Jacayl cidna ma daayo..!! (Qaybta.3)
Jacayl cidna ma daayo..!! (Qaybta 3-aad)… Ilaahey amarkiis, Daahir isagoo markiisii horaba isha hoos-ahaan ugu xadayay Deeqa,ayaa haddana hawl la isaga raalli yahay laysugu daray labadooda.Niyadda ayuu kaga luuqayn jiray heestii ahayd: -”Deeqoy dabac wanaagey,dembiba taan lahayney,dadkana taan ka doortaay,kuma deyn karaayee,xaggeen kaa deyaa”?
Daahir si deg-deg ah ayuu u dhaqaaqay, oo Lo’dii ula soo celiyay Deeqa,isaga oo kula soo hagaajiyay meel Doog ahayd oo dhanka Woqooyi kaga aaddanayd Goofka. Waxay labadoodii wada fariisteen goob ay ka wada arki karayeen Lo’dii daaqeysay, xoogaana ka fogayd bartii ay ku sugnaayeen habar-Deynaba iyo Oday-Dikriyow.
Waxaa Daahir iyo Deeqa dhex-maray sheeko bilow ahayd, oo u dhacday sida soo socota:-
Daahir:- Abbaayo, horta adigu maalin kasta miyaad hooyadaa soo wada-raacdaan Lo’da ?
Deeqa:- Maalinna keligeed ayaa soo raacda,marna keligay,mararka qaarkoodna waan soo wada kaxaynaa Lo’da..
Daahir:- Maalmaha aadan adigu soo raacin hooyo,xaggeed aaddaa ?. Ma Dugsi ayaad dhigataa ?
Deeqa:- Guriga ayaan iska joogaa,meel ma aado,Dugsina ma dhigto,oo weligey layma geyn meel aan wax ka barto.
Qaddar daqiiqado ah ayay kala aamuseen, oo uu midba ku maqnaa kan kale,kana fekerayay,ka-dibna waxay sii wateen wada-hadalkii oo u dhacay sidan:-
Deeqa:- Aboowe,maxaa dhacay oo aad adigu halkan u soo degi weyday,ulana noolaan weyday waalidkaa ?!!.
Daahir:- Taas weli kuma aan fekerin,halkanna wey ka fog tahay Dugsiga aan dhigto…waanse eegi doonaa, hadii Alla idmo.
Deeqa:- Wallaahi Abow(Eebow),waxaa fiicnaan lahayd in aad halkan soo degtid,wax baad i bari lahayd,buugaagtaan ayaad ii akhriyi lahayd.
Deeqa intaas kuma ay ekaannina, durba waxaa ay soo dhufatay mid ka mid ahaa buugaagtii Daahir,waxayna tiri:-”Hadda ii bilow oo ii akhri buugaan,muxuu ka hadlayaa,ii sharrax”.
Aad ayuu ugu farxay Daahir in ay Deeqa ku soo dhowaatay,farahana la gashay Buugaagtiisa, gacmahooduna ay is-dhaaf-dhaafayaan. Dhegihiisa waxaa ka yeerayay Heestii:- “Daahir Aramidaadii….Deeqa Aroor san weeyee…!!”.
Laabta ayaa u furantay Daahir markii uu arkay Deeqa oo ku keen-keentay. Waxay arrintanu la micna ahayd :- “Araggaagu waa ii abshir,…adna iimaankaad deeqdaa…Ubax sidiisii udgoonow, aragtidaadaa i deeqdee”…
Buuggii ay soo dhifatay Deeqa wuxuu ahaa “Saaynis”,dersiga kowaad ayuuna bilaabay Daahir in uu sharraxo, kaas oo ku saabsanaa “Habka Dheef-shiidka”.
Intii uu Daahir sida xariifnimada ah u sharraxayay Dersiga , si toos ah ayay u soo hor-fadhiday, u eegaysay,ugana helaysay Aqoonta iyo fariidnimada Daahir. Isaguna wuu isa sii muujinayay oo hadba bixinayay tusaalooyin mowduuca la xiriira, sidii macallin takhasus gaar
No trackbacks yet.