Jacayl cidna ma daayo..!! (Qaybtii 8-aad)

Jacayl cidna ma daayo..!! (Qaybtii 8-aad)… Dooddii kululeyd ee dhex-martay Odayga iyo Habarta, waa ay maqlayeen oo la socdeen Daahir iyo Deeqa; oo dhegaha ayay u raaricinayeen; haddana waxay iska dhigayeen kuwa aan warkaasba la heysan oo kale.

Dhanka kale, Oday-Dikriyow iyo Habar-Deynaba, waxaa ay isku deyayeen, in uu warkooda labadooda un ku koobnaado, si ayan u maqal Wiilka iyo Gabadhu; markaasna uusan saameyn ugu yeelan. Hase yeeshee, si aanan loogu tala-galin, ayuu warku hadba u kululaanayay, oo kor ugu kacayay.

Ujeeddada Habar-Deynaba, ee furidda Dooddan,ayaa ahayd in ay bilow u hesho sidii ay iyada iyo Dikriyow, uga wada-hadli lahaayeen: bal in ay wax isku darsan karayaan, xiriir xagga isu-dhixidda ahna uu u dhex-mari lahaa, haddii la maareeyo wixii tuqaan-tuqo ah(turaanturo), hase yeeshee, fadhigan waa lagu guulaysan kari waayay toos u garaacidda albaabkaas.

Docda kale,Daahir iyo Deeqa ayuu Warku ku yeeshay saameyn xoog leh. Waa uu ruxay, oo ku dhex-raftay gudaha maskaxdooda,siiba Daahir, oo isagu ahaa kii la karayay jacaylka Deeqa, walow uu is-nabayay oo reer magaaleynayay intii karaankiisa ah, laakin Deeqa waxay iska ahayd daacad iyo hor-u-jeed.

Fiidyadii ayuu Daahir gaaray Aqalkoodii “Anzaloti”. Qolkiisii goonnida u ahaa ayuu galay, laakin waa uu kari waayay in uu caadi u akhristo duruustiisa. Wuxuu soo dhoweystay Rikoor(Naastaro), wuxuuna ku ritay Cajalad Nebi-ammaan ahayd oo uu jeclaa. Waxay ujeeddadiisu ahayd inuu baddasho mowjadda jacaylka iyo walaaca bulshadeed.

Nebi-ammaanadii uu Daahir bilaabay dhegeysigooda, waxaa ka mid ahaa:-”Naf waliba Rug iyo Guri, Raas bay ku leedahoo, iil baa leysku ridayaaye,Rabbi aan ka yaabno.Raasamaalka aakhiro, rafaad iyo barwaaquu, qofba mid un ku raagaa.Inta raacday Nebigee, rafiiqiisa noqotee, oo rumeysay noqonnee, ku salliya Rasuulka(SWC)”. Wuxuu kaloo Daahir ku jiriiricoon jiray Nebi-ammaanka kale ee ah:-”Ilaahiisa,Nebigii arkow Muxamad, adigaa ammaan leh, yaa-Muxamad”.

Dhegeysiga Nebi-ammaannada iyo Akhrinta Quraanka Kariimka ah, ayaa haddii uu ku dhaqaaqo Daahir, durba ay degi jirtay Maskaxdiisu, gelina jirtay Mowjadda muxibada Allah iyo Rasuulkiisa iyo xusuusta Aakhiro.

Laakin laabta Daahir waa ay ku weynayd Deeqa. Iyaduna ma ayan ahayn mid laga samri karayay, marka la eego sharafteeda, xushmaddeeda iyo sida ay u ilaaliso dhaqanka iyo Xeerarka bulshadeed. Ma ayan la mid ahayn sida hablihii laga yiri:-” Naa bi’isay dhaqankii, sharcigii ka beydhoo,diintii burburisee, hablow maad is bar-qabataan”..!!.

Dhacdooyin la-yaab lahaa iyo ifafaale xagga mustaqbaka ah oo ifaya ayaa u muuqday Daahir oo uu arkayay in ay Gabadhu tahay: qof qiima leh, qaali ah oo isagana qaddarisa.

Dhacdo cajiib ahayd oo uu Daahir la kulmay maalin ayaa waxay ahayd:- Galab ayuu sidii caadiga ahayd u soo hormaray aqalkii Deeqa,laakin, iyadii uma ay muuqan, oo ishiisu ma ayan qaban gabadha. Hore ayuu isaga soo gudbay, wuxuuna fariistay halkii ay ugu imaan jirtay oo ay wada-saldhigan jireen.

Wuxuu is-weydiinayay halka ay qabatay Deeqa. Meesha ay ka baxday. Waxa soo kordhay. Miyay bugtaa ?. Haddii ay maanta ku maqnaato sidan, maxaa tala ah ?!!.

Isaga oo walwalkaas, walaacaas iyo walaahowgaas ku jira, ayuu wuxuu Raadiyo meel dhow ka yeerayay wuxuu ka maqlay,codeyntan:-” Anigoo ku sugayoo, kuu taagan surinkaad, sahal igu dhaaftee…sallaankaa aad fuushay, sare kuuma dhigayoo, samaan iyo xumaataba, isa- seegi meynee…sabab kale ha moodin”….!!

  1. No trackbacks yet.

You must be logged in to post a comment.
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.