Jaceyl cidna ma daayo
Jaceyl cidna ma daayo
Jacayl cidna ma daayo…!! (Sheeko taxane ah) (Qaybta 1-aad) Daahir waxaa uu ahaa arday weli dhex-dabbaalanaya waxbarashadii Dugsiga dhexe,walow uu qaan-gaar ahaa. Xaafaddii “Anzaloti” ee markii dambana loo bixiyay Waaberi, ayay reerkoodu degganaayeen, oo uu isaguna ka dhigan jiray Dugsiga.
Daahir reerkoodu waxay ahaayeen Beeraley,Xoola-dhaqato iyo Farsama-yaqaanno isku wada-dhafan. Degmada Afgooye, oo ay asal-ahaan ka soo jeedeen,waxaa ay ku lahaayeen Beer,taas oo ay ka soo goosan jireen Dalag iyo miro isugu jira:-Galley,Sisin, Lows, Yaanyo, Babaay, Canuuni, Seytuun iwm.
Aqalka “Anzaloti-na” waxaa ugu xirnaa oo ay ku dhaqanayeen 3 – 4 Sacaad (Lo’) iyo Weylahood iyo weliba 3 – 4 Riyood oo Ari-Carbeed ahaa. Dhaqaalahooda labadaas dhinac ku dhisnaa waxaa u weheliyay reerka farsamo-yaqaannimo xagga dhismaha ah,markii la helo Mashruuc laga fara-qabsan karo.
Daahir wuxuu ahaa ruuxa kaliya ee waxbarasho ku hawlanaa marka la eego reerka oo dhan. Si gaar ah ayaa loogu roonaanayay loona tixgelinayay; waayo ku-lug-lahaanshaha xeyndaabka aqooneed ka sokow, waxaa uu lahaa Akhlaaq aad u sarreysa, oo ka shidaal-qaadaneysay xagga duruusta diineed. Xitaa Aabbihiis “Dikriyow” ayuu fiidyadii gacan ku siin jiray qorista Qasiidooyin ku aroorayay dariiqada Qaadiriyada. Taas oo ay reerka oo dhammi aad ugu xirnaayeen.
Yaraantiisii Daahir, laba jeer ayaa loo kaxeeyay Tuulada Biyooley ee Gobolka Bakool, halka lagu Ziyaarto Sheekh-Aweys Dheere Al-Qaadiri, ee uu Qabrigiisuna ku yaallo.
Wax badan ayuu Daahir kula luuqeeyay Aabbihiis-Dikriyow Qasiidooyin ay ka mid ahaayeen:-”Weliyu-lah, Weliyu-llah Uweys-Axmed Weliyu-llah”, “Yaa-Rabbi salli calaa-Muxamad,Nebiyunaa ashraful-anaami” iyo kuwa kale oo badan oo uu aad u xifdisnaa Odaygu.
Sida ay dad badani la socdaan, hareeraha magaalada Muqdisha, waxaa ku yiil dhulal waaweyn oo daaqsin ahaa,kuwaas oo loo yaqaanno Goofaf. Xitaa Muqdisha lafteeda ayaa markeedii hore,badankeed ka koobnaan jirtay “Goofaf”; gaar ahaan degmooyinka haatan loo yaqaan:-Kaaraan,Yaaqshiid,Heliwaa(Huriwaa),Hawlwadaag,Hodan,Wadajir,Dharkeenley iwm.
Waxaa iyaguna jiray Xaafado Buushash ahaa (Bac,Baraako, Baako, Buul) oo gudaha iyo daafaha magaalada ku yiil; waxaana Buulooyinkaas ka mid ahaa:-Buulo-Mashiidiyo,Buulo-Xaashi,Buulo-Xuubey,Buulo-Waraabe(Cada-juuje),Buulo-Mugdi iyo kuwa kale oo isku-raran ahaa.
Buushashkaas, waxaa markii dambe wada burburisay,dib u dejinna u samaysay Dawladdii Kacaanka. Waxaa la isugu wada-geeyay deegaanka Madiina, waxaana loo bixiyay “Degmada Wadajir”, oo uu micnuhu yahay Midowgii Buushashleyda.
Intaan la rarin Buushashkaas ka-hor,qaar ka mid ahaa dadkii reer Muqdisha, ayaa waxaa ay bilaabeen in ay dhulal iyo boosas macmal ahaa oo aan cabbirnayn(Obosibo),inay ka qabsadaan oo ka iibsadaan Odayaashii Goofleyda ahaa.
Tallaabadaas waxaa ay dadka qaarkood ku dhaqaaqeen ka-gadaal markii ay maqleen in meelahaas loo cabbiri doono,lana dejin doono Obosibooyinka Muqdisha. Boos-qabsi iyo wax-badsi ayay ula jeedeen dadku.
Qoyska reer-Dikriyow waxaa ay ka mid ahaayeen dadkaas dhulalka ka iibsaday,waxna ka degay Goofafkaas duleedka Muqdisha. Halkaas ayay deegaameysteen oo dhex-galeen dadkii Lo’leyda ahaa ee Goofafkana asal-ahaan lahaa,walow ay adkayd in ay Goofleyda ku dhex-milmaan, sababo iska-jiray awgood.
Laakin Daahir iyo qaar ka mid ahaa walaalihiisii waaweynaa, waxaa ay ku hareen Aqalkii “Anzaloti”,sababtuna waxay ahayd: In aan Aqalkaas la baylihin(dayicin) iyo Daahir oo uu dugsigu meesha uga dhowaa. Waxaa loogu tala-galay in uu isagu la noolaado,hooyo ahaanna u dugsado Dumaashidiis.
Reer-Dikriyow intoodii degtay dhulkii Goofka ahaa,waxaa ay halkaas deris kula noqdeen Reerkii Lo’layda ahaa, ee asal-ahaanna iyagu lahaa Goofkaas. Qoyska Lo’layda ayaa waxaa uu ka koobnaa laba qaybood:- Oday Duub-weyne iyo labadiisii hablood ee xaasaska ahaa,waxay degganaayeen dhinac. Habar-Deynaba iyo gabadheeda Deeqa ahna, geestooda ayay u noolaayeen,kuna heysteen Lo’ tobaneeyo neef ka koobnayd.
Oday Duub-weyne iyo Habar-Deynaba,waxaa ay is-fureen oo kala tageen tobaneeyo sano ka-hor waqtigaas. Haddana sidaas oo ay ahayd, waxaa ay ku kala noolaayeen Baraako iyo Aqal-Somaali dhinaca isku hayay, waxna iskuma ay darsan jirin,xitaa hadal iyo salaanba ha ahaatee..!!
Daahir, Jimcayaashii iyo maalmaha fasaxa ee dugsiga ayuu imaan jiray deegaanka cusub ee “Goofka”,soona booqan jiray waalidkiis. Dadkii ugu horreeyay ee ay ishiisu ku dhacdayna waxaa ka mid ahaa “Deeqa” oo iyadu ahayd gabar markaas soo qaan-gaartay,naasuhu u soo baxeen,weji furan,midab dahabi ahna lahayd.
La soco qaybta 2-aad.
waxaan ugu faraxsanahay sida aad runta uga sheegteen faalooyinka ku saabsan armaha jacaylka run ahaantii haday naf waliba ay garan lahayd waxa jacaylku yahay wxaa lagaari lahaa giil wayn