyey, wuxuuna ku gooyey masaafada u dhexeysa Makka iyo Madiina oo ah 500 KM, saddex maalmod. Wuxuuna u tegey Rasuulka SCW oo joooga Masaajidka Quba, oo warqaddii ugu geeyey. Waxaa warqaddii Rasuulka SCW u akhriyey Ubay ibnu Kacab, markii uu dhammeeyeyna wuxuu Rasuulku SCW amray in uu qariyo waxa ku yaalla warqadda. Ka dibna Rasuulku SCW si degdeg ah ayuu tegey Madiina, wuxuuna la tashaday odeyaashii Muhaajiriin iyo Ansaar. Magaaladii Madiinana waxaa laga qabtay waardiye, maxaa yeelay cadowgii jidka ayuu ku soo jiray, halisna waxay u tahay in ay kedis ku soo galaan, Rasuulkana SCW si gaar ah ayaa waardiye looga qabtay. Waxaana waardiyaha ka hayey qar ka mid ah odeyaashii Ansaar oo kala ahaa Sacad binu Mucaad, Sacad binu Cubaada iyo Useyd binu Xudeyr. Ciidankii muslimiintuna wuxuu bilaabay war doon iyo in uu maalin walba la socdo meesha uu cadowgii soo marayo.

Ciidanka gaalada wuxuu ka soo baxay Makka, dabadeed markuu marayo meesha la yiraahdo Abwaa, oo Rasuulka SCW hooyadiis qabrigeedu ku yaalley, ayaa islaanta la oran jirey Hinda binu Cutba oo Abii Sufyaan qabay, aabbeheed, walaalkeed iyo adeerkeedna lagu diley Badar, waxa ay soo jeedisey in la faago qabriga Rasuulka SCW hooyadiis hase yeeshee madaxdii ciidanku waa diideen fikradaas, waxayna ka baqeen cirib xummada dambe oo ay reebayso. Ka dib socodkoodii ayey sii socdeen, markii ay marayaan togga la yiraahdo Caqiiqo ayay u leexdeed dhinaca midig, dabadeedna way sii socdeen ilaa ay ka degeen meel u dhow buurta Uxud oo la yiraahdo Cayneyn. Maalinkaas wuxuu ahaa maalin Jimca ah, 6dii bishii Shawaal, sannadkii 3aad ee hijriga.

Muslimiintu hadba sidii ay ula socdeen wararka cadowga iyo hadba meesha uu soo marayo ayaa ugu dambayntii loo soo gudbiyey in uu soo degey buurta Uxud gadaasheeda, markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu qabtay kulan guud oo uu la tashanayo asxaabtiisa, wuxuuna u sheegay riyo uu arkay oo wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye waxaan arkay kheyr oo ah; waxaan arkay lo’ la gowracayo, seefteyda oo dhinac ka jabtay iyo aniga oo gacantayda geliyey canbuur bireed adag. Waxaana ku fasirayay lo’da, qayb asxaabtayda ka mid ah oo la layan doono, seeftayda dhinaca ka jabtayna waxa aan ku fasiray nin Ehlu-beytkayga ka mid ah oo la dili doono, canbuur bireedkana waxa aan ku fasiray Madiina”.

Dabadeed waxa uu Rasuulku SCW asxaabta u soo bandhigay ra’yigii uu arkayey oo ahaa in aan Madiina laga bixin oo difaac la galo si cadawga haddii uu magaalada soo weeraro si xun loogu hoojiyo. Waxaa markaa Rasuulka SCW ra’yigiisaa ku raacay qaar ka mid ahaa odeyaashii asxaabta oo u arkay in uu ra’yigaani sax yahay. Sidoo kale waxaa ku raacay munaafiqii weynaa Cabdullaahi binu Ubay oo aan saxnimo ugu raacin ee ugu raacay baqdin uu cadowga ka baqayo iyo in uu ka fogaado dagaal.

Waxaa ra’yigii Rasuulka SCW mid ka duwan qaatay koox ka mid ah asxaabta oo aan ka qayb gelin dagaalkii Badar, aadna ugu xamasadaysnaa in dagaal kale cadowga lala galo iyo in badan oo dagaalkii Badar ka qayb gashay laakiin diiddanaa in cadawga magaalada lagu sugo, waxayna Rasuulka SCW u soo jeediyeen in la baxo oo cadowga meeshiisa loogu tago, aad ayeyna Rasuulka SCW ugu celceliyeen ra’yigaadaas ilaa mid ka mid ihi yiri “maalinkaan war rajaynaynay, Allaah baanuna u baryaynay, waana noo yimid oo waa soo dhowaaday ee u bax cadowgayaga yaysan noo arkin in aan ka baqnaye”. Sidoo kale raggii aadka ugu adadkaa ra’yigan waxaa ka mid ahaa Nabiga SCW adeerkiis Xamsa binu Cabdimudhalib.

ceerigaabo.wordpress.com

siciid c/raxmaan cali

DAGAALKII UXUD

<><><> 

Casharka 46aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

DAGAALKII UXUD [Qaybta 1aad]
| Qaybta 1aadQaybta 2aad  | Qaybta 3aad | Qaybta 4aad | Qaybta 5aadKa dib markii uu dhacay dagaalkii Badar, oo ay qureysh u soo hoyatay guul darro iyo jab, lana laayey odeyaashoodii, ayey waxa ay galeen tabaabushe ay u tabaabusheysanayaan sidii ay Nabiga SCW iyo asxaabtiisa uga aarsan lahaayeen. Sidaa darteed waxa ay is amreen in aan loo ooyin dadkii Badar lagu laayey, laguna degdegin furashada dadkii lagu qafaashay Badar. Dadkii ugu xamaasad iyo shaqo badnaa in muslimiinta lala dagaallamo waxaa ka mid ahaa Abuu Sufyaan binu Xarbi, Cikrama binu Abii Jaha, Safwaan binu Umaya, Cabdullaahi ibnu abii Rabbiica. Waxay raggaani soo jeediyeen fikrad ay leeyihiin maalkii saarnaa safarkii Abuu Sufyaan waday oo ka koobnaa 1000 ka rati sababtana u ahaa dagaalkii Badar dadkii iska lahaa waa in aan la hadalnaa. Markii ay dadkii u yimaadeen waxa ay ku dheheen “qureysheey Maxammed waa idin dabar gooyey, akhyaartiinniina wuu laayey, marka maalkan noogu kaalmeeya sidii aan kula dagaallami lahayn, waxaa la arkaa in aan ka aar gudannee”. Maalkaas oo qiimihiisa lagu qiyasay 50,000 oo Diinaar dadkii iska lahaa way oggolaadeen, wayna u riyaaqeen fikraddaas, maxaa yeelay waxaa quluubtoodii buuxiyey ciil iyo caro ay u hayaan Nabi Maxammed SCW. Sidoo waxay hoggaamiyayaashaas qureysh bilaabeen in ay ka ururiyaan dhaqaale cid kasta oo jecel in ay ka qayb qaadato dagaalka lala gelayo muslimiinta, oo u dhashay qabiillada Kinaana, iyo Tuhaama. Allaah SW isagoo ficilkooda tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

((KUWA GAALOOBAY WAXAY BIXINAYAAN MAALKOODA SI AY (DADKA) UGA JEEDIYAAN JIDKA ALLE, WAY BIXIN DOONAAN (MAALKA) KA DIB WAXAY KU NOQON DOONTAA SHALLAYTO WAANA LAGA QAALIB NOQON DOONAA, KUWA GAALOOBAY WAXAA LOO KULMIN XAGGA JAHANNAMO)), (Suuratul-Anfaal 36).

Hoggaamiyayaashaa qureysheed waxa ay aad xoogga u saareen ururintii maalka iyo dhiirri gelinta dadkii qureysheed iyo qabiilladi kale ee xulufada la ahaa iyagoo adeegsanaya raggoodii gabayaaga ahaa sida ninkii la oran jirey Abaa Cisa, oo ku jirey dadkii la qafaashay dagaalkii Badar, ka dibna Rasuuku SCW iska cafiyey markuu u dan sheegtay, kulana ballamay in uusan dib dambe islamka uga hor imaanayn, laakiin ballaantii wuu ka baxay. Sababta uu Abaa Cisa ballanta uga baxay waxa ay ahayd waxaa kadiyey Safwaan binu Umaya oo ku yiri “waxaan kaa ballan qaaday, haddii aad dagaalka nabad uga soo labato, in aan qani kaa dhigo, haddii aad ku dhimatana aan gabdhahaaga kafaalo qaado”. Sidaa awgeed ninkii Abaa Cisa ahaa gabaygiisii ayuu qabiillada kala dhex istaagay isaga oo ku boorrinaya la dagaallanka Nabiga SCW iyo asxaabtisa. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa Musaafe binu Cabdimunaaf Al-jumxi.

Dadkii reer Makka waxay ku jireen diyaargarowgaas iyo hub urursi laga soo bilaabo bishii Ramadaan oo dagaalkii Badar dhacay iilaa laga gaaray Bishii Shawaal ee sannadkii xigay oo dagaalka Uxud dhacay. Waxaa isna cadaawaddii Qureys sii siyaadiyey oo ka caraysiiyey khasaarihii ka soo gaaray safarkii Safwaan, taas oo ku noqotay murugo kale. Ka dib markii la gaaray bishii Shawaal ee sannadkii 3aad ee hijriga oo hal sano laga joogo dagaalkii Badar ayaa waxaa u dhammaaday diyaargarowgoodii dagaalka. Sida darteed waxaa Makka ka soo baxay ciidan gaaraya 3,000 oo nin oo isugu jirey qureysh iyo xulafadooda, waxayna soo kexeysteen 15 dumar ah oo ay ugu talo galeen in ay ciidanka guubaabiyaan oo dhiirri geliyaan si aan ciidanku u baqan oo uu aad ugu dagaallamo.

Hoggamiyaha guud ee ciidanku wuxuu ahaa Abuu Sufyaan binu Xarbi, ciidanka fardooleydana waxaa madax u ahaa Khaalid ibnu Waliid, waxaana kaaliye u ahaa Cikrama ibnu Abii Jahal. Calanka ciidanka waxaa waday waday jilibka reer banii Cabdi-daar, gaadiidkii ay wateen wuxuu ahaa 3,000 oo rati iyo 200 oo faras, dhinaca gaashaanka iyo qalabka difaaca waxa ay wateen 700 oo canbuur bireed. Waxay ka soo ambabexeen Makka oo soo aadeen dhinicii Madiina iyagoo duullaan ah.

Dhinicii muslimiinta Cabbaas binu Cabdimudhalib, oo joogey Makka, had iyo jeerna akhbaarta cadawga u soo gudbin jirey Rasuulka SCW ayaa warqad degdeg ah oo uu ku qoran yahay dhammaan warkooda oo dhan u soo direy. Ninkii warqadda loo soo dhiibey aad ayuu u dheereeyey, wuxuuna ku gooyey masaafada u dhexeysa Makka iyo Madiina oo ah 500 KM, saddex maalmod. Wuxuuna u tegey Rasuulka SCW oo joooga Masaajidka Quba, oo warqaddii ugu geeyey. Waxaa warqaddii Rasuulka SCW u akhriyey Ubay ibnu Kacab, markii uu dhammeeyeyna wuxuu Rasuulku SCW amray in uu qariyo waxa ku yaalla warqadda. Ka dibna Rasuulku SCW si degdeg ah ayuu tegey Madiina, wuxuuna la tashaday odeyaashii Muhaajiriin iyo Ansaar. Magaaladii Madiinana waxaa laga qabtay waardiye, maxaa yeelay cadowgii jidka ayuu ku soo jiray, halisna waxay u tahay in ay kedis ku soo galaan, Rasuulkana SCW si gaar ah ayaa waardiye looga qabtay. Waxaana waardiyaha ka hayey qar ka mid ah odeyaashii Ansaar oo kala ahaa Sacad binu Mucaad, Sacad binu Cubaada iyo Useyd binu Xudeyr. Ciidankii muslimiintuna wuxuu bilaabay war doon iyo in uu maalin walba la socdo meesha uu cadowgii soo marayo.

Ciidanka gaalada wuxuu ka soo baxay Makka, dabadeed markuu marayo meesha la yiraahdo Abwaa, oo Rasuulka SCW hooyadiis qabrigeedu ku yaalley, ayaa islaanta la oran jirey Hinda binu Cutba oo Abii Sufyaan qabay, aabbeheed, walaalkeed iyo adeerkeedna lagu diley Badar, waxa ay soo jeedisey in la faago qabriga Rasuulka SCW hooyadiis hase yeeshee madaxdii ciidanku waa diideen fikradaas, waxayna ka baqeen cirib xummada dambe oo ay reebayso. Ka dib socodkoodii ayey sii socdeen, markii ay marayaan togga la yiraahdo Caqiiqo ayay u leexdeed dhinaca midig, dabadeedna way sii socdeen ilaa ay ka degeen meel u dhow buurta Uxud oo la yiraahdo Cayneyn. Maalinkaas wuxuu ahaa maalin Jimca ah, 6dii bishii Shawaal, sannadkii 3aad ee hijriga.

Muslimiintu hadba sidii ay ula socdeen wararka cadowga iyo hadba meesha uu soo marayo ayaa ugu dambayntii loo soo gudbiyey in uu soo degey buurta Uxud gadaasheeda, markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu qabtay kulan guud oo uu la tashanayo asxaabtiisa, wuxuuna u sheegay riyo uu arkay oo wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye waxaan arkay kheyr oo ah; waxaan arkay lo’ la gowracayo, seefteyda oo dhinac ka jabtay iyo aniga oo gacantayda geliyey canbuur bireed adag. Waxaana ku fasirayay lo’da, qayb asxaabtayda ka mid ah oo la layan doono, seeftayda dhinaca ka jabtayna waxa aan ku fasiray nin Ehlu-beytkayga ka mid ah oo la dili doono, canbuur bireedkana waxa aan ku fasiray Madiina”.

Dabadeed waxa uu Rasuulku SCW asxaabta u soo bandhigay ra’yigii uu arkayey oo ahaa in aan Madiina laga bixin oo difaac la galo si cadawga haddii uu magaalada soo weeraro si xun loogu hoojiyo. Waxaa markaa Rasuulka SCW ra’yigiisaa ku raacay qaar ka mid ahaa odeyaashii asxaabta oo u arkay in uu ra’yigaani sax yahay. Sidoo kale waxaa ku raacay munaafiqii weynaa Cabdullaahi binu Ubay oo aan saxnimo ugu raacin ee ugu raacay baqdin uu cadowga ka baqayo iyo in uu ka fogaado dagaal.

Waxaa ra’yigii Rasuulka SCW mid ka duwan qaatay koox ka mid ah asxaabta oo aan ka qayb gelin dagaalkii Badar, aadna ugu xamasadaysnaa in dagaal kale cadowga lala galo iyo in badan oo dagaalkii Badar ka qayb gashay laakiin diiddanaa in cadawga magaalada lagu sugo, waxayna Rasuulka SCW u soo jeediyeen in la baxo oo cadowga meeshiisa loogu tago, aad ayeyna Rasuulka SCW ugu celceliyeen ra’yigaadaas ilaa mid ka mid ihi yiri “maalinkaan war rajaynaynay, Allaah baanuna u baryaynay, waana noo yimid oo waa soo dhowaaday ee u bax cadowgayaga yaysan noo arkin in aan ka baqnaye”. Sidoo kale raggii aadka ugu adadkaa ra’yigan waxaa ka mid ahaa Nabiga SCW adeerkiis Xamsa binu Cabdimudhalib. 

ceerigaabo.wordpress.com

siciid c/raxmaan cali

Email: siciid_32@hotmail.com

SHIRQOOLKII RASUULKA SCW LALA DAMCAY

<><><> 

Casharka 39aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

SHIRQOOLKII RASUULKA SCW LALA DAMCAYMarkii uu jab ku soo dhacay mushrikiintii qureysh (dagaalkii Badar), waxaa Makka buuxiyey colaaddii Rasuulka SCW maxaa yeelay odeyaashoodii ayuu (dagaalkaas ku) laayey, Haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa guri wada fariistay Safwaan binu Umaya, oo aabihiis iyo walaalkiis Badar lagu dilay, iyo Cumayr binu Wahab Al-jumuxi, oo ka mid ahaa dadkii aad u dhibi jirey Rasuulka SCW iyo asxaabta, wiilkiisii Wahab binu Cumayrna lagu qafaashay Badar.

Waxay labadaa nin ka sheekeysteen dadkii Badar lagu laayey ceelka lagu gurey, markaas ayaa Safwaan yiri “Ilaah baan ku dhaartaye nolosha iyaga ka dambaysaa nolol maaha”, Cumayr ayaa markaas yiri “run baad sheegtay, Ilaah baan ku dhaartaye haddii aysan jirin deyn la igu leeyahay oo cid iga gudeysaa aysan jirin iyo ciyaal aan rafaad uga baqayo gadaashay, rukuubkayga ayaan fuuli lahaa ilaa aan Maxammed u tago oo dilo, arrin aan ku cudurdaartana waan haystaa oo wiilkaygii ayey qafaasheen”. Safwaan ayaa markaa jeclaystay fikraddaas wuxuuna yiri “deyntaadu waa dusheyda oo anigaa kaa gudaya, ciyaalkaaguna ciyaalkayga ayey la noolaanayaan, inta ay nool yihiinna wanaag ayaan u samaynayaa”. Cumayr wuxuu yiri “qari go’aankeenna”, Safwaanna wuxuu yiri “waa yahay”.

Cumar seeftiisii intuu qaatay oo rakuubkiisi fuulay dhaqaaqay ilaa uu Madiina ka tegey. Ka dib isagoo hashiisii masaajidka agtiisa ku aruminaya ayaa waxaa arkay Cumar binu Khadhaab oo koox muslimiinta ka mid ah la sheekaysanayey, markaasuu yiri “eygaan Cumayr oo cadowga Ilaahay ah wax aan shar ahayn lama imaan”, ka dibna wuxuu cumar u tegey Nabiga SCW oo ku yiri “Nabigii Allow, kani waa cadowgii Ilaahay ee Cumayr oo seeftiisii jeeniqaarsan”. Markaas ayaa Rasuulku SCW yiri “ii soo daaya”. Cumar ayaa u tegey isaga oo seeftiina dharka u saaray, rag muslimiinta ka mid ahna ku yiri “iila geeya Rasuulka SCW oo agtiisa fariisiya, kana digtoonaada aammin ma ahane”. Markii la soo geliyey oo uu Rasuulku SCW arkay Cumar oo wada ayuu yiri “soo daa Cumarow, war Cumery soo dhowow”, markaasuu Cumeyr soo dhawaaday wuxuuna yiri “subax wanaagsan”, Rasuulku SCW wuxuu ugu jawaabay “Ilaahay wuxuu nagu karaameeyey salaan ka kheyr badan salaantaada Cumayrow, waana salaant Ehlu-jannaha”, Ka dib Rasuulku SCW wuxuu yiri “maxaad u timid Cumayr?”, wuxuu yiri “waxaan u imid in aad ii soo deysaan wiilkayga aad soo qafaalateen”. Rasuulku SCW wuxuu yiri “maxay tahay seeftan aad qoorta ku wadato?”, Cumayr wuxuu yiri “Allaah ha hoojiyo seefo, ma wax bay noo tareen”. Rasuulku SCW wuxuu yiri “runta ii sheeg maxaad u timid?”, wuxuu yiri “arrintaas ma ahane wax kale uma imaan”. Markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu yiri “adiga iyo Safwaan baa qol fariistay, waxa aadna ka sheekaysateen dadkii godka lagu guray ee qureysheed, waxaad markaa tiri “haddaan deyn la igu lahay, ciyaalna ii joogin, waan bixi lahaa ila aan Maxammed soo dilo”, Safwaan ayaa markaa dusha saartay deyntaadii iyo ciyaalkaagii si aad aniga ii disho, Allaahna waa kala fogeeyey aniga iyo arrinkaas”. Cumayr wuxuu yiri “waxa aan qirayaa in aad tahay Rasuulkii Allaah, waxaannuna ahayn Rasuulkii Allow kuwo kugu beeniya in khabar samada kaaga yimaado, waxyina kugu soo dego, arrintaanna cid kale nalama ogeyn aniga iyo Safwaan, Ilaah baan ku dhaartaye waxa aan ogaadey Allaah ma ahne cid kale in aysan warkaan kuu keenin, Alle ayaa mahad leh Allihii islaamka igu hanuuniyey, socodkaanna ii soo waday”, dabadeedna tawxiidkii ayuu qiray. Markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri asxaabtii “fahamsiiya walaalkiin diintiisa qur’aankana u akhriya, maxbuuskiisana u sii daaya”.

Ninkii Safwaan ahaa, oo Cumayr ay ballanta isku ogaayeen, wuxuu reer Makka ku dhihi jiray intuu Cumayr maqnaa “ku bishaaraysta dhacdo imaan doonta dhowaan oo idin hilmaansiin doonta dhacdadii Badar”. Wuxuuna dadka socotada ah ee Madiina ka yimaada weydiin jirey Cumayr iyo xaaladdiisa ilaa markii dambe loo soo sheegay in Cumayr islaamay. Safwaan wuxuu markaas ku dhaartay in uusan Cumayr dib dambe ula hadlin, waxna tarin. Ka dib wuxuu Cumayr Makka ku soo laabtay, isagoo soo islaamay, wiilkiisiina loo soo daayey, wuxuuna Makka ka bilaabay dacwo uu dadka islaamka ugu yeerayo, dad badan ayaana gacantiisa ku islaamay.

eerigaabo.wordpress.com

siciid c/raxmaan cali

Email: siciid_32@hotmail.com

WALAALEYNTII MUHAAJIRIIN IYO ANSAAR

Casharka 31aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

WALAALEYNTII MUHAAJIRIIN IYO ANSAAR Asalaamu Caleykum W.W.

Rasuulka SCW markuu madiina yimid waxa uu ka aasaasay dawlad islaam ah wuxuuna isku xiray dadkii muslimiinta ahaa ee madiina deganaa iyo kuwii kasoo hijrooday madiina dibadeeda, isaga oo isugu xiray si macnawi ah iyo si muuqataba. Waxa ay ahayd sida macnawiga ah waxa uu ku booriyey walaaltinimada, wanaaga, is jeclaysiga, is xaq dhawrka, is nabad gelinta iyo mucaamilada wanaagsan oo dhan. Wuxuuna ka reebay xumaan idilkeed. Sida muuqatana waxa ay ahayd muhaajiriin iyo ansaar ayuu labo labo u walaaleeyey si ay isugu xirmaan iskuna kaalmaystaan maxaa yeelay muhaajiriin waxa ay kasoo hijroodeen dhulkoodii, maalkoodii iyo ehelkoodii. Waxayna yimaadeen meel aysan waxba ka garanayn.

Waxayna ahayd sida uu Rasuulka SCW u walaaleyey sidatan:

  • 1. Xamsa binu Cabdi Mudhalib iyo Sayd binu Xaarith wuu walaaleeyey.
  • 2. Abuu Bakar Sidiiq iyo Khaarij binu Suhayrna wuu walaaleeyeey.
  • 3. cumar binu Khadhaab iyo Citbaan binu Maalikna wuu walaaleeyey.
  • 4. Abuu Cubayda ibnu Jaraax iyo Sacad binu Maalik wuu walaaleeyey.
  • 5. Cabdirahman binu Cowf iyo Sacay binu Rabbiicna wuu walaaleeyey.
  • 6. Subayr binu Cawaan iyo Salama ibnu Salaamana wuu walaaleeyey.
  • 7. Cusmaan binu Cafaan iyo Aws binu Thaabitna wuu walaaleeyey.
  • 8. Dhalxa binu Cubaydillaah iyo Kacab binu Maalikna wuu walaaleeyey.
  • 9. Saciid binu Sayd ikyo Ubay binu Kacabna wuu walaaleeyey.
  • 10. Muscab binu Cumayr iyo Abii Ayuubna wuu walaaleeyey.
  • 11. Abuu Xudayfa binu Cutba iyo Cubaada binu Bishirna wuu walaaleeyey.
  • 12. Cammaar binu Yaasir iyo Xudayfa binu Yamaamna wuu walaaleeyey.
  • 13. Abuu daraq-Qafaari iyo Mundir binu Camarna wuu walaaleeyey.
  • 14. Xaadhib ibnu abii Baltaca iyo Cuwayn binu Saacidana wuu walaaleeyey.
  • 15. Salmaanu Faaris ikyo Abuu Dardaana wuu walaaleeyey.

Wuxuu yiri ibnu Isxaaq: “intaan ayaa nalooga magacaabay walaalayntii uu Rasuulku SCW walaaleeyey asxaabtiisa”.

Sidaas ayaa Rasuulku SCW u walaaleeyey asxaabtiisii oo isugu xiray, iyaga oo ay ka dhaxayso walaaltinimada guud ee islaamka ayey haddana tani khaas usii kala ahayd oo ay wax wada wadaagayeen ilaa  lawaajibiyey in ay is dhaxlaan ka dibna Alle waa joojiyey. Nimankii ansaar ahaa ee madiina deganaa aad ayey usoo dhoweeyeen walaalahoodii muhaajiriin ee usoo hijrooday, wuxuu Bukhaari saxiixiisa ku wariyey in ansar Nabiga SCW ku tiri: “noo qaybi annaga iyo walaalahayo timirta (beeraha)”, wuxuu yiri: “may”, markaasay dheheen (muhaajiriin): “naga qabta shaqada (beeraha) mirahana waanu idinla wadaagsanaynaa”, Ansaarna waa ay yeeshay.

Sidoo kale nimankii ansaar ee lala walaaleeyey muhaajiriin aad ayey usoo dhoweeyeen waxayn diyaar u noqdeen in ay la kala bartaan maalkooda. Ninka layiraahdo Sacad binu Rabbiica oo lala walaaleeyey Cabdirahmaan binu Cowf waxa uu ku yiri Cabdirahmaan: “waxa aan ahay ninka ansaar ugu maal badan, waxaana ka dhigayaa maalkayga labo qaybood (oo waa kala baranaynaa), labo xaasna waan qabaa ee fiiri middii ku cajab galisa iina magacow waan kuu furayaa markay cidada dhamaysatana guurso”, wuxuu yiri Cabdiraxmaan: “Allaha kuu barakeeyo xaaskaaga iyo maalkaaga ee i tusi suuqa”, suuqii ayuu tusiyey, markaasuu Cabdiraxmaan inta xoogaa subag ah qaatay oo suuqii geeyey ayuu iibiyey dabadeedna waa guursaday.

Haddaba waxa ay arimahaan iyo kuwo kaleba na tusinayaan sida ay ansaar walaalohood muhaajiriin ugu qumeen, wax walbana ay diyaarka ugu ahaayeen. Allena subxaanahu watacaalaa aayado badan ayuuu ku ammaanay.

Sidoo kale Rasuulku SCW waxa uu u qoray asxaabtii heshiis iyo go aamo ay ku socdaan, wuxuuna kadhigay hal ummad, wuxuuna ahaa heshiiskaasi sidatan:

Bismillaahi raxmaani raxiim, tani waa waraaqdii Nabi Maxamed SCW uu u kala qoray muminiinta iyo musliminta reer qureysheed (muhaajiriin) iyo rer yathrib (ansaar).

1. Kuligood waa hal ummad oo dadka kale isaga sokeeya.

2. Muhaajiriinta reer qureysheed sidoodii weeye oo makta way isla bixinaayaan, maxbuuskoodana way soo furanayaan si macruuf ah iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

3. Reer banii Cawf sidoodii weeye oo magta way isla bixinayaan siday hore iskula bixin jireen, qolo walba (oo iyaga kamid ahna) way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

4. Reer banii Xaarith sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla bixinayaan siday awalba iskula bixin jireen, qolo walba (oo iyaga kamid ahna) way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

5. Reer banii Saacida sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla bixinaayaan siday awalba iskula bixin jireen, koox walbana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

6. Reer banii Jasham sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla bixinayaan siday awalba iskula bixin jireen, koox walbana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

7. Reer banii Najaar sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla bixinayaan siday awal iskula bixin jireen, koox kastana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

8. Reer banii Caamir binu Cawf sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla bixinayaan say awalba iskula bixin jireen, koox kastana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

9. Reer banii Nabiit sidoodii ayey ahaannayaan oo makta way isla bixinayaan say awalba iskula bixin jireen, koox kastana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

10. Reer banii Aws sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla bixinayaan say awalba iskula bixin jireen, koox kastana way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.

11. Muminiintu waa in ay si wanaagsan uga gudaan qofkii iyaga kamid ah oo qaamaysan oo lasoo furanayo ama diyo laga gudayo.

12. Mumin lama bah wadaagi karo mumin kale bah wadaagi ogolaanshihiisa maahane.

13. Muminiinta mutaqiinta ahi waxa ay isugu tagayaan ciddii iyaga ka mid ah oo xadgudubta ama dalabta dulmi wayn ama dambi ama colaytan ama fasaad muminiinta dhexdooda, dhammaan gacmahoodu qofkaas dushiisay ahaanayaan haba ahaado midkood inankiise.

14. Mumin uma dilo karo mumin kale gaal, uga mana hiillin karo gaal.

15. Heshiiska Alle (ee gaalada lagula jiro) waa hal mid, waxaana wax magan galin kara muminiinta kooda ug hooseeya.

16. Muminiinta qaarkood qaarka kale ayuu gargaare u yahay dadka (kale) kasokow.

17. Qofkii nasoo raaca oo yahuud ah waxa uu leeyahay gargaar iyo gacan qabasho, isaga oo aan ladulminayn lagana hiillinayn.

18. Nabad gelyada muminiintu waa hal mid, dagaalka jihaadka Allena (qof) mumin ihi nabad gelyo gaar ah lama samaysan karo (gaalo) in ay muslimiintu u dhan yihiin oo ay cadaalad tahay maahane.

19. Cid walba (oo muslimiinta kamdi ah) oo nala duullaan gasha qaarkood qaarka kale ayuu cirbinayaa (waa isku mid).

20. Muminiinta qaarka kale ayuu u hiiilinayaa wixii dhigooda ah oo jidka Alle kusoo gaara.

21. Muminiinta Alle ka baqaysa waxay ku sugan yihiin hanuun kan ugu wanaagsan iyo toosnaan.

22. Gaal ma bad baadin karo qureysh nafteeda iyo maalkeeda is kamana hortaagi karo mumin (usocda).

23. Qofkii mumin dila oo ay ku caddaato waa la dilayaa in uu waligii kii la dilay raali noqdo maahane.

24. Xalaal uma aha qof mumin ah oo sugay waxa waraaqadaan ku yaala, Alle iyo aakhirana rumeeyey in uu soo dhawaysto ama u gargaaro dambiile.

25. Qofkii soo dhawaysta ama u gargaara (daalim) waxaa dushiisa ahaatay Alle nacaladiisa iyo caradiisa maalinka qiyaamaha, la gamana yeelayo madax furasho iyo tawbad midna.

26. Wax walba oo aad isku khilaaftaan waxaa loo celinayaa Alle iyo (Rasuulkiisa) Maxamed SCW.

Intaas ayey ku dhammaadeen qodobadii heshiiska ee uu Rasuulku SCW u kala qoray asxaabta kulana balamay, waxayna qodobadaani sida aan ka aragnaba u qaybsanyihiin qayb ku khaas ahayd muslimiintii waqtigaas joogtay iyo qayb laga rabo qof kasta oo muslim ah waqti kasta ha joogee, waxayna tahay qaybta qof walba oo muslim ah laga rabo; labar 1 iyo laga bilaabo lambar 11 ilaa 26 marka laga reebo labar 22.

ceerigaabo.wordpress.com

siciid c/raxmaan cali

siciid_32@hotmailcom

DUULLAANKII ABRAHA UU KU SOO QAADAY KACBADA

<><><> 

Casharka 2aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

DUULLAANKII ABRAHA UU KU SOO QAADAY KACBADAAbraha oo ahaa nin xabashi ah oo yaman wakiil uga ahaa boqorkii xabashida ayaa markuu arkay sida carabbi kacbada ugu xajineyso waxaa galay maseyr markaasuu magaalada Sanca ka dhisay kaniisad aad u weyn isagoo raba inuu carab ka jeediyo xajkii ay kacbada u xajin jireen.

Arrintii ayaa waxaa maqlay nin reer bani kinaana ah markaasuu kaniisaddii tegey oo qibladeedii wasakheeyey. Abraha markuu arrintaa ogaadey wuu ka xanaaqay wuxuuna go’aansaday inuu kacbadda dumiyo. Wuxuu soo kaxaystay ciidan gaadhaya 60,000 oo askari oo wata sagaal ama saddex iyo toban maroodi, maroodigii ugu weynaana isaga ayaa saarnaa. Abraha iyo ciidankiisii waxay soo socdaanba markay Makka ku soo dhow yihiin ayey geel Cabdimudhalib lahaa qabsadeen markaasaa Cabdimudhalib ergo ugu tegey isagoo doonaya in geeliisii loo soo daayo. Abraha wuxuu yiri: “kacbadiinnii ayaan duminayaa, adna geel baad dooneysaa!” Cabdimudhalib wuxuu ugu jawaabey: “geela anigaa leh, kacbadana Rabbi baa leh isagaan kaa difaacanaya” wuxu markaa Abraha yiri “haddii aydan ila dagaallamaynin Makka isaga baxa” qureyshna sidii ayey yeeshay, geeliina waa loo sii daayey Cabdimudhalib.

Ka dib markuu Abraha soo gaaray togga Xasar ee Musdalifa iyo Mina u dhexeeya ayaa maroodigii istaagey oo diiday inuu u dhaqaaqo dhinicii kacbada, marka dhinaca kale loo jeediyana waa ordayey. Xaaladdu markey muddo sidaa ahayd ayaa Ilaahay markii dambe u soo diray shimbiro mid walba waddo saddex dhagax oo ay ku kala waddo afka iyo labada lugood. Ninkii uu dhagaxaasi ku dhacana wuu googo’ayey oo wuu dhimanayey. Dhagaxaantii dadkii dhammantood kuma wada dhicin ee waxay ku dhacday intuu Rabbi u qaddaray, intii kalena waa carareen iyagoo isjiiraya. Ninkii Abraha ahaa isagoo naf xumi ku jirto ayuu tegey Sanca oo uu ku dhintay. Qureysh oo markii ciidanku yimid buuraha ku kala carartay, markeey Abraha iyo ciidankiisii waxa qabsaday arkeen ayey guryohoodii ku soo laabteen. Qisadan waxaa ka warrantay suuratul-Fiil waxayna dhacday sannadkii uu Rasuulku SCW dhashay. waxaana loo bixiyay sannadkaas; sannadkii maroodiga (Caamul fiil).

ceerigaabo.wordpress.com

sicid c/raxmaan cali

siciid_32@hotmail.com

Bisha Ramadaan iyo Barakadeeda.

A,S,C Ramadan Kariim.

SOO DHOWEYN DIIRRAN YAA RAMADAAN.

Maalmaha iyo bilooyin kuba waxay soo laab laabtaanba haatan waxaa na soo martiyay bishii kheyrka cisada iyo sharafta badneyd ee Ramadaan taaso dadka Muslimka ah inta badan ay siweyn usoo dhaweyeen haatan .

Waana hubaal in bishaan ay tahay marti culus oo aad u qiimo badan, taasoo mudan in si fiican loo soo dhaweyo, sidoo kale Ramadaanku waxa uu yahay
munaasabad cibaadeed aad u weyn, oo uu Eebbe (sw) ku dhaafo denbiyada addoomada ay galaan, isla mar ahaantaana uu dhexdeeda ku kordhiyo abaal marka iyo xasanaadka qofkii isaga muteysta maamuuskaas.

Walaalayaal, waa lagama maar maan inaynu oggaano inay tahay sideedaba gallad iyo nimco qofkii uu Eebbe (sw) waafajiyo inuu gaaro bisha ramadaan. Sidaa darteed, waxaa habboon inaan Ilaahay uga mahad celinno cumriga na gaarsiiyay inaan haleelno bisha fadliga badan ee Ramadaan.
Imisa dadka ka mid ah ayaa jira oo aan la waafajinin inay gaaraan bisha ramadaan, oo iyadoo wax yar ay ka hartay geeriyooday, amaba aan haleelin bisha ramadaanka.
hase ahaatee aan la waafajinin inay ka faa’iideystaan. Allahu akbar, waa nasiib darro labadaasii tilmaamood-ba, labadoodaba waxaynu ka magan galaynaa Eebbe (sw).

Walaalayaal, bal ina keena si aan innagoo si farxad leh ku qaabilayna bisha ramadaan aan dib ugu noqono taariikhdii maamuuska lahayd ee uu noolaa Xabiibka Rasuulka (scw), bal si aynu uga baranno qaabkii iyo waddadii uu Rasuulka (scw) iyo asxaabtuba ugu soo dhoweyn jireen bisha Ramadaan.
Ugu horeyntii wuxuu Rasuulka (scw) ugu bishaarayn jiray muslimiinta bilashada bisha ramadaan, dabadeedna isagoo ay weheliyaan ardaydiisii qiimaha badneyd ee asxaabta waxay dhammaan bishaan barakeysan ku cammiri jireyn cibaado fara badan oo kala duwan.

Dadaalkii Rasuulka (scw) ee ramadaanka.

Caa’isha Ilaahay ha ka raalli noqdee iyadoo noo iftiiminaysa siduu Nebiga (scw) ugu dadaali jiray salaatu-leylka waxay tiri.

ha ka tagin salaadda leylka, maxaa yeelay ma uusan Rasuulka (scw) ka tagi jirin. Haddii uu xanuunsan yahay ama uu caajiso fadhiga ayuu ku tukan jiray’. Salaadahaas iyo dadaalkaas wuu sii laba-laabi jiray Rasuulka (scw) marka la gaaro ramadaanka, saxaabadana way kaga shidaal qaateen sunnadaas.

Cumar Binu Khadaab (rc) marka la gaaro habeenka wuxuu u istaagi jiray salaad, isagoo si ay khushuuc ku dheehan tahay u dheereen jiray salaadaha habeenka. Habeenka saqda dhexe marka la gaaro wuxuu salaadda u toosin jiray reerkiisa, isagoo ku oran jiray SALAADDA SALAADDA, wuxuuna ku dul aqrin jiray aayadda uu Alle (sw) ku leeyahay ‘waxaad qoyskaaga fartaa salaadda iyo zakada..’Suuradda Daha 132. Xaddiis uu weriyay Imaam Axmad, uuna ka werinayo Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) yiri xaddiis macnihiisu ahaa:

‘waxaa idiin yimid bishii ramadaan, wuxuu Eebbe (sw) idinku waajibiyay inaad soontaan, bishaan waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xiraa albaabada Naarta. waxaa la xiraa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka kheyr badan kun habeenood, ruuxii laga xarimo kheyrkeeda waa qof kheyr laga xarimay’. Haddaba, bisha sidaas u kheyrka badan waxaa habboon inaynu ku dadaalno sidii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraatkeeda, oo aan gadaal danbe aanan uga qoomamayn.

Soonka waa la aqbalaa ducada.

Walaalayaal, waxaa nalaga doonayaa inaynu bishaan kheyrka badan aan kula qaabilno towbad badan, Qur’aan aqris badan, salaad badan, baarifalka iyo samafalka waalidka, waxtarka iyo taageerada dadka dhibaataysan, islaaxinta iyo xiriirka qaraabada iyo dhammaan waddooyinka kheyrka ee uu Eebbe (sw) ka raalliga yahay.

Bisha ramadaan waa bishii naxariista. Waa bishii denbi dhaafka badneyd. Waa bishii xoreynta naarta. Lama koobi karo fadliga bisha ramadaan, waxaana ka mid ah in la aqbalo ducada addoomada suubban ay baryayaan Rabbi (sw).
Wuxuu Eebbe (sw) yiri isagoo ka hadlaya arrintan ‘hadduu addoonkayga xaggeyga wax iga weydiisto waxaan u ahay mid u dhow oo aqbala ducada markuu wax i weydiisanayo’ aayadda 186 suuradda Al-Baqara.

Dhinaca kale, xaddiis uu Imaam Axmad ka weriyay Rasuulka (scw) wuxuu Rasuulka (scw) yiri ‘seddex ducadooda lama celiyo’, waxayna saddexdaas kala yihiin:

1: qofka sooman jeer uu ka afuro.
2: madaxweynaha caadilka ah.
iyo qofka la dulmiyay habaarkiisa’.

Deeqsinimada iyo soonka.

Walaalayaal sidoo kale bisha ramadaan waa bil ku caanbaxsan deeqsinimada, samafalka iyo ixsaanka.

Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu yiri ‘Rasuulka (scw) wuxuu ahaa kan dadka ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ugu sii deeqsinimo badnaa bisha ramadaan, gaar ahaan waqtiga uu la kulmayo malaga Jibriil (cs), habeen kasta wuu la kulmi jiray Jibriil iyagoo daraasayn jiray qur’aanka’. Sidaa darteed, wuxuu Imaamu Shaafici yiri ‘waxaan jeclahay inuu qofka badiyo deeqsinimada si uu ugu daydo Rasuulka (scw).

Dhinaca kale wuxuu Rasuulka (scw) qur’aanka la daraasayn jiray oo la aqrin jiray Jibriil bisha ramadaan, waxay dhammeyn jireen qur’aanka bisha oo dhan hal jeer, hase ahaatee sannadkii ugu danbeeyay ee uu soomay Rasuulka (scw) waxay qur’aanka khatimeen labo jeer.

Dadka uu Alle ku galladaystay hantida waxaa la gudboon inay ku dadaalaan waxtarka dadka tabaaleysan, siiba bisha ramadaan. Ajar aad u weyn ayaa lagu sheegay qofkii afuriya qof muslim ah bisha ramadaan. Wuxuu Rasuulka (scw) noo tilmaamay in qofkii afuriya qof muslim ah, uu leeyahay ajarkii kii soomanaa oo kale, iyadoo kii soomanaana aan laga naaqusin ama laga dhimin ajarkiisa.

Waa fadli aad u weyn.

Bisha ramadaanka waxaa ku jira habeen ka kheyr badan kun habeenood, sida uu Eebbe (sw) noogu sheegay suuradda Al-qadr. Inkastoo aan habeenkaas la cayimin habeenka ay ku beegan tahay.

haddana waxaa muslimiinta laga doonayaa inay ku dadaalaan dhammaan habeenada iyo maalmaha ramadaanka uu ka kooban yahay, si ay uga faa’iideystaan fadliga ramadaanka.

Iridka dadka sooman ay ka galayaan Janada.

Walaalayaal, cibaadada Soonka wuxuu qofka dhaxalsiiyaa Jannada iyo inuu ka galo maalinta qiyaamaha mid ka mid ah albaabada Jannada.
kaasoo loogu magacdaray Rayyaan. Saxaabiga la yiraahdo Sahal Binu Sacaad ayaa wuxuu Rasuulka (scw) ka weriyay isagoo leh ‘waxaa jannada dhexdeeda ahaaday irid la yiraahdo Rayyaan, iridkaas ayey dadkii soomanaa ka soo galayaan janada maalinta qiyaamaha.
qof aan iyaga ahayn kama soo galayo, waxaa la oranayaa aaway dadkii soomanaa?, markaas bay istaagaan qof aan iyaga ahayn ma soo galayo’. Allaha ha ka raalli noqdee saxaabiga la yiraahdo Abii Umaama ayaa weydiiyay Rasuulka (scw), wuxuuna ku yiri ‘Rasuulkii Allow waxaad i fartaa arrin uu Alle igu anfacayo’, markaasuu Rasuulka (scw) wuxuu ugu jawaabay ‘waxaad ku dadaashaa soonka, ma jiraan wax la mid ah’ Soonka iyo guulihii muslimiinta Lama koobi karo munaasabadada qiimaha leh ee Ramadaan.

Gulihii ay Muslimiinta soo hoyiyeen Bisha Ramadaan.

Bisha Ramadaan waa bilihii ay muslimiinta soo hoyeen guulihii ugu waaweynaa ee islaamka. Dagaalkii ugu weynaa ee ay muslimiinta ku guulaysteen wuxuu ahaa dagaalkii weynaa ee Badr, haddana dagaalkaasi wuxuu dhacay bil ramadaan 17-keedii sannadkii labaad ee hijriga.
Waa dagaalkii ay qayb libaax leh ay ka qaateen malaa’igtii sharafta badnaa ee uu hoggaaminayay Jibriil (cs). Wuxuu Eebbe (sw) yiri isagoo ka hadlaya dagaalkaas ‘dhab ahaantii wuxuu Eebbe (sw) idiin gargaaray Badar idinkoo dulleysan..’ aayadda 123 suuradda Al-Cimraan.

Dagaalkaas Badar markii laga soo wareegay qiyaastii 4 sanno iyo xoogaa waxay misna muslimiinta soo hoyeen guushii ay ku furteen magaallada Makka. Waa furashadii magaallada Maka oo ku beegnayd labaatankii ramadaan ee sannadkii lixaad ee hijriga.

halkaasna wuxuu Rasuulka (scw) ku aasay oo ku burburiyay asnaamtii boqolaalka gaarayay ee ku xoonsanaa hareeraha Kacbada. Inkastoo labadaasi guulood ay ku beegmeen bil ramadaan dhexdeeda.

haddana waxaa jiray guulo kale oo ay muslimiinta soo hoyeen isla bisha ramadaan, waxaana ka mid ahaa Furashadii Andalus sannadkii 92-kii hijriga, Furashadii Cammuuriya sannadkii 223 hijriga, dagaalkii Zalaaqa ee hore sannadkii 479-kii ee hijriga, dagaalkii Xaarim sannadkii 559 hijriga iyo dagaalkii Cayn-Jaaluut sannadkii 658 hijriga.

Ugu danbeyntii, walaal haddaad macaasi iyo denbi badneyd uga faa’iideyso bishan denbi dhaaf dalbid iyo salaado badan.
Waxayna ayaan darro haysataa ruuxii laga xaaraantimeeyay kheyraadka iyo fadliga soonka.

Ilaahay ha inaga dhigo kuwii ka faa’iidaysta fadliga ramadaanka iyo inuu naga dhigo kuwa loogu naxariisto ramadaan, naartana looga xoreeyo.
Aamiin, Aamin, Aamin.

intaas ka dib walaalayaal aanu iskugu duceyno in illaaah amuuraheena kherka ah inoo sahlo, hadii ay ahaan laheed tacliin amaba waxbarsho, ganacsi iyo wax waliba oo kheyr ku jiro.

Tan kale waa inaan illaah kabarinaa in Dalkeena iyo dadka Soomaaliyeed uu nabad kusoo dabaalo, dad daacad ah oo allaah kacabsanaayana ay dalkeena uso baxaan, kuwaasoo mideyo Umada Soomaaliyed meel kasto oo ay jogtaba.

Waxaana aan Ilaahay ugu baryeeynaa in Dowlada caadil ah uu soomaaliyo siyo taaso ku dhaqdo sharecada islaamka, iyo in uu soomaalida calooshooda isku furo.

Aamiin Aamin Aamin.

ceerigaabo.wordpress.com

siciid c/raxmaan cali

siciid_32@hotmail.com

DIGNIIN CULUS!

DIGNIIN CULUS!
Curiye: Cabdinuur Aadan Faarax

Digniin Culus, waxaa curiyey Cabdinuur Aadan Faarax oo deggen dalka Sweden. Maansadani waxay ku soo biirtay taxanaha “Doodwanaag” 23 Luuliyo 2004. Iyadoo laga dabqaadanayo dadaalka dhallinyarada maansooyinka “Doodwanaag” isku bahaystay ee uu bud-dhegaha u yahay walaalka qaaliga ah, “Inj. Maxamed Cali Cibaar”, ayuu curiyuhu isku deyayaa inuu u soo gudbiyo shacabka soomaaliyeed maansadan la magac-baxday Digniin Culus, oo ka hadlaysaa afar qeybood oo si cad u qeexaya ujeeddada murtida ay maansadu xambaarsan tahay.

Qeyba 1aad waa digniin qofka la xusuusinayo inuu is xisaabiyo inta aan isaga la xisaabin. Waa murtidii Cumar bin Khadhaab (Allaha ka raalli noqdee), waxayna ina ku baraarujinaysaa geerida xanuunkeeda iyo qabriga oo cid kuugu ceelalyo ahi aysan jirin illaa camalkaaga mooyaane. Qeybta 2aad waxa ay ku xeel dheeraanaysaa maalinta qiyaame walaahowga iyo wadno gariirka dadka haysta iyo sida qof waliba tiisa maalintaas uu meel ugu la’ yahay. Qeybta 3aad waa abaal marintii dadka cadaab iyo ciqaab ama cafis iyo naxariis Rabbi midkood. Qeybta 4aad oo gunaanadka ah, waa dardaaran uu curiyuhu shacabka Soomaaliyeed si gaar ah ugu dirayo, si ay walaaltinnadooda, wadajirtkooda iyo sharfkooda u caynshaan isla markaasna halaagga Aakhiro iyo Adduun seegga ah ee ay ubadkooda u horseedayaan uga digtoonaadaan.

Gabagabadii maansada “Digniin Culus” oo ah maansadii 14aad ee silsiladda Doodwanaag, waxay bidhaaminaysaa sidii calanka ummadda dhulka looga qaadi lahaa; sidii loo soo celin lahaa kala dambeyntii iyo dawladnimadii kala dhantaalantay; sidii xukun caddaalad iyo wanaag falid ku haga waddanka loogu sameyn lahaa, si qiimaha waddaniyadeed, tan qarannimo iyo wadajirka ummaddu u taabbo-galo.

DIGNIIN CULUS

Soomaalaay dareenkeey
Dannigeygu siduu qabo
Dalaloowsin baas iyo
Daan baad ka lulataan
Dux wax aan lahayn baad
Intaa daba ordaysaan
Dib u eega xaajada
Qof walboo digtoonow
Qalin iyo warqado doon
Xumaantaada daalaco
Is xisaabi doqon yahay
Intaan diiqu kugu ciyin
Dijaal Cawarna soo bixin
Duufaanno kugu kicin
Dusha caguhu kuu marin
Oo deryaamin buunkii
Malag lagugu soo dirin
Geeridu dinnaahyeeyn
Dhimashadu dan kuu noqon
Duubkii caddaa iyo
Kafan lagugu daafyeyn
Naxash duudki lagu gelin
God lagugu dilaandilin
Oo kii dad kuu jecel
Meeshii yar diisane
Dhulku debacsanaadaba
Damag ciidda kugu siin
Adiga oo daciifoo
Daanka ciid laguu dhigay
Lagu seexshay didib adag
Camalkaaga deris la ah
Yaan lagaa dareerine
Degdeg hore u soo noqo
Dafiraad ma fiicnee
Adoo diliq candhoofoo
Darradaba ka liitoo
Uur hooyo dadab ku ah
Allihii dad kaa dhigay
Dambi dhaafid waydii!

Intaa waano diriddeed
Digniin iyo wax sheeggeed
Waayeel dardaarmiyo
Duco qabe warkiis dhaha
Bal haddana dantaan rabo
Dugay-dugayda suurkiyo
Aan ka digo dareen culus!

Xaqii waa la diidaye
Dabadeed maxaa dhici?
Marka duni dhammaatee
Qiyaamahu dillaacee
Xabaalaha la dumiyee
Ayax degay sidiisii
La soo dumo dadkoo idil
Hadba dali dhacyeyntiyo
Dammanaanta waallida
Wax is-dayiba ayan jirin
Oon ceeb lakala dedan
Qorrax diirka laga rogay
Dusha sare la taagoo
Jahannamoo la daadihin
Oo laba dible u xiran
Dabar iyo hoggaan iyo
Xargo duuban lagu wado
Dadka loo horaayee
La is wada dacweeyee
Markhaatiga la durayee
Dahabadaad jecleyd iyo
Hooyadii ku dihatiyo
Oday duudki laga yimi
Kuwii adi dad kuu xigay
Riximnimo la deyrshee
Qofba tiisu daran tahay
Weli duuli kara iyo
Garab daar mid lihi jirin
Dad kuwii u fiicnaa
Nabiyadii la soo diray
Een dambaabin weligood
Baqo dabada jeedshaan
Rabbaa tala u doorrroon
Dadku labay u kala bixin:

Midi waa dulloobaa
Naartuu dabaashaa
Waana daar halaagoon
Loo dulqaadan karinoo
Cuntaduna dariic iyo
Saquum aan degeyn iyo
Wax la doorshay ay tahay
Nafta dooji kii yiri
Wixii dumaca jiifiyo
Xiidmihii daliiqnaa
Calool xaydh ku duubnayd
Dabaduu kadhigayaa
Dabku markuu bisleeyee
Dambas ay noqdaan baa
Harag lagu daboolaa
Dibna loo abuuraa
Si jirkoodu u damqado
Ooy dib u shallaayaan!

Shaydaan dawaadliyo
Daaquud is-mahadiyey
Isku dire munaafiqa
Ee duni qarribi jirey
Marka naarta loo diro
Darka hoose ee kulul
Lagu duqaanduqeeyee
Daakhilkeeda lagu rido
Ayaa waxaa dabaaqtamay
Rabbi deeqdi kuwa heloo
Intay dunida joogeen
Sama-doon ahaan jiray
Iyo daalimiintii!
Kolkaas bay ku durayaan
Oraah doqon magarata ah
Jeesjees daraadiis
Oo wiirsi dabayaal
”Alle doorigiiyoow
Saqaraa ku dubataye
Dacdaad jiifto waa maxay?”
Duluqbaash wuxuu yiri:
”Salaaddaan dayici jirey
Deeqdana lamaan bixin
Shaaqullaa i duufsaday
Aakhiraan dafiri jirey
Ilaa daqarka mowdkiyo
Dubbe culisi igu dhacay”

Hadalkiis dalliganaa
Doqonniimo badanaa
Mid duleedka joogoo
Dambigiisu fudud yahay
Dhimbil dab ah la siiyee
Dul istaag la yiri baa
Laabtii dillaacdoo
Maskaxdii dillaantaye
Ninwalbow digniin iyo
Daalac reebid weeyee
Intaan amarku soo degin
Nafsaddaada deynbixi !.

Intaa waano diriddeed
Digniin iyo wax sheeggeed
Waayeel dardaarmiyo
Duca qabe warkiis dhaha
Imminkana bal dacaskiyo
Daalka goobta lagu tiro
Daartii nimcada iyo
Aan u dego dar khayraad.

Liibaan dadkii hela
Jannaday dawaafaan
Wel-welkey is-daayaan
Sariiray dangiigaan
Farxad bay dareemaan
Raaxadu ka sii daran
Durdurrada fardowsee
Afar webi dilqanayaan
Midi dixi qabowiyo
Biyo diliqle uu yahay
Midna geel darmaday sidi
Dambar xoor leh uu yahay
Midna dawo macaan iyo
Malab diiqi uu yahay
Midna dalab khamra ahoo
Maskax doorinaynoo
Dawakh iyo Wareer iyo
Daaca kulul lahaynoo
Naftu dooni uu yahay
Darkii Nebigu kuu dheer
Mar haddii laguu daro
Jirku daahir noqonoo
Aadan dib u harraadayn
Jannaduna dallaal tahay
Bacrin aan la degin tahay
Damaashaad xaqiiqiyo
Nimco dagatay ay tahay
Cuntadana dayaafado
Dhallin yaro an daalayn
Hawshana u daacada
Kula soo dul marayaan
Wax kastoo ad doontana
Dibnahaba adoon furin
Durba qaado ay tahay.

Waxba wax baa ka sii daran
Waxan iliba daymoon
Dhegahaagu soo dumin
Qalbi dadeed ku soo dhicin
Jannaday dul yaalliin
Da’yar baa la wada yahay
Dadku wada qorxoonoo
Gabow iyo duqnimo jirin
Dulin iyo qaniin jirin
Duumo iyo xanuun jirin
Dalandool hayaan iyo
Digarogasho ayan jirin

Hablo wada da’aadoo
Indho-deera leeyoo
Dayax naylo-qaadiyo
Quraarado daboolliyo
Nal la daaray mooddoo
Dunuunaca masayrkiyo
Dumar naaquskii iyo
Dood iyo xumaan iyo
Wixii reer ku dumayaba
Dabcigooda laga tiray
Oo xariir dunteed iyo
Dahab aan la goyn karin
Oogada dulsaaroo
Taashkooda dunidaba
Lagu doorsan karinoo
Diib wada udgoon iyo
Dusha cadar ku soo dhayey
Ammaan kula dul joogaan
Waxad doonto yeelaan
Daar lagula hooydiyo
Derin lagula seexdiyo
Daandaansi daayee
Mar un aad daymootiyo
Daawashadooda keliyaa
Maskaxduba daraandarin

Darajo iyo siyaadiyo
Daa’im noloshu ay tahay
Rabbi deeqdi lagu jiro
Ridduhuna ku soo dego
Daymada Raxmaankana
Daahaa ka feydmoo
Qalbigaa ku diirsada
Indhahaa ku doogsada
Derisnimo Allaa jiri
War waa degel la mahadshee
Aan u wada dadaalnee
Docda kheyrka tiigsada.

Intaa dareen la qaba iyo
Digniin Aakhiraad dhaha
Waayeel dardaarmiyo
Duca qabe warkiis dhaha
Imminkana bal dunidaan
Doowdaba irmaanoo
Dabuubteedu nabad tahay
Doorkeed wanaag yahay
U doorbidi dadkaygii!

Walaalahan is-dooxiyo
Seeddiyaal is-diley iyo
Deriska is-wareemaan
U dabqaad is-leeyahay
Dawaduna waxay tahay
In ay diinta qaataan
Xaqa dib u jalleecaan
Nabaddana daneeyaan
Xasadnimada duugaan
Dib u dhisid bilaabaan
Hambo caano daataba
Dabadaa la qaban jirey
Dawladnimo abuuraan
Madaxweyne daacada
Dig iyo dooh ma diida ah
Caanaha ma daadsha ah
Daadihiya shicibkee
Duddo iyo bulshaba jecel
Dumarkiyo carruuraha
Waayeel duqoobiyo
Da’yartiyo agoomaha
Dhamaantood u diirnaxa
Oo daryeela maatada
Dabadeed la doortoo
Cadowgana difaacaan
Dabadhilifyo tuug iyo
Diradira la waayoo
Beeshu nabad ku daaqdoo
Dastuur iyo caddaaliyo
Yeeshaan dareen qaran.

Shacabyahow dadnimadaa
Haddii taa ad diiddaan
Adinkaan is deyneyn
Dukumdaakum baad noqon
Khayrkuna dabeyl raac
Duufaannada colaadduna
Samaday dul marayaan.

Dulmanoow dadkaygoow
Halka dunidu gaartiyo
Dadaal iyo wax soo saar
Farsamooyin kala daran
Arka dowladnimadiyo
Sida duul u noolyahay
Dabadeed Dhulkeennii
Miisaan dulsaar oo
Dayac saan u nahay eeg
Khaladkiinna dib u saxa
Waanwaan ha diidina
Fidno doonisteed naca
Shisheeyuhu ma diirnaxo
kulay duni carbeed tahay
Mar i dage Alla ha dago
Mabaadii’ dad dhigay iyo
Dimuqraadi jaan iyo
Maskax daashay hadurkeed
Daallim xeer ka soo fuley
Horaa loogu daalaye
Adiguna ha dabagelin

Dhaldhalaalka dunidani
Damal hooski weeyee
Haddeydaan dantiin garan
Inta degelku saan yahay
Duunyo aad ku dhaqataan
Dambar aad ka maashaan
Intaad doobi culataan
Qurqurada digsiisaan
Mindhaa kama dacaantaan!

Waxaan dooddi uga baxay
Dhagihii daloolaa
Waanadu u dixataa
Qalbigii dareenlana
Khayrkaa u daaddega
Qofkii aan dekana iyo
Xaaraan durduran bay
Ducadiis ajiib tahay
Deelqaaf u diidaye
Murtidaan is-dabadhigay
Dabeyl raacin maayoo
Dacaayado raqiisiyo
Dulmi ugama jeedee
Inta samaha doontaay
Dulucdaydu waa taas!

ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaan cali
Email: sicidi_32@hotmail.com

CAWAAQIB XUMIDA UU LA KULMAYO QOFKII CAAYA RASUULKA (SCW

ceerigaabo.wordpress.com

Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka. Dadkaasi, waxay si ula kac leh wax uga sheegayaan diinta muqaddaska ah ee islaamka, iyagoo aad mooddo inay xanbaarsan yihiin ama lagu soo qanciyay fikrado baadiyaysan oo loo hal-abuuray la dagaallanka islaamka iyo muslimiinta-ba. Haddaba, bishan aan ku jirno 26-keedii ayaa waxaa bogga furan ee loogu tala galay fikradaha akhristayaasha shabakadda somalitalk.com lagu arkay qoraal ka yimid nin soomaaliyeed, kaasoo si bareero leh qoraalkiisa ku soo bandhigay af-lagaaddooyin iyo caay aan ehel u ahayn Suubbanaha Rasuulka (scw). Ninkaan oo dhab ahaantii qoraalkiisa sida ku cad si weyn jaahil uga ah shakhsiyadda weyn ee Rasuulka (scw) iyo guud ahaan aqoonta diinta islaamka ayaa ku andacooday inuu Rasuulka (scw) u yahay ummadda mid baadiyeenaya, wuxuuna isagoo soomaalida uga digaya raacista Rasuulka (scw) yiri hadal uu cinwaan uga dhigay qoraalkiisa oo uu yiri “soomaaliyeey waxaan ka xumahay in Moxamad idin baadiyeeyay”, isagoo isla mar ahaantaasna aan qoraalkiisa aan ku xusin sida iyo qaabka uu u baadiyeeyay. Iyagoo mahadsan ayeey aqristayaasha sharafta leh naga codsadeen haddaan nahay bahda somalitalk inaan jawaab celin ka bixinno qoraalkaan sida weyn meel ku dhaca ugu ah diinta islaamka, innagoo isla markaasna dhinaceena caddaynayna cawaaqib xumida ka imaan karta Rasuulka (scw) oo la aflagaaddeeyo ama meel looga dhaco iyo guud ahaan diinta islaamka. Eebbe (sw) ayaa weyneeyay maqaamka Rasuulka (scw) Waxaan shaki ku jirin inuu Eebbe (sw) sarraysiiyay maqaamka iyo fadliga Suubbanaha Rasuulka (scw), isagoo ka faddilay dhammaan makhluuqaadka ku nool koonkan aynu ku noolnahay iyo addoomada suubban (malaa’igta oo kale) ee iyaga ku nool samada. Eebbe (sw) isagoo noo sheegaya siduu u maamuusay Rasuulkiisa Muxammad (scw) wuxuu yiri “waxaa mahad iska leh Allihii qur’aanka ku soo dejiyay adoonkiisa (Muxammad) oo aan qur’aanka ka yeelin mid qaloocan” suuradda al-kahf aayadda 1-aad. Wuxuu misna Eebbe (sw) yiri isagoo weli tilmaamaya sidii uu u maamuusay Rasuulkiisa Muxammad (scw) ayaa wuxuu yiri “waxaa kheyr batay Allaha qur’aanka ku soo dejiyay addoonkiisa (Muxammad) si uu (markaasi) u ahaado mid u digaya dunida” Suuradda Al-furqaan aayadda 1-aad. Dhinaca kale, wuxuu Eebbe (sw) noo tilmaamayaa inuu Rasuulka (scw) yahay mid naga saaraya baadida iyo mugdiyada shirkiyaadka, isagoo noo saaraya iftiinka iyo hanuunka islaamka, wuxuuna yiri Eebbe (sw) “Eebbe (sw) waa kan addoonkiisa ku soo dejiyay aayado cad-cad si uu idiinkaga saaro mugdiyada, idiina saaro iftiinka, Eebba-na (sw) waa kan idiin naxariista” Suuradda Al-xadiid aayadda 9. Wuxuu Eebbe (sw) nagu addoonsaday inaan qaadanno amarrada uu na farayo Rasuulka (sw), isagoo cadaab daranna nooga digay haddaan qaadan weyno wadiiqadiisaas toosan, wuxuuna yiri “wixii uu Rasuulka (scw) idiinla yimaado qaata, wixii uu idinka reebana ka reebtoonaada, Eebbe (sw) ka cabsada, Eebbe (sw) waa mid ay ciqaabtiisu daran tahay” Suuradda Al-xashr aayadda 7. Sidoo kale, wuxuu Eebbe (sw) nagu adkeeyay inaan ka shidaal qaadanno hanuunka Rasuulka (scw) oo aan isaga ku dayano, wuxuuna Eebbe (sw) yiri “waxaa idiinkaga sugan Rasuulka (scw) ku dayasho wanaagsan waana kuwa rajeynaya Eebbe iyo maalinta aakhiro oo in badan Eebbe (sw) xusaya” Suuradda Al-axzaab aayadda 12. Guud ahaan mu’miniinta waxaa la faray inay si weyn u qaddariyaan una ixtiraamaan Rasuulka (scw), wuxuuna isagoo Eebbe (sw) ka hadlaya arrintaan yiri “kuwa xaqa rumeeyayow codkiina ha ka kor yeelina codka Rasuulka (scw), hana ula jahrina hadalka si aan camalkiina u burin idinkoon ogeyn” Suuradda Al-xujuraat aayadda 2aad. Gooddi haysta qofkii dhibaato u geysta Rasuulka Maadaama aan soo oggaanay sidii weynayd ee uu Eebbe (sw) u maamuusay una karaameeyay xabiibkiisa Suubbanaha Rasuulka (scw), ayuu misna ugu jeedinayaa gooddi daran ciddii iyaga ku tala gala dhibaataynta Rasuulka (scw) oo ay ka koow-ga tahay cayda iyo af-lagaaddada Rasuulka (scw). Wuxuu Eebbe (sw) aayad ku jirta suuradda Al-towbah ku soo gabagabeenayaa hadalkan “kuwa dhibaatada u geysanaya Rasuulka (scw) waxay mudan cadaab daran”. Inkastoo ay jiraan gooddiyadaas, haddana wuxuu qur’aanka noo sheegay inay weligood jireen dad iyaga cadoow u ahaa anbiyadii Alle (sw) sida ku cad aayaddan “saasaan ugu yeelnay Nebi kasta cadoow dembiilayaal ah, Eebbe (sw) ayaa ku filan hanuuniye iyo gargaare” aayadda 31 ee suuradda Al-furqaan. Xukunka qofkii caaya Rasuulka (scw) Aflagaaddada iyo cayda Rasuulka (scw) waa jariimooyinka ugu waaweyn ee la galo. Ibnu Taymiyah wuxuu kitaakbiisa Assaarim Al-masluul ku leeyahay juska 3-aad bogga 983 hadalkan macnihiisu yahay “muujinta aflagaaddada iyo cayda Rasuulka (scw) ayaa ah mid si weyn u dhaawacaysa una dhibaataynaysa guud ahaan muslimiinta”. Dhammaan imaamyada iyo fuquhada islaamka waxay qabaan in cayda iyo aflagaaddada ama iyadoo meel looga dhaco sharafta Rasuulka (scw) ay ka rattibmayso kufri cad, waana sida uu qabo imaamu Shaafici iyo dhammaan fuquhada kale. Imaamu Abii Xaniifa Allaha u naxariistee wuxuu ku sheegay qofkii meel uga dhaca Rasuulka (scw) amaba beeniya inuu yahay murtad (diinta ka baxay), sidaas si la mid ah ayeey qabaan asxaabta imaamu shaacifici oo iyagu leh “qof alla qofkii ugula dhaqaaqa Rasuulka (scw) wax uu ku liidayo sida aflagaaddo iyo cayda qayaxan, Nebiga (scw) oo la ihaaneesto waa kufri ama gaalnimo…” Ciqaabta Rabbaaniga ah ee ka dhalanaysa aflagaaddada Rasuulka (scw) Waa hubaal inuu la kulmayo ciqaab rabbaani ah qofkii aflagaaddeeya ama caaya Rasuulka (scw), ciqaabtaasi ha noqoto mid ku timaadda isagoo saaran dunida ama ha ku timaaddo maalinta aakhiro. Imaamka weyn ee Bukhaari ayaa ku soo arooriyay kitaabkiisa saxiixa ah xaddiis uu werinayo Cabdicasiis Binu Suhayb uuna isna ka sii werinayo saxaabiga jaliilka ah ee Anas Binu Maalik isagoo leh hadalkan macnihiisu yahay “waxaa jiray nin kirishtaan ah oo soo islaamay, wuxuu bartay qur’aanka sida suuradda al-baqara iyo aala-cimraan, wuxuuna noqday markii danbe qoraagii Rasuulka (scw). Goor danbe wuxuu ku noqday gaalnimadiisii, wuxuuna dadka ku oran jiray Muxammad waxna ma yaqaano aan ka ahayn wixii aan anniga u qoray. Ilaah (sw) ayaa maalintii danbe ninkii oofsaday. Dadkiisii ayaa aasay. Markii la gaaray maalintii danbe ayaa la arkay ninkii meydka ahaa oo ay dhulkii soo tuftay oo yaala meel dibad ah, markaasay yiraahdeen waxaa qabriga ka soo saaray Muxammad iyo asxaabtiisa. Meydkii ayeey qaadeen, waxay u qodeen god kale oo si fiican loo qoday, sidii ayeey markalena ku aaseen. Hase ahaatee, maalintii kale ayeey arkeen isagoo dibadda yaalla, markaasay xaqiiqsadeen inay dhulka soo tuftay oo ayna rabin inay qaaddo ninkaas, sidii ayeeyna isaga fogeeyeen meydkoodii. Isla xaddiis la macno dhow xaddiiska kore ayuu ku werinayaa Imaam Muslim saxiixiisa, isagoo uu ka werinaya isla saxaabigii aan xusnay ee Anas Binu Maalik isagoo leh hadalkan macnihiisu ahaa “waxaa naga mid ahaa nin najjaar ahaa oo aqristay (bartay) suuradaha al-baqara iyo aala-cimraan. Wuxuu ahaa qoraagii Rasuulka (scw) ee (waxyiga). Isagoo baxsad ah ayuu u cararay xaggii ahlu-kitaabka (nasaarada iyo yahuudda). Markii ay oggaadeen inuu ahaa qoraagii Rasuulka (scw) ee waxyiga ayeey u yimaadeen iyagoo jeclaystay siduu gacantooda ugu soo galay. Ma sii joogin jeer maalintii danbe uu Alle (sw) ka dilo. Waxay dooneen inay aasaan, markaasay u qodeen godkii ay ku aasi lahaayeen, hase ahaatee dhulkii ayaa soo tufay oo ku soo tuuray wejiyadoodii, dabadeedna way isaga tageen kadib markii ay ka quusteen aasitaankiisa, waxayna ku danbeysay cirabtiisa ciqaabtaas foosha xun oo tilmaan cad u ah been-abuurkii uu ku been abuurtay Rasuulka (scw). Haa, sidaas ayeey ku danbeesay abaalmarinta uu ka dhaxlay fal-denbiyeedkiisa. Wuxuu Eebbe (sw) ku fadeexeeyay dadkoo dhan, inuu ka soo saaray qabrigii ay is yiraahdeen ku astura oo ku aasa. Maadaama uu is yiri ku been abuuro oo uu dhibaateeyay Rasuulka (scw) ayuu Eebbe (sw) u aaray addoonkiisa sharafta badan ee Rasuulka (scw). Haddaba, ugu danbeyntii waxaan ugu nasteexeenaynaa dadka la qalday ee aflagaadda qayaxan u geesanaya Rasuulka (scw) iyo diinta islaamka inay ka waantoobaan, ogaadaanna inuu Eebbe (sw) yahay mid xafidaya oo ilaalinaya diintiisa toosan iyo sunnada xabiibkiisa Rasuulka Muxammad (scw).
ceerigaabo.wordpress.com
siciid_32@hotmail.com

MAJSA’ATA IBNU THAWR AL-SADUUSI

MAJSA’ATA IBNU THAWR AL-SADUUSI
”MAJSA’ATA WAA GEESI HALYEEY AH. WUXUU ISU-SOO-BAX DAGAALEED KU LAAYEY BOQOL KA MID AH MUSHRIKIINTA. HADDABA, MAXAAD U MALEENAYSAA INTA UU KU DHEX LAAYEY DAGAALKA BARTAMIHIISA”.

(12)

Waa xilli ay geesiyadii sharafta badnaa ee ciidanka Alle ay iska ja-jafayaan boorkii dagaalka Al-qaadisiyah, weliba iyagoo ku faraxsan guushii uu Ilaah ka siiyay dagaalka, sidoo kalena ku faraxsan wixii walaalahooda dagaalka ku shahiiday loo qoray oo ajar ah. Dhinaca kale waa xilli ay u hilowsan yihiin dagaal la mid ah dagaalkii Al-qaadisiyah, isla markaana ay sugayaan inuu xagga khaliifka Cumar Binu Khaddaab (rc) uga yimaado amar tilmaamaya inay sii wadaan jihaadka si loo ciribtiro carshigii reer Kisraa.

Sugitaankoodii maba sii dheeraanin jeer uu maalintii danbe ka yimaado magaalada Madiina nin uu soo diray Khaliifka Cumar isagoo siday dhambaal ku socota guddoomiyaha gobolka ee Abii Musa Al-ashcariyyi. Dhambaalka wuxuu ku saabsanaa inuu Abuu Musa kaxeeyo ciidanka muslimiinta iyadoo ciidanka lagu darayo ciidan kale oo ka iman doona magaalada Basra, iyagoo markaasna si wadajir ah u aada gobolka la yiraahdo Al-ahwaaz (magaalo ku taalla Iiraan), si loo raacdeeyo hoggaamiyaha reer Furus ee la yiraahdo Al-hurmuzaan markaas ka dibna laga takhalluso lana xoreeyo magaallada Tustur, magaaladaasoo ahayd xarunta boqortooyada reer Kisra.

Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi: sayidkii reer Banii Bakr ee ay aadka u aqbali jireen hadalkiisa.
Amarkii Khaliifka Cumar uu u soo diray Abii Musa ayaa waxaa ku jiray inuu Cumar amray Abii Muusaa inuu dagaalka uu u kaxeysto dagaalyahankii geesiga ahaa ee la oran jiray Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi, isla mar ahaantaana ahaa sayidkii reer Banii Bakr ee ay aadka u aqbali jireen hadalkiisa. Halkan, waxaan ka fahmaynaa qiimaha uu lahaa Majsa’ata Ibnu Thawr.

Saxaabigii Abii Musa Al-ashcariyyi wuxuu shaaca ka qaaday amarkii Cumar Binu Khaddaab, wuxuuna diyaariyay ciidankiisa, dhinaca bidix ee ciidankana wuxuu yeelay Majsa’ata Ibnu Thawr, dabadeedna wuxuu ciidankii ku daray ciidankii ka imaanaayay magaalada Basra, sidii ayeeyna si wadajir ah u dhaqaaqeen iyagoo jidka Alle u duulaya. Kama aynan suulin muslimiintii kuwii magaalooyin badan xoreenaya, tirtirayana meelihii ay gaallada ku jireen, halka hoggaamiyihii ciidanka Faaris ee Hurmuzaana hortooda cararaya jeer uu ka gaaray magaaladii Tustur, iskuna ilaaliyay dhufeysyadeeda.

Tustur ee uu Hurmuzaan ku dhuuntay ayaa waxay ahayd magaalooyinka reer Furus magaallada ugu bilicda badan.
Magaallada Tustur ee uu Hurmuzaan ku dhuuntay ayaa waxay ahayd magaalooyinka reer Furus magaallada ugu bilicda badan xagga quruxda, xagga cimilladana waxay ahayd tan ugu quruxda badan, sidoo kalena waxay ahayd meel aad ugu habboon xagga dhufeys-galka. Waxaa intaa dheer waxay magaaladu lahayd magac dheer oo leh taariikh qadiim ah, waxayna ku taallay meel taag ah oo qaabka ay u dhisan tahay u ekeyd qaab sida faras oo kale.

Waxaa magaallada waraabiya oo mara webiga yar ee lagu magacaabo ”Nahru Dujeyl”. Waxaa magaallada ay lahayd taallo-biyood, taalladaasoo uu dhisay boqorkii la oran jiray Saabuur, waxaa dhinaca taallada ka soo burqanayay biyaha webiga iyadoo ay marayaan waddooyinka mara dhulka hoostiisa.

Haantaas biyaha iyo waddooyinkaas dhulka hoostiisa mara ayaa waxay ka mid ahaayeen dhismaha kuwooda lala yaabo. Maxaa yeelay waxaa lagu dhisay dhagaxyo waaweyn, waxaana lagu taagay tiirar bir ah oo aad u adag, dhinaca kalena dhulka waddooyinka hoose marana waxaa lagu goglay maar. Hareeraha magaallada Tustur waxaa ahaaday derbi aad u weyn aadna u dheer, kaasoo hareereeya magaallada.

Culumada mu’arrikhiinta waxay yiraahdaan, derbigan wuxuu ahaa derbigii ugu horeeyay uguna weyna ee laga dul dhiso dunida dusheeda.

Intaa dabadeed wuxuu Hurmuzaan hareeraha derbigaas ka qoday god dhufeys ah, kaasoo ay adag tahay in laga soo tallaabo, dhinaca kale wuxuu godkaas ka buuxiyay ciidanka Faaris kuwooda xulka ah. Haddaba, muslimiinta waxaa ku soo food lahaaday mushkilad cusub, waayo waxay yimaadeen meel aynan awoodi karin inay gudbaan.

Ciidamadii muslimiintii waxay fadhiyeen hareeraha derbiga Tustur, iyagoo halkaas fadhiyay muddo dhan 18 billood oo aynan awoodin inay godkaas ka gudbaan. Muddadaas intaas le’eg waxay ciidamada muslimiinta la galeen ciidamada Furus 80 iska horimaadyo ama dagaallo.

Dagaal kastana oo ka mid ah dagaalladaasna waxay ku billaabanayeen qaab isu-soo bax, iyadoo ay isu beddeli jireen markii danbena dagaal qadhaadh oo weliba lagu hoobto. Haddaba, Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi ayaa wuxuu goobtii dagaalka ku soo bandhigay wacdarro la yaab leh, taasoo ka yaabisay cadowyadii iyo asxaabtii hal waqti. Waxaa u suurto gashay Majsa’ata inuu laayo boqol nin oo ka mid ah halyeeyadii fardoollayda ahaa ee reer Furus, magaciisana wuxuu noqday mid cabsi ku rida safafka gaallada Furus, halka sharaf iyo awood ay u kordhinaysay muslimiinta.

Saxaabo fara badan oo aanan markii hore aqoonin Majsa’ata ayaa gadaal danbe ka garawsaday sababta uu amiiral mu’miniinka ugu dadaalay inuu halyeeygan geesiga ah ka mid noqdo ciidamada muslimiinta. Dagaalkii ugu danbeeyay ee ka mid ahaa dagaalladii 80-ka gaarayay ayaa waxay muslimiintii weerareen ciidamadii cadoowga weerar geesinimo leh, nimankii gaallada ahaa ee reer Furus ahaana waxay ka carareen kaabadihii ka dhisnaa godka korkiisa, waxayna ku dhuunteen magaallada Madiina iyagoo isku soo xiray iriddadii dhufeyska ahayd.

Muslimiintii, waxay galeen khatar hor leh.

Sabarkii dheeraa ka dib, waxay muslimiintii markale u gudbeen xaalad ka xun tii ay markii hore ku sugnaayeen. Gaalladii reer Furus waxay billaabeen inay leebabkoodii sida roob oo kale uga dhigaan muslimiinta, iyagoo ka soo ganayay dhismayaashii sare korkoodii ee ay ku jireen. Waxay kaloo billaabeen inay derbiyada korkooda ka soo laalaadiyaan silsilado dab ah, silsilad kastana afkeeda waxay wadatay kalbado holcaysa, kuleyl badni awgeed. Haddii mid ka mid ah muslimiinta isku dayo inuu soo koro derbiga amaba uu u dhowaado, gaalladii waxay ku daban jireen kalbaddii sidiina ayeey ku soo jiidan jireen, markaas jirkii ayaa guban jiray, hilibkiisana wuu kala daadaadan jiray sidaasna ayuu ku dhimman jiray.

Waa xaalad aad u qadhaadh.
Waa xaalad aad u qadhaadh. Muslimiintii waxaa ku badatay dhibaatadii, sidii lagu yiqiinnayba waxay billaabeen inay Ilaah baryaan, iyagoo si qushuuc leh isugu dulloonaya Rabbigooda sharafta badna si uu uga qaado dhibaatadan, isla markaasna uga gargaaro cadoowgooda gaallada. Goor uu Abuu Musa Al-ashcariyyi uu ee-eegayo derbigii weynaa ee Tustur, isla mar ahaantaana ka quustay in laga gudbo derbiga, ayaa waxaa hortiisa ku dhacay leeb laga soo tuuray dhinaca derbiga. Wuu eegay, wuxuuna arkay inay wadato warqad ku qoran: “annigu waan idinku kalsoonaaday haddaad tihiin jamaacada muslimiinta, waxaana idin weydiisanayaa amaan iyo nabadgelyo anniga iyo naftayda iyo ehelkayga iyo ciddii i raacdaba, annigana dhinaceeyga waxaa ballan ah inaan idin tusin doono meel qarsoodi ah oo aad uga baxdaan meeshan magaallada Madiina”.

Abuu Muusa wuxuu ninkii u qoray warqad xambaarsanayd inuu amaan iyo nabadgelyo siinayo ninkii, wuxuuna warqaddii ay ku qornayd fariintaas kula xiray leeb dabadeedna ninkii ayuu u tuuray. Ninkii wuxuu ku kalsoonaaday nabadgelyada iyo amaanka muslimiinta iyagoo lagu yiqiinnay tusaalahaas wanaagsan sida ballanta oo laga run sheego, ballanta oo la oofiyo.

Ninkii wuxuu u soo dusay muslimiintii, isagoo ku gabbanaya mugdiga habeenka. Markii uu u yimid Abuu Muusa waxa uu u sheegay waxa uu yahay dhab ahaan, wuxuuna yiri: “innagu waxaan ka mid nahay dadka magaalladan deggan madaxdeeda, ninka la yiraahdo Hurmuzaan (hoggaamiyaha ciidamada Furus) wuxuu laayey walaalkaygii iga weynaa, hantidiisii iyo reerkiisana wuu dhacay. Annigana wuxuu ii hayaa cadaawad iyo xummaan oo wuxuu doonayaa inuu i dilo. Caddaaladiina ayaan dulmigiisa ka door biday, ballan oofintiina ayaan ka door biday ballan ka-bixiisa, waxaana go’aan ku gaaray inaan idin tuso meel qarsoodi ah oo aad uga baxdaan Tustur, sidaa darteed waxaad i siisaa nin ku tilmaaman dhiiranaan iyo maskax furnaan, dhinaca kalena yaqaana dabaasha si aan u tuso waddada”.

Abuu Muusa Al-ashcariyyi oo hoggaaminayay ciidamada muslimiinta ayaa wuxuu u yeeray Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi, ka dibna wuxuu sir ahaan ugu sheegay arrinkan isaga ah isagoo ku yiri: ”waxaad iigu kaalmaysaa nin ka mid ah tolkaaga, ninkaasoo leh go’aan adag iyo caqli hufan, isla markaasna yaqaana dabaasha”. Majsa’ta ayaa durbadiiba yiri: “ninkaas waxaad ka dhigtaa anniga amiiroow”.

Abuu Muusa ayaa wuxuu ku yiri, haddaaba sidaa doontay ku soco barakada Ilaahay, intaa dabadeed wuxuu u dardaarmay inuu xifdiyo waddada, sidoo kalena u fiirsado iridka halka uu ku yaallo, iyo inuu soo xaddido meesha uu joogo Hurmuzaani, inuu sidoo kale soo hubsado shakhsiga Hurmuzaan, dhinaca kalena uusan wax ficil ah qaadin aan ka ahayn howshii loo diray.

Majsa’ata ayaa dhaqaaqay goor habeen ah, isagoo ku gabbanaya gudcurka iyo mugdiga habeenka isagoo la socda ninkii faarisiga ahaa. Way socdeen ilaa ay ka soo galaan meel nafaq ah (waddo marta dhulka hoostiisa), kaasoo isku xira webiga iyo magaallada. Nafaqaas ama godkaas wuxuu mararka qaarkood noqonayay mid waasic ah oo waxaa suurta galeysay in socod looga gudbo, halka marka kale uu ciriiri noqonayay jeer ay sababto inuu dabaasho.

Waddada nafaqa wuxuu ahaa mid qal-qalooca oo kala bax-baxa, mararka qaarkoodna wuxuu noqonayay mid toosan. Sidaas ayeey ku jireen ilaa ay markii danbe ka soo gaareen meeshii looga baxayay magaalada. Ninkii Faarisiga ahaa ayaa wuxuu Majsa’ata tusiyay Hurmuzaan.

Majsa’ata wuxuu yiri, waxaan isha saaray hoggaamiyhii ciidamada Furus ee Humrmuzaan, iyo goobtii dhufeyska u ahayd. Kolkii uu Majsa’ata arkay Hurmuzaan ayaa wuxuu damcay inuu leeb ku gano dhuuntiisa, hase ahaatee durbadiiba wuxuu xasuustay dardaarankii uu siiyay Abuu Muusa Al-ashcarriyyi ee ahayd inuusan wax ficil ah qaadin. Majsa’ata wuxuu xakameeyay naftiisa, wuxuuna ku noqday halkii uu markii hore ka yimid intaan la gaarin fajarkii.

Abuu Muusaa Al-ashcarriyyi Ilaah ha ka raalli noqdee, wuxuu diyaariyay ciidan gaarayay ilaa 300 qof, kuwaasoo ka mid ah ciidamada muslimiinta kuwooda ugu geesisan, uguna adkeysi badan, dhinaca kalena ugu adkeysiga badan xagga dabaasha. Ciidankaas wuxuu amiir uga dhigay Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi, wuuna sagootiyay oo u dardaarmay. Wuxuu ciidamada muslimiinta astaan uga dhigay oraahda takbiirta (allahu akbar), taasoo calaamad u ah goorta la galayo magaallada.

Majsa’ata oo hoggaaminayay ciidamada.
Majsa’ata oo hoggaaminayay ciidamada, ayaa wuxuu ciidankii faray inay iska fududeeyaan dharka ay qabaan, si aynan biyaha u cusleynin dharka. Dhinaca kale, wuxuu uga digay inay soo qaataan waxaan ka ahayn seefahooda, isagoo u dardaarmay inay seefaha ku adkeeyaan jidhkooda. Ciidamadii way dhaqaaqeen, way socdeen ilaa laga gaaray habeenka qaybtiisa hore (qiyaastii 10-ka habeenimo).

Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi iyo ciidankiisa geesiga ahaa waxay godka nafaqa ku jireen muddo ku dhow 2 saacadood, iyagoo socday waddada marta dhulka hoostiisa meeshaasoo aad khatar u ahayd. Kahtartaasina haddaan arki doonnaa. Markay yimaadeen meeshii looga baxayay godka nafaqa ayaa wuxuu Majsa’ata ogaaday in nafaqii uu liqay labo boqol iyo labaatan nin oo ka mid ah ciidamadiisa, waxaana ciidamadii isugu soo haray oo keliya 80 nin. Gumadihii Majsa’ata iyo asxaabtiisa maba aynan dhigin dhulkii magaallada jeer ay soo baxsadeen seefahoodii, kuna qamaameen ciidankii waardiyeenayay dhufeyska iyagoo seefahoodii ku laayey ciidankaas.

Intaa dabadeed, waxay ku soo boodeen albaabadii wayna fureen iyagoo ku hutaafayay ALLAHU AKBAR. Takbiirtooda (allahu akbartoodii) iyo takbiirta ciidankii gudaha ku jiray ayaa wada kulantay, markaasna waxay muslimiintii gudaha ku jiray soo aadeen dhinacii magaallada, waxayna ahayd xilli waaberi ah. Ciidamadii muslimiintii iyo cadoowgii gaallada ayaa madaxa isla galay, waxayna is dhaafsadeen dagaal aad loogu hoobtay, taasoo ay yar tahay in lagu arko taariikhdii duulimaadyada marka laga eego xagga dhibaatada, cabsida iyo tirada dhimashadaba.

Goor uu dagaalku socdo ayaa wuxuu Majsa’ata arkay hoggaamiyihii Hurmuzaan. Isla markiiba, wuxuu soo aadey dhinaciisa, hase ahaatee waxaa ka dhex galay dadkii dagaalamayay oo ka qariyay ninkii uu eeganayay. Wax yar ka dib, ayuu haddana arkay, dabadeedna wuxuu u cararay xaggiisa isagoo la soo baxay seeftiisa. Halkan, wuxuu Majsa’ata kala kulmi doonaa dhibaato, maxaa yeelay sidaan hore ugu soo aragnayba Majsa’ata iyo ciidamadiisuba ma aynan wadan cambuur bireedka dagaalka, taasoo u diidday godkii biyaha ee ay soo mareen.

Majsa’ata iyo Hurmuzaan waxay iskula boodeen seefahoodii, mid kastana midka kale wuxuu ku dhuftay darbad xoog leh. Laakiin nasiib darro, Majsa’ata oo aanan qabin cambuur bireedka way haleeshay darbadii seefta, halka Hurmuzaan ay ka difaacday cambuur bireedkiisa. Geesigii halyeeyga ahaa ee Majsa’ata wuxuu si sara joog ahaan ugu dhacay goobtii dagaalka, isagoo ishiisu ay ku qabowsatay wixii uu Ilaah gacantiisa ku xaqiijiyay oo guul ah. Ciidamadii muslimiintii waxay sii wadeen dagaalka jeer uu Ilaah ka siiyo gaallada guusha, ayna gacanta ku dhigaan hoggaamiyihii ciidamada Furus ee Hurmuzaan.

Muslimiintii iyagoo furashadii iyo guushii ay heleen ku bishaaraysanaya ayaa waxay yimaadeen magaalada Madiina.
Muslimiintii iyagoo furashadii iyo guushii ay heleen ku bishaaraysanaya ayaa waxay yimaadeen magaalada Madiina, iyagoo Khaliifka Cumar Binu Khaddaab ugu bishaaraynaya guusha furashada ee uu Ilaah ku mannaystay, isla mar ahaantaana ayna wadaan hoggaamiyihii ciidanka Furus ee Hurmuzaan. Muslimiintii bishaaraynaysay waxay Khaliifka Cumar uga tacsiyeeyeen geeridii ku timid geesigii halyeeyga ahaa ee Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi. Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu uga abaalmariyo guulihii uu Islaamka u soo hoyay xasanaad iyo ajar fara badan, dhinaca kalena uu ummadda Islaamka maanta ku karaameeyo in la helo boqolaal la mid ah halyeeyga Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi aamiin.

###

ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaan cali
Email: siciid_32@hotmail.com

CADDIYYU IBNU XAATIM AL-DAA’I

CADDIYYU IBNU XAATIM AL-DAA’I
“ADIGU WAAD RUMEYSAY MARKII AY DADKII GAALOOBEEN, ADIGU WAAD GAROWSATAY MARKII AY DADKII INKIREEN, ADIGU WAAD OOFISAY MARKII AY DADKII BALLANTA KA BAXEEN, ADIGU WAAD SOO JEESATAY MARKII AY DADKII CARAREEN” (CUMAR BINU KHADDAAB)

(11)

Caddiyyu oo boqor ah, welibana aan islaamin:

Sannadkii sagaalaad ee hijriyada ayaa waxaa diinta Islaamka u hoggaansamay boqor ka mid ah boqorrada carbeed, ka dib markii uu in fara badan ka biyo diiday. Iimaanka ayuu u jilcay, ka dib markuu madax adeyg iyo ka jeedsi fara badan la yimid. Wuxuu Rasuulka (scw) siiyay oggolaansho buuxda, ka dib diidmo dabadeed. Ninkaas aan tilmaamnay waa Caddiyyu Ibnu Xaatim ee qabiilkiisu reer”ddaa’i-ga” ahaa kaasoo looga tusaalo qaato deeqsinimada aabihiis.

Caddiyyu Ibnu Xaatim wuxuu boqortooyada ka dhaxlay aabihiis, reerkiisana isaga ayeey boqortooyada u caleemo saareen, sidaa darteed maalka ay tolkiisa soo dhacaan wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim saami ahaan ugu lahaa afar meelood meel. Markii uu Rasuulka (scw) la jahray dacwadii hanuunka iyo xaqa, carabtiina ay Nebiga u hoggaansatay jilibba-jilib dabadii ayaa wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim u arkay dacwada Rasuulka mid khatar gelinaysa madaxtinimada iyo boqortooyadiisa.

Sidaa darteed wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim u qaaday Rasuulka cadaawad aad u daran, iyadoo uu weliba uusan garan Rasuulka. Wuxuu xaaladdaas cadaawadeed ku sugnaa muddo gaareysa labaatan sanno, jeer uu markii danbe Alle (sw) laabtiisa ku waasiciyo nuurka iyo iftiinka hanuunka Islaamka. Haddaba, islaamidda uu soo islaamay Caddiyyu waxaa ku dhex jirta sheeko aan marnaba la illoobi karin. Aan marka isaga u deyno si uu noogu sii dhiraan-dhiriyo dhammeystirka sheekadiisa, maxaa yeelay isagaa ku habboon inuu sheekada weriyo.

Naceybkii Caddiyyu ee uu qabay Rasuulka:

Caddiyyu Ibnu Xaatim wuxuu yiri: Ma jrin qof iga necbaa Rasuulka ka dib markaan maqlay. Waxaan ahaa nin ay dadkiisa maamuusaan, sidoo kalena waxaan ahaa nin kirishtaan (gaal ah) ah.

Waxaan ahaa nin tolkiisa ku dhex nool, oo xoolaha ay tolkiisu ka soo helaan dagaallada afar meelood meel ayaan ku lahaa, sidii ay sameyn jiraynba boqorrada carbeed. Hase ahaatee, markaan maqlay Nebi Muxammad waan la coleeytamay oo waan dhibsaday, laakiin markay arrintiisu bannaanka timid, awooddiisana ay fidday ayna bilaabeen ciidamadiisa iyo ilaaladiisa daggaalka in ay ku fideen barriga iyo galbeedka dalalka carabta ayaa waxaan ku iri wiil adeegahayga ahaa oo geellayga ii raaci jiray: ”waxaad ii diyaarisaa neefaf geel oo goolal (cayilan) ah oo weliba hayin ah, waxaadna iigu xirtaa meel ii dhow. Haddaad maqashid ciidamada ama ilaalada Muxammad oo yimid magaalada durbadiiba ii sheeg”.

Goor subax barqin ah ayaa waxaa xaggeyga soo aaday wiilkii shaqaalahayga ahaa, isagoo igu leh: ”wixii aad damacsanayd inaad sameyso haddii ay magaaladaada soo galaan fardihii iyo ciidankii Muxammad hadda sameey”. Waxaan ku iri: ”hooyadaa gablante’e maxaa dhacay?!”. Wuxuu yiri: ”waxaan arkay calamo daaf-wareegaya guryaha, markaan weydiiyay cidda ay yihiinna waxaa la igu yiri waa ciidankii Muxammad”. Waxaan ku iri, haddaba waxaad ii soo diyaarisaa geelii aan horey kuu faray”.

Isla saacaddiiba waan kacay, waxaan faray ehelkayga iyo caruurtaydaba in laga guuro dalkii aan weliggeen jeclayn. Waxaan billaabay inaan socod-boobo, anniga oo weliba ku socda dhinaca gobolka Shaam si aan u haleelo dadka aan isku diinta ahayn oo aan iyaga la deggo.

Waxaan ka soo tagay gabar aynu walaalo ahayn:

Arrinkii qaxa waxay iga deddejisay inaan raad-goobo dhammaan ehelkayga. Markaan dhaafnay meelihii khatarta lahayd ayaa waxaan isha mariyay ehelkaygii, waxaana ogaaday inaan ka soo tagay gabar aynu walaalo ahayn, iyadoo aan uga soo tagnay meeshii la oran jiray: ”NAJD”. Suurto gal iima ahayn inaan iyada u laabto, waan sii soconnay ilaa aan ka nimid dhulkii Shaam, halkiina ayaan iskala deggay dadkii aynu isku diinta ahayn. Hase yeeshee walaashay waxaa qabsaday wixii aan uga cabsanayay.

Anniga oo jooga Shaam ayaa waxaa i soo gaaray warar sheegaya in fardihii ciidamada Muxammad ay weerareen guryaheena , isla mar ahaantaana ay kaxeesteen dad ay ku jirto walaashay, iyadoo loo sii waday magaalada Madiina.

Naxariista Nebiga ee dumarka:

Gabadhii aan waalaalaha aynu ahayn waxaa lagu daray dadkii la soo qabqabtay, iyagoo la dejiyay meel u dhow iridka masjidka. Waxaa meeshii soo maray Nebiga (scw), gabadhii markay aragtay Nebiga ayaa waxay ku tiri: ”Rasuulkii Alloow aabahay wuu dhintay, kii walaalkay ahaana waa la waayey ee igu galladayso Ilaah ha kugu galladaystee”. Rasuulka ayaa ku yiri: ”waa kuma walaalkaa?”. Waxay tiri: ”waa Caddiyyu Ibnu Xaatim”. Rasuulka: ”Ma kii Alle iyo Rasuulkiisa ka cararay baa?!”, intaa ka dib wuu isaga tagay Rasuulka.

Maalintii danbe ayaa waxaa haddana soo maray Rasuulka, waxayna ku tiri hadalkeedii hore oo kale, sidii oo kale ayuuna Rasuulka ugu jawaabayay.

Maalintii saddexaad ayaa Rasuulkii soo maray, goor ay gabadhiina Nebiga ka quusatay. Hase yeeshee nin meesha fadhiyay ayaa gabadhii ku yiri, orodoo u istaag oo la hadal Nebiga, markaas ayeey istaagtay oo mar kale ku tiri: ”Rasuulkii Alloow aabahay waa dhintay, kii walaalkay ahaana waa la waayey ee igu galladayso Ilaah ha kugu galladaystee”. Rasuulka (scw) ayaa si naxariis ku jirta u yiri: ”waan falay” (macnaha dalabkaaga waan aqbalay).

Gabadhii ayaa Rasuulka ku tiri: haddaba, waxaan doonayaa inaan haleelo ehelkayga jooga Shaam”. Wuxuu yiri: ”laakiin socdaalka ha ku degdegin jeer aad ka hesho cid tolkaaga ah oo aad ku kalsoon tahay si ay kuu gaarsiiyaan Shaam, sidaa darteed haddaad heshid cid aad ku kalsoon tahay ila soo socodsii”. Markii uu damcay Rasuulka inuu dhaqaaqo, ayaa waxay gabadhii weydiisay ninkii u sheegay inay Rasuulka la hadasho, waxaana lagu yiri wuxuu ahaa Cali Binu Abii Dhaalib.

Magaaladii Madiina ayeey iska degganayd jeer ay maalintii danbe ay magaalada yimaadaan koox socoto ah oo ay ku kalsoon tahay, kolkaasna waxay u timid Rasuulka (scw) oo waxay ku tiri: ”Rasuulkii Alloow waxaan helay dad socoto ah oo tolkayga ka mid ah oo aan weliba ku kalsoonahay kuwaasoo i gaarsiinaya magaaladii ay joogeen ehelkayga. Rasuulka (scw) wuu ka aqbalay codsigeedii, isagoo arad-bixiyay, wuxuu kaloo siiyay neef geel ah oo ay ku safarto, dhinaca kalena wuxuu siiyay nafaqo ku filan inta ay safarka ku jirto. Gabadhii waxay raacdey dadkii socdaalka ahaa.

Caddiyyu wuxuu yiri: Intaa ka dib waxaan billawnay inaan raadinno wararka gabadha, iyadoo aan sugayno imaanshaheeda, innagoo weliba aan sigayno inaan rumeysano wixii naga soo gaarey ixsaankii Muxammad iyo asxaabtiisa ay u galeen walaashay. Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxaan dhex fadhiyay ehelkayga markii aan arkay haween saaran gurada awrta ayna xaggeena u soo socoto. Waxaan is iri: ma ina Xaatim baa, alla waa iyadii ayaan is iri markaan hubsaday inay iyada tahay.

Markay na dul-istaagtay oo noo timid, waxay ugula hormartay oraahdan: ”ma kii raxim-gooska ahaa ee daalimka ahaa miyaa, waxaad soo wadatay xaaskaagii iyo caruurtaada, waxaadna ka soo tagtay walaalahaaga tii ugu yareyd (waa iyada)”.

Waxaan ku iri, walaaleey waxaan kheyr ahayn ha oran, waxaan bilaabay inaan sasabo oo aan raalli geliyo ilaa ay ka raalli noqotay, ayna iiga sheekeesay wixii ay la kulantay. Wararkii ay sheegtay waa wararkii aan hore u maqalay, waxaana ku iri -waxay ahayd gabar caqli badan lehna go’aan adag-: ”maxaad ka leedahay arrinka ninkan (wuxuu ka wadaa Nebi Muxammad scw).

Waxay tiri: ”wallaahi waxaan arkaa inaad sida ugu dhaqsaha badan aad u haleesho, hadduu Nebi yahay waa kii loo degdegi lahaa fadligiisa, hadduuse boqor yahay agtiisa dulli marnaba kuma noqonaysid”.

Waxyaabihii saameeyay islaamka Caddiyyi Ibnu Xaatim:

Caddiyyu wuxuu yiri: waxaan u diyaar garoobay safar, annigoo u kicitimay magaalada Madiina, waxaana u soo galay Rasuulka (scw), waxaana hore aan u maqlay inuu yiri: waxaan rajeynayaa inuu Ilaah gacantayda ku dhigo gacanta Caddiyyi, waan salaamay isagoo ku jira masjidka. Wuxuu yiri: ”waa kuma?”. Waxaan iri: ”waa Caddiyyu Ibnu Xaatim”. Wuu ii soo istaagay, ka dibna wuxuu i qabtay gacanta isagoo ii kaxeeyay gurigiisa.

Wallaahi ayaan ku dhaartaye wuu i sii waday jeer uu waddada kula kulmay haweeney tabardaran oo weliba waayeel ah, waxayna la socotay wiil yar. Haweentii waxay istaajisay Nebiga, waxayna billowday inay kala hadasho danaheeda, wuu la istaagnaa ilaa uu u dhammeeyo danaheeda. Naftayda ayaa waxaan ku iri: ”Wallaahi kani boqor ma ahan”.

Gacanta ayuu haddana i qabtay ilaa aan ka nimid gurigiisa. Wuxuu soo qaaday barkin ka sameysan harag, isagoo xaggeyga ku soo tuuray iguna leh: ku fariiso”. Intaan ka xishooday baa waxaan ku iri: maya adiga ayaa ku fariisanaya. Wuxuu yiri: maya adiga ayaa ku fariisanaya. Markaas ka dib ayaa waxaan u hoggaansamay amarkii Rasuulka (scw) oo waan ku fariistay, halka uu isaga fariistay dhulka, sababtoo ah guriga ma lahayn waxaan ka ahayn barkintaas. Naftayda ayaan markale ku iri: Arrintani iyo boqornimo kala dheer”.

Intaa dabadeed xaggeyga ayuu soo milicsaday, wuxuuna igu yiri: ”Caddiyyiyoow, miyaadan ahayn nin Rukuusi oo diin ka dhigta diinta kiristaanka iyo diinta Saabi’iyada?”. Waxaan iri: ”haa oo waa runtaa”. Wuxuu yiri, miyaadan ahayn nin tolkaaga ka qaata afar meelood meel (maalka ay dagaalka ka soo dhacaan), taasoo aynan diintaada kuu banneynin?”. Waxaan iri: ”haa”, iyadoo aan garowsaday inuu yahay Nebi xagga Rabbi laga soo diray.

Wuxuu haddana igu yiri (Nebigu):

”Waxaa laga yaabaa Caddiyyiyoow, inay kaa reebayso inaad diinta soo gasho waxa aad aragto ee fuqurada muslimiinta ah, Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxay u dhawdahay in maalkii uu daaddaato muslimiinta dhexdooda jeer laga waayo cid qaadata.

Ma waxaa laga yaabaa –Caddiyyiyoow– inay kaa reebayso inaad diinta Islaamka soo gasho waxa aad aragto oo ah tirada yar ee muslimiinta iyo cadoowgooda oo badan, wallaahi waxay u dhowdahay inaad maqasho haweeneey ka safraysa magaalada Al-qaadisiyyah iyadoo saaran ratigeeda jeer ay ka soo booqato gurigan (kacbada-Makka) iyadoo aynan cidna ka cabsanaynin aan ka ahayn Ilaah.

Waxaa laga yaabaa inay kaa reebayso inaad soo gasho diinta Islaamka aragtida aad aragto boqortooyada iyo awoodda oo ay gacanta ugu jiraan gaalada, Ilaah ayaan ku dhaartaye waxay u dhawdahay inaad maqasho daarihii cad-caddaa ee dhulka Baabil (magaalo ku taalla Ciraaq) oo ay furtaan muslimiinta, keydihii boqorka Kisraa Binu Hurmuzna ay iyaga la wareegeen”.
Waxaan iri: ”Ma boqorkii Kisraa Binu Hurmuz!?”. Wuxuu yiri: ”haa keydihii boqorka Kisraa Binu Hurmuz”. Caddiyyu ayaa yiri: ”markay arrintu halkaas marayso ayaa waxaan qiray shahaadadii xaqa, waana islaamay”.

Caddiyyu Ibnu Xaatim Ilaah ha ka raalli noqdee wuu cumriyay oo wuxuu noqday waayeel, wuxuuna oran jiray: ”waxaan xaqiijiyay labo ka mid ah waxyaabihii uu Nebiga sii sheegay, waxaase ii hartay hal qayb, wallaahi ayaana ku dhaartaye taasna waa tii timaaddo”.

Caddiyyu wuxuu yiri, waxaan arkay gabadhii oo ka soo safraysa magaalada Al-qaadisiyyah iyadoo saaran ratigeeda welibana ayna cabsanaynin ilaa ay ka timaaddo magaalada Makka. Dhinaca kale annigaaba ka mid ahaa fardoollaydii ugu horeeyay ee weerartay, qaadatayna keydihii boqorka Kisraa. Waxaan ku dhaaranayaa inuu yabooha saddexeadna imaanayo.

Caddiyyu wuxuu yiri: Wuxuu Ilaah doonay inuu xaqiijiyo oraahdii Nebigiisa naxariisyo iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxayna dhacday yaboohii saddexaad xilligii khilaafadii zaahidka caabidka Cumar Binu Cabdul-caziiz, markii maalkii meel la kala geeyo la waayey jeer laga arko nin ku dhawaaqaya: ”yaa ii imaanaya oo iga qaadanaya maalkii zakada oo cidna ayna imaanaynin” (xilligan waxaa xilligii dowladdii Cumar Binu Cabdul-caziiz, waxaa la yiraahdaa inuu dowladdiisa soo saaray qaraaro fara badan oo uu ku kafaalo qaadayo ummadda gaar ahaan fuqurada iyo dadka aan waxna haysan., sida qofkii doonaya inuu guursado isla markaasna aan haysan hanti uu ku guursado inuu maalkaas ka heli karo sanduuqa dowladda, sidoo kalena ciddii lagu leeyahay deyn isla markaasna aan awoodin inay iska bixiso in sanduuqa dowladda uu ka heli karo iwm.

Haddaba, waxaa is weydiin leh maxaa muslimiinta maanta ka dhigay mujtamaca ugu liita dunida marka laga fiiriyo xagga dhaqaalaha, amniga, difaaca, siyaasadda iwm, taasi way iska caddahay waa markii ay ka jeesteen ku dhaqanka diintoodii Islaamka kuna dhisan sinnaanta & caddaaladda, dhinaca kalena ahna diin taabanaysa guud ahaan qaybaha nolosha).

Nebi Muxammad (scw) waa ka run sheegay hadalladii uu yiri, Caddiyyi Ibnu Xaatimna wuu meel mariyay dhaartiisii.

Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariista dhammaan asxaabta Rasuulka oo uu ka mid yahay Caddiyyi Ibnu xaatim.

###

ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaan cali
Email: siciid_32@hotmail.com

SACIID BINU CAAMIR AL-JUMAXI

SACIID BINU CAAMIR AL-JUMAXI

“SACIID BINU CAAMIR WAA NIN AAKHIRADA KA DOORTAY ADDUUNYADA, WUXUUNA ALLE IYO RASUULKIISA KA DOORTAY WIXII IYAGA KA SOO HARAY”

(10)

SACIID OO AAN ISLAAMIN:

Wiilkii dhalinyarada ahaa ee la oran jiray Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi wuxuu ka mid ahaa kumanaankii kun ee yimid degmada Tanciim ee ku taallay agagaarka magaalada Makka, si ay u ajiibaan yeeristii ay u yeereen madaxdii Qureysh, iyo weliba si ay u daawadaan toogashadii ama dilkii saxaabiga la yiraahdo Khubeyb Binu Caddiyyi (rc), oo ka mid ahaa asxaabtii Nebi Muxammad (scw) ka dib markii gaaladii qureysh ay ku guuleysteen inay soo qabtaan/qafaashaan Khubeyb.

Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi Ilaah ka raalli noqdee waxay u suurto galisay dhalinyaranimadiisii inuu arko kii ay qafaasheen gaaladii Qureysh (waa Khubeyb’e) isagoo weliba gacmaha iyo lugaha ka xir-xiran, iyadoo weliba dumarkii, caruurtii iyo odayaashiina ay u fafakanayaan oo u baxsanayaan si ay uga aar-goostaan Khubeyb dadkoodii lagaga laayey dagaalkii Badr.

Dadkii faraha badnaa markii ay isugu yimaadeen goobtii lagu tooganayay Khubeyb Binu Caddiyyi ayaa Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi u diyaargaroobay sidii uu arki lahaa Khubeyb, markaas iyada ahna Khubeyb loo wado tiirka toogashada. Saciid wuxuu Khubeyb ka maqlay hadal uu si hoos ahaan ugu yiri gaaladii tooganaysay, hadalkaasina wuxuu ahaa: “haddaad doontaan ii oggolaada si aan u tukado labo rakcadood kahor intaydan i dilin”. Waa loo ogolaaday.

Saciid ayaa wuxuu eegay salaaddii Khubeyb, isagoo u jeestay kacbada si uu u tukado labo rakcadood. Saciid oo aad u jeclaystay salaadihii Khubeyb ayaa wuxuu yiri: “alla yaa ka qurux badnaa, alla yaa ka dhammeystir badnaa labadaasi rakcadood” Khubeyb Binu Caddiyyi kolkuu salaaddii dhammeeyay ayaa wuxuu gaaladii ku yiri: “wallaahi haddaanan ka cabsanaynin inaad u qaadataan inaan salaadda u dheereeyay cabsida aan ka cabsanayo geeri awgeed, waxaan dheereen lahaa salaadda”.

Saciid Binu Caamir wuxuu joogay dilkii Khubeyb iyo sidii sida aan naxariista laheyn jirkiisa loo googooyay, markaasna gaalada ay Khubeyb ku leeyihiin: “ma jeceshahay in silican oo kale lagu sameeyo Muxammad, adigana markaas aad nabad gesho”, uuna lahaa Khubeyb isagoo dhiig baxaya hadalkan: “wallaahi ma jecli inaan noqdo qof nabad qaba, Nebi Muxammadna ay muddo qodax”. Dadkii yimid goobtii toogashada ee gaalada ahaa ayaa si kor ahaan u dhawaaqayay, iyagoo lahaa: “dila.., dila..”

Saciid Binu Cumar wuxuu si naxariis ay ku jirto u eegey Khubeyb oo markaas indhihiisa kor ugu qaadaya xagga cirka, isagoo habaaraya gaaladii sidan u silcisay, wuxuuna lahaa: “Ilaahoow dhammaantood ciribtir, mid-midna u laay oo cid iyaga ka mid ahi ha ka tegin”. Wax yar dabadeedna wuu naf baxay oo wuu dhintay, iyadoo uusan qof tirin kara dhaawacyadii soo gaarey Khubeyb uusan jirin.

SACIID OO SAAMEYSAY DILKII KHUBEYB:

Gaaladii Qureysh waxay u soo laabteen guryahoodii, wayna iska iloobeen dilkii iyo toogashadii soo gaarey Khubeyb. Hase ahaatee Saciid Binu Caamir dhalinyarana ahaa (xilligaas aan qaangaarin) marnaba xiskiisa kama maqnaanin wixii Khubeyb soo gaaray maalintaas. Wuxuu ku arki jiray hurddada (riyada) hadduu seexdo, dhinaca kalena wuu ka fekeri jiray hadduu soo jeedo. Waxaa hortiisa iman jiray isagoo Khubeyb tukanaya tiirka hortiisa labadii rakcadood ee xasilloonida iyo degganaanshaha wadatey, wuxuuna maqlayay hadalkiisii dabancsanaa ee uu ku habaarayay gaaladii Qureysh. Saciid wuxuu markasta ka cabsan jiray in kuwii laayey Khubeyb ay xagga cirka kaga timaaddo ciqaab weyn, amaba lagaga soo rido xagga cirka dhagax weyn. Xilligaas iyada ahayd Saciid ma uusan islaamin.

Allaha u naxariistee Khubeyb wuxuu Saciid baray wax uusan aqoonin hadda ka hor. Wuxuu baray in nolosha dhabta ahi ay tahay caqiido iyo jihaad lagu gaaro waddada caqiidada ilaa ay geerida ka timaaddo. Sidoo kale wuxuu Khubeyb baray Saciid in iimaanka xeesha dheer uu sameeyo falal iyo mucjisooyin la yaab leh. Wuxuu baray arrin kale, oo ah in Nebiga (scw) ay jecel yihiin asxaabtiisa uu yahay Nebi laga taageersan yahay xagga samada.

ISLAAMIDDII SACIID BINU CAAMIR AL-JUMAXI:

Markey arrintu halkaas mareyso wuxuu Ilaah (sw) u waasiciyay laabta Saciid Islaamka. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa wuxuu Saciid ka dhex istaagey dad aad u fara badan dhexdooda, isagoo dadkii ogeysiiyay inuu barri ka yahay denbiyadii ay sameeyeen gaaladii qureysh, dhinaca kalena uu ka baxay cibaadadii asnaamta iyo in uu soo galay diinta Islaamka. Saciid Binu Caamir wuxuu u haajiray magaalada Madiina, isagoo wixii intaa ka danbeeyay laasimay la joogista Rasuulka (scw), wuxuuna isagoo Rasuulka (scw) la socda ka qayb galay duulimaadkii Kheybar iyo wixii ka danbeeyay.

Markii Nebiga (scw) la oofsaday oo uu dhintay, Saciid Binu Caamir waxa uu noqday sida seef galka ka baxday oo ay adeegsadaan labada khulafo ee Abuubakar iyo Cumar (rc). Saciid wuxuu noqday tusaale laga shidaal qaato, sida isagoo looga tusaale qaato mu’minkii adduunyadiisa aakhiro ku iibsaday, wuxuuna raalli ahaanshaha iyo abaal-marka Eebbe (sw) ka doortay dhammaan wixii ay naftu jeclayd oo shahawaad ah.

ASXAABTA SI GOONNI AH AYEEY U QADDARIN JIREEN SACIID:

Dhammaan asxaabta Nebiga (scw) waxay ogaayeen cabsida iyo iimaanka xeesha dheer ee Saciid, sidaa darteed si aad ah ayeey u qaddarin jireen markasta Saciid. Tusaale haddaan u soo qaadanno, Abuubakar iyo Cumar labadooduba Ilaah ha ka raalli noqdee, waxay ogaayeen inuu Saciid ku sifoobay astaamaha runta iyo cabsida Alle, markastana waxay maqli jireen nasteexada iyo waanada uu u soo jeediyo iyaga.

Maalin maalamaha ka mid ah ayaa waxaa Cumar Binu Khaddaab u soo galay Saciid Binu Caamir, waxayna ahayd xilligii billowga khilaafada Cumar. Saciid wuxuu Cumar ku yiri: “Cumaroow waxaan kuu dardaarmayaa inaad Alle uga cabsatid dadka, dadkana aadan Alle uga cabsan, inuusan is-khilaafin ficilkaaga iyo hadalkaaga, hadalka waxaa ugu kheyr badan kan ficilka rumeeyo.. Cumaroow indhaha ku hay muslimiinta uu Alle madaxda kaaga dhigay, kooda dhow iyo kooda fogba, waxaad iyaga la jeclaataa waxaad naftaada iyo reerkaaga la jeceshahay, waxaad iyaga la necbaataa waxa aad naftaada iyo reerkaaga la necebtahay, xaqa gaarsiintiisa waxaad u jirsataa buur kasta, Ilaahna cidna ha uga cabsan”.

Cumar baa wuxuu Saciid ku yiri: “Saciidoow yaa awoodi kara”. Saciid ayaa wuxuu yiri: “waxaa awoodi kara nin adigoo kale ah oo uu Alle u dhiibay umuurta ummadda Nebi Muxammad (scw). Intaas ka dib, wuxuu Cumar Binu Khaddaab ugu yeeray Saciid inuu maamulkiisa wax uga dhiibo, wuxuuna yiri: “Saciidoow waxaan kuu dhiibaynaa maamulka gobolka Ximsa”. Saciid ayaa u celiyay: “Ilaah baan kugu dhaariyaye inaadan i fidnayn”. Cumar ayaa carooday, wuxuuna yiri: “intaad mas’uuliyaddan qoorteeda saarteen ayaa ka dib iigaga cararaysaan!!, wallaahi ku dhaafi maayo”.

SACIID OO KA MID NOQDAY GUDDOOMIYE-GOBOLEEDYADA DOWLADDA CUMAR:

Wixii intaa ka danbeeyay Saciid Binu Caamir waxaa madax looga dhigay magaalada Ximsa. Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yiri: “miyaanan musha-haro kuu qoraynin”. Saciid ayaa ugu jawaabay: “maxaan ku sameenayaa amiirkii mu’miniintoow, maxaa yeelay waxaa iga badan lacagta aan ka qaato baytul-maalka”. Sidiina ayuu Saciid ugu safray magaalada Ximsa.

WAANA AMIIR, WAANA FAQIIR!:

Muddo yar markay ka soo wareegatay muddadii uu Saciid xilka qabtay, ayaa waxaa amiirkii mu’miniintii ee Cumar Binu Khaddaab uga soo wafdiyay magaalada Ximsa wafdi, kuwaasoo ka mid ah kuwo uu Cumar ku kalsoonaa. Cumar Binu Khaddaab wuxuu wafdigiii ka codsaday inay u soo gudbiyaan liiska fuqurada ee deggan magaalada Ximsa.

Wafdigii waxay Cumar u gudbiyeen liiskii ay ku qornaayeen fuqurada/masaakiinta reer Ximsa. Dadkii masaakiinta ahaa waxaaba ku jira Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi oo ah duqa magaalada Ximsa.

Cumar ayaa wafdigii weydiiyay cidda uu yahay Saciid Binu Caamir, waxayna ugu jawaabeen: “waa amiirkeena!”. Cumar ayaa markale wuxuu weydiiyay su’aashan: “amiirkiinu ma faqiir baa?!”. Waxay ku jawaabeen: “haa”, waxayna intaa raaciyeen in ay soo marto maalmo fara badan, iyadoo aan gurigiisa dab laga shidin!. Cumar ayaa aad uga fajacay arrintaasi, wuuna ooyay jeer ay ilmadii ka da’aysay ay ka qoysay garkiisa. Cumar wuxuu wafdigii u dhiibay lacag gaaraysa 1000 diinaar, wuxuuna lacagtii ku riday kiish, isagoo wafdigii ku yiri: “marka hore igu salaama Saciid, waxaadna ku tiraahdaan amiirkii mu’miniintii ayaa lacagtan kuu soo dhiibay si aad ugu kaalmeysato danahaaga khaaska ah”.

REERO ADDUUNYO MA AHAYN:

Wafdigii waxay yimaadeen magaaladii Ximsa, waxayna u tageen Saciid, iyagoo ku wareejiyeen kiishkii ay ku jirtay lacagta. Saciid markuu arkay lacagtii wuxuu bilaabay inuu iska fogeeyo, isagoo oranayay: “Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun, sida inay musiibo ku dhacday oo kale.

Afadii Saciid ayaa soo boodday kolkay maqashay Saciid, waxayna ku tiri: “maxaa kugu dhacay Saciid?!, ma amiirkii mu’miniintii ayaa dhintay?!”. Saciid ayaa ugu jawaabay: “maya ee waxaa dhacay wax taa ka weyn”. Waxay tiri: “ma muslimiintii ayaa dhibaato ku dhacday?!. Wuxuu yiri: “maya ee wax ka weyn taas ayaa dhacday”. Waxay tiri: “maxaa taas ka weyn?!”. Saciid ayaa yiri: “adduunyadii ayaa ii soo gashay, si ay u fasahaadiso aakhiradeyda, fidnadiina waxay degtay gurigayaga”. Xaaskii Saciid iyadoo aanan fahmin hadalka Saciid ayaa waxay iska tiri: “isaga takhallus haddaba”. Saciid ayaa weydiiyay afadiisa su’aashan: “arrintan ma igu kaalmaynaysaa?”, waxayna ku jawaabtay: “haa”.

Saciid wuxuu qaaday lacagtii oo dhan (kunkii diinaar ee uu Cumar u soo diray), dabadeedna wuxuu u qaybiyay masaakiinta muslimiinta. Run ahaantiina lacagtaasi aad ayuu ugu baahnaa isaga, maxaa yeelay ma haysan wakhtigaas arad iyo cunto ku filan, hase ahaatee wuxuu naftiisa ka doorbiday inuu daboolo baahida fuqurada muslimiinta iyo inuu iyaga la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay, si uu ugu sifoobo aayaddii qur’aanka ahayd ee ka hadlaysay arrintan.

MID KA MID AH TUSAALOOYINKA CADDAALADDA CUMAR:

Wakhti badan kama soo wareegan, jeer uu Cumar Binu Khaddaab ku yimaado kormeer magaalada Ximsa, isagoo doonaya inuu wax ka ogaado xaaladda ay ku sugan yihiin reer Ximsa. (Arrintan waxay tusaale cad ka bixinaysaa caddaaladda Cumar iyo sidii uusan u kala saari jirin madaxda iyo shacabka, waxaana xaqiiqo ah in tusaalahani dunida maanta aan lagu arag, laga soo bilaabo madaxda iyo dowladaha dunida Islaamka, ku xiji kuwa iyaga sheegta caddaaladda iyo sinnaanta waa reer galbeedka’e.).

Markii uu yimid magaalada Ximsa oo markii hore la oran jiray: “Al-Kuweyfa” ayaa sidii caadada u ahaydba wuxuu salaamay reer Ximsa, isagoo su’aallo ka weydiiyay umuurta amiirkooda Saciid Binu Caamir oo ahaa amiirka magaalada.

AFAR QODOB OO LAGU SOO EEDEEYAY SACIID:

Dadkii waxay amiirkooda ku soo eedeeyeen afar qodob oo ka mid ah falalka uu sameeyo Saciid, taasoo midba midda kale ka daran tahay. Cumar wuxuu isugu yeeray dadkii iyo amiirkooda, wuxuuna Alle ka baryay inuusan hoojin malihii wanaagsanaa ee uu u hayey Saciid, maxaa yeelay si aan xad lahayn ayuu ugu kalsoonaa Saciid. Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa ay ku eedeenayaan amiirkooda, waxayna ku jawaabeen sidatan:

“Nooma soo baxo ilaa ay maalintu in badan ka tagto”. Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yiri: “maxaad ka leedahay arrinkan?. Saciid xooggaa ayuu aamusnaa, markaasuu wuxuu yiri: “ma aanan jeclayn inaan sheego sababta keentay arrintan, haddase waa lama huraan. Anniga ma lihi adeege ama khaadim, sidaa darteed subax kasta waxaan qasaa cajiinta, muddo yar ayaan u kaadiyaa oo sugaa, ka dib markuu khamiiro ayaan dubaa, dabadeedna waan weeseestaa, markaasna ayaan dadka u soo baxaa”.

Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa kale oo ay ku eedeenayaan Saciid. Waxay yiraahdeen: “habeenkii cidna uma jawaabo”. Cumar ayaa Saciid ku yiri: “maxaad ka leedahay hadalkaas?”. Saciid wuxuu yiri, tanna ma aanan jeclayn inaan sheego, balse sababta aanan u soo bixin habeenkii ayaa ah, iyadoo aan maalintii siiyay iyaga (dadka), habeenkiina aan Ilaahay siiyay.

Mar kale ayuu Cumar dadkii weydiiyay: “maxaad kalood ka sheeganaysaan”. Waxay yiraahdeen: “bishii maalin ayuusan noo soo bixin”. Cumar ayaa Saciid weydiiyay sababta, wuxuuna Saciid ugu jawaabay: “ma lihi adeege amiirkii mu’miniintoow, dharna waxaan ka leeyahay lebiska aan qabo, sidaa darteed bishiiba hal jeer ayaan dhaqaa, waana sugaa ilaa inta uu ka qalalo, markaas ka dibna ayaan u soo baxaa”.

Cumar ayaa dadkii ku yiri: “maxaad kalood ka sheeganaysaan?”. Waxay yiraahdeen: “mararka qaarkood ayuu miyir beelaa”. Saciid ayaa wuxuu yiri: “waxaan goob joog ahaa dilkii Khubeyb Binu Caddiyyi annigoo mushrik (gaal) ah. Waxaan arkay qureysh oo googooneysa jirkii Khubeyb, waxayna ku oranayeen markaas: “ma jeceshahay inaad nabad gasho, oo Nebi Muxammad (scw) joogo booskaaga”, wuxuuna ku jawaabayay:”wallaahi ma jecli inaan reerkayga dhexdooda aan ku nabad qabo, Nebi Muxammad-na ay muddo qodax”, anniguna markaan taas xasuusto dhacdadii maalintaas iyo sidii aanan ugu gaargaarin ayaa waxaan maleeyaa inuusan Alle (sw) ii denbi dhaafaynin, markaasna ayaan miyir beelaa”.

Cumar Binu Khaddaab (rc) si farxad leh ayuu ugu farxay natiijadii dacwada, wuxuuna yiri: “waxaa mahad iska leh Allihii aanan hoojin malahayga”, ka dibna wuxuu Saciid Binu Caamir u dhiibay 1000 diinar si uu umuurihiisa gaarka ah ugu kaalmaysto.

Afadii Saciid markii ay aragtay lacagtii, ayaa waxay tiri: “waxaa mahad iska leh Allihii khidmadaada nagu deeqay, ee waxaad noo soo iibisaa wixii aan u baahnayn, noona soo ijaar adeege noo shaqeeya”. Saciid wuxuu afadiisii ku yiri: “ma doonaysaa wax taas kaaga kheyr badan”. Waxay tiri: “waa maxay”. Wuxuu yiri: “waxaan u dhiibanaynaa cid aan ka soo ceshan doonno goor aan aad ugu baahannahay”. Waxay tiri: “waa kuma kaas”. Saciid wuxuu yiri: “waxaan amaahinaynaa Alle amaah wanaagsan”. Waxay tiri: “waa runtaa, Ilaahna kheyr ha kaaga abaaliyo”.

Fadhigii uu Saciid fadhiyay kamaba dhaqaaqin, jeer uu lacagtii oo dhan ku guray kiishash ama qariirado, wuxuuna ku yiri mid ka mid ah ehelkiisa isagoo lacagtii u qaybinayya masaakiinta: “lacagtan waxaad u geysaa reerkii agoonta ahaa.., lacagtanna waxaad u geysaa islaantii garoobta ahayd.., lacagtanna waxaad u geysaa masaakiintii ina hebel ahaa…

Ilaah ha ka raalli noqdee Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi wuxuu ka mid ahaa dadka naftooda ka doorbida walaalahooda kale, haba ugu baahi badnaato naftiisa sheygaas. Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariisto Saciid Binu Caamir, innagana ina siiyo tusaalihiisii deeqsinimo, cabsi iyo caddaaladeedba. aamiin.

###

ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaan cali
Email: siciid_32@hotmail.com
maxamed c/xirsi xas
mubaarik_101@hotmail.com

Abuu darr al-qafaari

Abuu darr al-qafaari

SAXAABIGI SOO ISLAAMIYEY TOLKIISI OO IDIL

Togga lagu magacaabo ”WADDAAN” ayeey degganaayeen qabiilka reer Qhifaar. Xoogaaga ay u soo tuuraan socotada qureysh ee u kala goosha magaalooyinka Shaam iyo Xijaaz ayeey ku noolaayeen. Mararka qaarkood waxaa dhacda inay si awood leh ay cuntada uga qaataan, waa haddii aynan siinin markaas waxay doonayeen. Haddaba, Saxaabiga la yiraahdo Jundub Binu Junaada, kunyadiisuna tahay Abuu Dar ayaa wuxuu ka dhashay qabiilkaas aan soo sheegnay ee Qhifaar. Hase ahaatee, wuxuu qabiilkiisa kaga duwanaa isagoo ku caanbaxay caqli hufnaan, garaad sarreeya iyo isagoo lagu yaqiinay inuu lahaa aragti aad u xeel dheer. Kuma uusan uu niyad fiyoobeen sanamyada ay caabudayeen tolkiisa. Wuxuu si daran uga soo horjeeday waxay carabtu ku sugnaayeen oo ah cibaado qaldan, iyo caqiido aan waxna ka jirin. Wuxuu u hanqal-taagayay inuu soo baxo Nebi cusub oo buuxiya dadka laabtooda, isla markaasna ka saara dadka mugdiyada iyo baadida ay ku sugan yihiin, una saara iftiinka iyo nuurka xaqa ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalintii danbe Abuu Dar soo gaaray –isagoo ku sugan miyiga- wararka sheegaya Nebiga cusub ee ka soo bixi doona magaallada Makka. Abuu Dar oo doonaya inuu ka sal gaaro warkaas ayaa wuxuu ku yiri walaalkiis Aniis hadalladan “Aniisow waxaad u kicitintaa Makka, oo waxaad is-dul-is-taagtaa wararka sheegaya ninka lagu sheegay inuu yahay Nebi, oo xagga samadana looga waxyoonayo. Hadalladiisa bal noo soo dhageyso, dabadeedna iila imoow wuxuu sheegayo”. Aniis oo ay walaalo ahaayeen Abuu Dar ayaa durbadiiba u kicitimay Makka. Nasiib wanaag, markii uu yimid Makka wuxuu la kulmay Rasuulka (scw), wuuna dhageystay hadalladiisa, kadibna wuxuu ku soo laabtay miyigii uu ku sugnaa Abuu Dar. Abuu Dar ayaa si xiiso leh uga dhageystay walaalkiis Aniis wararkii ku saabsanaa Nebiga (scw). Aniis wuxuu ku yiri Abuu Dar “walaahi waxaan soo arkay nin dadka ugu yeeraya akhlaaqda suubban, isla markaasna ku hadlaya hadallo aan ahayn sixir”. Abuu Dar ayaa weydiiyay Aniis “dadku maxay lahaayeen?”. Aniis ayaa ugu jawaabay “waxay lahaayeen waa sixiroole, faalalow iyo gabyaa”. Markii uu Abuu Dar maqlay hadalladaas waxaa sii korodhay xiisihiisii uu u qabay inuu soo arko Nebiga cusub, sidaa darteed wuxuu ka codsaday walaalkiis Aniis inuu u kafaalo qaado caruurtiisa intuu maqan yahay, sidiina ayuu ugu diyaar garoobay safarka Makka, kadib markii uu aqbalay Aniis dalabkii Abuu Dar, isagoo u dardaarmay-na inuu ka digtoonaado dhibaatooyinka kaga imaan kara reer Makka. Sahankii uu ugu jiray diinta xaqa ah

Abuu Dar wuxuu u sahay qaatay safarkii Makka, isagoo horey u sii qaatay sibraartiisii biyaha ugu jiray, wuxuuna cagta saaray waddadii Makka, si uu uga gun-gaaro yoolkiisii ahaa inuu soo arko Nebiga iyo dhammaan wararka isaga ku saabsan. Ugu danbeyntii, wuxuu Abuu Dar yimid magaallada Makka isagoo aad uga cabsanaya inay dhibaatooyin ka soo gaarto reer Makka. Wuxuu Abuu Dar horey u ogaa carada iyo ciqaabta daran ee gaallada reer Makka ay marinayaan qof kasta oo raaca ama ay naftiisa ugu sheekayso inuu raaco diinta Nebi Muxammad. Sidaa darteed, wuxuu Abuu Dar dhibsaday inuu dadka weydiiyo Muxammad. Maxaa yeelay, ma uusan garanayn qofka uu weydiinayo markaas inuu noqon karo taageerayaasha Muxammad iyo inuu noqon karo cadowgiisa. Cali oo marti geliyay Abuu Dar

Markii la gaaray habeenkii, wuxuu Abuu Dar u diyaar garoobay inuu seexdo masjidka. Iyadoo uu Abuu Dar ku sugan yahay masjidka ayaa waxaa soo ag maray Cali Bin Abii Daalib Allaha ka raalli noqdee, wuxuuna gartay inuu yahay qariib ama marti. Cali ayaa ku yiri Abuu Dar “ ninyahoow kaalay oo i soo raac”, sidiina ayuu Abuu Dar ugu raacay Cali gurigiisa. Markii la gaaray subixii, wuxuu Abuu Dar soo qaatay sibraarkii iyo oleygii ama qandigii uu horey u watay, wuxuuna ku soo laabtay masjidka, iyagoo aan is wareysan. Maalintii labaad wuxuu Abuu Dar ku dhammeystay isagoo aanan weli arag Nebiga cusub ee uu ku rajo weynaa inuu arko. Markii la gaaray habeenkii kale wuxuu Abuu Dar u jiif-tagay masjidka. Hase yeeshee sidii hore oo kale ayaa waxaa soo ag maray -markale- Cali Binu Abii Daalib, wuxuuna ku yiri “soow lama gaarin waqtigii uu ninkan aqoonsan lahaa gurigiisa”, dabadeedna wuxuu u waday gurigiisa, sidiina ayuuna ula seexday habeenkii labaad, iyadoo misna sidii oo kale ayna weli is wareysan. Waxaa dhammaatay muddadii martida. Markii la soo gaaray habeenkii saddexaad, Abuu Dar-na uu gudbay muddadii martida ayaa Cali si degganaansho leh u weydiiyay, isagoo ku leh “kawaran haddaad ii sheegtid sababta aad u timid Makka?”. Abuu Dar wuxuu Cali ku yiri “haddaad ballan adag iga qaaddid inaad i tusinaysid waxaan doonayo waan kuu sheegayaa”. Cali wuxuu Abuu Dar ka ballan qaaday inuu fulin doono ballantii uu la galay isaga. Abuu Dar wuxuu yiri “waxaanMakka uga imid meel aad u fog, dantayduna waa sidii aan ula kulmi lahaa Nebiga cusub iyo inaan dhageysto hadalladiisa”. Farxad awgeed waxaa fur-furantay wejigii Cali Binu Abii Daalib, wuxuuna ku yiri Abuu Dar “wallaahi ninkaad sheegtay waa Rasuulkii Alle ee xaqa ahaa”, wuxuuna intaa u raaciyay “markii la gaaro subixii anniga ayaad i soo raacaysaa, haddaan arko wax aan kaaga cabsanayo waxaan u istaagayaa sida annigoo la moodo inaan daadinayo biyo oo kale, haddaan sii wato socodkana i soo raac jeer aad ka gashid meesha aan galo”. Abuu Dar labo indhood isuma keenin habeenkaas, hilowga daran uu u qabo la kulanka Nebiga cusub awgeed. Subixii markii la gaaray, waxay Cali iyo Abuu Dar yimaadeen gurigii Nebiga (scw). Markii uu yimid Abuu Dar wuxuu ku salaamay Rasuulka (scw) salaantii ay carabta isku salaami jireen ee ahayd “cimta sabaaxan” ama “subax wanaagsan”, hase ahaatee Rasuulka (scw) ayaa u sharxay inay muslimiinta isku salaamaan salaan ka duwan taas. Riwaayad kale ayaa sheegaysa inuu Abuu Dar ku salaamay Rasuulka (scw) salaanta islaamka, sidaa darteed ayaa loo yiraahdaa wuxuu Abuu Dar ahaa qofkii ugu horeeyay ee ku salaama Rasuulka (scw) salaanta islaamka, dabadeedna sidaas ayeey ugu dhex shaacday muslimiinta.

Rasuulka (scw) wuxuu u soo jaleecay, soona qaabilay xaggii Abuu Dar, isagoo ugu yeeraya inuu soo islaamo, wuxuu ku dul aqriyay qur’aanka. Wax yar kamaba soo wareegan jeer durbadiiba uu Abuu Dar ku dhawaaqo towxiidka, wuxuuna ku soo biiray diintii cusbeyd isagoo weli ku sugan fadhigii iyo goobtii uu joogay Nebiga (scw). Abuu Dar wuxuu galay lambarkii afaraad ama shanaad ee soo islaama. Sheekooyinka Abuu Dar ee haray-na bal isaga laf-ahaantiisa ha inoo sii daadiyo.

Abuu Dar Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri: Wixii intaa ka danbeeyay waxaan magaallada Makka la joogay Rasuulka (scw). Wuxuu i baray guud ahaan aqoonta la xiriira diinta islaamka, wuxuu igu aqriyay qaar ka mid ah qur’aanka, kadibna wuxuu igu yiri “inaad soo islaamtay qof deggan Makka ha u sheegin, waxaan ka cabsanayaa inay ku dilaan”. Waxaan ku iri, waxaan ku dhaaranayaa Allaha ay naftayda gacantiisa ku jirto inaanan joogi doonin Makka jeer aan ka tago masjidka Xaramka, si kor lehna aan ugu dhawaaqo dacwada xaqa ah iyadoo ay arkayaan gaallada qureysh. Rasuulka (scw) jawaab kama bixin, oo wuu aamusay.

Waxaan imid masjidka, iyadoo qureysh-na ay fadhido oo ay sheekaysanayaan. Dhexdooda intaan galay, ayaan codkayga kor ugu qaaday annigoo leh “jamaacada qureeshay, waxaan si dhab ah u qirayaa inuusan jirin Ilaah aan ka ahayn Allaha xaqa ah, waxaan kaloo si dhab ah u qirayaa inuu Muxammad yahay Adeegihii iyo Rasuulkii Alle”. Hadalladaas markay si fiican u gaareen dhegihii qureesh hal mar ayeey si daran u fajacee, iyagoo aad u careysan ayaa waxay ka kaceen fadhiyadoodii, waxayna yiraahdeen “ha la qabto kan diintiisa ka gaaloobay”. Xaggeyga ayeey soo aadeen, waxayna billaabeen inay i garaacayaan oo i dilayaan, jeer uu iga soo gaaro Cabbaas Binu Cabdil-Mudhalib oo Nebiga (scw) adeerkiis ahaa. Cabbaas ayaa isku kay daboolay, si uu ii badbaadiyo, dabadeedna wuxuu ku yiri “war ma waxaad dilaysaan nin reer qhifaar ah, iyadoo safaradiina ay maraan waddada ayn deggaan reer qhifaar, sidiina ayeey faraha iiga qaadeen.

Markaan soo miyirsaday, ayaa waxaan u imid Rasuulka (scw). Markii uu arkay Rasuulka (scw) dhaawaca i soo gaaray ayaa wuxuu yiri “soow kaama reebin inaad islaamkaaga shaacisid”. Waxaan iri, Rasuulkii Allow nafta ayaa sidaas doonaysay oo sidaas ayaan u sameeyay”. Rasuulka (scw) ayaa igu yiri “waxaad aaddaa tolkaaga, waxaad uga sheekaysaa waxaad aragtay iyo waxaad maqashay, uguna yeer diinta Alle, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inuu Eebbe (sw) adiga kugu anfaco iyaga, markaasna iyaga dartood aad ajar u heshid.., hadday ku soo gaarto inaan (si fiican) u soo baxay ii kaalay anniga”.

Abuu Dar wuxuu yiri: waan soo kicitimay, waxaana imid magaalooyinkii ay degganaayeen tolkayga qhifaar. Waxaa ila kulmay walaalkay Aniis, wuxuuna igu yiri “maxaad sameysay”. Waxaan ku iri, waan soo islaamay, oo waxaan rumeeyay Eebbe (sw). Maba uusan sii joogin walaalkay Aniis, jeer uu Eebbe (sw) laabtiisa ku waasiciyay diinta islaamka, wuxuuna igu yiri “ma nacayo diintaada, annigana dhinacayga waan islaamay oo sidaadoo kale waan rumeeyay”.

Intaa kadib, waxaan u nimid hooyadeen, waxaan u soo bandhignay diinta islaamka, waxayna nagu tiri “ma nacayo diintiina” sidiina ayeey ku islaamtay. Wixii ka danbeeyay maalintaas, waxay qoyskii muslimka ahaa guda galeen inay ku dhex fidinayaan qabiilka qhifaar diinta islaamka, jeer ay markii danbe ka soo islaamkaan qabiilkaas khalqi aad u fara badan, dhexdoodiina laga oogay salaadda.

Inkastoo qabiilka qhifaar ka soo islaameen dad aad u fara badan, haddana qaar kale ayaa goostay inay islaamkooda la sugaan inta uu Rasuulka (scw) ka imaanayo magaallada Madiina. Hase ahaatee, kolkii uu Rasuulka (scw) soo galay magaallada Madiina way soo islaameen dhammaantood. Maalmo kahor qabiilka qhifaar hal nin ayaa muslim ka ahaa, laakiinse waqti yar kadib wuxuu Eebbe (sw) qaddaray inay dhammaan qabiilka qhifaar ay u soo wafdiyaan Rasuulka (scw) iyagoo muslimiin ah.

Rasuulka (scw) ayaa si farxad, naxariis iyo muusood weyn aad u weyn ku dheehan tahay u eegay wejiyadii reer qhifaar, wuxuuna isagoo u duceenaya ku yiri “qhifaar Allaha u denbi dhaafo”, wuxuu misna jaleecay qabiilka reer Aslam oo iyagana ku soo islaamay gacantii Abuu Dar, wuxuu sidoo kale iyagana Rasuulka (scw) ku yiri “aslam Allaha nabad geliyo”.

Wixii intaa ka danbeeyay, wuxuu Abuu Dar negaa miyiga, jeer laga soo gaaro dagaalkii Badr, Uxud iyo Khandaq. Intaa ka dib, wuxuu ku soo laabtay magaallada Madiina, wuxuuna u go’ay la-jirka Rasuulka (scw), isagoo weydiistayna inuu u istaago adeegga iyo khidmada Rasuulka (scw). Rasuulka (scw) si kal iyo laab ah ayuu uga oggolaado codsigii Abuu Dar, wuuna ku liibaanay khidmadiisa iyo adeeggiisa. Rasuulka (scw) si aad u fiican ayuu u soo dhoweyn jiray Abuu Dar. Ma dhicin inuu Rasuulka (scw) uu la kulmay Abuu Dar, markaasna uusann gacan qaadin oo uusan si farxad leh ugu muusoon*(dhoolo cadeynaayo).

Markii uu Rasuulka (scw) geeriyooday, Abuu Dar wuu u adkeysan waayay inuu ku sii negaado magaallada Madiina, kadib markii magaalladaas uu ka dhintay sayidkeedii, ayna cidloobeen fadhiyadii cilmiga ee uu bixin jiray Xabiibka Rasuulka (scw). Wuxuu Abuu Dar u guuray miyiga Shaam, halkaas ayuu negaa muddadii khilaafada Abuubakar iyo Cumar dhammaantood Allaha ka raalli noqdee. Markii la soo gaaray khilaafadii Cusmaan Binu Caffaan Ilaah ha ka raalli noqdee ayaa uu Abuu Dar yimid magaallada Dimshiq, wuxuuna arkay dadkii oo si xad dhaaf leh ugu mashquulsan adduunyada. Waxay la noqotay yaab iyo amakaag.Ma ahayn reero adduunyo

Waxaa Abuu Dar loo soo bandhigay dhaldhalaalka adduunka iyo inuu xittaa madax ka noqdo Ciraaq oo wuu diiday, wuxuuna dadka aalaaba uga digi jiray inay ku kadsoomaan fidnada adduunka iyo in laga fogaado madaxtinimo-jaceylka. La yaab malahan inuu sidaas Abuu Dar ku sifaysnaa, maxaa yeelay Rasuulka (scw) ayaa wuxuu horey u oggaa runta xeesha dheer iyo aragtida sawaabka badan ee uu xanbaarsanaa Abuu Dar. Sidaa darteed, wuxuu Suubbanaha Rasuulka (scw) kula dardaarmay Abuu Dar inuu badiyo dulqaadka faraha badan iyo samir badan.. Dulqaado intaad igala kulmaysid

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Rasuulka (scw) weydiiyay Abuu Dar su’aal macnihiisu ahaa “Abuu Darow, kawaran haddaad gaartid madaxdii oo naftooda ugu tala galay hantidii qaniimada”. Abuu Dar ayaa ku yiri Rasuulka (scw) “haddaba Allaha xaqa kugu soo saaray ayaan ku dhaartaye inaan seeftayda kaga shaqeenayo kuwaas”. Rasuulka (scw) ayaa haddaba siiyay Abuu Dar dardaarankan “ma ku tusaa wax ka kheyr badan taas?.., sabar oo dulqaado jeer aad igala kulantid”. Abuu Dar si wacan ayuu u xasuusan jiray dardaarankaas uu siiyay macalinkiisii weynaa ee isaga wax baray, oo seeftiisa weligiis ulama bixin mid ka mid ah madaxda muslimiinta. Hase ahaatee, waxaa hubanti ah in uusan ka aamusin marnaba qaladaadkooda ay samaynayeen. Maxaa yeelay wuxuu ogaa in ay furan tahay waddada wax-sheegga iyo nasteexada. Sidaan horey ugu sheegnay, maadaama aynan jirin qaladaad iyo khilaaf sidaas u sii weyn muddadii khilaafada Abuubakar iyo Cumar, laakiin muddadii khilaafada Cusmaan ayaa wuxuu Abuu Dar oo markaas joogay Shaam uu arkay inay muslimiintii si ba’an u qaabileen dhaldhalaalka adduunyada iyo iyagoo ku mashquulay raaxaysiga adduunyada, taasoo isaga ku qasabtay inuu si daran isu hortaago, dadkana ugu yeero ka foggaanshaha fidnada adduunyada…ugu bishaareeya kuwa maalka kaydsada kaawado naareed

Goob kasta uu deggo, magaallo kasto uu galo iyo amiir kasta uu la kulmo wuxuu Abuu Dar oran jiray oraahdan uu ku caan baxsanaa “ugu bishaareeya kuwa maalka kaydsada kaawado naareed”, isagoo ka soo qaatay hadalkaas aayaddii uu Alle ku lahaa “kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oo aan ku bixin waddada Alle ugu bishaareeya cadaab daran”. (suuradda Al-towbah 34). Marka dadku ay meel dheer ka soo arkaan Abuu Dar waxay kula hortagi jireen oraahdan aan kor ku soo xusnay “kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oo aan ku bixin waddada Alle ugu bishaareeya cadaab daran”….Dooddii dhexmartay Abuu Dar iyo Mucaawiye…

Madaxdii xukumaysay Shaam ayaa dhibsaday dhaqdhaqaaqa uu wado Abuu Dar. Mucaawiya Binu Abii Sufyaan oo xilligaas xukumayay Dimishiq iyo Abuu Dar ayaa waxaa dhex martay dood aad u kulul (ka aqri kutubta siirada ee ay qoreen culumada islaamka. Qodobbadii uu Abuu Dar kala doodayay Mucaawiye ayaa ka mid ahaa guryihii uu ku lahaa Shaam iyo guriga uu ku lahaa Makka iyo halka uu ka helay hantidaas. “soow ma tihidiin dadkii joogay markii uu qur’aanka ku soo degayay Rasuulka (scw)” ayuu Abuu Dar weydiiyay su’aashaan xeyn saxaabo ahayd oo meel fadhiyay. Isaga ayaa uga jawaabay su’aashoodii, oo wuxuu yiri “haa, waxaad tihiin dadkii uu qur’aanka soo deggay idinkoo nool, waxaadna kala qayb gasheen Rasuulka (scw) dagaallo badan”. Abuu Dar wuu sii waday hadalka, oo wuxuu yiri “war miyeydan aayaddan ku jirin qur’aanka”, isagoo aqriyayna aayaddan “kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oo aan ku bixin waddada Alle ugu bishaareeya cadaab daran, maalinta lagu gubayo hantidaas naarta jahannamo ay ku guban wejiyadooda, dhinacyadooda iyo dhabarkooda, laguna oran kani waa waxaad u kaydsanayseen naftiina ee dhadhamiya waxaad kaydsanayseen ciqaabtiisa”.

Mucaawiye ayaa hadalka qaatay, wuxuuna ku yiri “aayaddan waxaa lagu soo dejiyay ahlul-kitaabka -yahuud iyo kiristaan-“. Abuu Dar ayaa si sare leh kor ugu qaaday codkiisa, isagoo leh “maya, balse waxay ku soo degtay innaga (muslimiinta) iyo ahlul-kitaabka-ba”. Wuu sii watay Abuu Dar hadalkiisa, isagoo nasteexo u soo jeediyay Mucaawiye iyo madaxda la socotoba inay isaga baxaan guryaha ay ku jiraan iyo beeraha ay leeyihiin, iyo inaynan naftooda u kaydsan wax hanti ah wixii maanta ka danbeeya.

Mucaawiye wuxuu u cabsaday xukunkiisa, waxaa cabsi gelisay hadalladii Abuu Dar. Hase ahaatee, dhinaca kale, wuxuu Mucaawiye si fiican u ogaa mudnaanshaha iyo booska uu ka joogo Abuu Dar, sidaa darteed ma uusan u geysan wax dhibaato ah. Laakiin, durbadiiba wuxuu warqad u diray Cusmaan Binu Caffaan Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo ku leh “ninkii Abuu Dar ahaa wuxuu nagu diray dadkii degganaa Shaam”. Waxyar kadib, waxaa Abuu Dar u timid warqad ka socota amiirul-mu’miniinka Cusmaan, isagoo u sheegay inuu ku soo laabto magaallada Madiina…Wuxuu dagay “Al-Rabada”.

“waxna kuma falayo adduunyadiina” ayuu Abuu Dar ku yiri Cusmaan markii uu yimid Madiina, kadib markay labadooda dhex martay dood aad u dheereed, ugu danbeyntiina wuxuu deggay tuullada lagu magacaabo Al-Rabada, kadib markii uu sidaas kula taliyay ama faray Cusmaan Binu Caffaan. Al-Rabad-adii cidlada ahayd ayuu iska negaa Abuu Dar waqtigii danbe, isagoo isaga fogaaday dadka, si fiicana u haysta hanuunkii ay ku sugnaayeen Rasuulka (scw) iyo labadiisa saaxiib (Abuubakar iyo Cumar), isagoo dunidan dhow-na ka doortay tii baaqiga ahayd. Allaha ka raalli noqdee Abuu Dar wuxuu ku tilmaaanaa zuhdi aad u weyn. Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa Abuu Dar gurigiisa soo galay nin, markaasuu ninkii isha mariyay gurigii Abuu Dar, mana uusan ku dhex arag gurigii wax alaabo ah oo yaalay. Ninkii wuxuu Abuu Dar ku yiri “Abuu Darow aaway alaabtiinii?!”.
Abuu Dar ayaa ku yiri “guri kale ayaa halkaa (aakhiro) ku leenahay, gurigaas ayaan alaabteena wanaagsan dhiganaa”. Ninkii wuu fahmay ulajeeddada Abuu Dar, wuxuuna ku yiri “laakiin waxaa lagama maarmaan ah inaad guriga dhigatid alaab inta aad deggan tahay”. Abuu Dar ayaa ku yiri “laakiin waxaad ogaataa in ninka iska leh guriga uusan marnaba nooga tagaynin guriga”. …Dardaarankii Rasuulka (scw) ee Abuu Dar

Maalin ayaa intuu Abuu Dar fariistay yiri hadalladan “saaxiibkaygii aan jeclaa (waa Rasuulka s.c.w) ayaa wuxuu ii dardaarmay 7 waxyaabood, waxayna kala ahaayeen:-
1) wuxuu i faray jaceylka masaakiinta, iyo inaan iyaga ka mid noqdo
2) wuxuu i faray inaan eego qofka iga hooseeya, oo aanan eegin qofka iga sareeya
3) wuxuu i faray inaan qofna wax weydiisan
4) wuxuu i faray inaan xiriiriyo qaraabada
5) wuxuu i faray inaan ku hadlo xaqa, haba qaraaraadee
6) wuxuu i faray inaan Alle dartii uga cabsan mid canaanaya canaantiisa
7) iyo inaan badiyo oraahda: LAA XAWLA WA LAA QUWATA ILLAA BILLAAHI
Waa hubaal inuu Abuu Dar fuliyay dhammaan dardaarankaas wanaagsan ee uu siiyay macalinkii insaaniyadda ee dunidan soo mara. Cali Binu Abii Daalib Ilaah ha ka raalli noqdee ayaa isagoo ka sheekeenaya Abuu Dar yiri “maanta lama arko qof si Alle dartii aan ugu aaba-yeelin mid canaanaya canaantiisa aan ka ahayn Abuu Dar”. Waa hubaal hadalkaas, oo wuxuu si bareero leh ugu nasteexeen jiray madaxda muslimiinta, isagoo aan ka cabsanaynin awoodda ay leeyihiin. Masaakiinta ayuu aad u jeclaan jiray, iyagana ayuu ka mid ahaa. Weligii qofna ma weydiisan maal ama hanti. Amiirka gobolka Shaam ayaa mar u soo diray lacag gaaraysa ilaa 300 diinaar, isagoo ku yiri “lacagtaan danahaaga ugu kaalmayso”. Jawaabtii Abuu Dar waxay ahayd inuu lacagtii ku celiyay amiirkii, isagoo intaas daba dhigayna “amiirka shaam ma wuxuu waayay qof anniga iga tabar daran”.

Allaha ka raalli noqdee Abuu Dar Al-Qhifaari wuxuu sannadkii 32-aad ee hijriga ku dhintay tuulladii cidlada ahayd ee Al-Rabada, weliba isagoo kelligiis ah, sidii uu horey ugu yiriba Rasuulka (scw) “Allaha u naxariisto Abuu Dar, wuxuu socon doonaa isagoo kelligiis ah, wuxuu dhiman doonaa kelligiis, waxaana la soo saaro doonaa (qiyaamaha) kelligiis. Waxaana intaas ku dhammaatay sheekadii saxaabigii qiimaha badnaa Abuu Dar Al-Qhifaari Allaha ka raalli noqdee.

ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaan cali
Email: siciid_32@hotmail.com

DAABKII MASAARTA (Gabay)

Gabaygan waxa tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed 2008-05-13. Waa farriin ku socota umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta faraha kula jira xal u raadinta mushkiladda umadda iyo xoraynteeda. Magacaabidda hoggaamiyihii maxkamadihii islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kama dhigayso gabayga mid isaga gaar ugu socda laakiin waa tilmaan cad in Sheekh Shariif ugu horreeyo dadka la hoga tusaalaynayo. Farriintani waxa ay xambaarsantahay sawirka dhabta ah ee mushkiladda umadda iyo mawqifka saxda ah ee ay tahay in laga qaato dabaylaha siyaasadeed ee hadda dhacaya. Maxaa ka soo bixi kara shir la nooc ah kan hadda Jabuuti laga wad-wado???.

Wuxu yidhi:

Damacyada is maandhaafsan iyo danahan kooraysan
Damaqiyo xanuunkaan qabiyo diifta igu taalla
Kala daadsanaantayda iyo duullanka i saaran
Dunidaysu kay kaashatiyo kala dayowgayga
Dabinnada la ii qoolay iyo dalaq ku hayntayda
Dawakhaadda iga muuqatiyo daaladhiciddayda
Dalanbaabi socodkayga iyo dib u hayaankayga
Halkii laygu soo dilay haddeer, samo ka doonkayga
Didmo orodka xiiqayga iyo daw ka lumiddayda
Waxan doonayoo ii dhaw iyo diirad li´idayda
Demanaanta qoomkayga iyo cadow dadaalkiisa
Dublamaasi beenaadka iyo daacadnimadayda
Shirar aan dawaba keenahayn daba wareegayga
Waa waxan la daandaansanee diirku ii gubane
Dibnahaygu waxay leeyihiin duhur cad eedaane
Dareenkay ayaan sheegayaa, diidmadaan qabo´e
Waxba yaan la ii dudin runbaan daah ka furayaaye

Doodyahan Shariifow adaan kuu danleeyahay
Docdaadaan walaaloow ka baqay daad ka soo gala´eh
Ninkii maalmo lagu diirsadee lagu degoow heedhe
Ninkii shacabku wada doonayee, daba socdoow heedhe
Waayadan dareenbaa na galay diilalyiyo ciile
Iyadoo dalkaagii dhammaan cadow ka doobyaayo
Iyadoo nin doorkii hurdada lagu duqaynaayo
Iyadoo ducaaddii sidii duunyo loo qalayo
Sideebaad u doonyeysataa damalka hoostiisa?

Adoo dawlad iyo xooglahaa nimankii kuu diiday
Ma haddood daciif tahay ayey darajo kuu quudhi?
Miyaad dagantay sawtaad ogayd dakharka kii geystay?
Sideed ugu dacwootaa kuwii dooxatada keenay?
Boqolkaa dirays ee nin qudhi tolay dawaarkooda
Ee adiga kuu kala duwani waa dun waaxida eh
Waa duul iskala qaybiyoo dani midaysaaye
Waa kii qorshaha soo dejiyo kii debberay maalka
Iyo kii laguu soo diree, koray dabbaabaadka
Iyo kii dawada siinayee dhab u daryeelaayey

Waa niman waxay doonayaan sii dersoo garane
Nabadda ay haddeer kaa dalbeen, daacad haw qabine
Dib u gurasho iyo waa sidii xeelad dirireede
Daabkii masaartoo kalay kula damcaayaane
Marka hore distoorkay ku odhan daaya waa sahale
Marka xiga ducaadday ku odhan daadi waa badowe
Marka xiga nindoorkay ku odhan dayri waa halise
Marka xiga dilkiisay ku fari kii u sii darane
Dembigey faleenbay haddana kaaga dhigi dawwe
Dabadeed aday kugu dulleyn goob darxumo weyne

Doodyahan Shariifoow adaan kuu danleeyahaye
Walaaloow dagaalkani ka wayn dawlad iyo reere
Walaaloow dagaalkani ka wayn duullan Xabashaade
Walaaloow dagaalkani ka weyn dano Maraykaane
Walaaloow dagaalkani ka weyn dib u heshiisiine
Waa diinta nebigaaga iyo damac inaad laasho
Diirkaa madow inad nacdoo kii cad darajayso
Waxa dunida khayraad dhexyaal inad ka daaduunto
Dabadhoon inaad noqoto iyo loo dirsade liita
Ama inaad ilaahay dartii, diiddo amarkooda
Oo aad dil iyo weerar iyo filato duullaanba
Labadaas dariiqbaa ka furan degelkii Soomaale

Doodyahan Shariifoow adaan kuu danleeyahaye
Nabad doontayaa iyo colaad duub u xidhataaba
Kuma degayso xaajadu ciyaar doorkan maanta ahe
Waxay doorashadu saarantahay daw cidhiidhayahe
Dar-Allaan walaal kuu baryoo, ruux dun laad tahaye
Ka deg faraska aad saarantahay waa mid noo darane
Ka deg faraska aad saarantahay waa mid kuu darane
Ka deg oo kac oo orod midee, xoogga diriraaya!
Maxamed Xirsi Guuleed

siciid c/raxmaan cali
ceerigaabo.wordpress.com
Email:siciid_32@hotmail.com

Fadliga Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Maalmuhu iyo billooyinkuba waxay soo laablaabtaan-ba waxaa foodda nagu soo haysa bishii kheyrka badneyd ee Ramadaan. Waa hubaal inuu yahay marti culus oo aad u qiimo badan. Waa munaasabad cibaadeed oo aad u weyn, oo uu Eebbe (sw) ku dhaafo denbiyada addoomada ay galaan, isla mar ahaantaana uu dhexdeeda ku kordhiyo abaalmarka iyo xasanaadka qofkii isaga muteysta maamuuskaas.

Walaalayaal, waa lagama maarmaan inaynu oggaano inay tahay sideedaba gallad iyo nimco qofkii uu Eebbe (sw) waafajiyo inuu gaaro bisha ramadaan. Sidaa darteed, waxaa habboon inaan Ilaahay uga mahad celinno cumriga na gaarsiiyay inaan haleelno bisha fadliga badan ee Ramadaan. Imisa dadka ka mid ah ayaa jira oo aan la waafajinin inay gaaraan bisha ramadaan, oo iyadoo wax yar ay ka hartay geeriyooday, amaba haleelay bisha ramadaanka, hase ahaatee aan la waafajinin inay ka faa’iideystaan. Allahu akbar, waa nasiib darro labadaasii tilmaamood-ba, labadoodaba waxaynu ka magan galaynaa Eebbe (sw).

Walaalayaal, bal ina keena si aan innagoosi farxad leh ku qaabilayna bisha ramadaan aan dib ugu noqono taariikhdii maamuuska lahayd ee uu noolaa Xabiibka Rasuulka (scw), bal si aynu uga baranno qaabkii iyo waddadii uu Rasuulka (scw) iyo asxaabtuba ugu soo dhoweyn jireen bisha Ramadaan. Ugu horeyntiiba, wuxuu Rasuulka (scw)ugu bishaarayn jiray muslimiinta bilashada bisha ramadaan, dabadeedna isagoo ay weheliyaan ardaydiisii qiimaha badnaa ee asxaabta waxay dhammaan bishaas barakeysan ku cammiri jireyn cibaado fara badan oo kala duwan. Sida uu werinayo Imaamu Dhabari, wuxuu Rasuulka (scw) ahaa markay timaaddo bisha Rajab kii yiraahda “Alloow noo barakeey Rajab iyo Shacbaan, waxaadna na gaarsiisaa ramadaan-ka”.

Dadaalkii Rasuulka (scw) ee Ramadaanka

Caa’isha Ilaahay ha ka raalli noqdee iyadoo noo iftiiminaysa siduu Nebiga (scw) ugu dadaali jiray salaatu-leylka waxay tiri “ha ka tagin salaadda leylka, maxaa yeelay ma uusan Rasuulka (scw) ka tagi jirin. Haddii uu xanuunsan yahay ama uu caajiso fadhiga ayuu ku tukan jiray”. Salaadahaas iyo dadaalkaas wuu sii laba-laabi jiray Rasuulka (scw) marka la gaaro ramadaanka, saxaabadana way kaga shidaal qaateen sunnadaas.
Cumar Binu Khadaab (rc) marka la gaaro habeenka wuxuu u istaagi jiray salaad, isagoo si ay khushuuc ku dheehan tahay u dheereen jiray salaadaha habeenka. Habeenka saqda dhexe marka la gaaro wuxuu salaadda u toosin jiray reerkiisa, isagoo ku oran jiray SALAADDA SALAADDA, wuxuuna ku dul aqrin jiray aayadda uu Alle (sw) ku leeyahay “waxaad qoyskaaga fartaa salaadda iyo zakada..”Suuradda Daha 132. Xaddiis uu weriyay Imaam Axmad, uuna ka werinayo Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) yiri xaddiis macnihiisu ahaa: “waxaa idiin yimid bishii ramadaan, wuxuu Eebbe (sw) idinku waajibiyay inaad soontaan, bishaas waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xiraa albaabada Naarta, waxaa la xiraa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka kheyr badan ee leylatul qadar ruuxii laga xarimo kheyrkeeda waa qof kheyr laga xarimay”. Haddaba, bisha sidaas u kheyrka badan waxaa habboon inaynu ku dadaalno sidii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraatkeeda, oo aan gadaal danbe aanan uga qoomamayn.

Soonka waa la aqbalaa ducada

Walaalayaal, waxaa nalaga doonayaa inaynu bishaan kheyrka badan aan kula qaabilnotowbad badan, qur’aan aqris badan, salaad badan, baarifalka iyo samafalka waalidka, waxtarka iyo taageerada dadka dhibaataysan, islaaxinta iyo xiriirka qaraabada iyo dhammaan waddooyinka kheyrka ee uu Eebbe (sw) ka raalliga yahay. Bisha ramadaan waa bishii naxariista. Waa bishii denbi dhaafka badneyd. Waa bishii xoreynta naarta.Lama koobi karo fadliga bisha ramadaan, waxaana ka mid ah in la aqbalo ducada addoomada suubban ay baryayaan Rabbi (sw). Wuxuu Eebbe (sw) yiri isagoo ka hadlaya arrintan “hadduu addoonkayga xaggeyga wax iga weydiisto waxaan u ahay mid u dhow oo aqbala ducada markuu wax i weydiisanayo” aayadda 186 suuradda Al-Baqara. Dhinaca kale, xaddiis uu Imaam Axmad ka weriyay Rasuulka (scw) wuxuu Rasuulka (scw) yiri “seddex ducadooda lama celiyo”, waxayna saddexdaas kala yihiin: qofka sooman jeer uu ka afuro, madaxweynaha caadilka ah iyo qofka la dulmiyay habaarkiisa”.

Deeqsinimada iyo soonka

Walaalayaal, sidoo kale, bisha ramadaan waa bil ku caanbaxsan deeqsinimada, samafalka iyo ixsaanka. Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu yiri “Rasuulka (scw) wuxuu ahaa kan dadka ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ugu sii deeqsinimo badnaa bisha ramadaan, gaar ahaan waqtiga uu la kulmayo malaga Jibriil (cs), habeen kasta wuu la kulmi jiray Jibriil iyagoo daraasayn jiray qr’aanka”. Sidaa darteed, wuxuu Imaamu Shaafici yiri “waxaan jeclahay inuu qofka badiyo deeqsinimada si uu ugu daydo Rasuulka (scw). Dhinaca kale, wuxuu Rasuulka (scw) qur’aanka la daraasayn jiray oo la aqrin jiray Jibriil bisha ramadaan, waxay dhammeyn jireen qur’aanka bisha oo dhan hal jeer, hase ahaatee sannadkii ugu danbeeyay ee uu soomay Rasuulka(scw) waxay qur’aanka khatimeen labo jeer.

Dadka uu Alle ku galladaystay hantida waxaa la gudboon inay ku dadaalaan waxtarka dadka tabaaleysan, siiba bisha ramadaan. Ajar aad u weyn ayaa lagu sheegay qofkii afuriya qof muslim ah bisha ramadaan. Wuxuu Rasuulka (scw) noo tilmaamay in qofkii afuriya qof muslim ah, uu leeyahay ajarkii kii soomanaa oo kale, iyadoo kii soomanaana aan laga naaqusin ama laga dhimin ajarkiisa. Waa fadli aad u weyn.
Bisha ramadaanka waxaa ku jira habeen ka kheyr badan , sida uu Eebbe (sw) noogu sheegay suuradda Al-qadr. Inkastoo aan habeenkaas la cayimin habeenka ay ku beegan tahay, haddana waxaa muslimiinta laga doonayaa inay ku dadaalaan dhammaan habeenada iyo maalmaha ramadaanka uu ka kooban yahay, si ay uga faa’iideystaan fadliga ramadaanka.

Irida dadka sooman ay ka galayaan

Walaalayaal, cibaadada Soonka wuxuu qofka dhaxalsiiyaa Jannada iyo inuu ka galo maalinta qiyaamaha mid ka mid ah albaabada Jannada, kaasoo loogu magacdaray Rayyaan. Saxaabiga la yiraahdo Sahal Binu Sacaad ayaa wuxuu Rasuulka (scw) ka weriyay isagoo leh “waxaa jannada dhexdeeda ahaaday irid la yiraahdo Rayyaan, iridkaas ayeey dadkii soomanaa ka soo galayaan maalinta qiyaamaha, qof aan iyaga ahayn kama soo galayo, waxaa la oranayaa aaway dadkii soomanaa?, markaas bay istaagaan qof aan iyaga ahayn ma soo galayo”.

Allaha ka raalli noqdee saxaabiga la yiraahdo Abii Umaama ayaa weydiiyay Rasuulka (scw), wuxuuna ku yiri “Rasuulkii Allow waxaad i fartaa arrin uu Alle igu anfacayo”, markaasuu Rasuulka (scw) wuxuu ugu jawaabay “waxaad ku dadaashaa soonka, ma jiraan wax la mid ah” Soonka iyo guulihii muslimiinta Lama koobi karo munaasabadada qiimaha leh ee Ramadaan. Bisha Ramadaan waa bilihii ay muslimiinta soo hoyeen guulihii ugu waaweynaa ee islaamka. Dagaalkii ugu weynaa ee ay muslimiinta ku guulaysteen wuxuu ahaa dagaalkii weynaa ee Badr, haddana dagaalkaasi wuxuu dhacay bil ramadaan 17-keedii sannadkii labaad ee hijriga. Waa dagaalkii ay qayb libaax leh ay ka qaateen malaa’igtii sharafta badnaa ee uu hoggaaminayay Jibriil (cs). Wuxuu Eebbe (sw) yiri isagoo ka hadlaya dagaalkaas “dhab ahaantii wuxuu Eebbe (sw) idiin gargaaray Badar idinkoo dulleysan..” aayadda 123 suuradda Al-Cimraan”.

walaalayaal waa in aan dhamanteen Allah (SW) ka barino in uu dunuubteena dhaafo. waxaa kaloo nagu waajib ah in aan wadankeena u duceeyno in Allah uu naga dulqaado dhibaatada ku habsatay umada Soolaamiyeed iyo dhaamaan umadaha Islaamka

siciid c/raxmaan cali
Email:siciid_32@hotmail.com

AXKAANTA SOOMIDDA BISHA RAMADAAN EE BARAKAYSAN

Soonku luqad ahaan waa in wax laga reebtoonaado oo aan la sameyn. Sharciga Islaamkana soonku waa in laga af haysto cunto iyo cabbid iyo in laga reebtoonaado galmo (afooyinka oo xiriir galmo lala sameeyo) laga bilaabo waaberiga (fajarka salaada subax) ilaa ay qorraxdu ka dhacayso iyadoo lala imaanayo niyo qalbiga ah, oo ay tahay in laabta laga niyoodo fulinta awaamiirta Alle (S.W.) oo ah Soonka waajibka ah.

TACRIIF: Waa maxay soon?

Soonka Islaamiga ah waa nafta oo laga xabisayo cunto iyo cabbid iyo waxyaalaha ay hawooto (shahawaat), iyo iyadoo laga goynayo wixii ay u caado yeelatay oo la hagaajiyo awoodeeda shahwada si loogu diyaariyo in ay dalabto liibaan waarta iyo ladnaan weyn, iyo barwaaqo ma guuraan ah, iyo in ay aqbasho waxa naftu ku daahiroobeyso oo lagu janno tago. Ujeeddadu waa in ay gaajada iyo oonkuba ay jebiyaan nafta hanqal taageeda iyo qooqeeda. Qofka sooman wuxuu xusuusanayaa xaaladaha ay ku suganyihiin dadka gaajeysan ee masaakiinta ah.

Soonku waa tiir ka mid ah tiirarka Islaamku ku taaganyahay [eeg Tiirarka Islaamka lifaaq # 1], qofkii diida in Soonku waajib yahay waa uu ku gaaloobayaa. Qofkii rumeysan in Soonku waajib yahay laakiin aan soomin wuxuu ku caasiyay Allihii abuurtay (S.W.). Soonka waxaa la waajibiyay sannadkii 2d ee Hijrada.

WAAJIBNIMADA SOONKA

Ilaahay (S.W.) wuxuu kitaabkiisa Kariimka ah ku yiri aayad micnaheedu ay sidaan tahay: “Kuwa rumeeyayow! Soon baa laydinku waajibiyay, sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyayba, si aad u noqotaan al-Muttaqiin (suubanayaasha).” Al Baqarah, aayadda 183d

Ilaahay (S.W.) wuxuu addoomadiisa ugu yeeray magac laysugu yeero kan ugu wanaagsan uguna qiimo badan oo ah KUWA RUMEEYAYOW! [Eeg Tiirarka Iimaanka Lifaaq # 2], waxaa laydinku waajibiyay in aad soontaan (bisha Ramadaan). Ilaahay (S.W.) waxaa kale oo uu noo caddeeyay in SOONKU aanu ahayn mid innaga nagu cusub balse ummadihii naga horeeyay ay soomi jireen. Garan meyno qaabka ay u soomi jireen, (waxa ay ka soomi jireen, maalmaha ay soomi jireen, tirada inta maalmood oo ay soomi jireen iwm.). Caqiiddadu waxaa weeye in aan ogaanno soonku in aanu ahayn mid ummadda Nabi Muxamad (S.C.W.) ku cusub.

TIIRARKA SOONKA

Soonku wuxuu ku ansaxayaa laba arrimood oo lagu tilmaamo in ay yihiin tiirarka soonka. Waxayna kala yihiin:

(1) NIYADDA: Qofka soomaya waa in uu niyoodo soonka waajibka ah habeennimada (inta ka horeysa waaberiga (fajarka salaadda subax). Qofku haddii uusan neyeysan soon uma jiro. Sida Nabigu (S.C.W.) ku sheegay xadiis saxiix ah oo ah:

Xafsa, Hooyadii Mu’miniinta (A.K.R) waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofka aan soonka (faralka ah) niyeysan intaan waagu baryin lagama aqbalo soon”. W.W. Alkhamsa ~ Shantii.

Sideedaba, niyaddu waxay kala soocdaa cibaadada iyo caadada. Arrin kasta oo cibaado ahna waa in ay niyaddu ka horreyso. Niyaddu waa arrin qalbiga kasoo go’da oo aan u baahnayn in afka lagaga dhawaaqo. Niyadda in afka lagaga dhawaaqaana waa bidco aan sharci ahayn. Niyeysiga soonka waxaa lagu gaar yeelay soonka faralka ah oo kaliya. Soonka sunnada ah uma baahna in habeenkii la neyeysto. Waxaana daliil u ah:

Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: Nabiga (S.C.W.) baa ii yimid maalin oo i weydiiyay: “Wax ma haysaa (la cuno)? Waxaannu niri: Maya. Wuxuu yiri: Marka waan soomanahay, “Dabeeto wuxuu noo yimid maalin kale markaasaan ku niri: Waxaa naloo keenay haddiyad ahaan timir bur cad leh. Wuxuu yiri: Bal i tus, waayo waxaan ku billowday maalinta soomanaan.” markaasuu cunay. W.W. Muslim. Nabiguna (S.C.W.) wuxuu arrintaas ku sameeyey soon sunne ah ee kuma samayn soon faral ah.

(2) In laga afhaysto oo laga joogo (reebtoonaado) dhamaan waxyaalaha soonka burriya [Eeg Waxyaalaha Soonka Burriya].

Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii aan ka harin been iyo dhaqanka la xiriira iyo wixii ceebaal ah, Allaah waxba kuma falayo oo dan kama leh in uu iska daayo cuntadiisa iyo cabbiddiisa (yacni dan kama leh soonkiisa)” W.W. Al-Bukhaari iyo Abuu Daa’uud. Werintaanna waa tii Abuu Daa’uud.

YAA LAGU LEEYAHAY SOOMIDDA BISHA RAMADAAN

Soomidda Bisha Ramadaan waxaa lagu leeyahay, oo ay waajib ku tahay in uu soomo ama ay soonto qof kasta oo ay ku kulmaan saddexda shardi oo kala ah:

(1) QOF MUSLIM AH: Qofka soomaya waa in uu ahaadaa ruux muslim ah. Qof gaal ah haddii uu soomo lagama aqbalayo waayoo xayndaabkii Islaamka ayuuba ka baxsan yahay.

(2) QOF QAANGAAR AH: Qofka soomaya waa in uu ahaadaa qof baaluqay (hanaqaaday). Waxa aan soon laga rabin caruurta, waxaase sunnada ku sugan in caruurta inta ay yaryaryihiin la barro (lagu layliyo) soonka haddii ay awoodi karaan.

(3) IN UU CAQLI TAAM AH LEEYAHAY: Qofka soomaya waa in uu miyir qabaa. Qofka waalan soon kama ansaxayo. Waxaa la doonayaa in uu soomo ruux miyirkiisu taam yahay.

DADKA LOO RUQSEEYSEY IN AY AFURAAN BISHA RAMADAAN

Naxariista Alle (S.W.) waxaa ka mid ah in dad gaar ah ay fasax u haystaan in ay afuraan iyadoo lagu jiro bisha Ramadaan. Dadka loo ruqseeyay in ay afuraan waxay kala yihiin:

(1) QOFKA SAFAR KU JIRA: Ilaahey (S.W.) wuxuu u ruqsiiyay dadka safarka ku jira in ay afuraan oo ay dib kasoo qaleeyaan maalmihii ay afurnaayeen. Culimadu waxay safarka lagu afuri karo ku qiyaaseen in uu dhanyahay 80 km ama 90 km. Laakiin waqtigaan casriga ah iyo waayihii hore waxaa u dhexeeya farqi aad u weyn, maxaa yeelay imminka waxaa lagu safraa gaadiid aad u dheereeya sida diyaaradaha, tareennada, iwm. Haddaba su’aashu waa sidee loo qiyaasayaa safarka lagu afuri karo? Habka ugu wanaagsan waxaa weeye: Qofku mar haddii uu musaafir yahay oo la dhihi karo safar buu ku jiraa, kaas ayaa safar lagu qiyaasi karaa. Isla markaasna waxaa la eegayaa dhibaatada qofka kasoo gaareysa safarka uu ku jiro – qofka haddii aysan wax dhibaato ah kasoo gaaraynin safarkiisa wuxuu khiyaar u leeyahay in uu afuro ama uu soomo (waayoo rukhsaddii Ilaahey (S.W.) siiyay ayuu haystaa, Ilaaheyna wuxuu jecelyahay in rukhsaddiisa la qaato), haddiise ay dhibaato kasoo gaarayso safarkiisa waa mamnuuc in uu soomo.

(2) QOFAKA XANUUNSAN: Qofka xanuunsan oo soonka ku dhibtoonaya waxaa loo rukhseeyay in uu afuro oo dib kasoo qaleeyo maalmihii uu afuray.

(3) QOFKA KU DHIBTOON SOOMIDDA: kuwa soomi kara laakiin ay dhib ku tahay sida qofka da’da ah iyo qofka qaba cudur aan dawadiisa la aqoon oo soomidduna dhib ku tahay, ama dhakhtar lagu kalsoon yahay oo Muslim ah uu u sheegay in uusan soomi karin, waxaa u banaan in ay afuraan oo dib kasoo qaleeyaan.

Allaah (S.W.) wuxuu yir: “Haddii uu midkiin xanuunsanyahay ama safar yahay isla tiradii uu afuray waa in uu gudaa (qaleeyaa) maalmo kale; kuwa ku soomi karaa dhibka (sida qof da’ ah, iwm) waxaa la siiyay (ikhtiyaar in ay soomaan ama) quudiyaan qof sabool ah (bedelka maalin kasta oo ay ufuraan……. “. Al Baqara, aayadda 184d

Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “saddex qalinka waa laga qaaday (oo dembi looma qorayo) (1) Qofka waalan inta uu ka miyirsado, (2) Qofka hurda jeer uu hurdada kasoo koco, iyo (3) cunuga jeer uu baaluqo”. Kuwaani mukalafiin maaha, dembina looma qorayo

Short History of Hajj

1

All the pre-Islamic practices, which were based on ignorance, were abolished and Hajj was once more made a model of piety, fear of Allah, purity, simplicity and austerity.
Audio

Short History of Hajj
12/8/2007 – Religious – Article Ref: IC0301-1834
Number of comments: 59
By: Invitation to Islam
IslamiCity* –

Hajj literally means ‘to set out for a place’. Islamically however it refers to the annual pilgrimage that Muslims make to Makkah with the intention of performing certain religious rites in accordance with the method prescribed by the Prophet Muhammad .

Hajj and its rites were first ordained by Allah in the time of the Prophet lbrahim [Abraham] and he was the one who was entrusted by Allah to build the Kaba – the House of Allah – along with his son Ismail [Ishmael] at Makkah. Allah described the Kaba and its building as follows:

“And remember when We showed Ibrahim the site of the [Sacred] House [saying]: Associate not anything [in worship with Me and purify My House for those who circumambulate it [i.e. perform tawaaf] and those who stand up for prayer and those who bow down and make prostration [in prayer etc.].”
[Surah Al-Hajj 22:26]

After building the Kaba, Prophet Ibrahim would come to Makkah to perform Hajj every year, and after his death, this practice was continued by his son. However, gradually with the passage of time, both the form and the goal of the Hajj rites were changed. As idolatry spread throughout Arabia, the Kaba lost its purity and idols were placed inside it. Its walls became covered with poems and paintings, including one of Jesus and his mother Maryam and eventually over 360 idols came to be placed around the Kaba.

During the Hajj period itself, the atmosphere around the sacred precincts of the Kaba was like a circus. Men and women would go round the Kaba naked, arguing that they should present themselves before Allah in the same condition they were born. Their prayer became devoid of all sincere remembrance of Allah and was instead reduced to a series of hand clapping, whistling and the blowing of horns. Even the talbiah [1] was distorted by them with the following additions: ‘No one is Your partner except one who is permitted by you. You are his Master and the Master of what he possesses’.

Sacrifices were also made in the name of God. However, the blood of the sacrificed animals was poured onto the walls of the Kaba and the flesh was hung from pillars around the Kaba, in the belief that Allah demanded the flesh and blood of these animals.

Singing, drinking, adultery and other acts of immorality was rife amongst the pilgrims and the poetry competitions, which were held, were a major part of the whole Hajj event. In these competitions, poets would praise the bravery and splendor of their own tribesmen and tell exaggerated tales of the cowardice and miserliness of other tribes. Competitions in generosity were also staged where the chief of each tribe would set up huge cauldrons and feed the pilgrims, only so that they could become well-known for their extreme generosity.

Thus the people had totally abandoned the teachings of their forefather and leader Prophet Ibrahim. The House that he had made pure for the worship of Allah alone, had been totally desecrated by the pagans and the rites which he had established were completely distorted by them. This sad state of affairs continued for nearly two and a half thousand years. But then after this long period, the time came for the supplication of Prophet Ibrahim to be answered:

“Our Lord! Send amongst them a Messenger of their own, who shall recite unto them your aayaat (verses) and instruct them in the book and the Wisdom and sanctify them. Verily you are the ‘Azeezul-Hakeem [the All-Mighty, the All-Wise].”
[Surah Al-Baqarah 2:129]

Sure enough, a man by the name of Muhammad ibn ‘Abdullaah was born in the very city that Prophet Ibrahim had made this supplication centuries earlier. For twenty-three years, Prophet Muhammad spread the message of Tawheed [true monotheism] – the same message that Prophet Ibrahim and all the other Prophets came with – and established the law of Allah upon the land. He expended every effort into making the word of Allah supreme and his victory over falsehood culminated in the smashing of the idols inside the Kaba which once again became the universal center for the worshippers of the one True God.

Not only did the Prophet rid the Kaba of all its impurities, but he also reinstated all the rites of Hajj which were established by Allah’s Permission, in the time of Prophet Ibrahim. Specific injunctions in the Quran were revealed in order to eliminate all the false rites which had become rampant in the pre-Islamic period. All indecent and shameful acts were strictly banned in Allah’s statement:

“There is to be no lewdness nor wrangles during Hajj.”
[Surah al-Baqarah 2:197]

Competitions among poets in the exaltations of their forefathers and their tribesmen’s achievements were all stopped. Instead, Allah told them:

“And when you have completed your rites [of Hajj] then remember Allah as you remember your forefathers; nay with a more vigorous remembrance.”
[Surah al-Baqarah 2:200]

Competitions in generosity were also prohibited. Of course, the feeding of the poor pilgrims was still encouraged as this was done during the time of Prophet Ibrahim but Allah commanded that the slaughtering of the animals which was done for this purpose should be done seeking the pleasure of Allah rather than fame and the praise of the people. He said:

“So mention the name of Allah over these animals when they are drawn up in lines. Then, when they are drawn on their sides [after the slaughter], eat thereof and feed the beggar who does not ask, and the beggar who asks.”
[Surah al-Hajj 22:36]

As for the deplorable practice of spattering blood of the sacrificed animals on the walls of the Kaba and hanging their flesh on alters, then Allah clearly informed them that:

“It is neither their meat nor their blood that reaches Allah, but it is Taqwaa (piety) from you that reaches Him.”
[Surah al-Hajj 22:37]

The Prophet also put a stop to the practice of circling the Kaba in a state of nudity and the argument that the pagans put forward to justify this ritual was sharply rebutted in Allah’s question:

“Say: Who has forbidden the adornment [i.e. clothes] given by Allah which He has produced for His Slaves?”
[Surah al-A’raaf 7:32]

Another custom which was prohibited through the Quran was that of setting off for Hajj without taking any provisions for the journey. In the pre-Islamic period, some people who claimed to be mutawakkiloon (those having complete trust in Allah) would travel to perform Hajj begging for food through the whole journey. They considered this form of behavior a sign of piety and an indication of how much faith they had in Allah. However Allah told mankind that to have sufficient provisions for the journey was one of the preconditions for making Hajj. He said:

“And take a provision [with you] for the journey, but the best provision is at-Taqwaa (piety).”
[Surah al-Baqarah 2:197]

In this way, all the pre-Islamic practices, which were based on ignorance, were abolished and Hajj was once more made a model of piety, fear of Allah, purity, simplicity and austerity. Now, when the pilgrims reach the Kaba, they no longer find the carnivals and the frolic and frivolity that had once occupied the minds of the pilgrims there before. Now, there is the remembrance of Allah at every step and every action and every sacrifice was devoted to Him alone. It was this kind of Hajj that was worthy of the reward of paradise, as the Prophet said: “The reward for an accepted Hajj is nothing less than paradise.”

May Allah grant us all the ability to visit His House and perform the Hajj in the manner of the Prophet Muhammad . Aameen.

Xajjka

Xajku waa rukniga shanaad ee ay diinta Islaamku ku dhisan tahay, waana waajib Ilaahay faray ummadda Islaamka ah qofkii awoodi kara ugu yaraan hal mar oo keliye qofka cimrigiisa. Xajku waa qasdi uu qofku u qasdiyo Baytulxaraamka isagoo cibaadaysanaaya. Haddii aan ka warano waqtigii la waajib yeelay xajka waxay ahayd sannadkii sagaalaad ee Hijriyada Ilaahayna uu dadka faray inay xajiyaan haddii ay awoodaan.

Intii ka horeysay waqtigaa waxaa awood ku lahaa Maka mushrikiintii Qureysheed, waqtigaana Nebiga (s.c.w.) iyo asxaabtu ma aysan awoodin in ay si fiican u gutaan xajka.

Xajka qofkii diida ama inkira waa gaal hadii aanu jaahil ka ahayn arrinta xajka, tusaale ahaan haddii uu yahay qof mar dhaw soo islaamay oo kale oo aan si fiican u garanayn xukunka xajka qofkaas waa loo cudur daarayaa.

Dhinaca fadligiisa hadii aynu fiirinnu aad bay uga waramayaan nusuusta Quraanka iyo axaadiista Rasuulkaba, haddii aynu soo qaadano xadiis saxiixaynka ku sugan oo uu wariyay Abuu Hureyra waxaa uu yiri:” Rasuulka (CSW) ayaa la weydiiyay camalka ugu fadli badan ?” Rasuulku (CSW) wuxuu yiri:” in Ilaahey iyo Rasuulkiisa (CSW) la rumeeyo,” ka bacdi waxaa la yiri:” maxaa ku xiga?” wuxuu yiri:” Rsuulku (SCW) Jihaad Ilaahay dartii loo galay”, kabacdi waxaa la yiri:” maxaa ku xiga?”.” Wuxuuna yiri:” Xaj Baari ah”..

Waxaa kaloo Rasuuku (CSW) yiri xadiis uu Abuu-Hureyra ka warinayo in ay xujaayda iyo dadka cimrada gudanaayo ay yihiin wafdi Ilaahay, oo ducadooda la ajiibo, haddii ay Ilaaha dambi dhaaf weydiistaana laga aqbalo oo loo dambi dhaafo. sidoo kale wuxuu Rasuulku (CSW) ku tilmaamay in xajka abaalmarintiisu tahay Janno.

Bilaha xajku waa bisha Shuwaal (Soonfur), Dulqacda (Sidataal) iyo tobanka beri (maalmood) ee ugu horeysa bisha dulxaj (Arrafo).

SHURUUDAHA XAJJKA

Waxaa shardi ah qofka xajka gudanaaya arrimaha soo socda.

1) Inuu muslim yahay.
2) Inuu caqli qabo uuna waalneyn.
3) Inuu qaan gaar yahay.
4) Inuu xoryahay
5) iyo inuu awoodi karo (xoolo iyo jir ahaan ba) inuu xajka guto

Waxaa kale oo in taas weheliya gabadha oo laga rabo inuu maxram la socdo.

Meelaha laga xirmanayo (xiranayo)

waxaa jirta shan meelood oo laga xirmanayo Xajka waxeyna kala yihiin.

1) Dul-xuleyfa oo ay reer Madiina ka xirmadaan.
2) Jux-fax oo ay reer Shaam ka xirmadaan
3) Qarnulm-manaasil oo ay reer Najad ka xirmadaan
4) Yalam-lam oo ay reer Yamneed ka xirmadaan , dadka Soomaaliya ka yimaadana halkan ayey ka xirmadaan
5) iyo Daatu-ciraq oo ay reer Ciraaq ka xirmadaan.

Hadaba waxaa la karaahiyeystay inuu qofku xirmado xajka isaga oo aan soo gaarin shantaa meelood ee kor ku xusan ee uu kaga xirmanayo xajka maxaa yeelay Nabiga (CSW) ayaa waqtiyeeyay.

Waxaa jira saddex nooc ooqofka u gudan karo xajka.

1) Tama tuc oo ah inuu qofku xirmado Cumrada bilaha xajka gaar ahaan ka bacdi marka bisha Shuwaal soo gasho kadibna ka firaaqooda (ka baxo) cumradii oouu xirmado xajkii.
2) Qiraan (xiriirin) oo ah inuu is raaciyo cimrada iyo xajka labadooda oo wada xirmado.
3) Ifraad (keliyeelid) oo ah inuu qofka xirmado xajka oo kaliya.

Culimada Islaamka badidoodu waxay qabaan inuu qofku dooran karo kii uu rabo sedaxdaasi nooc, waxaa la isku khilaafay kan ugu fadli badan saddexda nooc waxaase la door biday Tamatuca kaasi oo Nabigu (CSW) ku booriyay asxaabtiisa isaguna sameeyay.

Sidee loo gutaa xajka?

Ugu horeyn waxaa loo baahan yahay inuu qofku xirmado xajka, oo ah maalinta sideed ee bisha Dul-xaj (Arrafo) marka uu xirmanayana waxaa looga baahan yahay.

1) in uu qubeysto (mayrto) is cadriyo.
2) in uu xirto dhar cadcad, gabadhuna ay xirato wixii ay rabto laakiin shardi waxaa ah ineysan is qurqurxinin.
3) inuu tukado salaadii faralka ahayd haddii ay tahay waqtigeedi si uu markaas ka bacdi u xirmado haddii aanan jirin salaad farad ahi waxuu tukanayaa labo rakco oo sunna ah oo aan ahayn sunnihii ixraamka ka bacdi wuxuu la imaanaya talbiyadii xajka (labbeykallaahumma labbeyk, labbeyka laa shariika laka labbeyk.).
4) Ka bacdi wuxuu u baxayaa Minaa wuxuuna ku tukanayaa duhur, casar, maqrib , cishe iyo subax wuxuuna qasrinayaa (gaabinayaa) salaadaha kuwa la qasrin karo (Duhurka, Casarka iyo Cishaha) isaga oo jamcinaaya (kulminaya).
5) ka bacdi wuxuu istaagayaa Carafa waana maalinta sagaalaad ee Bisha Dul-xaj. Waa rukni muhiima istaagidda la istaago Carafo ducada la duceystaana aad bay u kheyr badan tahay qofka aana xaajiga aheyn waxaa sunne ah inuu soomo.
6) in lugu baryo Musdalifa marka laga yimaado Carafa waana qorax dhaca ka bacdi wuxuuna ku tukanayaa maqrib iyo cishaa. Marka uu tukado salaada subax ka bacdi wuxuu u baxayaa Mash-caril Xaraam.

7) ka bacdi waxaa la aadayaa Minaa waxaana la tuuraya Jamratulcaqaba todaba goor ka bacdina waxaa la qalayaa neefkii hadyiga ahaa. Intaa ka kabacdi waxaa la xiirayaa ama la gaabinayaa timaha haddii uu nin yahay. intaa kabacdi wuxuu la dawaafayaa Kacbada waana dawaaful ifaada. kabacdi sacyigii (orodkii) ayuu la imaanayaa haddii aanu hore u sameyn intaa ka bacdi waxaa xaajigii u xalaaloobaya wixii ka xaaraam ahaa oo dhan ka bacdi xaajigu wuxuu sii joogayaa maalmaha ayaamu-Tashriiqa (maalmamaha 11, 12, iyo 13aad). Minaa, wuxuu tuurayaa sadex tuurimaad oo mid kastaaba tahay toddoba tuuryo oo isku xiga isaga oo qofku takbiiranayo tuuryo kasta oo uu tuuro. Ugu dambeyna qofku ama xaajigu wuxuu sameynayaa Dawaafulwidaac. Ka dibna wuxuu soo siyaaranayaa Masjidka Rasuulka (CSW) Haddii aynu soo qaadano waxyaabaha qofka xaajiga ah ka xaaraan ah inta xajka lagu gudo jiro waxaa ka mid ah.

1) inuu qofka la yimaado jimaac ama galmo.
2) inuu jaro cidiyaha.
3) inuu isticmaalo udug marka uu xirmado ka bacdi .
4) inuu xirto galofis (gacma-gashi).
5) inuu jaro timaha inta Xajka lagu gudo jira.
6) in la suubiyo caqdi ~ guur.
7) in la dilo xayawaanka ama la ugaarsado

TALOOYIN GUUD

Walaalkeyga Xaajiga ah waxaan kula talin lahaa talooyin la xiriira caafimaadkiisa waxaana ka mid ah.

1) inuu xaajiga cabo biyaha nadiifka ah
2) inuusan cunin khudrad aanu iska dhaqin
3) inta aanad cutada cunin ku dhaq gacmahaaga biyo iyo saabuun .
4) iska jir is gediska hawada kuleylka badan iyo qabowga badan, is kana ilaali waqti badan inaad hoos fadhido qorrax kulul.
5) kadhowr ama ka ilaali cuntada Duqsiga, daboolna cuntada
6) haddii ay suurta gal tahay qaado talaalo ka hortag ah.
7) markaad is ka dareento wax dhibaato ah la xiriir meelaha caafimaadka kuugu dhaw.
8) sii qayb nasasho ah jirkaaga; seexo waqti kugu filan maxaa yeelay soo jeedka badani waxuu keenayaa dhibaatooyin kala duwan.
9) dhinaca cuntada ha badsan hilibka waqtiga carrafo la taagan yahay waxaad istimaashaa khudaar (khudrad).
10) dharka aad xiraneyso waa inuu khafiif ahaado oo aanu neyloon ahaan si dhididka uu u nuugo oo xaraaradda jirku hoos ugu dhacdo.

Dhinaca safarka waxaan Xujaayda kula talinayaa

1) inay qaataan tikit safar oo go and back ah.
2) in baasaboorka waqtigiisu fiican yahay oo aanu dhicin.
3) inuu qofka sii qaato Kitaab Qura’an ah oo uu aqristo.

Waxaan u rajeynayaa dadka muslimiinta ah ee sanadkaan Xajka gudanaya camal suuban iyo soo laabasho nabad qabta Ilaaheyna waxaan ka baryayaa sanadkan kiisa kale in Ilaahay nagu gaarsiiyo caafimaad qab, cibaado suuban Aamiin. Allahayoo Aamiin.

Waxaa kale oo aan Ilaahay ka baryayaa inuu umadda Soomaaliyeed ka saaro dhibaatada haaysata uguna bedelo nabad , is jeceyl, iyo is aamin walaaltinimo, iyo dowlad caadil ah dalka ka curata. (Sanadkan 2000).

Aaamiin Allahayoo Aamiin. Idinkuna aamiin ila dhaha.

Wabillaahi Towfiiq

ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaan cali
Email:siciid_32@hotmail.com

IS XISAABI Intaan lagu xisaabin

——————————————————————————–

Shanta Salaadood si fiican ma u tukataa?
Ma soontaa bisha barakaysanee ramadaan?
Ma la baxdaa sadaqo, sekadase ma bixisaa?
Ma xajiday haddaad xoolo leedahay?
Farriinta Alle ma akhrisatay – Al Quraan?
Mase fahamtay faham saxiixa?
Ma raacday rasuulkeenii calayhi salaam?
Bidcada ma iska ilaalisaa maalin kasta?
Alle xagiisa dadka ma ugu yeertaa?
Ma ku dadaashaa saburtaana kheyrka?
Ma ka saburtaa carartaana sharka?
Ma fartaa dadka samaynta waxyaabaha san?
Ma ka reebtaa dadka falalka foosha xun?
Ma badisaa xasuusta maalinta aakhiro?
Ma u diyaar garoowday la kulanka Alle?
Ma damcaysaa janatu Alfirdawsa al’aclaa?
Ma ka baqaysaa gelista naarta jaxiima?
Ma ku dadaashaa digriga iyo xuska Alle?
Ma ku salidaa nebiga calayhi salaam?
Quudkaaga xaaraanta maka ilaalisaa?
Hugaagu dhar islaam ma yahay?
Deriskaaga xuquuqdooda ma ilaalisaa?
Masaakiinta ma siisaa, quudisaana cunto?
Ma ka fekertaa nolosha ehel & ubadba?
Ma ka mid tahay xisbiga Alle?
Ma iska ilaalisaa xisbiga shaydaanka?
Ma ka war haysaa Muslimiinta xaalkooda?
Ma u ducaysaa walaalahaaga kaa maqan?
Ma ku bixisaa dhaqaalahaaga dacwada?
Ma ka toobad keentaa dunuubtaada?
Ma ka ilaalisaa carrabkaaga hilibka dadka?
Shaqadaada ama kasabkaagu xalaal mayahay?
Aduunyadaada ma u qaadatay aakhiradaada?
Caafimaadkaagana ma u qaadatay jiradaada?
Qore: Miskiin, Alle u baahan
Qofkii akhriya siina fidiya waxaan ugu ducayn Janada Alle.

ceerigaabo.wordpress.com

siciid c/raxmaan cali
Email siciid_32@hotmail.com

Waxyeelada Qaadka iyo Muxaadarada aabaa qaatay!

——————————————————————————–

Sh. Mustafe Xaaji Ismaciil
VIDEO: TAARIKHDII ANDULUS

Sh. Mustafe Xaaji Ismaciil ayaa taariikhdu markii ay ahayd 24 tii bishii luuliyo 2006 wuxuu ka jeedinayey magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska muxaadaro uu ku fara yaraystay oo si cilmiyan ah uga waramaysay wax-yaaldada qaadka. Halka muxaadaradu ka socotay oo ahaa masaajidka Al-hudaa… waxaa buuxay rag Soomaaliyeed oo aad u badan, kuwaas oo markii aan isha mariyey in inta badan ay ahaayeen rag wawayn oo badidoodu in kastaba ha le’ekaatee waayo aragnimo qaadka u lahaa, intii muxaadaradu socotay waxaan dusha kala socday dareenkii dadka meesha fadhiyey. Dareenkaas ayaa ahaa mid kala duwan oo soo jiidasho lahaa, waxaa mararka qaarkood kor u kayey qosol aad arkayso inuu u markhaati furayo Sheekha, marmarka qaarkoodna waxaa jiray baaqyo dhexmarayey rag malaa iyagu is garanaya oo mdasha fadhiyey, ilka cadayn, madaxruxid, eegmo, yaxyax iyo yaab intaba way laheen dareenkii ishaydu qabanay, kaas oo dadkii meesha fadhiyey ay si aamusan isku dhaafsanayeen ama isugu markhaati furayeen.

Sheekhu si cilmiyan ah oo dhinac kasta taabanaysa ayuu muxaadaro ilaa laba saac ku dhaw sonaysa uu kaga warramay qaadka. Dhinacyada ay muxaadaradaasi taabanayso ayaa waxaa ka mid ahaa taariikhda qaadka ilaa 700 sano oo Sheekhu gaadhsiiyey, kimiko aahaan waxyaalaha ku jira ee murqaanka keena, waxaa kale oo sheekhu ku dheeraaday oo wax ka sheegay dhinaca dhaqaalaha, akhlaaqada, caafimaadka, nabadgelyada iyo dhaqanka siyaabaha u waxyeeleeyo qofka.

Haddaba marka aynu eegno siyaabaha iyo dhibaatooyinka qaadku u saameeyo nolosha qofka cuna iyo siyaabaha dadka iyagu aan cunin qaadku u saameeyo, xaga nadaafadda iyo caafimaadka guud, wax-qabadka, nolosha qoyska, waxyeelada kale ee guud ahaan uu mujtamaca u gaysto marka la eego waxaa la odhan karaa qaadku ma aha wax caadi ah balse waa dhibaato wayn oo mujtamaceena haysta una baahan in la isu taago oo si degdeg ah wax looga qabto.

Sida Sheekha laftiisu uu hordhaca ka dhigay inta aynaan mamnuucin waxaa loo baahan yahay ugu horayn in kor loo qaado aqoonta dadku u leeyihiin waxyeelada qaadka, kadib marka la isla fahmo waxyeelada qaadka ayaa waxay suuro gelin kartaa arintaasi in go’aan midaysan uu qaato mujtamaca qaybihiisa kala duwan.

Tusaale hadaan soo qaadano markaan eegno caafimaadka qofka iyo mujtamaca oo ah qayb muhiim ah, qaadku wuxuu u gaystaa dhibaato aan la qiyaasi karin oo isugu jirta dhanka maskaxda iyo caafimaadka guud. Waxaa hoos u dhaca caafimaadka dhinac kasta ee qofka qaadka cuna, jidhka oo debca, cunto xumo, dadka qaadka cuna oo ilkuhu waqti hore ka daataan, dalqada iyo cunaha oo nabaro ku samaysman, kuwaas oo ugu danbaynta isu bedela cudurka kansar, gaska caloosha oo uu baab’iyo. Waxyeelada qaadka oo aad u ballaadhan awgeed ma aha mid maqaal iyo laba toona lagu soo koobi karo, balse arimaha aynu soo sheeganay waxay ka mid yihiin waxyeelada qaadka inta ilaa iyo maanta laga ogaaday.

Dhibaatada qaadku ayaan ahayn mid had iyo gooraale ku kooban dadka cuna oo keliy, balse qaadku wuxuu waxyeelo ugaystaa mujtamaca intiisa kele sida dadka meel kula nool dadka cuna oo ay ka mid yihiin qoyska, qaraabada, shaqada iwm. kuwaasoo si toos ah iyo si aan toos ahaynba u saameeyo.

Waxaa had iyo gooraale qofka qaadka cuna soo foodsaara dhibaatooyin joogta ah oo ay ka mid yihiin:

Cunto xumo, lafa xanuun, daal joogto ah nadaafad darro, isla hadal, shaki ama waxa loo yaqaano (Paranoid) oo lagu yaqaan dadka daroogada isticmaala iyo dhibaatooyin badan oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Qaadku wuxuu qayb ka qaataa fidinta cudurada faafa sida Hebatetka ama Beer xanunka, Jabtida, Qaaxada iyo cudurada kale ee faafa, waayo waxaa dhacda in qofka oo aan is ogayn in arimahaas uu faafitaankooda uu qayb qaato.

Dadka qaadka cuna waxaa hoos u dhaca firfircoonidooda taas oo keenta in wax soo saarkiisu dhinac kasta uu hoos u dhaco. Waxaa laga yaabaa inaad aragataan dad badan oo marka ay soo toosaan is dhooba meelaha qaadka lagu cuno iyo agagaarkooda ama qaar kale oo meelahaasi ay hoy u noqdaan.

Qaadku wuxuu wax yeelaa dhismaha jidhka, qofka qaadka cuna waxaa isku furma muruqyada sida kuwa caloosha.

Meelaha qaadka laga cuno waxaa ku bata dadka waalan oo aan maskaxiyan caafimaad qabin, waxaa ku yaraada ixtiraamka iyo muwaafaqada. Waxaa caadi ah in qofka qaadka cunaa uu ka shakiyo wax aan jirin iyo inuu isugu sheekeeyo waxyaalo khiyaali ah, kuwaas oo dhamaan qayb ka qaata kala xidhiidh furashada mujtamaca sida qoyska, ururada, goobaha shaqada iyo meelaha lagu madadaasho sida cayaaraha iyo horumarinta mujtamaca.

Marxaladaha uu qofka qaadka cunaa soo maro waa marcxalado si is daba joog ah isu daba socda oo saameeya dadka cuna sida isaga oo ka soo bilaabaya waxyaalaha musuqa iyo beenta, asaraarka iyo dagaalada, caafimaadka, waxsoosaarka, daryeelka iyo xidhiidhka qoyska oo tartiib tartiib u soo yaraada.

Wuxuu qofka qaadka cunaauu yareeyaa cunnada, waxaana ka xumaada nadaafada guud iyo urta (Hygiene) qof ahaaneed. Dadka qaadka cunaa waxay ugu danbaynta ku soo ururaan meelaha qaadka lagu cuno, kuwaas oo ah meelo aan nadaafadooda iyo noloshooduba aanay wanaagsanayn.

Dadka qaadka cuna oo marka ay qaad qabax (addict) noqdaan waxaa ku adkaata in ay ka soo baxaan masuuliyadaha saaran sida mas’uuliyada qoyska, shaqada iwm. Dadkaa intooda badan ayaa noqda dad culays ku ah humarka mujtamaca.

Qaadku wuxuu ka qayb qaataa fiditaanka musuqmaasuqa, asaarka bulshada (unrest society), beenta iyo xanta (spreading rumours).

Inta badan sida caadiga u ah dadka qaadka cuna waxaa hoos u dhaca dhaqalahooda, taasina waxay keentaa in ay dadka iska hor yimaadaan sida qoyska iyo ehelada, meheradaha ay xidhiidhka la leeyihiin iyo dadka qaadka iibiya intaba. Marka dadka cunaa ay xaaladan soo gaadhaan wuxuu bilaabaa inuu wixii suuro gal ah oo khiyaamo ah uu sameeyo sida isaga oo musuq maasauq iyo xatooyo samaynaya, haday u suuro gashana boob iyo dhac samaynaya, wuxuuna gaadhaa heer uu waqti badan ku lumiyo sidii uu kiilo qaad ah u heli lahaa sida shaxaadka, sugitaan waqtiga qaadku imanayo iyo isdaba maryeyn kale.

Intabadan dadka qaadka cunaa waxay si dhakhso ah u baneeyaan goobaha shaqada, waxayna culays ku noqdaan goobaha caafimaadka, dhaqaalaha iyo nabadgelyada mujtamaca kadib marka ay si dhakhso ah u baneeyaan goobaha shaqada iyo waxsoosaarka.

Qaadku wuxuu dowr muhiim ah ka qaataan kala furfurashada mujtamaca iyo faqriga, sida qoyska oo waxyeelada ugu horraysaa ay soo gaadho, wuxuu abuuraa khilaaf iyo is maandhaaf aan loo baahnayn, wuxuu wax yeelo u gaystaa da’yarta oo welefta deetana qayb ka qaata dhaca, boobka iyo dilka intaba

siciid c/raxmaan cali

QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB

QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB

Maalin ayaa Cabdimudhalib oo hurda manaam loogu yimid lana amray inuu faago ceelka samsamka oo muddo hore duugmay, meel uu ahaana aan la garanayn. Manaamkii ayuu ku weydiiyey meeshuu ceelku ahaa waana loo sheegay. Goortuu hurdadii ka kacay ayuu meeshii tegey isaga oo uu la socdo wiilkiisii Xaarith oo uu markaas carruur ka qabay wuuna qoday. Markii ceelkii la helay ayaa qureysh kula doodday oo tiri: “Cabdimudhalibow waa ceelkii aabahayo Ismaaciil waxaana ku leenahay xaq ee aan kula wadaagsano.” Hase yeeshee Cabdimudhalib wuu ka diidey arrinkaa oo wuxuu yiri: “mayeelayo arrinkaan aniga ayaa la igu khaas yeelay”. Muddo markii la dooday oo arrinkii lagu kala bixi waayey ayaa la go’aansaday in loo xukun tago habar wax sheegsheegta. Habartii ayaa la wada aaday. Goortii meel cidla ah oo dhexe la marayo ayaa Cabdimudhalib iyo nimankii jifadiisa ahaa, ee reer Cabdimanaf, biyihii ka go’een markaasey raggii kale ee qureysh oo la socday weyddiisteen, hase ahaatee wey u diideen iyagoo ka baqaya in ay dhammaantood oon u wada dhintaan.

Cabdimudhalib markuu arkay xaaladdu meeshay marayso iyo inay halis ku jiraan, meesha ay marayaanna ay tahay saxaraa wax ka dhowna uusan jirin, ayuu ku yiri raggii jifadiisa ahaa “nin walba qabrigiisa ha qoto hana dul fariisto, hadba kii dhintana waa aasaynaa”. Sidii ayey yeeleen laakiin markay muddo joogeen ayaa Cabdimudhalib yiri “ma wanaagsana inaan meeshan iska fadhino ee aan soconno”. Markuu hashiisii fuulay oo ay dhaqaaqday ayaa biyo ka soo burqadeen meeshay lugta ka qaadday, biyihii ayuu cabbay dhammaan raggii qureysh ee la socdeyna wuu ugu yeeray. Markay kulligood cabbeen, weelashiina ka buuxsadeen ayey Cabdimudhalib ku yiraahdeen” Ilaah baan ku dhaarannaye arrinkii waa laguu xukumay, dib dambana Samsamka kugula doodi mayno, Ilaahii meeshaan saxaraha ah biyaha kaa siiyey yaa Samsamkana ku siiyey ee u noqo waraabbintaadii, waxba habar u tegi maynee”.

Markaa ayuuu Cabdimudhalib wuxuu ku nadray in haddii Ilaahay toban wiil siiyo oo ay wada hona qaadaan uu midkod Kacbada agteeda Alle darti ugu gowraco, halkaas ayaa markaas dib looga soo laabtay, meeshii markii hore loo socday.

Cabdimudhalib markii Ilaahay tobankii wiil siiyey oo ay wada hanaaqaadeen ayuu isugu yeeray oo u sheegay nadarkiisii, markay ku wada raalli noqdeenna sanamkii Huda ahaa ayuu ag geeyey una qori tuuray tobankoodii markaasaa waxaa soo baxay qorigii Cabdullaahi oo ahaa wiilkii uu carruurtiisa ugu jeclaa, Cabdimudhalib middi ayuu soo qaatey, wiilkiina gacanta ayuu soo qabsaday oo kacbada dhinaceeda la aaday si uu u gowraco hase yeeshee qureysh ayaa wiilkii ku dhegtay oo u diiday inuu gowraco siiba abtiyaashiis reer bani makhsuum, Cabdimudhalib wuxuu yiri sidee baan nadarkaygii yeelayaa, markaasay kula taliyeen inuu aado habar wax sheegta. Habartii markuu u tegey ayey ku tidhi “magtiinnu waa meeqa?” markaasuu ugu jawaabay “toban halaad”, ka dib ayey tidhi “toban halaad iyo isaga u qori tuur, haddii ay tobanka halaad soo baxaan gowrac, hadduu isagu soo baxana geelii kordhi oo toban kale ku dar. Ka dib sidaa geela u kordhi oo hadba toban ku dar ilaa uu geelu soo baxo oo Rabbigiis ka raalli noqdo”. Cabdimudhalib waa soo laabtay wuxuuna u qori tuuray toban halaad iyo wiilkii hase yeeshee waxaa qorituurkii ku dhacay Cabdullaahi, ka dib geelii ayuu hadba toban ku darayey qorituurkuna ku dhacayeye Cabdullaahi illaa uu gaadhsiiyey boqol geel ah oo qori tuurkiina ku dhacay geelii. Ka dib Cabdmudhalib wuxuu gowracay boqolkii geela ahaa.

Markaa wixii ka dambeeyey magtii qureysheed ee tobanka geelo ah ahayd waxaa noqotay boqol geel ah, islaamkuna markuu yimid boqolkii ayuu u sugay, oo uddaayey, Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Anigu waxaan ahay ina labo gowrac” oo uu ula jeedo nebi Ismaaciil iyo aabbihiis Cabdullaahi.

Waxaa aan qisadaan iyo kuwa la midka ahba ka fahmeynaa sida qureyshu ahaayeen dad diin lahaa hase ahaatee shirki iyo inxiraaf galay, arrimo badanna waxay ku dhaameen dad badan oo maanta islaamka u nasab sheeganaya. Arrimahaas oo aannaan halkan ku koobi karin oo u baahan in iyaga kaliya qoraal ama baaritaan laga sameeyo waxaa tusaale inoogu filan sida markay dhib ku timaaddo ay Ilaahay keliya u baryi jireen ama siday ballanta u ilaalin jireen ammaanadana u xifdin jireen, beentana uga xishoon jireen, nadarkana u oofin jireen. Waxaana xaqiiqa ah in dad badan oo maanta islaamnimo sheegnaya aanan arrimahaas oo dhan laga wada helaynin aysanna nadar oofintiis u gowracayn ilmohooda ama boqol geel ah.

Cabdullaahi, oo sidaan soo sheegnayba ahaa nebiga aabbihiis, waxaa hooyadiis la odhan jirey Faadumo bintu Caa’id binu Cimraan binu Makhsuum. Cabdullaahi wuxuu guursaday Aamino bintu Wahab binu Cabdimanaaf binu Suhra bin Kilaab, waxayna isku dhisteen magaalada Makka, muddo yar ka dibna, Aamino oo uur leh, ayaa Cabdullaahi arrin u baxay oo aadey Madiina, halkaas oo uu ku geeriyoodey. Da’diisu waxay markaas ahayd 25 sano.

La soco qaybta danbe

siciid_32@hotmail.com

ceerigaabo.wordpress.com

FADLIGA IYO MUCJISADA QURAANKA

ceerigaabo.wordpress.com
Sida lawada ogsoon yahay quraanku waa daawo iyo mucjiso miiran. Wuxuuna daawo u yahay qofkii ku dhaqma, ee qof walba daawo uma ahan. Marka waxaan jeclaadey inaa halkaa ku soo gudbiyo aayadaha iyo suuradaha quranka ugu fadliga badan.

FADLIGA FAATIXADA LEEDAHAY:

Asaxaabiga Abuu sacid oo Rasuulka SCW misaajidka kula jira wuxuu yiri: Rasuulkaa wuxuu igu yiri: “Abuu sacidow ma waana ku bareyn quraanka suurada ugu wayn intaana misaajidka ka bixin,” markaas aan xoogaa joognay ayaan waxaa arkay Rasuulka SCW oo bixi raba, markaas inta qabtay ayaan Rasuulka ku iri: “miyaadan iga balan qaadin inaa I bartid suurada quraanka ugu way intaana misaajidka ka bixin?” Markaasaa Nebigu yiri: “(1)Waa alxamdu lilaahi rabil caalamiin, (2) Sabcu mathaanii, (3) Wal quraani cadiim.” Marka waa Faatixada, saddexdaa magacna ayadaa leh.

FADLIGA AAYATUL KURSIGA LEEDAHAY:

Asaxaabiga Ubayi waxaa laga wariyey nuu yiri: Rasuulkaa wuxuu yiri isagoo waydiinaya su’aal asaxaabigaas: “Abaa mundirow! magaraneysaa kitaabka Alle (quranka) aayada ugu fadliga badan? Markaasuu saxaabiga ku jawaabey: Ilaahey iyo Rasuulkiisa garanaya. Saa mar labaad ayuu Rasuulka SCW ku celiyey su’aashaad kor ku xusan. Markaasuu Abaa mundir yiri: “haa, waa aayatul kuris”, markaas Rasuulka SCW farxad darteed buu gacanta si naxariis leh fiiraha uga dhuftay, wuxuuna yiri: “cilmi ayaan kuu hanbalyeynaayaa Abaa Mundirow.”
FADLIGA LABADA AAYADOOD OO U DANBAYSA SUURATUL BAQRA:

Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Habeen qofka aqriya labada aayadood ee suuratul baqara u danbaysa ku falin.” Macnaha waxay uga filan yihiin qiyaamu leylka iyo sharta insiga iyo jinniga….labada nooc waa suura gal, intaba waa la yiri.
FADLIGA LABADA AAYADOOD OO BAQARA U DANBEEYA IYO FAATIXADA OO LA ISKU DARAY:

Cabbaas waxaa yiri: Waxaa is ag fadhiyey Nebiga iyo Maliku Jabriil, ayagoo is ag fadhiya ayaa waxay maqleen albaab laga furay samada shanqartiisa, markaas Malaku Jabriil ayaa cirka fiiriyey, oo yiri: “Sharqartaa maqlaysid waa albaab samada ku yaal, oo manta ka horna aan la furin.” Markaasaa albaabkii cusbaa malagbaa ka soo dagay. Markaasaa Jabriil Nebiga u sheegay, oo ku yiri: “Albaabkii cusbaa waxaa ka soo baxay malag, malagaas oo aan waligiis maanta ka hor u soo bixin dhulka.” Markuu Jabriil war bixintaa siiyey Nebiga SCW ayaa malagii cusbaa Nebiga ayuu salaamay, wuxuuna malagii yiri: “Waxaa ku bishaareysataa labo nuur oo adiga lagu siiyey, oo aan Nebi kaa horeeya la siiyay jirin waa suuratut faatixa & labada aayadood oo baqara ugu danbeeya.” Intaa markuu Malagii Nebiga u sheegay wuxuu ku daray: “Hal xaraf oo ka mid ah aqrin maysid ilaa waa lagu siinayaa.” Macnaha waxaa laga wadaa faatixada iyo labada aayadood waa duco oo haddaa aqriso ducadaas waa lagaa aqbalayaa. Marka halkaa waxaa ku ogaanay faatixada iyo labada aayadood oo baqra ugu danbeeya inay duco yihiin, oo haddaa aqrisid ducadaa farta lagaa saaraayo.

FADLIGA SUURATUL KAHFI: 10KA AAYADOOD OO UGU HOREEYA.
Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Qofkii dusha ka xifdiya tobanka aayadood oo suuratul Kahfi ugu horeeya, waxaa laga badbaadiya sharta ninka il cawir.” Gaalkii dhibta badnaa 10ka aayadood oo suuratul Kahfi u horeysa ninkii dusha ka qabta shartiisii wuu ka badbaadey.

FADLIGA SUURATUL FATXI (INAA FATAX):

Cumar Ibnu Khadaab (A.K.N) wuxuu yiri: waxaan u imaaday Rasuulka SCW markii xudaybiya laga soo laabtay oo aan wali wadada ku sii jirno, markaasuu Nebigu wuxuu yiri: “Habeenkaan waxaa la igu soo dajiyey suurat, suuradaasoo aan ka jeclahay adduunka waxa yaal kuligiis.” Markaasuu aqriyey Suuratul Fatxi. (inaa fatax).
FADLIGA SUURATUL TABAARAK:
Rasuulka Alle SCW wuxuu yiri: “Hal suurat quraanka ku jirta, oo sodon aayadood ah, saaxiibkeed way u shafeeco qaadaa maalinta qiyaame, ilaa shafeecadeeda laga aqbalo, suuradaasna waa Tabark.”

FADLIGA SUURATUL KAAFIRUUN (qul yaa ayuhal kaafiruun):
Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Suurada Kaafiruun layiraahdo waxay u dhigantaa quraankoo afar loo qaybiyey qeyb ka mid ah.”
Aanis Ibnu Maalik wuxuu yiri: Nebiga wuxuu yiri: “Suuratul Kaafiruun waxaa aqridaa goortaa seexaneysid maxaa dhacay qofkii aqriya suuradaas shirki banaankuu ka yahay.”

FADLIGA QULHU WALE:

Sacidul Qudriye wuxuu yiri: Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Ilaaha nafteydu gacantiisa ku sugan tahay ku dhaartaye; suuratu qulhu wale waa thulathul quraan.”
Xadiis kale oo Abu Hureyra warinaayo wuxuu yiri: Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Qulhu walaahu axad waa saddex meelloo meel quraanka.”

FADLIGA LABADA MUCAWADATEEYN (suuratul falaq iyo suuratul naas):
Asaxaabiga Cuqba layiraahdo wuxuu yiri: Rasuulka SCW wuxuu igu yiri: “Cuqbow miyaadan ogeyn 11 aayadood habeenkii xalay ahaa in la igu soo dajiyey, 11kaas aayadoodna wax la mid ah aan waligeed horay loo arkin waa Qul acuudu bira bil falaq iyo Qul acuudu bira binaas.”

Sidoo kale Cuqba wuxuu yiri: anigoo Nebiga SCW la socdo, oo meel maka u dhaw mareena, saa waxaa imaatay dabeyl xun, oo mugdi iyo modow daran wadata, markaas Rasuulka SCW wuxuu guda galay inuu Alle magan galaayo, oo akhrinaayo Qul acuudu bira bil falaq iyo Qul acuudu bira binaas. Markuu Nebiga labadaa suuradood Alle ka magan galay, wuxuu yiri: “Yaa Cuqma, labadaan ku magan gal, waayo Ilaah mid magan gala wax labadaan la mid ah oo ku magan galo maba jireen.”

ceerigaabo.wordpress.com
Email.siciid_32@hotmail.com

Hagar yaqaan

Hagar yaqaan
…………………………………………………………..

Waxaan horay u soo sheegnay Ammaan iyo aflagaaddaba mid kastaba, ha naqotee in Daraawiish gabayo badan loo soo mariyey. Cali jamac haabiil, ayaa gabay Daraawiish u soo mariyey halkudheggiisuna ahaa:- “Dameerka hariiryaha leh iyo heer dhulbahantaa leh” Sayid maxamedna alabkiisu wuxuu ahaa haddii gabay loo soo mariyo asuu doono inuu hadal ka celiyo inuu baro u dheereeyo. Gabaygaanna wuxuu ka tux raacaayey kii cali jamac.

Xuseenow ninkii hagar yaqaan waa habaar qabe e,
Ninna hagagi maayoo run baan,heeg u marayaaye,
Hadii aan hammiyey aakhiraan, laga habaabeyne.

Harti nimaan oqoon baa yiraa,hadalka qaarkiise,
Waa nimaan hurmuud wada ah iyo,hanadyo waaweyne.
Waa nimanka haybtoodu tahay, Haashinkaas kore e.

Waa nimanka deeqdii hanbaday, hibo Ilaaheeye,
Waa niman intay hodon yihiin, hoog ku sii daraye,
Waa niman gob baa lagu hirtaa, lagu hagaagaaye.

Waa nimanka daaraha hurdiyo, harac dallaal weyne,
Waa niman xariira huwanoo, huga ku laafyoone
Waa nimanka haashaarka gole,marada haafeeyne

Waa nimanka doonyuhu Hindiga,uga himbaartaane
Waa niman haruur iyo bariis,hoyga loo dhigaye
Waa nimanka haanfuuqayee,timirtu hoos taale

Waa niman haleeliyo horweyn,heel ka buuxsadaye
Waa niman adduun lagu huroo,maal hareeriminne
Waa niman intay wada habceen, heeshiguun dhiciye

Waa niman hingaar lama watee,haybad guursada e
Waa niman hablaha ay qabaan,halalac leeyaane,
Sida heegadoo curatay bay, shuqul hillaacaane

Waa niman hub iyo dowladnimo,haysta waligoode
Waa niman u heenseyn fardaa,halabsigoodiiye
Waa niman halqooqaha rogaal,heegma weligoode

Waa niman hadday rag is-hayaan,huriya baaruude
Waa niman madaafiic higliyo,haaliggii ridiye
Waa niman hanaanaca kufriga,hoor ka soo qubiye
Daaroodku waa wada halyey,kalase heyb roone

Dadka kalena waa wada hulqiyo,huuba doora lehe
Waxse heerle haad ferenji iyo, harabka Iidoore
Kuwa fuudka heeminahayoo,himishku duulaayo
Aan tan iyo Haabiil dheryaha.lagula hawshoonnin

Iyana heer inay leeyihiin,hubantidey weeye
Hiliblaha dukaaminahayoo,horori ceeriinka
Oo dhiigga soo hililiqlayn, haysha ka caseeyey.
Iyana heer inay leeyihiin,hubantidey weeye

Nimanka hablaha soorta guri, ku hargawaaxaayey
Ee tii wax hoomey tiraa,kula haliilaayey
Iyana heer inay leeyihiin,hubantiday weeye.

Nimankii hawaaree sidii,habas u kowdiidey.
Oo aan futada haawineyn, hogobka aad mooddo
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Nimankii sidii awr hayina, hilayga qaadaayey
Hinjigiyo culayskii kuwuu,hoolay dhabarkooda
Iyana heer inay leyihiin hubantiday weeye.

Ragga hiirta waa beri dillaal, halaladuu roori
Oo aan hunguriga maalimeed,soo har gelihaynin
Iyana heer inay leyihiin, hubantiday weeye.

Nimankii habeedley ummula, huga u mayraayey.
Nimankii habeen iyo dharaar, hiribka qooshaayey
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

Ragga udaha horsanahayoo,saxaraduu heegan,
Iyo nimanka hooyadood ku odhan, habartu waa dhuustey
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

Axmed nuuxa nirig haaruuf badan,kabar u heereeyey
Ee hilinka meeshiyo Hiraab, habaqluhuu qaaday,
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

Muusacarraha haragga iyo, hoorka xiranayaa.
Oo qurunka ay huursadeen, lagu hunqaacaayo
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

Ciisaha baqtiga hiigayoo, haadka qalanayaa,
Oo calaha habuurka badan, hagida meeraaya,
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

Habaryonis iyo reer Jugliyo, habar magaadloo dhan
Iyo caliga hoosada berbera, huluqa jiidaa,
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

Intii heer lahayd ma aan dhammayn. hebelladoodiiye
Hayska hoobbiyeen nimanka aan, heray boqontiiye
Inta aan hunduudaa ka badan, hiishka geedaha e

Niman baan bullaabee ma oran, hiijo iyo ceebe,
Waxsaan hubinayaa waa inay, hadiyad keenaane,
Ha yeeshee intaasaan hojee, hor Allahay geystay.

ceerigaabo.wordpress.com
Email:siciid_32@hotmail.com

caalamka jacaylka

Calaamaadka JACEYLKA Doodi kama taagna in dunida aynu ku nool nahay in ay Jaceyl ku dhisan tahay , mana jiraan laba qof oo isku haysta in waxa la yiraahdo Jaceylka uu yahay mid jira laakiin qof waliba macna gaar ah ayuu u yeelaa gaar ahaan qof uu cudurkaasi ku dhaco .Waxaana adag in si dhab ah loo micneeyo Jaceylka ama la ogaado macnaha dhabta ah ee saxda ah ee uu leeyahay inkastoo qoraayaal badan ay isku micno u soo dhaweeyeen .Haddii aad qof weydiiso waxaa maxay Jaceylka waa adag tahay in uu ka jawaabo weyna adag tahay in xiligaasi aad jawaabta hesho .

Laakiinse jawaabta dhabta waxa ay noqoneysa in Jaceylka uu yahay magacyada kuwo la sameeyo kan ugu mac , waxaan kaloo u dhigi karnaa sidaan:

Jaceylka waa Koob ay ka buuxdo Hawo qof walba oo wadna sahqeynayana leh uu doonayo in uu Cabbo ,waana sida qaboow iyo kuleel sida uu kuu so maro , waa uuna ka dheereeya Ileyska dhab ahaan , waana asaaska wax walba oo qeyr ah oo Fiican .

Jaceylka waa sida Doon Bilaa shiraac ah oo badda mowjadaheeda si amaan ah ku mareysa marna waa gilgilaha Dunida oo buuraha Fulkaano ka qarxiya .

Jaceylka waa Cudur , Guurkana waa Caafimaad , Cudur iyo Caafimaadna meel ma wada kulmaan .

Jaceylka dhabta waa sida Catar ama Barfuun oo raadkiisa ama caraftiisa iska taagan tahay oo aan baaba`eyn waligiisa.

Jaceylka waa abuur dareen oo dabiici ah oo uu qofi qof kale ugu gudbiyo aragti, hadaan si kale u dhigana Jaceylka waa hanasho waa jamasho waa hiloow.

Jaceylka waa mid ka mid ah xalaadaha ugu weyn aduunka kaasi oo qofka qof kale u soo jeeda si ay u garaan wada noolaasho .

Ma ah Jaceylka in aad ku tiraah qofka wana ku jeclahaya balse waa in uu lahaada ficil oo la qaadaa talaabooyin si ugu dambeeyntii loo gaaro dhadhaminta macaanka nolosha lagu askumay Jaceylka dhabta ah .

Qofka wax jeclna waxa uu sameeyaa inta karaankiisa sidii uu soo jeedin lahaa nafta kale isaga oo ku saleeynaya dareemo ah in ay wada yihiin hal naf , hal caqli , hal gacan , hal jir iyo hal urur .

Macnaha Jaceylka ma ah mid lagu soo koobi karo maqaal ama laba maqaal laakiinse waan filiyaa in nuxur badan ama macno badan aad kala bixi doonin .

Calaamadaha Jaceylka:

Inkastoo qof waliba oo uu soo maray Jaceyl dhab uu u leeyahay calaamado gaar ah hadana inta badan waxa la isku raacay calamadahaan Dhidid fara badan, farxada la`aan , Fikir xad dhaaf ah , dhibsiga hadalada dad kale , in si weyn ugu oomanaato in lagaaga sheekeeyo qofka aad jeceshahay(gabar ama Wiil) iyo in aad aragto muuqiisa , cunnada oo ka xeranta , iyo waliba aqrinta sheekooyinka la xariira Jaceylka .

Wax Yaabaha Jaceylka Sara U Qaada: daacadnimo . adkeeynta balanta, ihtimaam siin ama daryeel, Runta , kalsooni .
Wax Yaabaha Jaceylka Bur Buriya:Qiyaanada waa mid ugu horeeysa ee ugu weyn in uu bur buro Jaceylka , Beenta iyana waa qeyb ka mid ah sababaha keena fashilka Jaceylka, Balan la`aan , in aadan daneyn qofka Jaceylka kaala dhaxeeyo , iyadoo Mowjadaha Jaceylka aad qof kula jirto in aan meel kale isku dayin in aad gasho taasi micnaheedu wa Damac qof kele.

Haddii aan Xaraf xafar ukala qaadno Jaceylka Soomaali ahaan waxa aynu u dhigi karnaa J(Jahwareer) A(Amakaag) C(Calaalncal)A(Ahmiyad) Y(Yaab) L(Luul) dhanka Carabta erayga (EiKC ) waxa ay u dhiagaan sida EiKEI waxa ay u taagan tahay Wareer halka EiCEI-na un taagan taagan tahay Cudur .

Erayga Jaceylka Ciyaar ma in aad ku dhawaaqdo waxaase asxaabta maqaalkaan fursad u hesha in ay aqristaan ku boorinayaa iyadoo aan Jaceyl hayn in qof kale ku yiraahdaan waan ku jeclahay iyadoo suura gal ah in qofka aad ku leedahay waan ku jeclahay uu dhab u qato ugu dambeeyntii cidlo uga tagto .

Ubaxu Waa Luqada Jaceylka

Dadka is jecel ee Duinada ku nool waxa ay leeyihiin habab u gaar ah oo ay ku muunjiyaan Jaceylkooda iyo waxa ay rabaan .

Tanina waxa ay tahay luqad u gooni ah oo uusan fahmi karin qof aan dhadhamin waxa uu yahay Jaceylka mooyee iyadoo luqadaasina ay tahay Luqadda Ubaxyada oo ka mid ah luqadaha ugu fiican Aduunka .

Hadaba Haddii Laanta Ubaxa u janjeerto dhanka Midig micnaheedu waa (Aniga ) .

Haddii ay u janjeerto dhanka Bidix micnaheedu waa (Adiga)

Hadii Ubaxa laguugu soo dhiibo gacanta Midig waxa ay ka tarjumeysa jawaab wax ku ool ah oo lagu farxo haddiise laguugu soo gudbiyo Bidix waxa ay muujineysa jawaab aan fiicneyn oo aan wax ku ool aheyn.

Haddii Haweeneydu laanta ubaxa saarto wadnaheeda korkiisa waxa ay dooneysaa in ay tiraahdo “Waxaan jeclahay” .

Haddii haweeneydu Ubaxa ku tidicdo timaheeda waxa ay taasi ku tuseeysaa Digiin .

Midibada Ubaxa iyo micnaha ay xanbaarsan yihiin .

Midibka Gaduudka Micnahiisa: Aniga waxaan diyaarinayay maalmihii mar kale aynu wada kulmi laheyn .

Midibka Gaduudka Buuxa Micnahiisa: In Badan ayaan ku weysanaa.

Midibka Jaalaha Micnahiisa: Run ayaan kuugu dhaaranayaa waan ku jeclahay .

Midibka Cadaanka ah Micnahiisa:Waxaan aamisanahay hufnaantaada iyo ceeb la`aanta waxaana dhowrayaa dhowrsanaantada.

Midibka Oranjiga ah Micnihiisa: Waxaan ahay saaxibkaaga daacadda ah .

Midibka Maariinka micnihiisa:Waxaan kuu rajeeynayaa guul iyo barwaaqo.

Midibka Baluuga:Waan ku bar bar taaganahay inta aan ka dhimanayo .

Tirada Ubaxyada iyo micnahooda

1-Halkii Ubaxa Ah: Wax waliba waa ii Adiga .

2-labada xabo ee Ubaxa: Ina keen aynu wada safarnee .

3-sedexda Ubax: koorma ayaan awoodaa in mar kale aan kuula kulmo.

4-afarta xabo :Waan kuu mahad celinayaa .

5-shanta Ubax: Wax walab oo aad iga codsato waan sameynayaa.

6-lexda Xabo ee Ubax: Sheekadaada ama hadalkaada ayaan u xiisay .

7-todobada Ubax :waan ku Jeclahay .

8-sedeeda xabo ee Ubax :daacad ayaan kuu ahay inta aan ka dhimanayo.

9-sagaal Ubax:waxaan rabaa in aan kaligey ahaado xagaada .

10-Tobanka Xabo ee Ubax: Ma Dooneysaa in aad i guursato Aniga .

Dhambaaol Jaceyl oo kooban :

1-Nafyaheey degtay oo qabsatay qalbikeyga iyo maankeyga xukuntayna guud ahaan dareemaheyga , waxaan kuu soo dirayaa fariintaani xanbaarsan uduga Jaceylka iyo ubaxyada aduunka .

Jaceylkeygaay waxaan ogaaday in Jaceylku Macaan yahay noloshana macno leedahay taasina waxa ay timid markii aan ku jeclaaday .

Jaceylkaaga qalibigeyga waa uu ku kobcay iyadoo haatan uu gaaray in aan maxbuus u noqdo Jaceylkaasio.

Jaceylkeygaay waxaan xanbaarsanahay guud ahaan wax walba oo is burinaya oo liddi isku ah ee dunida yaal oo ah Rajo , Quus , Faraxad iyo Murugo waana ku faraxsanahay Jaceylkaaga .

Waxaad iga soo bixisay nolosha murugada iyadoo Jaceylkaada uu i keenay oogada dhulka oo aad igu dhandhansiisay faraxda Jaceylka .

Xabiibi kaama qarinayo in wadnaheygu ama qalbikeygu ahaa saxaro lama dagaan ah balse Jaceylkaada ayaa iiga dhigay beer doog leh oo uu Jaceylkaada waraabinayo .

Xabiibi waxaan doonaya in aan ku qayliyo cod kan ugu dheer , waxaan doonayaa in guud ahaan waxa Qalin iyo warqad taal dunida in aa ku qoro Jaceylkada .

Waxaan fariintaani ku soo qorayaa guud ahaan xarfaha Jaceylka oo aan ku soo qorayo dhiigga Qalbikeyga , haddii aan kuu soo qoro erayda kuwo ugu mac ee Jaceylka ma gudi karo xaqaaga , waxaan wadnaheyga ku wadaa wax walba oo uusan qof fileyn hadii aan dadka gabya kuwa wax qura u micneyn lahaana Jaceylka aan ku qabo mucjiso ayay ku noqon laheyd .

Dhambaalo Jaceyl :

Macaanto/macaae, Waxaa ii tahay ileys ii baxay waxaa sidoo kale ii tahay Jaceyl aan marna Laabtayda ka go’i karin,Waxaa habeen iyo Maalin Gacaliso/Gacliye i hor taagan waa adiga iyo Riyadaada,Macaaneey/Macaane Waxaan habeen iyo Maalin igu soo kordhaya waa Jaceylka aan ku qabo.

Walaahi Dareenka aad jirkeyga ku leedahay waa mid aan lasoo koobi karin,Laakiin waxaa mararka qaar niyadeyda ku dhistaa in aan Maalin un ku heli doono,Macaaneey/Macanaae la soco in aad nolosheyda gelisay Saaxada Caashaqa oo aad adiga mooyee aysan rabin cid kale.

Waxaan Xalay saqdii dhexe galay Daruuraha Samada’iyo Noloshii Jaceylkeen midii ugu manaaceyd,Waxaan dheelalaababa Waxaa la ii lulaayaa Laamihii Jaceylkeena kuwii ugu wacnaayoo abidkeenba aan rabnay.
Adigana Macaaneey/Macaanoow waxaa kaa sugayaa waa in aad dhankaagiyo ka ilaalisaa Caashaqa,Sababtoo ah haddii aanan Caashaqa labadeena wada ilaalin Macaanto dhibkeeda ayey leedahay,Sidaasi darteed waan ku kalsoonahay Jaceylkeena inuu najixi doono oo waliba Guushisa wada qaadan doono.

Inta Dumar/Rag filkaa’iyo Waxaad tahay Faceed tii u fiicneyd,Umaad dhalan Fudedd iyo Fowdo in aad Abuurtoo Faduul Aadmi maad baran,Fariidaan jaclaayey Fikradaada wacan iyo Fahmadaada Badanbaa Facaa aad ku dhaaftee Alle ii kaa Fayoobee Macaaneey/macaanoow.

Cishqibeygu fidayoo Feeraha dhexdoodiyo Halbowlaha ku faafee,Waxasina waxaa i garsiiyey Waa Codkaaga Dahabiga ah ee lagu laray Dareemihii Jaceylkeyga kii ugu badnaa,Marna ma moogaan karo codkaaga ,sidoo kale marna ma sugi karo inta aan ka helayo Qoraalkaaga iyo Sheekadaada.

Fariin kale :
1-Waan wada eegay wajiyada aduunka maba arag bashar kaa qurxoon kaana wanaagsan , maba sifeyn laheyn arimahaani oo idil haduusan Jaceylkaada i qaadi laheyn.

Jirkaag siman , indhahaaga qurxoon oo hadii dunida oo idil isu timaado sifeyn karin ayaan u oomanahay ,.

Mana ah markii ugu horeeysay oo aan fariin kuu soo diro oo ay ka muuqdaan Oraahyo muujinaya Jaceylka aan kuu qabo iyo muragada i haysa waxaan kaa sugayaa jawaab guud ahaan iga baabisa muragada aynu ku dheehan tahay ogalaasho ku aadan in aad wax ila qabto .

Jawaabta Fariinta:Waa ay i soo gaartay fariintaadi wareegga dhiiga saameyneysay ayna ka buuxday rabitaanka Jaceylka iyo isu soo dhawaanshaha Jawaabta soo daahday-na waxa ay aheyd mid aan ku eegayay inta uu la eg yahay Sabarkaaga iyadoo aan sugi waaysanaa jawaabtaada ayaa waaxa ii keenay boostaale.

Waan ku farxay aqrinteeda markii aan dhadhamiyay dareenada ka muuqda ee fog ee igu aadan , markii aan si wacan u sii eegayan-na Ilmo ayaa iga soo hoortay .

Waa ikanaa aniga oo kuu soo diraya fariin muujineysa sida niyad samida ah ee aan kaaga aqbalay Jaceylka iyo rajada macaan ee aad ii qabto , waxaana tix gilinayaa ilinta iiga dhacday dhulka markii aan aqriyay fariintaadii ugu dambeeysay ee aad ku soo bandhigtay cudurka ku hayo .

Fariin kale:Ka hor inta aan bilaabin qoraalka erayadaani ii ogolaaw in aan muujiyo waxa ka soo baxayo qalbigeyga ee muragada iyo farxadda leh taasi oo ah kuleylka Jaceylka aan kuu hayo .

Ma garanayo meel aan hadal kaaga bilaabo taasina waa karaaca wadnaheyga oo doonayo in aan uu kuula shaqeeyo muragadana iga qaadid , Saacaddii aan ku arkay ilaa hadda indhaheyga waxa ay diideen in ay seexdaan oo ay dhadhamiyaan macaanka hurdada , waxaan kaa fekiraa Habeen iyo maalin waxaan ku riyoodaa in mar uun aan ku heli doono .

In badan ayaan ku kormeerayay mudadaasina waxaan ku ogaaday in aad tahayqof dhowrsoon oo iina qalantana , waxaana dareemay in nafteyda ka maarmin naftaada .

Si aan kuugu muujiyo dareenkaasi waxaan kaa codsanayaa in aad iga aqbashid in aan kuula kumo .

Jawaab fariintaasi :Wax lala yaabo ma ah in markii aad i aragtay uu kuugu dhacay cudurka indhaha l`a ee Jaceylkaasi ah ,shakigana iigama jira in aad dareemay nooca aragtidaada waxaan dareemay in uun wax jiraan , waadna i hamisay iyadoo aan wax hadal ah na dhex marin sidaa awgeed waxaan kaa ogalaaday in aan kuula kulmo beri galab si an u qiimeeyo cadeeynmaha Jaceyl ee aad ii Hayso .

Waxaan kaa rajeynayaa in hadalkaaga uusan noqon mid qiyaano , waana suura gal in nolol daacad kuwada noolaano .

Fariin Qof Jaceyl Qarsanayay:

In badan oo aan Jaceylkaada ku qariyay Qalbigeyga waa kan isaga oo haatan banaanka isa soo dhigay iyadoo daaqad walba oo uu furay-na qalbigeyga uu ka qaabilay falaarta Jaceylkaaga iyo labadaada indhood ee qurxoon .

Waa ikan aniga oo ku dhiiraday in aan fariintaan ku soo qoro si aan kuugu muujiyo sida aad qalbigeyga ugu qoran tahay iyadoo qalbigeygana dhaawacan yahay ka dib markii uu xoogeysaty sida aan kuula dhacsanahay , waana igu kocbay mana ka sheegeyn karo Kaligey.

Ha la yaabin erayada aan kuu soo qoray maxaa yeelay Jaceylka aan kuu qabo ayaa sidaan iga yeelay oo guud ahaan milkiyay nafteeyda waxaan ku jeclaaday Jaceyl kan ugu weyn kaasi oo awood u leh in duniada oo dhan uu saameeyo.

Xubin walba oo jirkaada ah waa ay ii yeereysaa , shaqsiyadaada , indhahaaga raganimadaada , fadlan baaqaasi oo dhan ee qalbigeyga ka soo baxaya igula eeg qalbi naxariisan.

Hadduu gacmahaaga aan ku soo rido amaanadaasi waxaan rajeynayaa in aan gaarayo Jaceylka macaan ee sareeya , waadna igu farxad gilineysaa in aan gaaro riyooyinkaasi oo dhan .

Haddii waxaase oo dhan aan gaari waayo ogoow in badaha muragada galay oo aan qof aan adiga aheyn aan dooneyn wax walba oo dhaca .

Qaali ku kalsoonaaw in aan kuu ahaanayo daacad .

Jawaabta fariinta:Qaali ogsoonaaw in aan doonayay in aan noqdo qofka ku horeeya fariintaani oo aan doonayay in aniguba kuugu muujiyo baaxada shucuureed ee aan kuu qabo .

Balse mar waliba oo aan qalinka iyo waraqada is dul saaro ayaa waxaa ii diidayay qalbiga oo lahaa hadal ku gudbi fariintaani culus .

Ma qarinayo in aan horay ula dhacsanaa hanaankaada , deganaashahaada isu dheeli tirka quruxdaada , mana la yaabayo in eegitaankeygii uu ii igu filnaa in uu soo badhigo quruxdaada .

Ku kolsoonaaw qaali in aan noolaneyn la`aantaada oo aan dhibkaa Jaceylka iyo faa`idooyinkiisa aan kuula qeybsanayo .

Xabiibi waxa uu qalbigeyga u furan yahay in uu qaabilo uu soo dhaweeyo wax walba oo ka soo go`a qalbigaaga daacadna waan kuu ahay si aan guul u gaarno .

Cismaan Xasan Cali (Fantastic)
ossmanfantastic@hotmail.com
Cape Town +27739667794
Xaquuqda Qoraalkaani waxa ay u dhowrsan tahay Qoraaga
 ceerigaabo.wordpress.com

Email.siciid_32@hotmail.com

Maxakadhigay Dunida Qiso!!! (Qiso)

Maxa ka dhigay Dunidaan qiso, Qisadana maxay aniga isameysa waqtiga xun iyo waqtiga fiicanba midna iima hiiliyo , Habeenkaas waxan ka soo kacay guriga Farxiyo kaygana aan usoo socday waxan la kulmay tuugo, Tuugadaas waxa ay iga qateen Telefoonkii, hadii ay sooqa geystaan ku helayn lacag oo wax uu ugu yalo aysan jirin balse aniga wax badan ayuu itara, waxan ka wacdaa qoftaan jeclahay, waxa iga soo waca Cidayadii markii ay yimadaan magaalada, habeenkaas telephone kaygii meysan calfan aniganaga iimaysan dayn, waxana igu dabaysay markii ay madaxa igaga dhufteen Telefoonkii ayagoo i dhahaya maxad usoo qaadan weyday telefoon fiican, wajigaygana waxa qariyey dhiiga, kadib waa ay iga tageen halkaas waxa igu soo garay labo arin oo mucjiso ah mar waxa ay iga qateen telephone kii, waxan ka naxsana meesha aan kala xariiri doono qoftaan jeclahay iyo Cidayadii madaba aan heysan dhaqaale aan ku gato mid kale .Marna waxa ay ii geysteen dhaawac, Ma aan heysan dhaqaale aan ku aado Doctor, waxan imid gurigaan daganaa waxana toosiyey sxb kay ila daganaa markaas oo seexday fiidkii

sxb kay wuxu isoo qaaday dhuxul wuxuna iga saaray Madaxa laakiinse Habeenkaas waxaan la seexan wayey kaar aad usiyaado ah, saxib kay hassan mohamud habeenkaas wuu ila dhafray , waaga markii uu baryey Reerka aan ka daganeyn Qol single ah ayaa xalay oo dhan maqlayey Sharqanteena iyo markaas anigoo dhahaya war si xun ayeey ii dileen daqarka igu yaala waxa kasii daran dhibta ay ii geys teen oo ah jir dil, Maamo Xaawo waa hooyo aad iyo aad u naxariis badan waxa ay isiisay lacag 1000 ah waxana ay igu tiri lacagtaan qaado oo waxad ku aada dhaqtar isku soo dhufo cirbadda Teetanada, waxan aday isbitaal aan iga fageen aniga iyo sxb kay hassan oo igarab haya ayaan tagnay, markii uu igu dhuftay cirbada ina soo siiyey kaniiniyaal madaxana igaga xiray Faashad, oo aan kasoo baxay iridka una sii socono Guriga aan daganaa waxan la kulmay Farxiyo oo gadanaysa Adeeg, waa ay igu naxday waxayna ku noqotay lama filaan waayo Caaway waxa ay dhowraysaa in aan u tago, Run ahaanti kulankeedi waan ku farxay waayo mar hadii ay aragtay Dhibta isoo gadhay in ay ogaato in aan u imaan karin inta aan Buskoonayo, Farxiyo horay ayeey nosoo raacday waxan soo galnay Guriga aan daganaa ayadoo noogasheekaynaysa saxib kayna oga sheekaynaya dhibta aniga isoo gaadhay ayaan soo galnay guriga sxb kay wuxu la soo baxay Furaha Qolka, Qolkayaga Albaabkisa waxan ku Qoranay Well come to Royalt House, waxa ay ku mushquushay Guriga magaca ku qoran waxa ay soo gashay Gudaha, Qosol ayeey la dhacday waxa ay ku qososhay Magaca guriga ku qoran iyo Guriga qaabkiisa

Guriga aan daganahay waa Single, waxana nooyala aniga iyo sxb kay hal Jooradari iyo Dirin aan ka dhiganay Mushamac, Xitaa nooma yaal Television, Farxiyo waxa ay igu tiri Gurigaan ma kaaga, sxb kay ayaa yiri haa kuso dhawow Royal house waxan ku iri waxad la yaabsan tahay guriga aan daganahay balse wax badan ayaa ku dhiban markaad wax ka ogaatid nolashayda, Farxiyo kuma aysan qancin guriga aan daganahay waayo guriga dhalinyarada anigoo kale ah waxa ay dagan yihiin guryo Qurux badan waxana uyaala Sariiro soo jiidasho leh mesha ay ii taalo aniga Jooradiga, waxana ay dhigtaan mushamac indha uroon,waana meesha aan aniga ka dhigtay Dirinta, waxa u yaala Television ay aqbaarta iyo Filimaanta kala socdaan,waana meesha aan ka soo gatay Raadiyaha sidaan ogola socda aqbaarta,Mesha aan filin ka dawan laheyna waxan sameynaa waan wada shekaysanaa ilaa xili danbe aniga iyo sxb kay Hassan

Farxiyo waxa ay waday Adeeg quracda waxayna igu tiri waan isku imaanaynaa brother wana ku soo booqanaya, hadda waan kasii tagayaa waxan ka xumahay qoftaan jeclahay masii dhaweyn karin, laakiinse sxb kay ayaan kusii daray isaga ayaa ilaa xaafadeedii sii geyey,

Farxiyo iyo aniga maanu kulmin ilaa Toban caasho, Anigana ma aan adin yadana waxan ka filayey in ay ii timaado maalin ba maalinta ka dibaysa waxan dhahayaa mantay ayeey ku imaanaysaa, waxa idilay isku xilsaarka xagaajinta guriga sidi madexdii ayaan usugayey, lakinse gabolku wuxu ii dhacaa ayadoo ii imaan,

Farxiyo waa gabar qurux badan, waana qof dheer, Midabkeedana waa qof Aad iyo aad u cad mana ahan Gabdhaha isticmaala daawooyinka jirka lugu qurxiyo balse waxa ay leedahay Natural Color, Natural stracture, Habeen habeenada ka mid ah waxa ay ka qeeb qaadatay Gabar ay isku xaafad yihiin Aroos keeda, Farxiyo waxa ay u dhalatay Qurux iyo soo jiidasho balse waxad moodaysaa habeenkaas in ay kaduwaneed intaas oo wax usii dheraayeen waad garan kartaa dumarka markii ay soo adayaan aroosyada, Farxiyo waxa ay meesha kula kulantay Wiil kayimid dibada oo ay isla jocdeen wiilka aroosaya Gabadha Farxiyo waxa ay is barteen habeenkaas Mohamed farax, waana habeenkaan aniga sugayey nasiib xumo balantii aan isla laheyn waxa ay kula kulantaa nin kaan cusub ee ka yimid dibada, Farxiyo iyo Mohamed Farax waxa ay go aan ku gaareen in ay is aroosaan, Toban casho kadib waxan aday Farxiyo gurigeeda Taariikhduna ay tahay 2002 bishii 11, wili madaxayga waxa ku xiran

faashadii, Guriga waxa iga furan Guled waa wiil ay isla dhasheen gulee soo dhawoow ayuu iyiri waxan meesha ku salamay habar yarteed iyo caruuro yar yar, waxana fariistay Fadhiga markaas waxa ay Reerku daawanayeen Television ka kenya oo layiraahdo KTN waxana ay ka daawanayeen Mudaraaad sababay markii ay Dowlada ay dudumisay Guryo badan oo lugu magacaabi jiray isku raran iyo meelaha ay dowladu leedahay oo sida sharci darada ah loo dhistay wadooyinka oo layska dhistay, waxan ka naxay masakiinta laga duminayo guryadooda iyo meelaha ay ku ganacsanayaan, warba ma aan hayo ileen waa habeen xitaa aniga nolashayda ay dun dumayso, si kadis ah waxa Qol kasoo baxay Farxiyo iyo Saxib keeda cusub oo qosol oga soo baxay qolka lakinse Guriga waxa ay kusoo sameyeen ma garanayne qosolkana ma aan fahansaneen balse markii aan arkay waxan dareemay in aan isku mid nahnay Masaakiinta Dowladu ay guryahooda dumisay iyo anigaba

Farxiyo waxa ay igu tiri iska waran Hanadow waxana iri waan ladanahay kadib way idhaftay, oo wiilka lasocda markaas aan isalaamin ayaa iridka kawada baxay, cabaar ayeey tagnayeen Banaanka anigana waan iska kacay Reerkiina waan macsalameyey, Farxiyo iyo wiilkii oo qoslaya ayaan hadana kusii maray meesha waxa ay igu sii tiri Hanadow ma tagtay walaal waxana iri ahaa haye soo dhawow guriga gurigaagi weeye waxan iri nabaday waan sii cararayaa, waa habeenkii nolashayda aan kuleel laseexan wayey, Niyadayda ayaan waxan iska dhaadhiciyey Ragga Dibadaha ka yimaada maxay naaga nala jooga nugu cariiriyaan may guursadaan kuwa dibadda lajooga waayo kuwaan anaga ayaa xaq uleh, lakinse naftayda habeenkas si kasta wax ayaan oga dhaadhiciyey balse waa ay samri wayday

Nolashii Farxiyo iyo aniga waxa sadexyeeyey Masiibo doolar iyo dibad ka yimid, balse nolasha kama aan rajo gabin,,waxan iska dhaadhiciyey ilaa aad dibad ka tagayso Gabar Afrika joogta ha shukaansan waayo nin dibad ka yimid ayaa leh, marna waxan iska dhaadhiciyey waxa laysku jecel yahay lacag ee lacag tabac marna waxan iska dhaadhiciyey Nin ayaad tahaye qoftaas soo xero gasho wax kasta ha kugu qaadate,Run ahaantii Farxiyo iyo aniga waxa na dhex maray Qiso bal qisadan waxan oga bogon doona qeebta sadexaad hadii alle idmo

Ku Caashaqaye maxan ku calfan wayey ( Qaybtii sadexaad )

Nolasheyda sadex meelod labo waxan ku soo qaatay Baadiye, waxan ku nolaa nolol
sabool nimo ah lakinse waxad moodeysay in aan ku qanacsana waayo waxan ku jiray
xaydaam aan laheyn hormar iyo fakar, lakinse nolashayda meel waxan ku jirey aduun
dhalaalaya Qisana xabaarsan oo u baahan in lagaaro luguna gaaro laba arin mid waa
hanti midna waa wax barasho iyo hormar, dhanka hantida waxa iga saarna block adag
waayo Familiga aan ka dhashay waxa ay ubadan yihiin baadiyaha, taasna waxa ay
keentay caqabad weyn, dhanka wax barashada waxan hantay in aan dadaal ku gaaro kuwa
inbadan wax barasho ku jiray, lakinse wax barashadaydii waxa la soo gudbonaatay
niyad jab aad u siyaado ah mid waa qoftaan jeclaa oo igaga dhaqaaqday wadada mar waa
sabool nimo, markii aan ado schoolka waxan aqrista journalada kasoo baxa wadanka
kenya oo ay ku qoran yihiin college ama
school tayo badan leh lakinse cuuryaan waxa igu noqday dhanka dhaqaalaha,

Wax barashadii waxan la wadi waayey jaceylka aan u qabo farxiyo ahmed, waxan isku
arkey dhibaatoyin badan oo aan ka fiicna markii loo fiirsho sanadihii hore fakar ad
iyo aad usiyaado ah ayaa lasoo daristay noshaydii, xitaa marar ka qaarkood waxan ku
fakaraa anigo wadada maraya, ciqaabta jaceyl oo iheysata waxa ay keentay in galab
aado Farxiyo, farxiyo galabtaas ad iyo aad ayeey uqurux badneed waxa ay laheyd
structure ka duwan kii hore waxan soo xasuusta galabtii aan bartay farxiyo lakinse
shacuur ka gadisan kii hore ayaa labadeena nasoo dhex galay, farxiyo waxa ay rabtay
in aan oga waramo xaalada guud balse anigana waxan rabay in aan farxiyo aan kala
hadlo arintayda dhibta iyo rafaadka aan ku qabo, salaan kadib waxan bilabay in aan
farxiyo jaceyl kayga in uu yahay mid run ah balse ay ila fahanto xiliga iyo samadka
lugu jiro waxana iri,

Farxiyo run ahanti waxad tahay gabdhana mid aan ka caashaqay, caashaqan ku caashaqay
mahan waan ka helay oo kaliya balse waa mid lilaahi ah waana mid aan kaa doonayey
mustaqbal, run ahaanti in aan ahey nin iska danyar ah waan ogahay balse waxan ahay
wiil dhalinyaro ah oo dadaalaya ogna in uu rabi yahay kan wax baxsha jaceyl kaan ku
qabo waa mid aan ka gool gaari karo ujeedooyinka aan rabay oo dhan, balse waxan ka
raba in aad noqotid mid igu tageerta jaceyl ka aan ku qabo ina dhiira galisa, si aan
nolasha ugu sameyo isbadal dhab ah, intaan hadalka sii watay waxa iga dafay hadalkii
Farxiyo Hanadow mantay oo dhan waad hadlaysay balse run ahaantii isma caashaqi karno
waayo aniga waxan ahay gabar waxana rabaa qof xoolo leh si aan u helo mustaqbal aan
fakar laheyn, hadda ma qolkaan ogaa ayaan kula seexda mise nolasha aad ku jirtid
miyaan kula qeebsada waa maya hadda dhagahaga fur aniga iyo adiga wixi walaal tinimo
ah yes hadii aad doonaysid guur iyo wax aan dooneen aniga diyaar uma aan ihi
baabkaasna iga xir hadii aad walaal tinimo aan isku xariirinayno waa ok hadii aad
diididna you can go

Intaan lataagna oo aan siin wax jawaab ah waxa yimid wiil kii ma aan jecli in aan
magaciisa had iyo jeer ku dhawaaqo waayo waa nin arqalad igu noqday, waana nin
masiibo ku ah Jaceyl kay, wuu nasalamay wuxuna isoo tagay Gacantiisa ma aan jecleen
in aan gacantiisa taabto balse waxan diidana in aan iska dhigo daciif haddana wuxu
salamey Farxiyo lakinse salaantu salamey farxiyo waan ka maseeray waayo Farxiyo
dhoorkii cisho aan shukaansanayey waligeed ima salemin balse wiil kaan weysalaantay
waayo waxa looga xilanayaa dhoor arimod Mar waa nin kayimid wadan Gabdhaha Afrika ay
tixgaliyaan Marna waa nin iga Daqli Roon salaan kadib wuxu siiyey Bac qurux badan oo
kor ka ay oga sawiran tahay Nakumatt Supermarket oo ah Supermarket ka igu qaalisan
wadanka kenya waxana ku jirey Shoobino kala duwan lakinse waxan dareemey Nin xoolo
leh in uu ka power sareeyo balse aan ilaah uwada simanahnay, Waxan ku iri Farxiyo
waa meeqo saac waxa ay igu tiri waa Kow iyo toban kii iyo Bad 5:30 Galab nimo waxan
iri Qoraxdadana fiiri waxa ay igu tiri Godka ayeey siigalaysa, waad saxan tahay
marna waad qaldan tahay marwaad saxan tahay oo waqtiga waad isheegtay iyo in ay
qoraxdu dhaceyso balse waxad ku qaldan tahay qof ku jecel oo lilaahi ku ah kuna raba
in aad ku nacday xoolo la aan balse waqtiga ayaa cajaa ib ah, maantay mahane maalin
kale ayaan is wareysanayna waqtiga xasuusnow. kadib waan iska dhaqaaqay waxan ay iga
sii daba dhaheysay war maantay ayaan ku rabin birina kuma rabaro jaceyl kaad
sheegeysid jeebka gasho, nin kii masiibada ahaana wuu iska aamusay

Maalintaas waxa Raadsaday Shaqo si aan galina u shaqeeyo galina aan wax ubarto,
waxan Shaqo ka helay Maqaaxida weyn ee Masha allah, Shaqadaan waan ku Faraxsana
waayo lacagta aan ka helayo Maqaaxida waxan rabaa in aan ku aado School fiican si
aan wax barashada meel wacan oga gaaro, Shaqadii maqaxida aan ka helay waxan ka
noqday Kabayeeri Qaasatana Dhanka Haweenka, Galinka hore waxan ka shaqeeya Maqaxida
galinka dabana waxan ada College lugu barto Computer ka isla markaana waxan sameyey
Dadaal dhanka waxbarashada, Subax subaxyada ka mid ah waxa igu yimid Maqaaxida Gabar
Markaas indho shareer xiren iyo Nin kii masiibada ahaa ee Farxiyo iga dhacay Mahamed
Faarax, gabadhaas iskama aysan furin indho shareerka balse markii aan arkay mohamed
faarax waxan usafirtay in ay tahay Farxiyo waxa ay iga dalbadeen Qoraac beer ah waad
garan karta in xogaa lasugayo inta la jar jarayo iyo inta la sheelayo beerka balse
Farxiyo waxa ay lasoo baxday Dabeecad adag oo qalafsan maad quracda nokeentid maad
shaqeysatid shaah nokeen sokor malahan, cabitaan maxa yala waxan ku iri waxa Yaala
Liin, Cabbe, Saytuun, Afakaadho, Mushakal balse wax ay iska dhigtay in aysan maqleen
kuceli ayeey itiri hadana waan ugu ceshay marsadexaad ayeey itiri ku celi hadana
waan ugu celiyey anigoo ilaalsanaya Shaqadeyda kadibna waxa ay igu tiri iska dhaaf
waayo Cabditaanka aad isheegeysid ma aan fahmin marka quraxda nokeen, Ninka lasocda
wuxu ku qoslayaa ama uu ugaran wayey naa wiilka sidaas maxad ugu galaysa waxa uu ku
faraxsanyahay Jabka markii aan quracda u keenay hadana waxa ay ugu bilowday sifiican
loomashiilin iyo cel balse waxan ku iri waad edab daran tahay hadii aad cuni karin
iskaga bax meesha aniga waan ka xeshooday balse isticmaar kuma aan ihi

Qaylo kadib waxan isku maan dhaafnay Mulkiilihii Maqaaxida oo qayladeena soo raacay
balse waxan ku iri waqtiga ay timid ilaa hadda waxa ay igu heysaa wax aan garan
wayey kana xun iyo kanaa sidaas ah waana fahmi wayey qoftaan xinif hore ayaa naga
dhaxaysa balse aniga wanaag ayaan uqaba wili balse ayadu way garan wayday waxan ugu
adeegayey si ka duwan dad ka waayo waxa ay iga mudan tahay qadarin balse ayada waxa
ay ugula dhaqantay si qof yuxush nimo ah waxa igu qayliyey oo iyiri shaqayso ama
meesha iskaga tag nin kii Maqaxida lahaa balse waxa ila soo gudbonaatay Dantaada
Maqaar Ey baa loogo seexda aniga waxaan qaatay Amarka Boss kayga balse Mohamed
Faarax ayaa hadlay oo yiri Gardarada Gabadhaa ayaa leh oo wiilka sifiican ugula
dhaqmin marka wiilku malahan qaladka isaga, Maalintaas ka hor Mohamed Farax waxan
ogaaday in uu yahay nin ka duwan qoftaan waayo qoftaan waxan oga baahna hiil,
hiilkaasna waa jaceyl Mohamed Faaraxna wuxu isameyey Hiil hiilkaasna waxan ku sugna
in aan shaqada layga cayrsho waayo Mulkiilihii wuxu iga Fahmay si kale oo dhibta ay
ii geysatay waxa ay sameynaysaa shaqadayda, Farxiyo maalintaas wixi kadabeyey waxan
ka jaray niyadayda Farxiyo iyo aniga waxa nasoo mareyey Qiso xabaarsan Xigmad balse
kuma aan dayan lasoco sheekada qeebteeda afraad

Akhristayaasha Qiima iyo qadarinta mudan waxan ka cudur daranayaa wixi dhanka
qormada ah, talo iyo tusaale waad isoo weydiin kartaan adinko isticmaalaya Email
kayga aan hoos ku qoran mudnaanta waxan siiya aqristayashayda shanta qaradood kala
jooga sidoo kale website yada aad kala socotaana waa kuwa ila garabtagan had iyo

ceerigaabo.wordpress.com
email.sicid_32@hotmail.com

Caalamka Jacaylka

Calaamaadka JACEYLKA Doodi kama taagna in dunida aynu ku nool nahay in ay Jaceyl ku dhisan tahay , mana jiraan laba qof oo isku haysta in waxa la yiraahdo Jaceylka uu yahay mid jira laakiin qof waliba macna gaar ah ayuu u yeelaa gaar ahaan qof uu cudurkaasi ku dhaco .Waxaana adag in si dhab ah loo micneeyo Jaceylka ama la ogaado macnaha dhabta ah ee saxda ah ee uu leeyahay inkastoo qoraayaal badan ay isku micno u soo dhaweeyeen .Haddii aad qof weydiiso waxaa maxay Jaceylka waa adag tahay in uu ka jawaabo weyna adag tahay in xiligaasi aad jawaabta hesho .

Laakiinse jawaabta dhabta waxa ay noqoneysa in Jaceylka uu yahay magacyada kuwo la sameeyo kan ugu mac , waxaan kaloo u dhigi karnaa sidaan:

Jaceylka waa Koob ay ka buuxdo Hawo qof walba oo wadna sahqeynayana leh uu doonayo in uu Cabbo ,waana sida qaboow iyo kuleel sida uu kuu so maro , waa uuna ka dheereeya Ileyska dhab ahaan , waana asaaska wax walba oo qeyr ah oo Fiican .

Jaceylka waa sida Doon Bilaa shiraac ah oo badda mowjadaheeda si amaan ah ku mareysa marna waa gilgilaha Dunida oo buuraha Fulkaano ka qarxiya .

Jaceylka waa Cudur , Guurkana waa Caafimaad , Cudur iyo Caafimaadna meel ma wada kulmaan .

Jaceylka dhabta waa sida Catar ama Barfuun oo raadkiisa ama caraftiisa iska taagan tahay oo aan baaba`eyn waligiisa.

Jaceylka waa abuur dareen oo dabiici ah oo uu qofi qof kale ugu gudbiyo aragti, hadaan si kale u dhigana Jaceylka waa hanasho waa jamasho waa hiloow.

Jaceylka waa mid ka mid ah xalaadaha ugu weyn aduunka kaasi oo qofka qof kale u soo jeeda si ay u garaan wada noolaasho .

Ma ah Jaceylka in aad ku tiraah qofka wana ku jeclahaya balse waa in uu lahaada ficil oo la qaadaa talaabooyin si ugu dambeeyntii loo gaaro dhadhaminta macaanka nolosha lagu askumay Jaceylka dhabta ah .

Qofka wax jeclna waxa uu sameeyaa inta karaankiisa sidii uu soo jeedin lahaa nafta kale isaga oo ku saleeynaya dareemo ah in ay wada yihiin hal naf , hal caqli , hal gacan , hal jir iyo hal urur .

Macnaha Jaceylka ma ah mid lagu soo koobi karo maqaal ama laba maqaal laakiinse waan filiyaa in nuxur badan ama macno badan aad kala bixi doonin .

Calaamadaha Jaceylka:

Inkastoo qof waliba oo uu soo maray Jaceyl dhab uu u leeyahay calaamado gaar ah hadana inta badan waxa la isku raacay calamadahaan Dhidid fara badan, farxada la`aan , Fikir xad dhaaf ah , dhibsiga hadalada dad kale , in si weyn ugu oomanaato in lagaaga sheekeeyo qofka aad jeceshahay(gabar ama Wiil) iyo in aad aragto muuqiisa , cunnada oo ka xeranta , iyo waliba aqrinta sheekooyinka la xariira Jaceylka .

Wax Yaabaha Jaceylka Sara U Qaada: daacadnimo . adkeeynta balanta, ihtimaam siin ama daryeel, Runta , kalsooni .
Wax Yaabaha Jaceylka Bur Buriya:Qiyaanada waa mid ugu horeeysa ee ugu weyn in uu bur buro Jaceylka , Beenta iyana waa qeyb ka mid ah sababaha keena fashilka Jaceylka, Balan la`aan , in aadan daneyn qofka Jaceylka kaala dhaxeeyo , iyadoo Mowjadaha Jaceylka aad qof kula jirto in aan meel kale isku dayin in aad gasho taasi micnaheedu wa Damac qof kele.

Haddii aan Xaraf xafar ukala qaadno Jaceylka Soomaali ahaan waxa aynu u dhigi karnaa J(Jahwareer) A(Amakaag) C(Calaalncal)A(Ahmiyad) Y(Yaab) L(Luul) dhanka Carabta erayga (EiKC ) waxa ay u dhiagaan sida EiKEI waxa ay u taagan tahay Wareer halka EiCEI-na un taagan taagan tahay Cudur .

Erayga Jaceylka Ciyaar ma in aad ku dhawaaqdo waxaase asxaabta maqaalkaan fursad u hesha in ay aqristaan ku boorinayaa iyadoo aan Jaceyl hayn in qof kale ku yiraahdaan waan ku jeclahay iyadoo suura gal ah in qofka aad ku leedahay waan ku jeclahay uu dhab u qato ugu dambeeyntii cidlo uga tagto .

Ubaxu Waa Luqada Jaceylka

Dadka is jecel ee Duinada ku nool waxa ay leeyihiin habab u gaar ah oo ay ku muunjiyaan Jaceylkooda iyo waxa ay rabaan .

Tanina waxa ay tahay luqad u gooni ah oo uusan fahmi karin qof aan dhadhamin waxa uu yahay Jaceylka mooyee iyadoo luqadaasina ay tahay Luqadda Ubaxyada oo ka mid ah luqadaha ugu fiican Aduunka .

Hadaba Haddii Laanta Ubaxa u janjeerto dhanka Midig micnaheedu waa (Aniga ) .

Haddii ay u janjeerto dhanka Bidix micnaheedu waa (Adiga)

Hadii Ubaxa laguugu soo dhiibo gacanta Midig waxa ay ka tarjumeysa jawaab wax ku ool ah oo lagu farxo haddiise laguugu soo gudbiyo Bidix waxa ay muujineysa jawaab aan fiicneyn oo aan wax ku ool aheyn.

Haddii Haweeneydu laanta ubaxa saarto wadnaheeda korkiisa waxa ay dooneysaa in ay tiraahdo “Waxaan jeclahay” .

Haddii haweeneydu Ubaxa ku tidicdo timaheeda waxa ay taasi ku tuseeysaa Digiin .

Midibada Ubaxa iyo micnaha ay xanbaarsan yihiin .

Midibka Gaduudka Micnahiisa: Aniga waxaan diyaarinayay maalmihii mar kale aynu wada kulmi laheyn .

Midibka Gaduudka Buuxa Micnahiisa: In Badan ayaan ku weysanaa.

Midibka Jaalaha Micnahiisa: Run ayaan kuugu dhaaranayaa waan ku jeclahay .

Midibka Cadaanka ah Micnahiisa:Waxaan aamisanahay hufnaantaada iyo ceeb la`aanta waxaana dhowrayaa dhowrsanaantada.

Midibka Oranjiga ah Micnihiisa: Waxaan ahay saaxibkaaga daacadda ah .

Midibka Maariinka micnihiisa:Waxaan kuu rajeeynayaa guul iyo barwaaqo.

Midibka Baluuga:Waan ku bar bar taaganahay inta aan ka dhimanayo .

Tirada Ubaxyada iyo micnahooda

1-Halkii Ubaxa Ah: Wax waliba waa ii Adiga .

2-labada xabo ee Ubaxa: Ina keen aynu wada safarnee .

3-sedexda Ubax: koorma ayaan awoodaa in mar kale aan kuula kulmo.

4-afarta xabo :Waan kuu mahad celinayaa .

5-shanta Ubax: Wax walab oo aad iga codsato waan sameynayaa.

6-lexda Xabo ee Ubax: Sheekadaada ama hadalkaada ayaan u xiisay .

7-todobada Ubax :waan ku Jeclahay .

8-sedeeda xabo ee Ubax :daacad ayaan kuu ahay inta aan ka dhimanayo.

9-sagaal Ubax:waxaan rabaa in aan kaligey ahaado xagaada .

10-Tobanka Xabo ee Ubax: Ma Dooneysaa in aad i guursato Aniga .

Dhambaaol Jaceyl oo kooban :

1-Nafyaheey degtay oo qabsatay qalbikeyga iyo maankeyga xukuntayna guud ahaan dareemaheyga , waxaan kuu soo dirayaa fariintaani xanbaarsan uduga Jaceylka iyo ubaxyada aduunka .

Jaceylkeygaay waxaan ogaaday in Jaceylku Macaan yahay noloshana macno leedahay taasina waxa ay timid markii aan ku jeclaaday .

Jaceylkaaga qalibigeyga waa uu ku kobcay iyadoo haatan uu gaaray in aan maxbuus u noqdo Jaceylkaasio.

Jaceylkeygaay waxaan xanbaarsanahay guud ahaan wax walba oo is burinaya oo liddi isku ah ee dunida yaal oo ah Rajo , Quus , Faraxad iyo Murugo waana ku faraxsanahay Jaceylkaaga .

Waxaad iga soo bixisay nolosha murugada iyadoo Jaceylkaada uu i keenay oogada dhulka oo aad igu dhandhansiisay faraxda Jaceylka .

Xabiibi kaama qarinayo in wadnaheygu ama qalbikeygu ahaa saxaro lama dagaan ah balse Jaceylkaada ayaa iiga dhigay beer doog leh oo uu Jaceylkaada waraabinayo .

Xabiibi waxaan doonaya in aan ku qayliyo cod kan ugu dheer , waxaan doonayaa in guud ahaan waxa Qalin iyo warqad taal dunida in aa ku qoro Jaceylkada .

Waxaan fariintaani ku soo qorayaa guud ahaan xarfaha Jaceylka oo aan ku soo qorayo dhiigga Qalbikeyga , haddii aan kuu soo qoro erayda kuwo ugu mac ee Jaceylka ma gudi karo xaqaaga , waxaan wadnaheyga ku wadaa wax walba oo uusan qof fileyn hadii aan dadka gabya kuwa wax qura u micneyn lahaana Jaceylka aan ku qabo mucjiso ayay ku noqon laheyd .

Dhambaalo Jaceyl :

Macaanto/macaae, Waxaa ii tahay ileys ii baxay waxaa sidoo kale ii tahay Jaceyl aan marna Laabtayda ka go’i karin,Waxaa habeen iyo Maalin Gacaliso/Gacliye i hor taagan waa adiga iyo Riyadaada,Macaaneey/Macaane Waxaan habeen iyo Maalin igu soo kordhaya waa Jaceylka aan ku qabo.

Walaahi Dareenka aad jirkeyga ku leedahay waa mid aan lasoo koobi karin,Laakiin waxaa mararka qaar niyadeyda ku dhistaa in aan Maalin un ku heli doono,Macaaneey/Macanaae la soco in aad nolosheyda gelisay Saaxada Caashaqa oo aad adiga mooyee aysan rabin cid kale.

Waxaan Xalay saqdii dhexe galay Daruuraha Samada’iyo Noloshii Jaceylkeen midii ugu manaaceyd,Waxaan dheelalaababa Waxaa la ii lulaayaa Laamihii Jaceylkeena kuwii ugu wacnaayoo abidkeenba aan rabnay.
Adigana Macaaneey/Macaanoow waxaa kaa sugayaa waa in aad dhankaagiyo ka ilaalisaa Caashaqa,Sababtoo ah haddii aanan Caashaqa labadeena wada ilaalin Macaanto dhibkeeda ayey leedahay,Sidaasi darteed waan ku kalsoonahay Jaceylkeena inuu najixi doono oo waliba Guushisa wada qaadan doono.

Inta Dumar/Rag filkaa’iyo Waxaad tahay Faceed tii u fiicneyd,Umaad dhalan Fudedd iyo Fowdo in aad Abuurtoo Faduul Aadmi maad baran,Fariidaan jaclaayey Fikradaada wacan iyo Fahmadaada Badanbaa Facaa aad ku dhaaftee Alle ii kaa Fayoobee Macaaneey/macaanoow.

Cishqibeygu fidayoo Feeraha dhexdoodiyo Halbowlaha ku faafee,Waxasina waxaa i garsiiyey Waa Codkaaga Dahabiga ah ee lagu laray Dareemihii Jaceylkeyga kii ugu badnaa,Marna ma moogaan karo codkaaga ,sidoo kale marna ma sugi karo inta aan ka helayo Qoraalkaaga iyo Sheekadaada.

Fariin kale :
1-Waan wada eegay wajiyada aduunka maba arag bashar kaa qurxoon kaana wanaagsan , maba sifeyn laheyn arimahaani oo idil haduusan Jaceylkaada i qaadi laheyn.

Jirkaag siman , indhahaaga qurxoon oo hadii dunida oo idil isu timaado sifeyn karin ayaan u oomanahay ,.

Mana ah markii ugu horeeysay oo aan fariin kuu soo diro oo ay ka muuqdaan Oraahyo muujinaya Jaceylka aan kuu qabo iyo muragada i haysa waxaan kaa sugayaa jawaab guud ahaan iga baabisa muragada aynu ku dheehan tahay ogalaasho ku aadan in aad wax ila qabto .

Jawaabta Fariinta:Waa ay i soo gaartay fariintaadi wareegga dhiiga saameyneysay ayna ka buuxday rabitaanka Jaceylka iyo isu soo dhawaanshaha Jawaabta soo daahday-na waxa ay aheyd mid aan ku eegayay inta uu la eg yahay Sabarkaaga iyadoo aan sugi waaysanaa jawaabtaada ayaa waaxa ii keenay boostaale.

Waan ku farxay aqrinteeda markii aan dhadhamiyay dareenada ka muuqda ee fog ee igu aadan , markii aan si wacan u sii eegayan-na Ilmo ayaa iga soo hoortay .

Waa ikanaa aniga oo kuu soo diraya fariin muujineysa sida niyad samida ah ee aan kaaga aqbalay Jaceylka iyo rajada macaan ee aad ii qabto , waxaana tix gilinayaa ilinta iiga dhacday dhulka markii aan aqriyay fariintaadii ugu dambeeysay ee aad ku soo bandhigtay cudurka ku hayo .

Fariin kale:Ka hor inta aan bilaabin qoraalka erayadaani ii ogolaaw in aan muujiyo waxa ka soo baxayo qalbigeyga ee muragada iyo farxadda leh taasi oo ah kuleylka Jaceylka aan kuu hayo .

Ma garanayo meel aan hadal kaaga bilaabo taasina waa karaaca wadnaheyga oo doonayo in aan uu kuula shaqeeyo muragadana iga qaadid , Saacaddii aan ku arkay ilaa hadda indhaheyga waxa ay diideen in ay seexdaan oo ay dhadhamiyaan macaanka hurdada , waxaan kaa fekiraa Habeen iyo maalin waxaan ku riyoodaa in mar uun aan ku heli doono .

In badan ayaan ku kormeerayay mudadaasina waxaan ku ogaaday in aad tahayqof dhowrsoon oo iina qalantana , waxaana dareemay in nafteyda ka maarmin naftaada .

Si aan kuugu muujiyo dareenkaasi waxaan kaa codsanayaa in aad iga aqbashid in aan kuula kumo .

Jawaab fariintaasi :Wax lala yaabo ma ah in markii aad i aragtay uu kuugu dhacay cudurka indhaha l`a ee Jaceylkaasi ah ,shakigana iigama jira in aad dareemay nooca aragtidaada waxaan dareemay in uun wax jiraan , waadna i hamisay iyadoo aan wax hadal ah na dhex marin sidaa awgeed waxaan kaa ogalaaday in aan kuula kulmo beri galab si an u qiimeeyo cadeeynmaha Jaceyl ee aad ii Hayso .

Waxaan kaa rajeynayaa in hadalkaaga uusan noqon mid qiyaano , waana suura gal in nolol daacad kuwada noolaano .

Fariin Qof Jaceyl Qarsanayay:

In badan oo aan Jaceylkaada ku qariyay Qalbigeyga waa kan isaga oo haatan banaanka isa soo dhigay iyadoo daaqad walba oo uu furay-na qalbigeyga uu ka qaabilay falaarta Jaceylkaaga iyo labadaada indhood ee qurxoon .

Waa ikan aniga oo ku dhiiraday in aan fariintaan ku soo qoro si aan kuugu muujiyo sida aad qalbigeyga ugu qoran tahay iyadoo qalbigeygana dhaawacan yahay ka dib markii uu xoogeysaty sida aan kuula dhacsanahay , waana igu kocbay mana ka sheegeyn karo Kaligey.

Ha la yaabin erayada aan kuu soo qoray maxaa yeelay Jaceylka aan kuu qabo ayaa sidaan iga yeelay oo guud ahaan milkiyay nafteeyda waxaan ku jeclaaday Jaceyl kan ugu weyn kaasi oo awood u leh in duniada oo dhan uu saameeyo.

Xubin walba oo jirkaada ah waa ay ii yeereysaa , shaqsiyadaada , indhahaaga raganimadaada , fadlan baaqaasi oo dhan ee qalbigeyga ka soo baxaya igula eeg qalbi naxariisan.

Hadduu gacmahaaga aan ku soo rido amaanadaasi waxaan rajeynayaa in aan gaarayo Jaceylka macaan ee sareeya , waadna igu farxad gilineysaa in aan gaaro riyooyinkaasi oo dhan .

Haddii waxaase oo dhan aan gaari waayo ogoow in badaha muragada galay oo aan qof aan adiga aheyn aan dooneyn wax walba oo dhaca .

Qaali ku kalsoonaaw in aan kuu ahaanayo daacad .

Jawaabta fariinta:Qaali ogsoonaaw in aan doonayay in aan noqdo qofka ku horeeya fariintaani oo aan doonayay in aniguba kuugu muujiyo baaxada shucuureed ee aan kuu qabo .

Balse mar waliba oo aan qalinka iyo waraqada is dul saaro ayaa waxaa ii diidayay qalbiga oo lahaa hadal ku gudbi fariintaani culus .

Ma qarinayo in aan horay ula dhacsanaa hanaankaada , deganaashahaada isu dheeli tirka quruxdaada , mana la yaabayo in eegitaankeygii uu ii igu filnaa in uu soo badhigo quruxdaada .

Ku kolsoonaaw qaali in aan noolaneyn la`aantaada oo aan dhibkaa Jaceylka iyo faa`idooyinkiisa aan kuula qeybsanayo .

Xabiibi waxa uu qalbigeyga u furan yahay in uu qaabilo uu soo dhaweeyo wax walba oo ka soo go`a qalbigaaga daacadna waan kuu ahay si aan guul u gaarno .

Cismaan Xasan Cali (Fantastic)
ossmanfantastic@hotmail.com
Cape Town +27739667794
Xaquuqda Qoraalkaani waxa ay u dhowrsan tahay Qoraaga

ceerigaabo.wordpress.com

Email. siciid_32@hotmail.com

gabay wacdi

Gabay: wacdi

—————————————————————————-
Gabaygan waxa weeye wacdi iyo Alle xasuusin . Maxamedna jacaylka uu diinta u qabo halkan ku muujinya Waxuu yidhi:-

Nimanyahow adoomaha badhkood, male aqoon wayne
Kolba waxay arkaayaana waa, ku arin qataane
Mana oga amuuraha Ilaah, inay ahaadaane
Asmaa’iga qur’aankiyo sharcigiyo, aayadiyo diinka
Kutubaha war lagu soo ebyee, uunka wada gaadhay
Ogaadaay ninkii ka anfiyaa, aayatiin malehe

Aadaanka gabay waanigii, aaladayn jiraye
In dhawayd ma uugaaminin, or iyo geeraare
Ogaadaay anaa iska edbiyee, igama oodnayne

Maral lagu arkaayiyo ninkii, cuduri naafeeyay
Kol haddaan asiib looga dhigin, aramidaa haysa
Oon lagu ayimin iilku waa, lagama oolaane
Ogaadaay mar unbuu caafimaad, ku istareexaaye

Haddaad aragto aadmiga nimaan, ubad u ciidmaynin
Oon aduunyo u godlayn, adhiyo geel toona
Ogaadaay mar unbaa irsaaq loo furaa, bari ka aasnayde
Ogaadaay adoomaha marbuu, ugu il roonaane

Aabiga libaaxuba wuxuu, ayda sarre maaxo
Ugaadh iyo aduunyaba hadduu, waayo ka abaado
Arsaquu lahaan jiray marbuu, amarkii siiyaaye
Ogaadaay abeer lala damcuu, adhaxda gooyaaye

Axad waabari toomantoo, dunidu aafowday
Olal kacay arlaa’iga dhulkoo, laga amaan waayey
Kol unbaa sabaan aarantaa, ararta doogayne
Ogaadaay alaaliga baxdaan, ku intifaacnaaye

Jilaal abaaraad hadduu, adhigu kaa liico
Ama khoof diraaceed haddii, lagugu aaheeyo
Ogaadaay ayaamaha gu’ baa la irkan doonaaye

MU’MINIINTII AAN REER MAKKA AHAYN

<><><> 

Casharka 25aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

MU’MINIINTII AAN REER MAKKA AHAYN Rasuulka SCW markuu arkay in reer Makka ay xaqii qaadan la’yihiin, ilaa intii hore u islaamtay maahane, ayuu bilaabay inuu xoogga saaro dadka meelaha kale duwan ka imaanaya oo xajka u imaanaya. In kastoo ay shayaadiintii Makkana faafinayeen dacaayaddoodii, haddana Rasuulka SCW kama suulin inuu dadkaas dacwada gaarsiinayo.

Maalin ayuu wuxuu la kulmay nin la oran jiray Suweyd ibnu saami oo ahaa nin caan ku ahaa gabayga oo ka yimid magaalada Madiina. Wuxuu Nabigu SCW ninkaas u bandhigay islaamka hase yeeshee Suweyd wuxuu ku jawaabay: “Waxa aad taqaanno aniguba waaan aqaannaa”. Rasuulka SCW wuxuu yiri: “maxaad taqaanaa?”, Suwedna wuxuu yiri: “waxaan aqaannaa xikmaddii Luqmaan”. Rasuulku SCW wuxuu ku yiri: “akhri’, Suweydna, wuxuu akhriyey gabaygiisii iyo wuxuu yaqanney. Rasuulka SCW markuu ka dhegaystay ayuu ku yiri “warkaad sheegayso waa wanaagsan yahay laakiinse waxaan hayo ayaa ka wanaagsan waana qur’aan Ilaahay igu soo dejiyey oo hanuun iyo nuur ah”. Nabigu SCW qur’aankii ayuu Suweyd ku dul akhiryey. Suweyd markuu dhegaystay wuxuu yiri: “waa war wanaagsan wuuna islaamay, markuu Madiiina ku laabtayna wuu geeriyooday.

Abii-darr Al-qafaari, oo ka mid ahaa dadkii degganaa agagaarka Madiina, ayaa markuu maqlay in Makka uu Rasuul Ilaahay soo diray joogo wuxuu soo diray walaalkiis oo uu ku yiri: “u tag ninkaas oo khabar fiican iiga keen”. Ninkii markuu soo laabtay wuxuu ku yiri: “waxaan soo arkay nin dadka kheyrka ugu yeeraya, sharkana ka celinaya”. Abii-dar warkaasi waa ku filnaan waayey sidaa darteed ayuu aadey Makka isagoo doonaya inuu la kulmo Rasuulka SCW soo baxay.

Abii-darr markuu Makka yimid wuxuu degay Xaramka biyaha Samsamkana wuu ka cabbayey oo uu saas yahay ayaa maalinkii dambe waxaa soo maray Cali Binu Abii-Dhaalib, markaasaa Cali la hadlay oo ku yiri: “waxaa la arkaa inaad soo galooti tahay, Abii-Darr ayaa markaa ku jawaabay “haa”, Cali wuxuu yiri “soo bax aan guriga aadnee, Abii-Darrna wuu ka yeelay oo wuu raacay, hase yeeshee Abii-Darr uma uusan sheegan, Calina waxba ma weydiin sidaas ayeyna ku kala tageen. Maalinkii dambe ayaa Cali mar kale soo maray Abii-Darr markaasuu ku yiri: “wali arrintaadii kuuma hirgelin miyaa?” Haa ayuu yiri Abii-Darr, markaasuu Cali yiri, nakici Abii-Darrna waa raacay. Markaasaa Cali weydiiyey oo ku yiri, maxay ahayd dantaad lahayd oo aad u timid magaaladaan? Markaasaa Abii-Darr yiri: “waan sheegayaa haddaad ii qarinayso”. Calina wuxuu yiri: “waan kuu qarin”. Abii-Darr dantiisii ayuu sheegay, markaasaa Cali ku yiri: “waad heshay, halkaasaan gelayaaye iga soo daba gal, hadiise aan arko cid aan kaaga cabsado bannaankaan istaagayaa, waxaana iska dhigayaa sidii wax kabta hagaasanaya, ee adigu iska gudub”. Cali gurigii ayuu toos u galay, abii-Darr waa ka daba galay. Wuxuuna meeshii ugu tegay Rasuulkii SCW markaasuu ku yiri, Islaamka ii sharax, markii uu Rasuulku SCW u sharaxayna wuu Islaamay. Wuxuu markaa Rasuulku ku yiri: “Iska tag oo carradaadii aad, oo noo imow markaad maqasho inaan guulaysanay”. Wuxuu markaa Abii-Darr Rasuulka ku yiri, Ilaahii xaq kugu soo baxshaan ku dhaartaye, inaan Qureysh kala dhex kicin (Islaamnimadayda) markaasuu baxay oo u tegay Qureysh oo Xaramka ka buuxda wuxuuna ku yiri: “Qureysheey waxaan qirayaa Alle mooye Ilaah kale inuusan jirin, Maxammedna yahay adoonkiisii iyo Rasuulkiisii”. Qureysh markay kalimaddaas maqashay ayey hal mar ku yaaceen iyagoo leh “kan iishay qabta”, wayna garaaceen. Waxaa markaa u yimid oo ka qabtay Cabbaas binu Cabdi mudhalib, kuna yri: ‘war hooggiinee, ma waxaad dilaysaan nin reer Qafaari ah. Ma idiin badbaadayaa safarkiinna aad reer Qafaari sii martaan”. Markaasay iska daayeen. Maalin labaaddii ayuu Abii-Darr mar kale Xaramkii tegay oo sidii oo kale ku yiri, iyaguna sidii oo kale ayey ku sameeyeen. Markaasaa Cabbaas mar kale ka qabtay oo sidii ooo kale ku yiri. Dabadeedna Abii-Darr wuu iska tegay oo dhulkiisii ayuu ku laabtay.

Sidoo kale dadkii dacwadaa ku soo islaamay waxaa ka mid ahaa Dammaan Al-Asadi oo ahaa reer Yaman, ahaana nin cudurka dabaysha ku tufa oo daweeya. Markuu Dammaan yimid Makka ayuu maqlay iyadoo la leeyahay nin waalan oo Maxammed la yiraahdo ayaa halkan jooga ee iska jira, markaasuu run mooday hadalkaas wuxuu yiri: “waxaa la arkaa in Ilaahay gacantayda ku daweeyo haddaan u tago oo aan ku tufo”. Dammaan Rasuulka SCW ayuu u yimid oo ku yiri: “Maxammed dabaysha ayaan ku tufaa ee ka waran haddaan wax kugu tufo, waxaa la arkaa in Ilaahay kugu caafiyee”. Rasuulka SCW uusan yaabin Dammaan maxaa yeelay, dacaayadahaas iyo kuwo kale oo la mid ah ayaa Makka laga faafinayey, lagana dhaadhicinayey dadka soo galootiga ha. Dadka badankooduna wax ma hubsadaan mana baaraan ee wixii lagu yiraahdo ayey iska qaataan. Islaamkuna sidiisaba ma oggola in qofku wixii loo sheegaba iska rumeysto isagoo aan hubsan oo aan caddeysan.

Rasuulka SCW wuxuu bilowday hadalkiisii isagoo ku furturanaya iftitaaxa caamka ah oo ah: Ilaah ayaa mahad iska leh, waan mahadineyna waan kaalmo weydiisaneynaa, waana dambi dhaaf weydiisaneynaa. Waxaan Allaah ka magan gelaynnaa naftayada sharteeda iyo acmaasheeda xun. Qofkii Allaah hanuun la doono cid baadiyeyn kartaa ma jirto; qofkuu baadiyeeyana wax hanuunin karaa ma jiro. Waxaan qirayaa in Allaah keliya mooyee uusan Ilaah kale jirin, keligiisna uu yahay, shariikna uusan lahayn. Waxaan kale oo aan qirayaa in uu Maxammed yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii. Dammaan markuu maqlay kalimmadahaas cajiibka ah ee tawxiidku ka buuxo aad ayuu ula dhacay, wuxuuna ogaaday in xaqiiqadu aysan ahayn sidii lagu yiri, markaasuu yiri “iigu cel”. Markuu Rasuulka SCW mar labaad ugu celiyeyna islaamka ayuu qaatay, wuxuuna yiri “hdal curraafi iyo saaxir waan maqlay weligeyna hadalkaan oo kale ma maqal.

DHIMASHADII KHADIIJA

Casharka 22aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

DHIMASHADII KHADIIJASidaan ogsoon nahay Khadiija waxay ahayd xaaskii Rasuulka SCW ee ugu horreysey haweenkiisa, carruurtiisa oo dhanna u dhashay Ibraahim maahane, Rasuulka SCW aad ayuu u jeclaa, aad beyna u garab istaagtay Rasuulka SCW mar kasta oo u murugoodana way ka baabi’in jirtey nafteedii, maalkeedii iyo waqtigeediina waxay u hurtay diinta islaama waxayna ahayd qofkii labaad ee ay gaaladu ku qaddarin ugana baqi jireen Rasuulka SCW. Waxay Khadiijo dhimatay waqtigii uu Abii-dhaalib dhintay wax yar kadib.

Khadiijo waxay lahayd fadli aad u tira badan oo aan la soo koobi karin haddiise aan wax ka mid ah soo qaadanno. Maalin ayaa malaku Jibriil u yimid Rasuulka SCW markaasuu ku yiri “Rasuulkii Allow tani waa Khadiijo oo wadda weel uu ku jiro cunto ama cabbitaan ama iidaan, hadday kuu timaaddo gaarsii salaan xagga Alle ka timid uguna bishaaree guri Jannada ku yaalla oo ka samaysan Lu’Lu’ oo aan dhib iyo daal lahayn”. 

Ugu dambayntii Khadiijo wuxu Ilaahay oofsaday sannadkii 10aad ee soo diritaankii Rasuulka SCW iyadoo jirta 65 sano, Nabiguna wuxuu jirey 50 sano, waxayna wada joogeen 25 sano. Sannadkaas ay iyada iyo Abii-dhaalib dhinteenna waxaa la yiraahdaa Sannadkii Murugta, waxaana Rasuulka SCW soo foodsaartay dhib aad u weyn maxaa yeelay waa labadii qof oo ay gaaladu Rasuulka SCW ugaga hakan jireen.

Hase yeeshee Rasuulku SCW iyo asxaabtiisu uma jixinjixin dhib kasta oo ku timaaddda, Allahna qur’aank ayuu intaa ku soo dejinayey uu ku boorrinayey iney ku sabraan dhibka ogaadaanna iney ciribta dambe iyagu iska leeyihiin. Rasuulka SCW wuxuu sannadkaas 10aad markay Khadiijo dhimatay Sawda bintu Samca oo ka mid ahayd muslimiintii hijradii labaad ee dhulka Xabashida aaday ninkeediina halkaas ku dhintay.

CUNAQABATAYNTII REER HAASHIM IYO REER MUDHALIB

Casharka 20aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

CUNAQABATAYNTII REER HAASHIM IYO REER MUDHALIBOdeyaashii qureysh markay arkeen in aan Nabiga SCW marna u soo dabcayn, boqortooyo iyo wax walba oo loo ballanqaadana uusan doonayn, diintiisiina ay soo xoogeysanayso, rag khatar ahna ayba raaceen, hadday sidaa ku sii socotana ay rag badan oo kale raaci doonaan, ayey ku laabteen ficilkoodii hore oo kordhiyeen dhibkii ay Nabiga SCW ay u geysanayeen gacanna ula tageen.

Abii-dhaalib markuu arkay waxay qureysh samaynayso iyo go’aanka ay gaareen oo ah iney Nabiga SCW dilaan, wuxuu isugu yeeray reer Haashim iyo reer Mudhalib wuxuuna ku yiri “xaal meeshuu marayo waad aragtaan iyo in la rabo Maxammed la dilo, Maxammedna idinkuu idinka dhashay cid kale oo difaaceysaana ma jirto haddaba waa inaan difaacnaa dhammaanteen”. Go’aankii Abii-dhaalib waa la qaatay oo labadaas reer waxay go’aan ku gaareen in kooda muslimka ah iyo kooda gaalka ahi ay difaacaan Nabiga SCW Abii-lahab oo diidey maahee. Qureysh markay go’aanka labadaas reer ay wadajirka u qaateen oo ah iney Nabiga SCW difaacaan waxay isugu yimaadeen shir ay arrintaa ku falanqeynayaan, ugu dambayntiina waxay soo saareen go’aan adag oo ah in cunaqabatayn lagu soo rogo labadaas reer, warqado ayeyna go’aammadii ku qoreen kuna dhejiyeen kacbada. Go’aammadaa waxaa ka mid ahaa: inaan wax laga gadan karin lagana iibin karin, inaan loo guurin karin lagana guursan karin, inaan lala macaamaloon karin lana caawin karin.

Labadii reer waxay iyaguna go’aansadeen in aan loo jixinjixin arrimahaas ay qureysh soo saartay, mowqifkoodiina waxba ka beddelin, Abii-dhaalibna wuxuu go’aamiyey in la dego kayntii uu degganaa iyo in la ilaaliyo Rasuulka. Abii-dhaalibna wuxuu sameyn jirey, habeenkii Rasuulka SCW ayuu gogoshiisa ku seexin jirey, gogosha Rasuulka SCW qof kale ayuu seexin jirey. Cunaqabatayntan oo bilaabatay bilowgii sannadki 7aad ee soo diriddii Rasuulka SCW waxay socotay saddex sano ilaa laga gaaray sannadkii 10aad. Waxaa labadaas reer la soo gudboonaatay dhibaato iyo baahi aad u daran ilaa ay caleenta iyo haragga ka cuneen, dhawaqa carruurtuna uu guryahooda ka baxayey.

Sannadkii 10aad horraantiisii ayey cunaqabataytii dhammaatay oo laga takhalusay. Habka looga takhalusayna wuxuu ahaa, nin la oran jirey Hishaam ibnu Camar ayaa markuu arkay dhibaatada iyo dulmiga lagu hayey reerahaasi meesha ay gaartey iyo inaan loo dulqaadan karin waxay qureysh samaynayso ayuu is xilqaamay oo u istaagay siduu arrintaa ku tirtiri lahaa, wuxuuna uu ugu horreyntii u tegey nin la oran jirey Suheyr ibnu abu Ummaya oo ay dhashay Caatika bintu Cabdimudhalib markaasuu ku yiri “waxa aan samaynayno ma wax loo dulqaadan karayo ayey kula yihiin, mase ku raalli noqotay inaad dheregto abtiyaashaa iyo habaryarahaana ay meeshaa ku gaajoodaan.” Markaasuu Suheyr yiri “Anigaa nin keliyaan ahaye maxaa samayn karaa.” Hishaam wuxuu yiri “Anigaa kula jira cid kalena waa raadineynaa”. Wuxuu u tegey saddex nin oo kale oo arrintii ka dhaadhiciyey dabadeedna shantoodii ayaa tashaday. 

Subixii dambe markii kacbada la isugu yimid ayaa Suheyr intuu si fiican u soo lebbistay oo kacbada dawaafay ayuu yiri “warqaddaas xunta ah oo daallimadda ah dadkana baabi’isay bari baan ka nahay.” Abii-jahal baa soo boday oo yiri “been baad sheegtay lamana baabi’inayo”, shantoodii mid kale oo ka mid ah ayaa ka daba hadlay oo ku yiri Abii-jahal “adigaa ka been badan ” intuusan Abii-jahal weli hadlin ayaa midkii saddexaad yiri “labadaas nin ayaa run sheegay wax kale ninkii ku jawaabaana been ayuu sheegay, kii shanaad ayaa sidoo kale u hadlay. Abii-jahal markuu arkay intaas oo nin oo iska daba hadashay oo weliba xamaasadaysa, wax kale oo ka dambeeyana uusan garanayn ayuu yiri “arrinkaan meeshaan meel aan ahayn ayaa lagu soo qaatay xalay baana loo soo dhiray” sidaa ayaa warqaddii kacbada ku dhegganayd oo qodabbadii cunaqabtayntu ay ku qornaayeen loo baabi’iyey, cunaqabatayntiina ku dhammaatay. Waqtigaasu wuxuu ahaa bishii Muxarram sannadkii 10aad marka laga soo bilaabo soo diriddii Rasuulka SCW.

Sharax Kooban oo kusaabsan lixda tiir ee iimaanka

 bismillaah walxamdu lillaah wabacdu walaal kayga muslim ka ahow waxan rabaa inaan halkan kugu soo gudbiyo qayb kamid ah xadiithka jibriil een wada garanayno , waana qaybta ka hadlaysa lixda iimaanka

(1) wuxu yidhi nabigu(scw)(iimaanku waa inaad rumayso Alle)micneheeduna waxa weeye inaad alle inuu kaligii yahay rumayso qalbiga iyo carabkaba aad ka rumayso isuna dulayso awaamirtiisa una hogaan santo, go’aana aad ku gaadho inaad u hogaansanto waxa uu alle ku faray , adigoo kana fogaanaya iska kibrin iyo santaag iyo cinaad inaad latimaado, hadaad saa samayso waxad latimid wuxu alle kugu jeclaanayo waxadna ka dheraatay wixi cadho alle kuso jiidi lahaa.

(2) ammaa(rumaynta malaa’igta )waxaa weeye inaad rumayso inta alle magac yadooda u ku sheegay kitaabkiisa aadna rumayso in alle leeyahay malaa’ig kale oo aynaan garanayn tiradooda iyo magacyadooda alle mooyee.

(3) ammaa(rumaynta kutubtiisa)waxa weeye inaan rumayno inta alle magac yadooda inoogu sheegay kitaabkiis sida Towraad, Injiil, iyo Zabuur aanna rumayno in alle leeyahay kutub kale oon kuwan ahayn oo aynaan garanayn,waxana rumaynaynaa Furqaan farqibaana u dhexeeya rumaynta kutubahaa kale iyo keenan Furqaan, rumaynta aan rumaynayno kutubta kale waa inaan qalbiga ka qirno in kutub alle soo dajiyay ay yihiin iyo carabkaba, rumaynta aan rumaynayno kitaabkeena Furqaana waa inaan qalbiga iyo carabkaba ka qirno waxa intaa siidheer inaan inaan wuxu ina farayo raacno wuxu inaga reebayana ka hadhno.

(4) ammaa(rumaynta rususha)waa inaan rumayno inta uu alle inoogu sheegay kitaabkiisa magac yadooda, rumaynana inya jiraan rusul iyo nabiyo kale oo aynaan aqoon, waxaynuna rumaynaynaa nabigeena(scw)Muxamad rumayntaa aan rumaynayno nabigeenana way ka duwan tahay rumaynta aan rumaynayno nabiyada kale, rususha kale saan urumaynayno waa inaan qirno inay yihiin rusul alle soo diraya, amaa nabigeena(scw)saan urumaynayno waa inaan qalbiga iyo carabkaba ka rumayno, rumaynana marwalba wuxu ina faray iyo wuxu inaga reebay, marka hadaan raacno wuxuu inoola yimid waajibaadkana aan gudano xaaraantana aan xaaraan u ictiqaadino xalaashan xalaal shubahaadkana aan ka fogaano khayraadkana aan ku dadaalo, saasaa ah rumaynta rasuulkeena(scw).

(5) ammaa (rumaynta aakhiro)waxa weeye inaan rumayno in laysa soo saarayo dhimasha kadib xisaabina ay jirto, rumaynana mizaanka iyo abaal marinta iyo ciqaabta iyo inay jirto jano iyo naar, rumaynana wax kasta oo alle iyo rasuulkiisu(scw)noosheegen inay maalintaa dhacayso.

(6) ammaa(rumaynta qadarta khayr & sharba)waa inaan rumayno in wixi ina asiiba uuna ahayn mid marnaba inagafi lahaa, wixi ina gafana inuuna ahayn mid marnaba inagu dhici lahaa, waana inaynaan odhan haday saas iyo saas ahaan lahayd saas iyo saasbay noqon lahayd , hadu waxas iyo waxaas jiri lahaana waxaas iyo waxaas madheceen

waana sidaas rumaynta alle iyo malaa’igtiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo maalinta qiyaamo iyo qadarta khayr iyo sharba
wallaahu aclam
Waxan qoray maalin axad ah September 30, 2000 – 02:00 am

ERGEYGII QUREYSHEED EE RASUULKA SCW U TEGEY

Casharka 19aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

ERGEYGII QUREYSHEED EE RASUULKA SCW U TEGEYDuqowdii qureysheed markay arkeen xaaladdu meesha ay ka sii degeneyso iyo ineysan waxba ku joojin karin dagaal iyo xumaan ayey beddeleen go’aankoodii ahaa in Rasuulka SCW la dilo, waxayna bilaabeen iney tartiib iyo wada hadallo ku wadaan hawsha sidaa darteed ninkii la oran jirey Cutba binu abii Rabbiica, oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii qureysh ayaa ku yiri odeyaashii “ka warrama haddaan Maxammed u tago ooarrimo u bandhigo, waxa la arkaa inuu naga aqbalee”, odeyaashii waa ku farxeen waxayna dhaheen waa yahay.

Cutba wuxuu u tegey Rasuulka SCW wuxuuna ku yiri “i dhegeyso wiilkaan adeerka u ahaayow, waad la socotaa sharafta iyo wanaagga aad tolkaa ku lahayd iyo meeshaad ka joogtay, sidaad sidaa u ahayd waxaad la timid arrin weyn oo is haysigii tolkaa kala geeyey, caqligoodiina waa durtay, ilaahyaashoodiina waad ceebaysey, aabbayaashoodii tegeyna waad baadiyeysey, haddaba dhowr arrimod baan kuu soo bandhigayaaye dhegeyso” Rasuulka SCW wuxuu yiri “dheh Abaa Waliid, waan ku dhegeysanayaaye” wuxuu yiri Cutba “wiilkaan adeerka u ahaayow haddaad arrinkaan u samaynaysid maal badsasho, maal ayaan kuu ururineynaa ilaa aad ka noqoto kan noogu xoolo badan, haddaad dooneyso sharafna sayid baan kaa dhiganaynaa, haddaad boqornimo dooneyso boqor ayaan kaa dhiganaynaa, haddii waxa kuu imaanaya uu yahay jinni oo aad jirran tahay dhakhtar ayaan kuu geynaynaa, maalkaygana waa kugu bixineynaa ilaa aad ka caafimaaddo”.

Rasuulka SCW wuxuu ku yiri “ma dhammaysatay abaa Waliid?”, wuxuu yiri “haa”, markaasuu Rasuulka SCW yiri “anna bal i dhegayso” markaasaa Rasuulka SCW bilaabay oo ku dul akhriyey suuatu Fusilat. Cutba markuu qur’aankii dhegaystay ayuu aad ugu khushuucay ka dibna wuxuu yiri “iga jooji”. Rasuulku SCW markuu aayaatkii dhammeeyey odeyaashii ayuu ku laabtay isagoo beddelan. Odeyaashii markay arkeen Cutba oo cagajiid ah oo soo laabtay ayey isu dheheen “Ilaah ayaan ku dhaaranaye, wejigii uu idin kala tegey weji aan ahayn ayuu la soo socdaa”. Ka dib markuu yimid ayaa la yiri “maxaad waddaa?” wuxuu ku jawaabay waxaan soo maqlay hadal aanan weligey maqal isagoo kale, Ilaah baan ku dhaartaye inuusan ahayn sixir, mana ahan curraafinnimo, ee nimanyohow maanta hadalka igu raaca oo ninkaas iyo arrintuu wato faraha ka qaada, waxa uu akharinayana wuxuu la imaan doonaa sha’ni weyn, ninkaasna faraha ka qaada oo isu daaya isaga iyo carabta kale oo hadday dilaan oo ay idinka kaafiyaan waa sidaad rabteen, haduu isagu guuleystana boqortooyadiisu waa tiinna, cissigiisuna waa cissigiinna oo idinkaa iska leh, waxaadna noqon doontaan kuwa dadka ugu nasiib badan”. 

Odeyaashii qureysh oo ahaa niman aan Ilaahay xaqa la doonin si walba oo wax loo tusaaleeyana aan ku qancayn, wax walbana ka hor keenaya madax adayg iyo caniidnimo markay dhagaysteen fikraddaas wanaagsan ee ninkaa odeyga ihi u soo jeediyey waxay dheheen “wuu ku soo sixray oo carrabku kugu soo sixray”. Cutba wuxuu yiri “waa taas aniga taladaydii ee waxaad doontaad sameeya”.

ISLAAMIDDII CUMAR BINU KHADHAAB

Casharka 18aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

ISLAAMIDDII CUMAR BINU KHADHAABCumar wuxuu ka mid ahaa raggii markii hore islaamka iyo muslimiinta aadka u dhibi jirey, Sannadkii lixaad ee soo diriddii Rasuulka SCW ayuu maalin soo kacay isagoo raba inuu Rasuulka SCW dilo, goor uu dhexda marayo ayaa nin ka hor yimid oo ku yiri “Cumar xaggee u socotaa?”, wuxuu yiri “waxaan rabaa inaan Maxammed soo dilo, maxaa yeelay dadkii buu kala geeyey”, markaasuu ku yiri “ma waxaad u malaynaysaa haddii aad disho inaad reer binu Cabdimanaaf ka nabadgelaysid, haddiise aad wax tarayso walaashaa Faadumo iyo ninkeedii Siciid way islaameene maad iyaga wax ka qabatid!”. Cumar ayaa markaa aaday gurigii walaashii isagoo xanaaqsan, markuu gurigii irriddiisii soo marayo ayuu maqlay qur’aan la akhrinayo waxaana guriga joogey walaashiis, ninkeedii iyo Khabaab oo qur’aan u akhrinayey. Albaabka ayuu tegey oo ku garaacay, dadkii guriga ku jirey markay ogaadeen inuu Cumar yahay ayaa Khabaabna dhuuntay, gabadhiina waraaqihii qur’aanku ku yiilley xaseysey (qarisay). Cumar markii guriga laga furay ayuu gabadhii ku yiri “keen wixii aad akhrineyseen”, markey u diideenna Siciid ayuu la dagaallamay, markaasay gabadhii difaacday ninkeedii ilaa uu iyadii dakharro gaarsiiyey. Markii la dagaallamay oo nabarro la is gaarsiiyey, la iskuna xanaaqay ayey dheheen “waxaad doonto samee annagu Ilaah ayaannu rumeyney waannuna islaamnay”. Cumar markuu arkay meeshay xaaladdu marayso iyo dhibkuu reerka u geystey siiba walaashiis, ayaa naxariis qabatay, markaasuu tartiib ula hadlay oo yiri “i tus waxaad akhrineyseen”, waxay dheheen “waxaad tahay nijaas ee soo qubeyso haddaad rabtid inaan ku tusno”, wuu soo meyrtay markuu soo taabtayna waraaqdii ay akhrinayeen oo ay ku taallay suuratu Dhah ayey u dhiibeen. Cumar markuu suuraddii akhireyey ayuu yiri “hadalkaan waa hadal cajiib ah”.  

Khabaab oo dhuumanayey ayaa markuu maqlay hadalka Cumar iyo siduu u soo dabcay ayuu soo baxay oo ku yiri “Cumarow waxaan rajaynayaa iney kugu dhacday ducadii Rasuulka SCW kolkuu lahaa “Ilaahow laba Cumar (Cumar binu Khadhaab iyo Abii-jahal) midkaad kheyr ku og tahay islaamka ku xooji”. Cumar intuu durba aad isu beddelay oo Ilahay qalbigiisa hanuun ku soo riday ayuu yiri “xaggee joogaa Nabigii?”, markaas ayaa loo tilmaamay meeshuu joogo. Cumar isagoon weli hubkiisii iska dhigin ayuu meeshii tegey oo ku garaacay gurigii Rasuulka SCW iyo asaxaabtiisu ay joogeen. Asxaabtii markay arkeen Cumar, ayaa la yiri “waa Cumar”, markaasaa Xamsa oo muddo yar ka hor sii islaamay meeshana joogey yiri “soo daaya, hadduu wanaag u socdana waan arkaynaa, hadduu xumaan u socdana seeeftiisaan ku dileynaa’. Cumar gurigii ayuu galay, ka dibna halkaa ayuu ku soo islaamay.  

Cumar iyo Xamsa markay soo islaameen Ilaahay wuxuu muslimiintii siyaadiyey Cissi iyo xoog, xaaladdii Makkana way is beddeshay. Cumar isla markiiba wuxuu qaadey tallaabooyin wuxuuna yri “waxaan is weydiiyey ninka dadka ugu neceb islaamak markaasaan xasuustay inuu Abii-jahal yahay, markaasaan gurigiisii ugu tegey oo ku garaacay, albaabka ayuu iga furay oo i soo dhoweeyey yirina “maxaad iigu timid Cumar”, waxaan ku iri “waxaan kuugu imid inaan ku ogeysiiyo inaan islaamay oo rumeeyey Alle iyo Rasuulka SCW , waxaan haysan jirneyna aan beeniyey”, Abii-jahal intuu naxay ayuu yiri “waxaad la timid baa xumaaday” gurigii buuna ku cararay. Sidoo kale wuxuu Cumar yiri “waxaan is weydiiyey ninka ugu warqaadka badan reer Makka oo dadka oo dhan hadalka gaarsiin kara, waxaan xasuustay inuu yahay Sumeyn ibnu Camar al-juhani”, markaasaan u tegay oo ku iri “waan islaamay ” markaasuu u qeyliyey isagoo leh “Cumar ibnu Khadhaab waa iishay” Cumarna wa ka daba hadlay isagoo leh “ma iilane waan islaamay”. 

Waxaa kale oo Cumar sameeyey markuu islaamay ayuu Rasuulka SCW ku yiri “Rasuulkii allow sow xaq kuma taagnin, waa inaan baxnaa oo dhammaanteen aan kacbada ku soo tukannaa”, Rasuulkuna SCW waa ka yeelay, markaasaa waxaa soo baxay asxaabtii oo laba saf ah oo safna Cumar ku jiro safna Xamsa. Qureysh talo ayaa ku caddaatay waxayna ka caroodeen waxyaalaha uu Cumar sameeyey, waxay markaa ku tashadeen ineyba dilaan hase yeeshee waxaa arrintaa is hor taagay Cumarna gaarsiiyey Caas ibnu Waa’il.  

Allaah wuxuu u soo hooyey dadkii muslimiiinta ahaa cissi waxayna bilaabeen in waxyaalo badan oo ay la dhuuman jireen ay bannaanka soo dhigaan siduu Bukhaari ka weriyey Cabdullaahi ibnu Mascuud inuu yiri “kama aannaan suulin cissi intuu Cumar islaamay”.