Jacayl cidna ma daayo (Qaybtii 4-aad)

Jacayl cidna ma daayo (Qaybtii 4-aad)… Daahir xariifnimadii uu ku soo hor ban-dhigay Deeqa, waxaa ay dugsanayd “Dhal-magaalnimo”. Anzaloti ayuu ku soo dhex-barbaaray, indhahana ku soo kala qaaday. Wuxuu marar aanan yarayn iyo xilliyo kala geddisan daawaday Aflaam Carabi,Hindi iyo “Cow-boy”-ba isugu jiray. Kuwaas oo uu ku fiirsaday Seneemooyinkii Ceel-gaab, Banaadir,Xamar,Afrika iyo kuwa kale.

Khibrad aan la dheyelsan karayn ayuu kasbaday. Weliba Aflaamtii Hindiga iyo kuwii Talyaaniga ahaa ee uu hore u galay, wuxuu ka soo minguuriyay xarakaad ku saabsanaa habka isku dhisidda hablaha iyo garba-ruxid. Hadba erayga “saas waaye noo” ayuu Daahir Carrabka ku adkaynayay.

Dhankaas ka sokow,Daahir waxaa uu ka mid ahaa “Ciyaal-Iskuulkii” Muqdisha. Maamul,Macallimiin(Soomaali iyo Masaari), arday tira badan oo Wiilal iyo Gabdhaba lahaa, kana soo kala jeeday dhammaan Gobollada dalka, ayuu Daahir wax la soo qaybsaday,kana soo dhex-kasbaday qaab dhaqan-bulsho oo lagu hagayo aqoon, loona tix-raacayo Ilbaxnimo iyo Xadaarad.

Culimada xagga Cilmu-nafsiga,waxaa ay aad u bogaadiyaan kaalinta barbaarineed iyo bulshadeed ee da’da soo koraysa, oo ay wax kaga faa’iideysan karayaan bulshooyinka ay ku dhex nool yihiin ee Qoyska,Xaafadda,Dugsiga,Suuqa iwm.Goobahaasu, waxaa ay lagama maarmaan u yihiin barbaarinta shakhsiyadda qofka soo koraya.

Dhinaca kale, markii la eego Gabadha Deeqa ah,waxay iyadu ku dhalatay, ku dhex-barbaartay, oo aaney dhanna uga bixin isla-goofkaas ay hadda reerkooda kula nooshahay.

Markii ugu badnayd ayay Suuqyada Muqdisha kuwa ka mid ahi, adeegasho darteed ugu raacday walaalaheed; waxayna marar aan tira yarayn ka soo dukaameysteen Suuqyada ay ka mid yihiin:-Balabaladii xamar-weyne(afar-irdood),Siigaale(Hodan),Bakaaraha, iyo kuwa kale.

Saacadaha ay Deeqa joogto Aqalkooda, waxaa hawlaha guriga u weheliyay ,oo ay aad u jeclayd Dhegeysiga Raadiyaha. Waxay aad u danayn jirtay Heeso Jacayl ahaa, oo laga sii deyn jiray Raadiyo Muqdisho, sida:-”Kii dhab ah Jacaylkuba”,”Baar-baxay(Alam dheh,alam gariir dheh)”,”Gufaaco” iwm.

Waxaa kaloo jiray Heeso waddani ahaa oo ay jeclayd Deeqa,sida mid ay mirahiisu ka mid ahaayeen:-”NFD-dhulkaygow, dhinaca Jabbuuti,dhulka laysku heysto, ee dhaxal wareegay. Inaan dagaal ku galo oo dhiig ku qubo, ayaan ku dhaartay”. Xitaa iyada oo Lo’da la joogta oo raacaysa ayay ku luuqayn jirtay mirahaas dhaxalgalka ah.
Marar badan ayay Deeqa iyo hooyadeed Habar-Deynaba, si wadajir ah u dhagaysan jireen,xiiseynayeenna Barnaamijyo ka mid ahaa,kuwii ka bixi jiray Radio Mogadisho,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:- “Wax-is-weydiin ma xumee,wax-is-weydaaris baa daran”,”Magaala-joog-xumo”,”, Miyi iyo Magaalo iyo kuwa kale oo ay gabadha iyo Hooyadeedba ka faa’iideysan jireen,waxna ka kororsan jireen.
Waxaa kale oo jiray waqtiyo ay Deeqa Aqalkiisa ku booqan jirtay Aabbaheed Oday-Duub-weyne,oo ay Raadiyaha la dhegaysan jirtay Odayga, iyadoo isla markaasna ka jar-jari jirtay Ciddiyaha,Garkana u cillaameyn jirtay.

Oday-Duub-weyne, waxaa uu isagu jeclaa dhegeysiga gabayadii: -Cabdulle Raage, Cali Cilmi Af-yare iyo Jimcaale Dhega-taag. Wuxuu kaloo Odaygu aad ugu raaricin jiray dhegaha Saarkii Carays Ciise Kaarshe, siiba marka uu leeyahay:-”Minyaradii oo maseyrtay,Min-weyntiina ay maslixi, mas’alo weeye aanan maqal. Nin uu Malaggiisu galay, Marruhu Mowd waa ka celin, mas’alo weeye aanan maqal”, iwm.
Arrimahaas ayay Deeqa iyo labadeedii waalidba danayn jireen,waxna kala bixi jireen; Laakinse Aflaam la daawado,Waxbarasho, Socdaallo, Dalxiis, Tamashle iyo arrimaha la midka ah shaqo kuma ay lahayn Deeqa.

Si kastaaba qaab-nololeedka, deegaanka bulshadeed iyo fikradaha waaya-aragnimo ee Daahir iyo Deeqa ha u kala geddisnaadeene, haddana Dabeecad-ahaan iyo habka dad la dhaqanka ayay labadoodu iska soo jiidanayeen, iska-xiiseynayeen oo weliba iska helayeen…!!.

Waxaa Carrabka lagu adkayn karay, oo la dhihi karay Deeqa iyo Daahir waa ay is-jeclaadeen ,da’dooduba ha yaraatee,illayn Jacaylku cidna ma daayee….!!.

Leave a Comment