Golaha Wasiirada dowladda KMG ee Soomaaliya oo maanta ansixiyay in dowladda KMG ay soo samayso lacago cusub oo uu yeesho dalka Soomaaliya.
Golaha Wasiirada dowladda KMG ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa maanta ansixiyay in dowladda KMG ay soo samayso lacago cusub oo uu yeesho dalka Soomaaliya.
Kulankaani oo ahaa mid xasaasi ah oo ay maanta golaha wasiirada dowladda KMG ee Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayay ku ansixiyeen in dowaladu ay soo samayso lacago cusub oo Shilin Soomaali ah.
Markii uu soo dhamaaday kulanka ay golaha wasiiradu ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyay qodobadii ka soo baxay kulanka Afhayeenka Xukuumadda KMG ee Soomaaliya C/qaadir Wilaayo isagoona sheegay in sameynta lacagtaani loo saari doono gudi ka kooban aqoonyahano Soomaali ah iyo kuwa Caalami ah.
Waxa uu tilmaamay C/waadir Wilaayo in lacagtaani ay noqon doonto mid ka badalan tan haatan laga isticmaalo dalka Soomaaliya islamarkaana ay noqon doonto mid aan la been abuuri Karin.
Sidoo kale Waxay golaha wasiirada kulankooda ku magacaabeen gudoomiye ku xigeenka Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo dhawaan ay sheegtay dowladda KMG in ay dib u howlgalisay iyadoo jagadaasina loo magacaabay Max’ed Xaaji Cali sida uu mar kale sheegay C/qaadir Wilaayo.
Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayay aheeyd Markii wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda dowladda KMG Shariif Xasan Sheekh Axmed uu gaaray Wadanka Suudaan iyagoona masuuliyiinta ugu sar sareysa wadankaasi Suudaan la saxiixday sidii lacag loogu sameyn lahaa dowladda KMG ee Soomaaliya.

No trackbacks yet.