Jacayl cidna ma daayo..!!(Qaybtii 5-aad)
Jacayl cidna ma daayo..!!(Qaybtii 5-aad)Si kastaba arrintu ha ahaatee,Daahir iyo Deeqa muddo ka-dib, waa ay isu sii kal iyo laab furnaadeen; xod-xodasho ayayna hoos isugu dhigeen, iyadoo aanan lagu dhawaaqeyn erayga ah:”Waan ku jeclahay”(I love you), kaas oo ay dhallinyarada waayadan dambe, si aan ka fiirsi iyo nuxur lahayn iskala soo boodaan.
Hees Banaadiri ah, ayaa waxay lahayd:-”Waan ku arkay, waan ku caashaqay,aad waddaa, ma kaa ajiibaayi”. Waxay u gudbeen in ay isla meel-dhigaan qodob muhim u ah: habka iyo qaabka is-aragga iyo hannaanka wada-socodka.
Kaas oo ay dooddiisu u dhacday sida soo socota:- Deeqa:- “Aboowe, wax baan kaa codsanayaa, ee ma iga yeelaysaa, oo ma fulinaysaa”? Daahir:- Wixii aan adiga kaa diido, ma cid kale oo aan ka yeelayo, ayaaba jirta hee…? See camalkaa ..?!!.
Deeqa:- Waxaan rabaa: in maalin kasta, saacadaha Dugsiga ka-dib, aad toos joogto u timaadid halkan, si aan isula raacno Lo’da, wax ii bartid, kuu weheshado, una sheekaysanno; waayo, anigu cid aan adiga ahayn lama lihi xiriir gaar ah, waxna kuma darsado, xitaa hooyadey-Deynaba waa og-tahay taas,si aan toos ahayn ayayna u bogaadisaa…
Daahir:- Waa yahaye, markii aan halkan imaado casaryadii, goorma ayaan markaas anigu wax akhrisanayaa, oo haddana dib ugu laabanayaa Anzaloti; taas oo u baahan 2-saac oo sii-socod iyo soo-socod ah; walow aan aniguba jeclaan lahaa in aan mar kasta ku ag-joogo.Deeqa:- Waa tahaye, halkan u soo wareeg, oo kaba soo guur Anzaloti.
Halkan uga kallah Dugsiga. Horta ma og-tahay Aboowe, in aanan marna ku arkin adiga oo gashan dharkii Dugsiga,wata buugaagtaadii, una sii socda xaggii Iskoolka…?!!.Daahir:- Yaaqaay, meeshaan mugdi waaye, nal ma leh cawadii(habeenkii); Imtixannana waa igu soo dhow yihiin. Ma waxaad isugu-key daraysaa Nal la’aan habeenkii ah iyo kallahaad Subaxyadii ah..?!!.
Deeqa:- (Iyada oo dhoolla-caddaynaysa)- mar haddii aan anigu ku hor-fadhiyo, ma nal baad u baahnaaneysaa ?!!. Eebow anaa nal kaaga nuur badan…sax ma ahoo warkaas ?haa dheh…Daahir:- Hadda ma soo guurayo ee kow dheh,laakin, waxaan kuu ballan-qaadayaa; inta uu dhammaanayo sannad-dugsiyeedka, inaan galab kastaa imaanayo halkan, fiidyadiina dib u noqonayo, dhib kastaba ha igu ahaatee.
warkaagaa ila weyn. Deeqa:- “Ma xuma, laakin, tallaabadaas ka bilow berri oo Sabti ah, Casarka dheerna aan ku arko adigoo soo kush-kush leh.. soona hor-mar aqalkeenna, si aan ula socdo imaatinkaaga ,oo aan markaas aniguna Oodda uga soo qaado Lo’da,kuuna soo daba-galo. Sidaas sow shax-shax ma aha” ?
Daahir:- Waa shax-shax iyo Sharuur Caana leh, laakin, sow ma joogto hooyadaa-Deynaba,sow kuma soo daba-galayso ? sow ilkur nagu noqon mayso…?!!Deeqa:- Micna ma leh, waxaan dhahaayaa; iska joog hooyo, anigaa Lo’da ku filane…haddiise ay diiddo, waa caadi iyadu, sidey u soo socoto ayay iska ag-fadhiisanaysaa Aabbahaa Adeer-Dikriyow, sheekadiisey ka heshaa..
Aniga iyo Adigu, sidii aan yeeli jirnay, Lo’da ayaan xoogaa celcelinaynaa, ka-dibna, waxaan fariisanaynaa meel Duqa iyo Duqda xoogaa ka fog, oo ayan na maqlayn wixii aan isu sheegeyno…sidaas waadba ogtahaye, maxaad isu yeel-yeelaysaa Daahir ?!!Daahir:- Fikraddaadu ma xuma, laakin ogow soc-socodka faraha badan in aan ku daalayo. Teeda kale, dadku ma aha dabbaal, waa ay na fahmayaan in aan isku farqa-xirannay..
Deeqa:-(Iyada oo dhoolla-caddaynaysa), micna ma leh taas aboowe, haddii loo baahdo, mar kastoo aad timaadid Goofka, Lugaha ayaan kuu tuutuujinayaa, markii aad fiidyadii laabaneysidna, waxaan ku cabsiinayaa Haruub Caana Lo’aad ah oo kulul…ka warran hee warkaas ?!!Daahir:- Yaaqaay naga dhaaf hee, ha nagu bafuufinnine, lugo iima tuutuujineyside, iimaanka ha iga soo ridin.
Deeqa:- Ha igu bafuufinnin aad i tiri miyaa ? Waa beentaa aad ka waddaa ma ahoo ?. Waa ogahay Bafuufis, waa warkii reer Anzaloti. Iyaga ayaa yaqaanna warar hoos laysaga dhiibo. Waxaana jira kalmado badan oo ay isticmaalaan Reer Anzaloti, Reer Bilaajo(Shibis), reer Shangaanni, Reer Boordheere iyo Reer Xamar-weyne. Annagu waxaan nahay Goofley, warkaayna waa cad-cad yahay, war maldahanna kuma hadalno.
Daahir:- Waaba aad igu keen-keentaye, maxaa ka mid ah Erayada ujeeddada kale leh, ee ay ku hadlaan dadka deggan Xaafadaha aad sheegtay ?!!.Deeqa:- Erayada aan ka maqlo dadka Xaafadahaas, markii aan Suuqyada isugu tagno, waxaa ka mid ah:-”Qob Moos aad ii dhigtay”,”Waa ii gembisay”,”Waa kaa haayaa”,”I mooti”,”waa u sheegeynaa”,”Baska dambe soo raac”,”Sakiin liq” iyo erayo kale oo tira badan, aanse anigu fahmayn, inta badan, laakin aan ogahay in wax lagu hoos wado…!!.
lasoco Qaybta 6,aad
No trackbacks yet.