Jacayl cidna ma daayo..!! (Qaybtii -6-aad)

Jacayl cidna ma daayo..!! (Qaybtii -6-aad)…. Sebtidii ugu horraysay ayaa la gaaray; Daahir Dugsigii ayuu ka soo rawaxay; degdeg ayuuna u qadeeyay, dabadeedna, waxaa uu u qalab-qaatay inuu u soo dhaqaaqo xaggii Deegaanka Goofka,isagoo fulinaya ballantii ay kala galeen Abaayo-Deeqa.

Dumaashidiis “Dowlaay”, oo uu Anzaloti kula noolaa, ayaa weydiisay halka uu u qalab-qaatay Duhurnimada…!!. Wuxuu ugu jawaabay in wixii hadda ka dambeeya, uu galab kastaa aadayo Goofka,sababtuna tahay : inuu halkaas wax ku akhrisanayo, hawadeeda wanaagsan darteed.

Dowlaay, waxay ahayd qof bisil oo waaya-arag ah, waxay Dumaashigeeda yar si kaftan-dhabla ah ugu tiri:-”Waxaan u mudaa in aad geber facaa eh, meeshaaseey ku soo aragtay, ani mukuu bogin beryahaan”.

Sidii uu u soo kush-kush lahaa, ayuu Daahir soo gaaray Goofkii. Wuxuu soo hormaray Aqalkii Deeqa, oo waddada ka saarnaa dhanka bidix.

Si taxaddar leh ayuu u jalleecay dhankii bidix, waxayna Indhaha isku dhifteen, si kal-gacal lehna isugu dhoolla-caddeeyeen Deeqa, oo fadhiday bartamaha daaradda(Deyrka), indhahana si aan nibirsi lahayn ugu heysay Albaabka, sugaysayna soo maridda Daahir.

Daahir wuxuu isaga sii gudbay dhankii aqalkooda, waalidiintiisuu salaamay, kana dhaadhiciyay inuu galab kasta imanayo oo halkan hawada wanaagsan wax ku akhrisanayo.

Deeqa inta ay degdeg u gashay Moorada, ayay Oodda ka soo qaaday Lo’dii, soona daba-gashay Daahir; ka-dib markii ay Lo’dii ku sii deysay Goofkana, waxay fariisatay halkii ay Daahir wada sal-dhigan jireen, isagana meeshii buu ugu yimid; waxayna arrintoodu ahayd: “Ballantii aan dhigannaba, weligaa ha beeneyn, barashadii kal-gacalkuna, bilaash yaaney kula noqon”.

Waxay salaan ka-dib, Deeqa ka soo saartay Kiish ay wadday, 30-neeyo xabbo oo Murcood (Murcut) ahaa,kaas oo si lixaad leh uga baxa hareeraha Goofka iyo weliba dhowr laamood oo Caday ah, dabadeedna waxaa iyada iyo daahir dhex-maray sheekadan:-

Deeqa:- Aboowe, Murcoodkaan iyo Cadaygaan, saakay ayaan soo guray, adigaan kuugu tala-galay ee arag hee…

Daahir:- Hay,Hay,Hay, Murcoodkaan camal, waxaan ka soo gadan jiray Suuqa Anzaloti,5-tii xabbo waxaa layga siin jiray taano, 10-kiina kumi,isagoo weliba dhanaan ah.

Deeqa:- Kan ma aha nooca dhanaanka ah; wuxuu ka baxaa darafyada Goobkeennan. Hadda xilligiisaa lagu jiraa, si xad-dhaaf ah ayuuna noogu baxay. Islaan Ayeydeey ah ayaa Suuqyada u iibgeysa, oo xoogaa ka hesha, cid kale oo daneysa maba lihin. Haddaan waayo hore isbaran lahayn, waxaan kuugu keeni lahaa Anzaloti(iyadoo qosleysa).

Daahir:- Laakin abaayo, waxaad tiri:- “Dhanaan ma aha Murcoodkan ee waa macaan, see ku ogaatay, ma soo dhedhemisay ?”!!.

Deeqa:-(Iyadoo qosol la dhacday)- sidee loo soo dhedheminayaa !!.Ma Maraq dabka saaran baa, mase waa Bariis ?

Daahir:- Laakin see ku ogaatey hee, ii caddeey ?

Deeqa:-Annagu marka aan aragno Geedka horaan ka fahmeynaa, muuqaalka guud ayaan garan karnaa, annagoon dhedhemin. Waan ku dhex-dhalannay oo ku dhex-barbaarnay Deegaanka iyo Geedahaba.

Daahir:- Caday fiicanna waad ii kentay Abaayo,waad mahadsan tahay.

Deeqa:- Haa isagana hareeraha Goofkuu ka baxaa. Waan ogahay in ay ilkahaagu cad-cad yihiin, laakin, ku sii cadayo, runtana waad sheegtaa. Waxaa la yiri:-”Afkaaga run baa la baraa, Rumayna waa loogu daraa”. Aboowe, maahmaahdaas weligaa ma maqashay ?

Leave a Comment