gudoo miyaha NGo-ga madaxa banaan ee SDF ama Sanaag Developmant foundation ayaa kor meerku soo kaalaa bixiyay goobo ay ka dhiseeen iskuulo madaaridasaha quraanka iyo masaajido

November 18, 2009

gudoo miyaha NGo-ga madaxa banaan ee SDF ama Sanaag Developmant foundation ayaa kor meerku soo kaalaa bixiyay goobo ay ka dhiseeen iskuulo madaaridasaha quraanka iyo masaajido ugu horaynba gudoomiyuhu wuxuu gaadhay dugsiga hoose dhexe e iftin ee magaalada ceerigaabo waxaana uu lakulmay macalimiinta iyo ardaydii dugsiga Iftin waxaana uu gaadhay goobihii madaarisada quraanka iyo masaajidadii geba gebadii ayuu gudoomiyuhu ka warbixiyay kormeerkiisan uu ku soo kala gaalaa bixiyey koobahan waxaanuna waraysi kala yeelanay kormeerkiisan iyo howlaha ay wadaaan wuxuna u dhacay sidatan .
 
Su’aal: kawaran xaalka SDF iyo howlaha ay wadaan iyo xiligii la’aas aasay ?
Jawaab : waxaala aas aasay sanadkii 2001 waxaanuna ka hirgelinay gobolka sanaag waxaanuu ka war bixiyay goobaha ay socdaalka ku soo mareen sida dugsiga hoose dhexe ee iftin goobo aad u tiro badan oo ah goobaha madaarisadaha quraanka iyo masaajido
 
Su’aal waa maxay Ujeedooyinka ay aad u aas aasteen SDF ?
Jawaab: waxaanu u aas aasnay kadib markii aanu aragnay baahiyaadka gobolka sanag oo aanu anaguna xooga saarno dhinaca wax barashada caafimaadka iyo taakulaynta dadka tabaalaysan .
 
Su’aal  waa maxay waxa aad haatan ku rajo wayn tihiin inaad qabataan ?.
 
Jawaab : waxaanu ku raho waynahay inaanu qabano inaanu dugsiga hoose dhexe ee Iftin aanu ku soo kordhino dhisme aad u wayn iyo barashada Xirfada Computer-ka .
 
Su’aal : waa  Imisa tirada ardayda waxka barta dugsiga Iftin ,
 
Jawaab : Tirada ardaydu waxay gaadhayaan 380-400 oo arday tirada ardaydii hore ee ka qalin jebisay waa kuwa haata fadhiya fasalada koobaad ee dugsiga sare
 
Su’aal: dhinacyada caafimaadka waxaadka qabateen majiraan
 
Jawaab : haa waxanu magaalada dhexdeeda ka bilownay ololaha ka  hortaga Gudniinka Fircooniga ah (FGM)  iyo ladagaalanka cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS
 
Su’aal :waxsimo naar ah ama aqoon korodhsi aad siiseen macalimiinta ardayda  iyo qaybaha kala duwan ee bulshada majiraan
Jawaab : Haa way jiraan waxaanu u qabanay dhinaca macalimiinta laakin ardayda majiran waxaanu haatan ka bilaabi doonaa gobolka sanaag barmaamin aanu ugu magacdarnay maxaadka taqaanaa khayradka dabiiciga ah ee ilaahay ku manaystay gobolka sanaag
 
Su’aal : wax caqabad ah oo idinka horyimi majiraan intii aad howlahan wadeen ?
Jawaab: haa iyadoo aanay nala fahmin inbadan bulshadu howlahan laakiin kama aanaanu daalin anagu
 
Su’aal:Ugu danbayn maxaad soo jeedin lahayd talo bixin 
Jawaab waxaan soo jeelin lahaa inay bulshadu fahanto dantooda iyaguna wax qabsadaan waxaana baaq udirayaa haayadaha caalamiga ah iyo NGO-yada caalamiga ah iyo jaaliyadaha debeda ku nool inay ka qayb qaataan dowr kooda kaga aadan howlahaa
 
Waa waraysi khaas ah oo aanu layeelanahy Gudoomiyaha NGO-ga madaxa banaan ee SDF ee fadhigiisu yahay magaalo madaxda gobolka sanag ee ceerigaabo
 
Gudoomiye Keyse Xassan Cabsiiye
 
Waa Cabdi Naasir kHaalid Siciid Ceerigaabo 
 

sidee ayuu kuula muuqdaa wabsatyd kani

November 14, 2009

Sheeko La-yaab leh oo dhex martay Nin Alle ka cabsi badnaa iyo Shaydaan (Sheko Gaaban oo Xiiso Leh)

September 7, 2009

Nin Alle ka cabsi badan oo reer Banuu Israa’iil ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa u yimid dad, dadkaas oo u sheegay inay jiraan beel cabudda geed oonan ka fogayn halka uu daganaa. Ninkii ayaa xanaaqay oo goostay inuu geedka jaro si aanan loo caabudin. Faash ayuu qaatay, intii uu jidka kusii jiray ayaa waxaa ka hor yimid Shaydaan, kaasoo iska soo dhigay oday duq ah.

Shaydaankii ayaa ninkii waydiiyay halka uu socdo. Wuxuu ku jawabay inuu u socdo inuu soo gooyo geed ay caabudaan dad aanan Ilaahay (SW) caabudin. Shaydaankii ayaa yiri: “Geedkan maxaa kaa galay, maad cibaadadaada iska wadatid”? Ninkii ayaa ku jawaaabay inay goynta geedkaasi tahay cibaado nafteeda. Kadib buuq ayaa dhex maray labadoodii. Gacan qaad ayaa halkii ka dhashay, taas oo keentay in dhulka la dhigto odaygii shaydaanka ahaa. Kadib ayuu ninka ka korkacay odaygii shaydaanka ahaa. Kadib ayuu oday Shaydaan yiri: “Ilaahay waajib kaaga ma dhigin inaad geedka jarto, wax ajir ahna ku waayi maysid hadaadan jarin iminka. Hadii geedkan in la jaro ay tahay, Ilaahay ayaaba waajib oga dhigi lahaa Rusushii badnayd ee uu soo diray.” Hase yeeshee ninkii ayaa ku adkaystay inuu geedkaasi jaro. Dagaal kale ayaa dhexmaray ninkii iyo oday shaydaankii.

Waxaa mar labaad dhulka la dhigtay oday Shaydaan. Markii la sii daayay ayuu oday Shaydaan yiri: “Aan heshiis noqono. Maadaamo aad faqiir tahay, maalin walbo waxaan ku siinaayaa 3 dirham oo dahab ah. Maalin walbo waxaan kuu hoos dhigayaa barkintaada. Halkaas kala bax. Kadib wax ku qabso lacagtan, oo dadka baahan ee aad taqaanana wax kasii. Sidan ayaa dhaanto inaad geedka jarto. Hadii aad ajir rabto lacagtan qaado adigana wax ku qabso, dadka baahanna wax ka sii. Ajir badan halkaas ayuu ku jiraaye.” Ninkii ayaa taladii oday Shaydaan qaatay. Labo maalin ayuu helay 3dirham oo dahabka ahayd.

Maalintii sedexaad ayuu waayay. Markaas intuu xanaaqay ayuu faash soo qaatay si uu u jaro geedkii. Jidka wuxuu kula kulmay odaygii (Shaydaan), markaas ayaa la waydiiday halka uu u socdo, deedna wuxuu ku jawaabay inuu rabo inuu soo jaro geedkii. Dagaal ayaa ka dhex dhacay labadoodii, waxaana dhulka la dhigtay ninkii taqiga ahaa. Wuxuu la yaabay tabar darrada ku dhacday, kadibna wuxuu oday Shaydaan waydiiyay halka uu ka keenay xooga uu dhulka ku dhigtay. Oday Shaydaan ayaa ku jawaabay: “doraad xanaaqii ku hayey Ilaahay dartii ayuu ahaa, taas ayaana keentay inaad i lagdato, balse iminka xanaaqa ku hayo waa mid aduunyo iyo lacag raadis. Sidaasi darteedna ayaad ku tabar daraysatay.”

Fiiro: ninkii tii Ilaahay sw oo kaliya wado ayey Guusha raacdaa.

Duruusta Ramadaanka

September 7, 2009

Waxaa farxad iyo murugoba leh inaan ku dhaw nahay dhamaadkii Bishii Ramadaan iyo inay naga dhamaan rabto Bishii Barakeysneyd, maxaa yeelay waa farxad iyo bogaadin in uu ruux nasiib u yeesho inuu gaaro dhamaadka Bishaan, waayo waa bil wax badan oo wanaag ah Muslimiinta loogu dhex sharciyeeyay si ay isaga dhaqaan gafafkii iyo dembiyadii ka dhacay Sanadka oo dhan, waa bil qeyb walba oo ka mid ah lagu dhex diyaariyay Dembi dhaaf , Raxmad iyo Naarta oo leeska Xoreeyo, dhanka kalana waa murugo in ay dhamaato Bishaan ayadoo aan Damaanad loo heysan bal in markale la haleeli doono maxaa yeelay waxaa sanad walba aduunyada ka taga dad badan oo joogay Sanadihii horeeyay mana oga qofka maanta Soomay ee ka faa’iideystay ama aan ka faa’iidesan in ay soo mari doonto fursadaan oo kale.

Hadaba waxaa haboon inaan Bishaan Barakeysan ku sagootiino in ka badan sidii aan u soo dhaweynay, waa inaan u sagootinaa sidii aan u sagootin laheyn Saaxiib aad jeceshahay ama walaal kaa safri raba oo kale oo aadan mar dambe dib u arki doonin, waxa uu dhi jiray Ibnu Rajab Alxambali asaga oo sagootinta Ramadaanka ka hadlaaya (Ramadaanoow noo dhimri kuwii ku jeclaa ilintoodii wey dareereysaa, Qalbiyadooduna xanuunka tagitaankaaga ayay la dilaacayaan….) waxa uu arinkaas ula jeedaa inuu cabiro xanuunka uu leeyahay inuu ruux ka dhamaado Ramadaan.

Sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay inaan is dareensiino qiimaha Martiga Bishaan nala jooga oo la sii jibaaro Dadaalkii iyo Cibaadooyinkii kala duwanaa ee la soo bilaabay markii uu yimid Ramadaanka, waxaana ku dayasho Mudan Nabiga Suuban(scw) oo waxaa Caado u aheyd weligiisba inuu ku dadaalo Cibaadooyinka gaar ahaan Bishaan Ramadaan Gaar ahaan Tobanka ugu dambeysa, maxaa yeelay Camalada waxaa ugu qiimo weyn dhamaadkooda, marka waa in la jibaaraa noocyada Cibaadada oo dhan sidii ay sameyn jireen oo kale Salafkii Suubanaa.

Waxyaabaha gaar haan dhamaadka Bishaan la jideeyay waxaa ka mid ah gudashada Zakada Fidriga maalinta uu dhamaado Ramadaanka oo ay Bisha Shawaal tahay Kow inta aan la tukan Salaada Ciida si midkii soona uu isaga kabo wixii gaabis ahaa ee ka gaaray Soonkiisa isla markaana loogu quudiyo Masaakiinta iyo Faqiiriinta Muslimiinta ah si ay Ciida farxadeeda uga qeyb galan.

Axkaamta Zakada Fidriga:-

Zakada Fidriga waa waajib sida uu cadeeyay Rasuulka Suuban (scw), waxa ayna ku waajibtaa qof walba oo Muslim ah oo heli kara xiliga ay waajibto wax ka badan Quudkiisa iyo Quudka kuwa uu Masruufo, waxa ay Culimada Diinta aqoonta u leh yiraahdeen Qofkii Deensada lacag si uu saga bixiyo Zakada Fidriga waa u banana tahay..

Yeey ku waajibtaa Zakada Fidriga:-

Waxa ay ku wajibtaa qof kasta oo Muslim ah, Xor ama Adoon, Lab ama Dhedig, Qof Weyn ama Qof Yar, hase yeeshee Dadka dhintay ka hor inta aysan waajibin lagama rabo ama Dadka dhasha xiliga ay Waajibtay ka dib.

Waqtiga ay Zakada Fidriga Waajibto ayna Dhamaato:-

Waxa ay waajibtaa laga bilaabo Qorax dhaca Maalinta ugu dambeysa Ramadaanka, waxa ayna ku egtahay marka la tukado Salaada Ciida, waxaana la bixin karaa Maalin ama laba Maalin ka hor Dhamaadka Bisha Ramadaan.

Qadarka la bixinayo:-

Waxaa la bixiyaa Suus Cunooyinka la Beego ah, ama 2,500kg oo Cunooyinka la Miizaamo ah sida ay Cadeeyeen Culimadii Diinka aqoonta sare u laheyd, waxaana laga bixin karaa Dhamaan noocyada Cunooyinka kala duwan oo dhan.

Xikamada loo Bixiyo:-

Ulajeedada loo bixiyi Zakada Fidriga waa in ay kabtaa wixii gabood fal ahaa ee ka dhacay Ruuxii Muslimka ahaa ee soonaa, isla markaana in ay Quud u noqotaa Masaakiinta iyo Faqiiriinta Muslimiinta.

Sida loo bixiyaa Zakada Fidriga:-

Waxaa uu Ruuxa Zakadiisa ama tan Eheladiisa oo dhan siin karaa hal ruux ama waxa uu u kala qeybin karaa Dad fara badan, mana jirto hab gaar ah oo loo bixiya sida dadka qaar aaminsan yihiin oo ah in ay Gacanta in yar ku qaadaan ayaga oo magacaaba marba ruuxa ay doonayaan in ay Zakeeyaan, sidoo kalana Malaha Ducooyin gaar ah oo la aqriyo marka Zakada Fidriga la bixinaayo.

Baraarujin:

- Zakada Fidriga Ruux aan Muslim aheyn waxba lagama siin karo, laakiin waxaa wanagsan in Sadaqooyinka kale wax laga siiyo maadaama uu Miskiin yahay.

-_Zakada Fidriga lama siin karo Ruux uu Masruufkiisa kugu waajib yahay sida labadada Waalid iyo Caruurtaada iyo Xaaskaaga, waxaase uu ruuxa siin karaa eheladiisa waayo waa Sadaqo iyo Xariirin wax Qaraabada la siiyo.

- Ruuxii iloobaa bixinta Zakada waxaa uu gudayaa markuu soo Xasuusto wax dembiyana looma heesto, Ruuxii si ula kac uga tagaa waa Dembiile laakiin Diinka ugama baxaayo sida Ruuxa haduu bixin waayo Zakada Maalka oo kale.

Waxaa diyaariyay Cali Nuur Xoogsade

calixoogsade@hotmail.com

Aragtida Qaraalkan waxaa leh Qoraaga Magaciisu ku Saxiixan yahay.

Wax ka baddal Naftaada Bisha Ramadaan(Q 3aad) »
By Somalimirror on 21 Sep, 2008 10:06 PM in Duruusta Ramadaanka | 0 Comments

Qalbigaaga Nadiifi

Xasan Maxamad Ibraahim

xasanyare@msn.com

Qaybihii hore ee qarmadan waxaan kaga soo hadalnay fursadaha badan ee uu haysto qofka muslimka ah bisha ramdaan si uu naftiisa wax uga baddalo, sidoo kale waxaan ka soo hadalnay iska joojinta qaadka iyo sigaarka qaybatanna waxaan kaga hadlaynaa nadiifinta qalbiga.

Qalbigu waa xubinta ugu muhiimsan xubnaha jidka insaanka nabigana waxaa laga wariyay inuu yidhi hadal macnihiisu yahay: “ jidhka waxaa ku jira xubin haddii uu wanaagsanaado jidhka oo dhami wanaagsanaado haddii uu xumaadana jidhka oo dhami wada xumaado waana qalbiga”.

Qalbigu waa meesha iimaanku ku jiro ilaahayna addoonkiisa ka eego aakharana waxaa badbaada qofkii qalbi fayow la taga ( يوم لا ينفع مال ولا بنون إلا من أتى اله بقلب سليم) qalbiyaduna waxay isugu jiraan kuwo buka iyo kuwo bad qaba sida xubnaha kaleba, sidoo kale waxaa jira qalbi nadiif ah iyo mid wasakhi buuxisay.

Qofka muslimka ah waxaa la gudboon in uu bisha ramadaan qalbigiisa u guur galo oo uu ugu hormariyo meelaha uu nadiifinayo, sidoo kale qalbigu wuxuu mudanyahay in loo daaweeyo si ka muhiimsan daaweynta xubnaha kale marka ay jirradaan.

Qalbigu wuxuu u baahanyahay in laga nadiifiyo caqiida xun iyo khurafaadka iyo sheeka baraalayda la moodayo inay diin tahay ee aan diinta ahayn, sida awliyo tuugga, qabri wax moodka,saarka, booranaha, jinni aaminaadda, rumaynta kitaab gaab lowyada iyo faaliyayaasha isku sheega inay maqanta( qaybka) wax ogyihiin.

Qalbiga cudurada noocaas ah wax ka qaba wuxuu u baahanyahy in si dhakhso ah loo dabiibo oo towxiidka lagu qulaamiyo si aafada shirkigu uga baxdo oo uu daahir u noqdo.

Sidoo kale qalbigu wuxuu u baahanyahay in lagala tacaalo qasadka iyo niyada xun sida ikhlaas darrada, is tustuska, iyo ha lagaa sheegada, kuwaas oo camalka qofka ka dhiga waxba kama jiraan aan caaqibo lahayn, qofka muslimka ahna waxaa la gudboon inuu niyadiisa saxo bisha ramadaan ee qalbigu qoyanyahay, maxaa yeelay shay walba markuu qoyanyahay ee uu jilicsanyahay ayay toosintiisu sahlantahay marka uu qalalanyahay ama qalafsanyahayna waxaa dhacda inuu jabo haddii la damco in toosiyo. Cudurada halista ah ee qalbiga baabi’ya waxa ka mid ah xasadka,iyo xiqdiga loo qaado qofka muslimka ah kuma sii jirto haddii uu saaxiib ama qaraabo yahay, qofka mulimka ahna kuma habboona in qalbigiisu qashin qub noqdo lagu uruuriyo intii reer xumaysa, waana in lga ilaaliyaa inuu noqdo bahala galeen madow oo daxaleystay. Waa fool xumo in qofka muuqaal ahaan nadaafadi ka muuqato jidhkiisa iyo dharkiisaba, qalbigiisana aan waligii laga nadiifin wixii qashin ahaa ee galay ilaa waagii uu dhashay, waxaana mudan in colaadda, karaahada, ciilka iyo hurgumada sifiican maanta oo kale qalbiga looga tirtiro (delete) lana baabi’iyo dhammaanba faylashii ay qashinkaasi ku jireen, si qalbigu u iftiimo xaqana ugu fahmaysto. Qofka muslimka ahi waa inuu laabtiisa dhaqaa bisha ramadaan oo uu iska cafiyaa ciddii ay wax dhex mareen ilaahayna waa inuu ku baryo ducadii nabigu ilaahay ku baryi jiray “ ilaahayoow qalbigayga huqdiga ( xiqdiga) ka siib”.

Qalbi saafinamada iyo inaan qof muslim ah xumaan loo haynin waa camal ka mid acmaasha lagu helo jannada ilaahay, sida laga wariyay cbdullaahi ibnu camr ibnil caas nabiga ayaa sheegay صلى الله عليه وسلم in uu masjidka soo gali doono nin ahlu janno ah ka dib waxaa soo galay nin qoyaan weyso ka muuqdo, cabdullaahi ayaana ninkii gurigiisa habeenno ula hoyday bal si uu ugu kuur galo waxa uu jannada ku mutaystay, haddii uu u fiirsadayna kuma uusan arag soon ama salaad uu is yidhaahdo way badantahay markaasuu waydiiyay, waloolow nabiga ayaan maqlay isaga oo sheegay inaad ahlu janno tahay camal badanna iigama kaa muuqdoee maxaad ku heshay, markaasuu ugu jawaabay camal intaa aad aragtay ka badan ma hayo laakiin habeenkii waxaan hoydaa aniga oo aan qof muslim ah laabta waxba ugu haynin, cabdullaahi ayaa markaas yidhi waa taas midda aan la gaadhi Karin.

Si aad khayrkaas u gaadhid xalay dhalay ka noqo wax alle wixii aad xumaan u kaydisay qof muslim ah o walaalkaa ah maantana fursad baad haysataaye yayna ku dhaafin oo qashinka iska qub.

Aragtida Qaraalkan waxaa leh Qoraaga Magaciisu ku Saxiixan yahay

Wax ka Baddal Naftaada Bisha Ramadaan (Q 2aad) »
By Somalimirror on 20 Sep, 2008 5:53 PM in Duruusta Ramadaanka | 0 Comments

Xasan Maxamad Ibraahim

xasanyare@msn.com

Iska daa Qiiqinta Sigaarka

Qormadan qaybteedii 1aad waxaan kaga soo hadalnay in ilaahay qofka muslimka ah ku caawiyay Bisha Ramdaan waxyaabo u sahlaya inuu naftiisa wax ka baddalo ama uu iska saxo caadooyinka khaldan ee muddada badan la socday, Qormada Qaybteedii danbena waxaan kaga hadalnay iska joojinta maandooriyaha qaadka, qaybta labaadna waxaan kaga hadlaynaa iska daynta sigaarka.

Sigaarku waa sun dilaa ah oo soo caan baxday qarnigii 16aad, wuxuuna sababaa cudurro ka badan 23 cudur oo halis ah oo ay ka mid yihiin:- kansarka sanbabada,midka hunguriga,bishimaha,carrabka, cirridka, bankariyaaska,iyo kaadi mareenka.

sidoo kale wuxuu sababaa qaar ka mid ah xanuunada halista ah ee wadnaha ku dhaca, wuxuuna keenaa inay ururaan ama qallafaan xididada dhiiggu.waxaa iyana sugan in sigaarku halis ku yahay ilmaha uurka ku jira ee ay hooyadii sigaarka cabto.

Sigaarka daraaddii waxaa sanad walba dunida ugu dhinta dad dhan 5 malyan oo sababsada xanuuno ka dhasha qiiqinta sigaarka,1.2 milyan oo dadkaas ka mid ah waxay ku dhintaan shiinaha oo 350 milyan ay sigaarka ka cabbaan, 500 oo kun oo kalena waxay ku dhintaan maraykanka, xilligii kilintonna waxaa la isku dayay in shirkadaha sigaarka soo saara la cadaadiyo si dhibka sigaarka ka dhalanyo loo xakameeyo waase lagu guul darraysatay kilintonna wuxuu habeenkii Shirkakadaha Sigaarka danbi la’aanta laga dhigay ku sheegay inuu ahaa habeen madow Taariikhda Amerika.

War bixin ay soo saartay Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in la filayo in qarnigan socda ay sigaar daraaddii u dhintaan dad gaadhaya hal bilyan (milyaar).

Daraasad kale oo uu soo saaray Midowga ka hortagga cudurada sanbabada ku dhaca waxaa isagana lagu sheegay in la filayo sanadkan 2008 in dadka sigaarka cudurada ka dhasha u dhimanaya gaadhi doonaan ilaa 6 malyan halka ay sanadkii 2000 ka ahaayeen 5 malyan.

Waxaan galay Isbitaal ku yaalla Dimishiq oo la yidhaahdo ( Almujtahid) oo lagu sameeyo qalliinada sanbabada dhammaan dadka jiifay ee la qalayay sigaar baa sababta lahaa marka laga reebo hal nin oo toorri la galiyay.

Khatarta caafimaad ee sigaarku leeyay ma aha sheeko qarsoon waana tan keentay in shirkadaha sameeya lagu khasbo inay si muuqata ugu qoraan baakidka dushiisa in sigaarku caafidkaaga halis ku yahay.

Dhaqaale ahaan sigaarku wuu gubaa xoolaha, qofka cabbana wuxuu badaa haddii dakhligiisu yaryahay inuu baryootamo si loogu sadaqeysto wax uu sigaar ku gato maalin walbana waxaa laga yaabaa inuu qiiqiyo lacag ugu filnaan lahayd inuu cunto kaga dhargo.

Waddan ahaan ama bulsho ahaanna sigaarku khasaare ballaadhan ayuu ku hayaa dadyowga cabba, cilmi baadhis laga sameeyay shiinaha sanadkii tagay 2007 waxaa lagu sheegay in cabbidda sigaarku si toos ah u khasirtay shiinaha lacag dhan 38 bilyan oo ayna ku jirin khasaarihii ka dhashay hoos u dhaca wax soo saarka iyo shaqada.

Waxaa intaa sii dheer sigaarku waa wax qudhmuun oo qofka caadiga ahi kahanayo dhadhan ahaanna sida la sheegay khadhaadh, haba yaraatee wax nacfi ahna aan lahayn, urka ka soo baxaya qofka cabbana waxaa dhibsada cid kasta oo uu la kulmo oo aan cabbin, masaajiddana wa lagaga eed sheegtaa.

Haddaba shayga sidaas u dhibka badan wax loogu xidho oo wax tar ahna aan lahayn wax shaki ah kuma jiro inuu xaaraan maqdac ah yahay sidaaseyna fatwoodeen culimacda hadalkooda la qaban karo ee caalamka islaamku.

Haddaba walaal haddii aad ka mid tahay dadka ku baloobay sigaarka maanta fursad ayaad haysataa aad kaga go’do oo aad naftaada ku badbaadiso aakhiro iyo adduunba ee yana ku dhaafin xabbaddii kuugu danbaysayna mid kale ha ku darin baaqiga kuu hadhayna jajabi oo gub, illeyn go’aan baa lagu meel maraaye.

Walaal haddii aad maalintii oo dhan ka Af xidhnayd oo aad naftaadii ka adkaatay adiga oo ilaahay arrintaas ku raalli galinaya ma habeenkii baad ku dari wayday ka dibna ma Ramdaan oo dhan baad is raacin wayday, haddiiba aad bil dhan ka maqnaydna maxaa sharkiisa dib kuugu celinaya maabad cowda u goysid oo lacnadna ka sii daba tuurtid?.

Walaal soo dhib iyo ciil kuguma hayso sida geedkan qudhmuuni kuu cabiidsaday sow isma nacdid markaad meel walba ku aragto sigaar lama ogola, sowse aad isulama yaabtid markaad barafka ama roobka da’aya u baxdid inaad sigaar cabto darteed, maxaa dullinimadaas kugu qabtay maad naftaada cadaawahan ka xoreysid?.

Waxay ila tahay inaad ka nasatay maalinta soon qiiq hooggii aadna aragtay raaxada iyo sharafta ay leedahay iska daynta geed qaaqlahaas, sow haddaba kulama gudboona inaad laabta ka goyso, oo aad naftaada iyo ehelkaagaba uga turto suntiisa?

Gabagabadii aad baan ugu rajo weynahay inaad ka faa’iidaysan doonto Bisha Ramadaan oo dalaaq aan rujuc iyo rajacba lahayn ku furi doontid sigaarka Iyo Tubaako iyo Aabeheedba.

Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku saxiixan.

Fadliga Habeenka Laylatulqadriga »
By Somalimirror on 19 Sep, 2008 7:26 PM in Duruusta Ramadaanka | 0 Comments

Allaah ayaa mahad iska leh bishan Ramadaan ka fadilay bilaha kale, walibana nagu galadaystay inuu ku khaas yeelay habeenka Qadriga oo ka khayr badan kun bilood, Nabadgelyo iyo naxariisna korkiisa ha ahaato Nabigeenii suubanaa Muxamed iyo dhamaanba asxaabtiisii …

Walaalhayga muslimka ahoow waxaan halkaan idiinku soo gudbin doonaa kalmado ku saabsan habeenkaas barakaysan ee Laylatul qadriga…

Allaah subxaanahu watacaalaa waxaa uu quraanka ku yiri ” Waxaanu soo dejinay Quraanka habeen barakaysan, Anagoo abidba u digayna aadanaha ” Suuradda Al-dukhaan , aayada 3 aad.

Waxa kaloo Allaah suuradda Al-qadar ku leeyahay ” Waxaan soo dejinay Quraanka habeenka Laylatul-qadriga, oo maxaad ka ogtahay waxa uu habeenka qadarku yahay , Habeenka qadarku wuxuu ka khayr badan yahay Kun habeen, Waxaa soo dega habeenkaas Ogolaansho rabigood xagiisa ah malaa’igta iyo Jibriil oo sida xukuno oo dhan, nabad iyo samaan xag Alle ka timid ayaa habeenkaas jirta illaa iyo inta waagu ka baryayo”.. Suuradda Al-Qadri

Qadriga waxaa loola jeedaa sharaf iyo waynayn, ama waxaa loola jeedaa qadarid iyo wax jaangoyn, maxaa yeelay habeenkaasi qadarku waa habeen sharaf leh oo weyn, Allaahna wuxuu qadaraa waxa ahaan doona sanadkaas, wuxuuna jangooyaa umuurihiisa xikmmadda ku salaysan.

Suuraddan waxay noo cadaysay fadliga faraha badan ee ku soo arooray habeenkan, kuwaasoo kala ah sidatan :-

1.- In Allaah uu soo dejiyay habeenkaas Qur’aanka kariimka ah oo ah hanuun loogu talagay basharka, waana kii ay ku gaari lahaayeen liibaantooda Aakhiro iyo Adduunba.

2.-Isticmaalka la isticmaalay qaabka su’aasha iyo calaamada la yaabka oo muujinaysa qiimihiisa, ” Maxaad ka taqaan waxa uu yahay habeenka qadrigu?!!!!!

3.-In ay ka khayr badan tahay 1000 ( KUN ) habeen

4.-In malaa’igtu soo dagayso habeenkaas, iyagoo wada khayr, naxariis iyo barako

5.-In uu yahay habeen nabadgalyo, taasoo laga dheehanayo in addonka Allaah ee daacada si wacan u guta uu ka badbaadayo cadaabka iyo ciqaabta Allaah

6.- In Ilaahay uu ku khaas yeelay habeenkaas suurad dhan oo illaa qiyaamaha la akhrin doono.

Haddaba maxaa kula gudboon in aad samayso ?…

Walaalayaal waxaa arin haboon ah in qofka muslimka ahi ku dadaalo daacada iyo cibaadada Allaah habeenkaas gaar ahaan iyo guud ahaanba bishan barakaysan si uu fursadahaas qaaliga ah uga faa’iidaysto. Sida Abuu Hurayra ( ALLaha ka raali noqdee uu ka wernayo Nabigeena (NNKH) wuxuu yiri : Qofkii cibaado u istaaga habeenka qadriga, isagoo Alle ka cabsi iyo rumayn uu Allah rumaysan yahay u samaynaya, islamarkaana Allaah ajar ka dalbaya, waxaa loo dhaafaa dunuubtisii uu hormarsaday ”

Waa goorma habeenka Laylatul-qadriga ?

Habeenka uu yahay waxaa ka jira dhowr qowl oo kala duwan, hase yeeshee sida ku cad axaadiista Nabiga (NNKH) waxaa uu ku jiraa 10ka habeen ee danbe, xikmadna looga qariyayna waxa weeye si aanay muslimiintu isu dhigan oo cibaada ku dadaalaan 10ka danbe ee Ramadaan.

Nabiga(NNKH) waxaa uu yiri: ” Ka raadsha Laylatul qadriga 10ka danbe, ama sagaalka danbe” Waxaa weriayay Muslim.

Xadiis kale ayaa uu Nabigu (NNKH) ku yiri: ” Ka raadsha Laylatul-qadriga 10ka danbe, haddii hurdo idinka qaalib noqoto, yaysan kula tagain 7-da danbe” waxaa weriyay Imaamu Axmed, Sheekh Albaanina wuu saxiixiyay.

Waxaa jira sida uu werinayo Muslim in C/laahi Ibnu Cabaas uu sheegay in ay tahay 27ka, sidoo kale Ubay ibnu Kacab uu ku dhaaran jiray in ay tahay 27ka.

Sidoo kale waxaa jira aqwaasha qaar tilmaamaysa inuu guurguuro oo habeenada tirada isdheer midkood uu yahay.

Isku soo wada duub oo waxaa haboon in qofka muslimka ahi aanay dhaafin cibaada 10kaas habeen, waa fursad qaali ah, waana waqti kooban, Allaah mooyaane cid kale oo og ma jirto habenkaas uu ku beegan yahay ee saxda ah, sidaa awgeed ka faa’iidayso 10kaas habeenba oo yaanay ku dhaafin, waayo haddii Allaah ku waafajiyo waxaad la mid tahay qof cibaadaysanayay 1000 habeen oo u dhiganta 83 sano iyo afar Bilood.

Hadyigii Nabiga ee Cibaadada Habeenkaas :

1.- Sida Caa’isha(Allaha ka raali noqdee) warinayso , marka 10ka danbe la galo, Nabigu(NNKH) guntiguu giijisan jiray oo loola jeedo cibaada ayuu u diyaargaroobi jiray oo haweenkiisa wuu ka dheeraan jiray, si uu cibaadada ugu faaruqo.

2.-waxaa uu ku noolayn jiray habeenkiisa salaad (Tahajud ), adkaar, quraan akhris, danbidhaaf weydiisasho, iyo ducaba.

3.- Ehelkiisa iyo reerkiisaba wuu ka jafi jiray hurdada, taas oo ku tusinaysa qiimaha uu habeenkaas leeyahay iyo sidii uu Nabigu (NNKH) ugu dadaali jiray.

4.- Wuu ictikaafi jiray Nabigu (NNKH), asxaabtiisuna way la ictikaafeen isaga iyo gadaashiisaba ( Cashar gaar ah ayaan kaga hadlaynaa ictikaafka ).

Haddaba walaalaheyga muslimiinta ahoow ku dadaala ka faa’daysashada habeenkaas, wallaahi waa fursad qaali ah haddii uu Allaah ku gaarsiiyo, waana arin laga naxo in aad ka faa’idaysan wayso khayrkaas, qofkii laga xarimo khayrkeedana waa mid shalwaday oo ay u dhamaatay. Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu naga dhigo kuwii uu gaarsiiyo habeenkaas , kana faa’iidaysta oo waafaqa hadyigii Nabiga(NNKH) ee uu habeenkaas samayn jiray.

waxaa soo diyaariyay Abuu C/raxmaan , C/rasaaq Sugulle Muxamed.

wixii nasteexo ama sixid ah ku soo hagaaji.

Abdirazaks@hotmail.com ama sugulle3@yahoo.com.

Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku saxiixan.

Iska ilaali fataawaadka aan cilmiga ku salaysnayn »
By Somalimirror on 19 Sep, 2008 10:19 AM in Duruusta Ramadaanka | 0 Comments

Allaah aya mahad iska leh ,Nabigeenana nabadgelyo iyo naxariisna korkiisa ha ahaato. Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu noo fududeeyo cibadada Ramadaan, nagana dhigo kuwii ku dadala hadyiga Nabigooda NNKH ee cibadadan iyo qiimaha leh.

Ilaahay wuxuu nagu waajib yeelay inaan cilmiga diinta barano, waliba waxyaabaha daruuriga ah ee ku salaysan arkaanta Salaadda, iimaanka iyo dhamaan wixii ku xeeran nolosha qofka muslinka ah. Haddii waxyaabaha qaarkood uu ishkaal ama mugdi kaa galana ilaahay wuxuu nagu towjiihiyay qur’aankiisa inaan weydiino dadka uu ku tilmaamay ”Ahlu dikriga ” oo ah culimada rabaaniyiinta ah ee dadka u sheega wixii ku sugan kitaabka rabbi iyo sunada Nabiga NNKH.

Nabigu NNKH sida ku cad xadiis uu werinayo Muslim, wuxuu nooga digay fatwada ay soo tuurayaan dadaka juhaasha ah , wuxuuna yiri ” Ilaahay cilmiga diinta ah tirtiri maayo oo culimada laabteeda laga bixin maayo, ee cilmiga iyo culimadaba waa la isla qaadayaa ( yacnii culimadii baa dhiman ), illaa uusan ka soo harin wax caalim ah, dadkuna markaa ay culimo ka dhigtaan kuwo jaahiliin, oo ay markaa wax weydiiyaan , iyaguna ay ku fatwoodaan cilmi la’aan, oo markaa ay baadiyoobaan , dadkiina baadiyeeyan”!!!!.

Waxaa baryahan soo baxay rag la maga baxay in ay wadaan ama ummaadda u sidaan manhaj ay u bixiyeen ”manhaju taysiir” ama manhajka wax fududeynaya. Kuwaasi waxaa ay fursad u noqdeen dad uu imaanku ku daciifay nafafyaalkooda oo donaya in diinta oo dhan loogu fatwoodo sida ay naftoodu jeceshahay. Walaalayaal diintaan wey fududahay oo Allaah baa fudueeyay sida uu noogu sheegay qur’aanka: ” Ilaahay wuxu idinla dooni fudayd, idinlama doonayo dhib ”, ” Ilaahay diinta wax dhib ah idiinkama yeelin”, haddaba haddii Allaah uu saas leeyahay maxaa dhiman oo la raadinayaa.

Haddaan mowduuca u soo daadego waxaa baryahan danbe soo baxay , waliba wadamadan galbedka iyo Yuruba in aad loo raadinayo in salaadihii, soonkii iyo cibaadadii la fuduaysto, iyadoo marmarsiinyo laga dhiganayo waan shaqaynaa, waqti uma hayno, xilligii salaadaha iyo afurka ee Ramadaanka ayaa dheer IWM. Sidoo kale waxaa iyana soo baxady su’aal caan ku noqotay afka dadka oo ah : Imtixaan dheer ayaan galayaa, markaa ma soomi karo.

Ilaah baan idinku dhaarshee ma khayr daro ka xun baa jirta oo qofka lagu imtixaano inuu adduunyo darteed aakhiradiisa u dhaawaco oo u kala dhantaalo?!! waxay ila tahay tani inaanay u baahnayn jawaab ee qofka muslinka laga doonayo inuu isdaba qabto oo naf iyo cadaowga shaydaan la dagaalamo.

Culimada islaamka ee rabaaniyiinta ah markii la weydiiyay suaasha hore ee ahayd see la yeelayaa xilliga Ramadaanku uu soo galo xagaaga oo wadamadan reer galbeedku uu afurku dheeraanayo, waxay ku jawaabeen in la soomayo marba haddii la kala saari karo qoraxda dhicitaankeeda ama habeenka iyo maalinka. Sidaasina waxaa fatwooday lajnada daa’imka ah ee fataawaha ee Sucuudiga.

Sidoo kale arinta oranaysa : shaqo adag baan ku jiraa, imtiixan baangalayaa, wax xujo ah ma ahan, mar la weydiiyay Sheekh Cuthaymiyiin aad buu radiyay, wuxuu sheegay in aanay ahayn xujo , lana isku xiri karin cibaadada iyo waxyaabahaas oo kale.

Haddaba waxaan leenahay soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ” Nin tuur leh suu u seexdo isaga yaqaan”.. adigaa yimid dhulalakan reer galbeedka ah, Allaah wuxuu kaa donayaa cibaadadiisa inaad u gudato suu kuugu waajibiyay, markaa waa inaad u gutaa suu kuugu tala galay. iskana ilaali fataawaha ay soo tuurayaan dadaka qaarkood.

Ilaahay talo saaro , addunyo darteedna ha u dayacin aakhiradaada, inta aad awood hayso oo ilaahay ku siiyay caafimaad ka faa’iidayso waqtigaaga, kuna dadaal cibaadada Allaah.

Waxaa qoray: – C/rizaaq Sugulle M. (Abu-cabdirahman)

E-mail: abdirazaks@hotmail.com

Golaha Ducaada Soomaalieed

E-mail:daaciga@hotmail.com

Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku saxiixan

Ictikaafka »
By Somalimirror on 18 Sep, 2008 11:01 AM in Duruusta Ramadaanka | 0 Comments

Nabiga (NNKH) waxa hadyigiisa ka mid ahaa inuu ictikaafi jiray 10 maalmood oo ka mid ah Ramadaan, sida uu warinayo Muslim, Saxabiga la yiraahdo Abii saciid Al-khudari waxaa uu yiri : Nabigu wuxuu ictikaafay 10ka ugu horeeya ee Ramadaanka, haddana wuxuu ictikaafay 10ka dhexe markaa dabadeed ayuu Nabigu (NNKH) yiri : ”Waxaan ictikaafay 10ka hore anoo raadinaya habeenkaas Qadriga, markaasaan haddana ictikaafay 10ka dhex,markaasaa la ii yimid oo waxaa la igu yiri : Waxaa uu habeenkaasi ku jiraa 10 ka danbe, ee qofkii doonaya inuu ictikaafo ha ictikaafo 10kaas danbe”.

waxaa kaloo Bukhaariga ku sugan in Sanadkii uu geeriyoonayay Nabigu ictikaafay 20 cisho.

Maxaa loola jeedaa Ictikaaf :

waa in qofku uu ka fogaado oo ka dhex baxo dadka si uu ugu firaaqoobo daacada Allaah, isagoo ku gudaya masjid ka mid ah masaajida Allaah, raadinayana fadligiisa iyo abaalmarintiisa iyo inuu haleelo habeenkaas Qadriga.

Maxaa la gudboon Qofka ictikaafka ku jira :-

Waxaa la gudboon qofka ictikaafka ku jira inuu ku mashquulo Qur’aan akhris, dikriga Allaah. salaad iyo cibaado oo dhan. waana inuu ka fogaado wax kasta oo aan qiimo ku fadhin oo sheeko addunyo ah, dhibse ma laha in uu wax xooga sheeko banaan la qaato ehelkiisa ama dadka kale, taasoo ah hadal maslaxo ku jirto. Safiya hooyadii Mu’miniinta (Allaha ka raali noqdee) waxay tiri : Nabigu (NNKH) wuxuu ahaa mid ictikaaf ku jira, markaasaan ku soo booqday masjidka habeen ka mid ah habeenadii uu ictikaafka ku jiray, cabaar baan u soo sheekeeyay, dabadeedna waan ka soo tagay oo u soo dhaqaaqay xaggii aqalkayga, nabiguna wuu ila istaagay ”. waa Mutafaq

Waxaase ka xaaraan ah qofka ictikaafka ku jira inuu u galmoodo xaaskiisa iyo wax kasta oo hordhac u ah arintaas, sida : dhunkashada, taa-taabasho shahwo ku dheehan tahay, waayo Allaah( Subxaanahu wa tacaalaa) wuxuu ku leeyahay kitaabkiisa ” Ha u galmoonina xaasaskiina, idinkoo ku jira ictikaafka ”.

Sidoo kale masaajidka kama bixi karo , laakiin haddii jirkiisa qaar uu ka bixiyo dhibi kuma jabna, waxaana u daliil ah xadiiskii Caa’isha(Allaha ka raali nodee) waxay tiri : Nabigu(NNKH) waxaa uu ahaa mid madaxiisa ka soo bixiya masjidka isagoo ictikaafsan, markaasaan u dhaqi jiray madaxa, anigoo caado qaba.

Sheekh Muxamed Al-cuthaymiyiin ( Allaha u naxariistee ) wuxuu ku leeyahay kitaabkiisa loogu magac daray ”MAJAALIS SHAHRI RAMADAN ” : Ka bixitaanka uu qofka muctakifka ahi ka bixayo masjidka dhamaan jirkiisa waxaa loo kala qaadayaa 3 qaybood:-

1.- U bixid arin lama huraan ah dabci iyo diin ahaanba, sida kaadi iyo saxaro. weeso, janaabo ka mayrasho IWM, ama sidoo kale cunto iyo cabitaan, arimahaas waa ay u banaan yihiin inuu u baxo, haddii uusan ka heleynin masjidka dhexdiisa, laakiin hadday u suuragal tahay inuu ka helo masjidka oo arimahaas oo dhan uu ku gudan karo masjidka dhexdiisa ma baxaayo, sida masjidka oo leh meelo lagu qubaysto ama weeseysto, ama uu heli karo cid cuntada ugu keeneysa masjidka, markaa bixitaan waa ka mamnuuc.

2.- U bixitaan arin daaco ah , aanse ku waajib ahayn sida : booqasho qof jiran, Jinaaso uu raaco IWM. arimahaas uma baxayo oo ma samaynayo illaa inuu ku shardiyay markuu ictikaafka bilaabayay mooyaane, tusaale ahaan: waxaa jira qof qaraabo ah oo xanuunsan , uuna qofkan muctakifka ahi aad u jecel yahay inuu soo booqdo, amaba uu ka baqayo in uu dhinto intuu ictikaafka ku jiro, markaa wuxuu shardinayaa marka uu bilaabayo ictikaafka inuu u bixi doono booqashada qofkaas, sidaa darteed wax dhib ahi kuma jabna bixitaankaas.

3.- Inuu u baxo arin ka hor imanaysa ictikaafka, sida inuu u baxo wax soo iibsasho ama wax beecin, xaaskiisa oo uu soo jamaaco ama u tago, inuu la soo baashaalo IWM, arimahaas lama samaynayo, loomana shardinayo ictikaafka, waayo maba la ogola inta lagu guda jiro ictikaafka , waana arimo ka horimanaya macnihii iyo ujeedadii ictikaafka.

Sidaa awgeed waa arin khalad ah sida ay yeelaan dadka qaar ictikaafka ku jira oo habeenka ciidu soo dhowdahay u baxa in ay dharkii ciidda soo gataan, waayo macnihii bay ka hor iman, waxaana haboon qofku inuu diyaarsado dharkiisa ciidda iyo holwlaha ciidaba intaan la gaarin 10ka danbe.

Wuxuuna ictikaafku dhamaanayaa oo ku egyahay marka lagu dhawqqo ciidda oo la xaqiijiyo in bishii Shawaal ay curatay.

Abuu C/raxmaan , C/rasaaq Sugulle Maxamed.

E-mail: abdirazaks@hotmail.com.

Goloha Ducaada Soomaaliyed daaciga@hotmail.com.

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Sirta ku Dheehan in lagu Afuro Timirta. »
By Somalimirror on 18 Sep, 2008 8:59 AM in Duruusta Ramadaanka | 0 Comments

Timirtu waa miro barakeysan oo Nabiguna NNKH noo dar daarmey in aanu ku bilowno marka aanu afureyno, waxaana laga wariyay Nabiga in uu yidhi:”markii Qofkiin afurayo ha ku bilaabo Timir, maxaa yeelay Barako ayaa ku jirta, haddii aanu helaynina Biyo haku afuramo,maxaa yeelay waa daahirnimo”.

Anas, Alle haka raali noqdee waxaa laga wariyay in uu yiri Nabigu waxa uu ahaa mid ku afura inta aanu Tukan ka hor, dhowr xabo aa Rudhab ah, hadii uu waayana Timir, hadii kale dhowr cantoobo oo biyo ah.

Waxaan shaki ku jirin, in Sunada wanaagsan ee Nabigu NNKH noo jideeyay ay ku lifaaqan tahey talooyin Caafimaad iyo Fawaa’id kalaba, maxaa yeelay Nabigu cunida Timirta waxa uu ka doortey cunooyinkii kale oo dhan Faa’idada Caafimaad ee ku jirta owgeed, mana aha oo keliya in dhulka saxaradaha ah ee ay ku noolaayeen ka baxdo.

Marka Qofka Soomani cunida Timirta uu ku af bilaabo, waxaa diyaar garoobaaya xubnaha Jidhka oo dhan, gaar ahaan Xubnaha dheef shiidka sida Caloosha oo u baahan in wax jilicsan lagu bilaabo, Qofka Soomanina baahi weyn ayuu u qabaa marka uu afurayo in uu helo wax macaan oo si dhakhso ah Jidhka oo dhan ugu baahaya, si gaajadii heysay uga bi’iyo sidoo kalena biyahu waa u muhiim wakhtigaas.

Walxaha Cunadu ka sameysan tahey waxa ugu dhakhsiyo badan in si sahal ah ula fal galaan Dhiiga waa kuwa Sonkorta ka sameysan, gaar ahaan kuwa Sonkortoodu khafiifka ay tahey,maxaa yeelay Jidhku waxa uu awood u leeyahey in kuwaas uu si dhakhso u qaato daqiiqado yar gudahood, gaar ahaan xilliyaga Calooshu ay madhan tahey sida xaaladaha Soonka oo kale.

Haddii marka aad rabto in aad hesho waxa kaa gooya Haraadka iyo Gaajada waxa ugu muhiimsan ee ay tahey in aad ka raadiso waa walax ka sameysan Macaan oo hadana aad ka helayso Biyo, marka waa Rudhabka ama Timirta.

Baaritaano Cilmiyeed oo dhanka Sayniska ah oo lagu sameeyay Timirta waxaa la ogaadey in (70-75)% ay ka sameysan tahey Sonkor, (20-24)% ay ka sameysan tahey Biyo, (2-3)% ay ka sameysan tahey Borootiin, 8.5% maadooyin kale, sidoo kale ay ku jirto in yar oo Dufan ah, arintaas oo qeyb muhiim ah ka ah Caafimaadka Qofka.

Baaritaanakii Cilmiyeed ee lagu sameeyay Timirta waxaa la soo ogaadey:-

1. In cunidda Timirta ama Rudhabka marka la Afurayo uu Jidhka uu siyaadinayo Nisbo weyn oo ah maadada Sonkorta ah taas oo uga soo kabanayo hoos u dhaca sonkorta ee Jidha, sidoo kalena uu fir fircoon gelinayo.

2. Calooshii banaaneyd ee baahneyd waxa ay awood u yeelaneysaa in ay qaadan karto maadooyinkan ka sameysan Sonkorta khafiifka ah, walibana si deg deg ah uu dheef shiideysa si isla markiiba Dhiga ula fal galaan.

3. Timirta iyo Rudhabka maadaama ay ka sameysan yihiin maadooyin Sonkor khafiif ah, waxa ay sahleysaa in calaasho si sahal ah u ridiqdo, maxaa yeelay saddex meelood labo meel maadooyinka sonkorta ah ee ku jira Timirta waa kuwo aad u khafiif ah, arintaas oo keeneysa in muddo yar gudahood Dhiiga la falgasho.

4. mar hadii Rudhabka iyo Timirtaba ay ku jiraan Nisbo badan oo Biyo ah, taasi waxa ay keeneysaa in Jidhku uu ka maarbo in uu qaato in badan oo Biyo ah marka uu Qofku afurayo.

W/D: – Maxamed Maxamuud Axmed

Email: – mullah40@hotmail.com

Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku saxiixan

Soo dhoweynta Bisha Ramadaan. »
By Somalimirror on 15 Sep, 2008 12:19 PM in Duruusta Ramadaanka | 0 Comments

Allaa mahad dhamaanteed leh, nabadgelyo iyo naxariisna korkiisa ha ahaato Nabigeena Muxamed, Walaalayaal Ilaahay wuxuu ummadan Nabi Muxamed ku galadaystay nimcooyin aad u fara badan oo aan ummadihii hore la siinin, xilliyo khayreed fara badan oo isdabayaal, waxaana Ilaahay uu xilliyadaas u jideeyay xikmado fara badan oo ay ugu horeyso in lagu kala saaro sidii ay ummaddu kharka ugu dadaalayso.

Bisha Ramadaan ee nagu soo fool leh waxaa ay ka mid tahay khayraadkaas uu Alle na siiyay,waxaana hor socda baaqii uu nabigu NNKH noo sheegay ” Kii khayr raadiyoow kaalay, kii shar wadowna naga joog, Allena wuxuu ka xoreyaa naarta dad fara badan ”

Waa bishii Allah ee weyneyd,waa mawsimkii sanadlaha ahaa ee nafta hufayay, tababaray, islamarkaana u sahlayay in ay kasbato khayraadka.

Walaalayaal in aad Ramadaan gaarto si aad u soonto waa nimco aad u weyn, Allaah baan idinku dhaarshaye immisa qof baa haatan qabriyada ku jiray oo ku taamayay in ay Ramadaanka gaaraan si ay u soomaan?!!.. haddaba su’aashu waxay tahay see baa kula gudboon in aad Ramadaan u soo dhaweyso?, maxaase kula gudboon in aad samayso?!

Bishani waa bishii Qur’aanka, waa maydaankii Dadka Janada shaqaysanay, waa bilicdii sabanka, waxaa qofka Muslimka la gudboon inuu ku qaabilo soo dhoweyn tan ugu saraysa oo ay ka mid tahay : Quraa’nka oo la akhriyo, aadaabta Soonka oo lagu dadaalo, Salaadaha oo Masjidka iyo Jamaacada lagu tukado, Taraawiixda iyo Tahajudka oo lagu dadaalo, Sadaqada iyo Zakada oo la bixiyo, xaaladda dadka dhibaataysan ee masaakinta iyo fuqarada oo lala socdo.

” Qofkii sooma Ramadaan isagoo Allah rumaysan, ajarna ka sugaya, ilaahay wuxuu u dhaafaa dunuubtii uu qofkaasi hore u galay ” . Waa cibaadada kaliya ee Allaah uu isagu isu tiiriyay, sidaa darteed buu isagu kaa abaalmarin ee ku dadaal cibaada.

waxaa ka mid ah waxyaabaha uu Allah u jideeyay Soonka in nafta la xakameeyo oo laga reebo shahawaadka, in naftu ay ka kor noqoto waxyaabo badan oon macno ku fadhin oo ay u hanqaltaagayso, si kale marka loo dhigo waxaa lagu tilmaami karaa soonku inuu yahay saadkii ruuxda iyo raaxadii qalbiga. Waa arimo keeni kara oo mudan in qofka muslimka ahi uu ku farxo imaanshaha bisha Ramadaan, islamarkaana ay kuwa khayrka raadinayaa ku tartamaan.

Iska ilaali Walaakayga Muslimka ahoow ama Walaashayda Muslimadda ahaydeey in bishan Ramadaan aad ku qaabisho cunto oo la cuno , soo jeed aan macno ku salaysnayn, hurdo aan lagaba kacayn iyo ganacsi lagu mashquulay oo wax walba ku dhaafiyay.

Maadaama bishan ay tahay bishii danbi dhaafka, bishii naxariista, bishii naar iska xoraynta, waxad isku daydaa inaad ka mid noqoto ( Allaah Ha Nagu Daree) kuwa uu Alle ka raali noqday, iyaguna Alle ka raali ah, kuwaasoo ku qaabilay bishooda Ramadaan sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo Rabbigood. Maalinkii waxay u nool yihiin sida nolosha geesiyaasha ku jira jihaadka Allah dartiis, habeenkiina waxay ku qaataan salaad iyo macaanka la fiqida Allah xilli ay dakoo dhami hurdaan.

Walaalayaal bishii wey timid ee u diyaar garooba oo ku dadaala cibaadad Allah, mas’uuliyad weyn buu Allah ku saaray markii uu ku gaarsiiyay bishan, waxaadna ogaataa in aakhiro xisabtan dhab ahi yaalo.

Saxaabiga jaliika ah Abuu Dar ayaa u dardaarmay qaar ka mid ah saaxibadiis oo wuxuu ku yiri :” Safarka qiyaame waa mid aad u dheer, ee hore u qaata wax idin ku haboon oo wax idin tara, waxaad soontaan maalin kulayl daran uu jiro, si aad uga badbaadaan kulaylka daran ee jira maalinka la isa soo saarayo, Tukada laba rakco xilliga habeenkii ah ee gudcurku jiro si aad uga badbaadaan mugdiga Qabriga, wax sadaqaysta oo si hoos ah wax ula bax si aad u badbaadaan maalinka dhibka darani uu jiro ”.

Axnaf Ibnu Qays ayaa maalin waxaa lagu yiri : Nin oday ah oo gaboobay baad tahay, soonkuna wuuu ku tabar yarayn ee maad iska dayso , wuxuuna ku jawaabay : ” Waxaan ahay nin u diyaargaroobaya safar dheer, in lagu sabro daacada Allah ayaa iiga fudud inaan ku sabro naarta”

Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu na gaarsiiyo Bisha Ramadaan oo uu na waafajiyo khayr iyo cibaado sida uu u jecel yahay in loo guto oo uu ka raalli yahay.

Waxaa qoray:

C/rizaaq Sugulle M.

Abu-cabdirahman

E-mail: abdirazaks@hotmail.com

Goloha Ducaada Soomaaliyed daaciga@hotmail.com Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Wax Ka Baddal Naftaada Bisha Ramadaan(Q1aad) »
By Somalimirror on 13 Sep, 2008 9:05 AM in Duruusta Ramadaanka | 0 Comments

Bisha Ramadaan waa moosin lagu ururiyay cibaadooyin badan oo Soon, Salaad, Sadaqo,Quraan akhris iyo cibaadaad kaleba leh, Ilaahayna wuxuu inoo sheegay in xikmadda arrintaas ka danbaysa ay tahay in dadku alle ka cabsi kasbadaan: ( ياءيها الذين آمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون)

Alle ka cabsigana waxaa lagu macneeyay inuu yahay in qofku la yimaaddo wixii ilaahay ku waajibiyay ama amray kana tago wixii laga xaaraameeyay ama laga reebay.

Si ay haddaba qofka Muslimka ah ugu fududaato inuu naftiisa wax ka baddalo bishan ramadaan ama taqwo u siyaadsado ilaahay wuxuu ku cawiyay arrimo ay ka mid yihiin:

· waxaa bishan la xidhxidhay shayaadiintii gaamurtay ee dadka luminaysay.

· Waxaa la layliyay naftii inta badan shahawaadka ku mashquulsanayd ama u hanqaltaagaysay ka dib markii la gaajaysiiyay lana oomiyay maalintii oodhan, arrintaasina waxay keenaysaa inay naftu u nuglaato in wax laga toosiyo lagana gooyo dhaqamada aan fiicnayn ee ay soo caadaysatay Ramadaan ka hor, illeyn gees lo’aad kulaylkaa lagu gooyaa birna markay kululaataa la qalloociyaaye.waxaa intaa dheer qofkii balwad ku jirrabnaana khasab baa lagaga joojiyay wuxuuna si dhab ah u arkayaa inuusan balada u baahnayn iskana dayn karo.

· Waxaa naftii lagu qooyay cibaadaad kala duwan oo ka siyaadsan kuwii waajibka ahaa sida Salaadda Habeenkii, Quraan akhriska, iyo Sadaqaadka aan waajibka ahayn iwm. Arrintaasina waxay keenaysaa in naftu caadaysato wanaagga uuna u dhibyaraado, si sanadka intiisa kalena uu qofku u sii wado mar haddii uu laqabsaday.

· Cibaadadan waxaa laga dhigay mid dadka oo dhan laga rabo inta ay waajibka ku tahay si ay qof walba ugu fududaato maxaa yeelay dadku wuu isku daydaa wixii loo badanyahayna lagama hadho.

Arrimahaas iyo kuwo kaleba waxay Qofka Muslimka ah ee Ramadaan u soo galo fursad u siinayaan in hoggaanka naftiisu gacanta u soo galo si uu ugu dhufto dhinaca khayrka, waxaana la odhan karaa bisha Ramadaan waxay u egtahay bar kontorool oo dadka lagu joojinayo laguna tusayo wadda saxan si midkii wax ka khaldanaayeen isu toosiyo toobiyahana u qabsado.

Qormadanna waxaan ku soo bandhigi doonnaa si taxane ah waxyaabo badan oo ay tahay in qofku naftiisa ka baddalo ama ka toosiyo haddii wax ka khaldanaayeen, iyo waxyaabo kale oo loo baahanyahay inuu korodhsadaba:

Iska Jooji Cunidda Qaadka

Qaadku waa maandooriye halis ah oo bulshada Soomaaliyeed dhibaato badan ku haya xagga Dhaqaalaha, iyo Caafimaadka wuxuuna baabi’iyay qoysas badan, wuxuuna Soomaalida soo dhax galiyay dhaqammo badan oo xun xun.

Qaadku waagii hore wuxuu ku koobnaa magaalooyinka waaweyn dadka cunana qayb raga ka mid ah bay ahaayeen oo aan badnayn, haddase wuxuu ku baahay baadiyihii haweenkiina qaybo aan badnayn baa qayila oo ku sharaf iyo mustaqbalba beelay, waliba qaadku wuxuu Soomaalida kaga daba taga qurbihii iyo dhulalkii ay doolka ku tageen.

Sharci ahaan shaki kuma jiro inuu qaadku maandooriya xaaraan ah yahay oo ay nafta maalka iyo sharaftuba ku baaba’yaan, qofkii taas ka doodi lahaana waxaa tusaale ugu filan inuu arko dadka qaadka daraadiis caqligu uga tagay ee raamaystay ee inta badan aan laga waayin deegaanada qaadka aadka looga cuno.

Haddaba haddii aad ka mid tahay dadka uu qaadkaasi qafaashay ama qaatay bisha Ramadaan fursad weyn baad haysataa oo maalintii baad ka soontay habeenkiina cibaadaad kaga mashquushay, waxaadna si dhab ah u aragtay inaad ka maarmi karto oo aadan u baahnayn hanti badan oo aad ku khasiri jirtayna way kuu baaqatay, waxaa kula gudboon inaad go’aan ragannimo leh qaadato oo ah inaad maandooriyahaas baas maanta cawda u goyso oo aadan dib ugu noqan.

Bal xusuuso haddii aad ka mid ahayd kuwa qayila dhibaatada uu kugu hayay qaadku dhinaca caafimaadka, madax xanuun cunto xumo, muuqaalkaaga oo qayirmay, daamankii oo ku coodhcoodhay ilkihii oo baab’ay oo gummud madow ka soo hadhay, haddii aadan heerkaas gaadhinna waad ku socotaa haddaadan iska dayn waxaana tusaale kuugu filan dadkii kaaga horreeyay dhibaatada ay ka dhaxleen.

Xusuuso dhibaatada uu dhaqaale ahaan kugu hayay iyo sida uu wixii aad tabacdaba u baa’iyo isaga oo aan calool kuu buuxinayn baahina kaa celinayn, xusuuso sida uu kuu bahdilay ee aad isgu baddashay dawarsade aan qiimo badnayn oo dadka tuuga markaad weydo wax aad ku iibsato, bal haddana aad u sii dhuux waxa ku baday waxa sidaas kuu sharaf dilay, ma gaalaa kugu ablikaysay mise waa col aad adigu iska adkaysiisay? Maantase ma kula gudboontahay inaad ka xorowdo?

Bal miliilic sida uu xaaskaagii iyo ubadkaagii idiin kala dilay ilaa heer aadan dan ka lahayn inay qadaan iyo inay quutaan mar haddaad mijin hesho deeq iyo deyn waxaad ku keentaba, bal is weydii goorta damiirkaagii sidaas u dhintay iyo waaga aad sidaas u nacasowday, bal daraasee in arrintaasi ka horreysay inta aadan baran geed hoogga iyo inay ka danbaysay, shaki la’aan way ka danbaysay aafaduna waa isaga ee bal kala dooro isaga iyo carruurtaada iyo xaskaaga ay assaagood ladanyihiin ee raggoodu u habrado, waxaana ku rajo wynahay inaadan marna caleen ehelkaaga ka dooranayn bishanna ay kuugu danbayn doonto inaad qaad afkaaga galiso.

Bal eeg sida aad aynigaa uga hadhay, fiiri waxa ay aqoon yeesheen waxa ay meeqaan gaadheen intii aad ku foorartay geed baaska ama aad buushashka fadhiday eed mar qaadiraysnayd marna marqaansanayd marna u qaylyaysay sidii aad u soo qaadan lahayd, bal is fiiri bulshada ma u tirsantahay mise mar hore ayaa lagaa maarmay oo laguma tabo sida baladu kuu qaadatay?

Caqligaagii Eebbe kugu mannaystay ma waxaa kula qummanaatay inaad la dagaalanto si aadan xume iyo same u kala garan? Sow ma ogid in qaadku caqliga dilayo, caqliguse sow ma aha midka aad xoolaha kaga duwantahay haddii aad la dirirto sideed dantaa u garan Aakhiro iyo Adduunba, sidee baadse aynigaa ku gaadhi haddii aad caqli ahaan ka hoos marto oo aad meel xille is dhigto, keebaa kula mudan caqligaaga iyo geedkan qalaad ee ku ba’saday?

Imisaad isku oodanteen Haweeney aan lafteedu sharaf badnayn oo qaadka iibisa imisayse kalladhka kugu dhagtay ka dib markaad kala daahday dayntii qaadka imisayse si xun kuu cayday oo aad madaxa hoodhaadhisay sidii jiis la qabtay ? sidaasina ma ku qabataa? Maxaadse gunnimadaas ku qaayibtay Ilaahay baa lagugu dhaariyaye?

Bal milicso sida geedkan baasi kuu han jabiyay ilaa aad gaadhay in waxa ku deeqaa yihiin mijin qaada oo aan waxba dhab ahaan kaga duwanayn ama ka sii xun cawska ama caleenta ay Rida carruurtaada loo lisaa cunto, goormaad Aakhiro u tabcan, oo aad Jannada meel fiican ka dagi, goormaad dantaa qabsan oo aad rag wax la qaybsan? Nin rag ahi sow kii dhihi jiray waari mayside war ha kaa hadho? Bal haddaad dhimato maxaad ka tagi oo aan ahayn inaad qaadka ruugi jirtay? Ma ku qabataa inaad noqoto mid hooyadii ku gablantay oo umaddiisa iyo qoyskiisaba inuu wax taro aan looga fadhiyin hammina ayna ku haynin?

Gabagabdii waxay ila tahay dhibaatooyinkaas iyo kuwo kale oo qofka qaadka cunaa iga ogyahayba waxay waajib ka dhigayaan in dadka qaadku xabbistay ay maanta raadiyaan sidii ay uga xoroobi lahaayeen iyaga oo ka faa’iidaysanaya bisha Ramadaan ee Ilaahay inoogu tala galay inaan nafteenna ku toosinno oo aan wax kaga baddallo.

La soco qaybaha danbe ee qormada…

Xasan Maxamed Ibrahim

xasanyare@msn.com

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Salaada Taraawiixda. »
By Somalimirror on 12 Sep, 2008 9:04 AM in Duruusta Ramadaanka | 0 Comments

Fadliga salaada taraawiixda .

Sidaan ogsoonahay Bisha Ramadaan waxaa ka mid ah shicaa’irteeda tukashada Salaada Taraawiixda, waana salaad sunno ah oo la tukado salaadda cisha gadaasheed, waxaana loo tukadaa labo-labo rakco, nabigana (NNKH) wuxuu xadis saxiix ah ku sheegay: ‘Qofkii tukada Ramadaan asagoo rumeysan oo xisaabsanaya Alaah aktiisa (ajirkeeda) waa loo dambidhaafaa (dambiyada yar yar, kuwa kabaairta waa in la toobadkeenaa).’ (Bukhari & Muslim).

Waxaa Sunno ah salaadaan in lagu tukado jamaaco sida soo aroortay in uu nabiga (NNKH) tujiyey saxaabida dhoor habeen kadibna iska daayey cabsi uu ka cabsaday in lagu waajibyeelo ummadiisa. Markii la gaarey khilaafadii Cumar Bin Khadaab, wuxuu arkay dadka oo koox koox u kala tukanaya taraawiix, wuxuuna bilaawey in uu dib soo nooleeyo sunnada tukashada salaada Taraawiixda mulimiintana iskugu keenay hal imam inay kudabo tukadaan.

Maxaa lagu aqriyaa salaadaan?

Maku soo aroorin salaadaan quraan gaar oo la akhriyo. Salafka wey ku dheereen jireen quraan akhriska, ilaa ey qaar kamid gaarsiin jireen wax u dhow salaada subax, laakin sida fiican waa in lagu tukadaa salaadan inta ay awoodaan dadka latukanaya Imaamka.

Waxaa haboon in Bisha Ramadaan hal mar ugu yaraan lagu dhameeyo Quraanka Kariimka.

Meeqo Rakaco ayey ka koobantahay Salaada Taraawiixda?

1-Culumada way isku khilaafeen inta rakco ay ka koobantahay salaadaan.
Culumada qaar waxey leeyihiin waa(11-rakco) 8-rakco iyo 3- racko oo witri waxeyna u soo daliishadeen xadiiska ay caa’`isha (RDH) oo ahaa:- ”Nabiga (SCW) Kama uusan siyaadin jirin 11-rakco ha ahaato Ramadaan ama yaysan ahaan”.

2-Culumada qaarkoodna waxey qabaab in ey tahay 20-rakco iyo 3-racko oo witri ah,waxeyna u soo daliishadeen ficilkii Saxaabada –Radiya Alaahu canhum-Xilligii khilaafadii Amiirul mu’miniina Cumar iyo khilaafadii Cuthmaan.

3-Culiumada badankoodna waxey isku dayeen in ay isku keenaan labadaan rayi oo waxey dhaheen waxaa Sunno ah in la tukado 11-racko, qofkii ka siyaadiyana wax dhib ah kuma jiraan oo waa ay banaantahay in latukado inkabadan 11-rakco.

Sikastaba ha ahaatee waxaa muhiim ah inuu qofka Muslimka ah e sooman uu ku dadaalo sidii uu utukan lahaa Salaada Taraawiixda inta uu awoodo, lakiin hadduu awoodo inuu la dhamaysto Salaada Imaamka taas ay fadli badantahay, sidii uu kuyiri Nabigeena (SCW) xadiis saxiix ah:”qofkii la tukada Imaamka ilaa uu ka salaamo noqsado waxaa loo qoraa qiyaamka habeenka oo dhan”.

Alaah ayaan ka baryayna inuu naga dhigo kuwii laga aqbalo soonkooda iyo qiyaamkooda, alaahna uu naga dhigo kuwa laga xoreeya Naarta bishan barakaysan ee Ramadaan.

Wasala Allaahu Calaa Nabiyinaa Muxamad waca Aalihi Wasaxbihi wasalam.Wasalamu calaykum warahmatu Allaahi wabarakaatuh.

Waxaa qoray:

C/caziiz Ahmad

E-mail: cabdicaziizaxmed@hotmail.com

Ramadaanka ma Doonaysaa in aad Qur’aanka 4 goor Dhammaysid? »
By Somalimirror on 4 Sep, 2008 3:52 PM in Duruusta Ramadaanka | 1 Comment

Waxay ila tahay jawaabtu waa haa, waliba aad ka sii badan jeceshahay. Haddaba walaal ha u qaadan in aan ka badan la akhriyi Karin ee waa inta ugu yar oo aan waqti badan kaa qaadayn. Sii akhri »

Ma doonaysaa in aad Ramadaan labo goor soontid? »
By Somalimirror on 1 Sep, 2008 7:33 AM in Duruusta Ramadaanka | 0 Comments

Nabigu (صلى الله عليه وسلم) wuxuu yiri:

(من فطر صائما كان له مثل أجره غير أنه لا ينقص من أجر الصائم شيء).

(qofkii afuriya qof sooman wuxuu leeyahay ajarkiisa oo kale, mana ka nusqaamayo qofkii soomanaa ajarkiisu).

Waa xadiis saxiix ah oo ay Tirmidi, Nasaa’I iyo Ibnu Maajah ka wariyeen Zayd Ibnu Khaalid Aljuhani.

Xadiiskaan waxaa ku cad in Ilaahay siinayo qofkii afuriya qof sooman ajar la mid ah kan uu siiyay qofka soomanaa. Qofkii afuriya intaa ka badana ajarkeeda ayuu leeyahay. Haddaba walaal soo ina lama gudboona in aynu fadligaas u tartano?.

Walaal waxaa kuu furan siyaabo badan oo aad ajarkaas ku heli kartid, waxaana ka mid ah:

1. in aad habeen walba gurigaaga ka afurisid qof ama ka badan, qofkaasi ha noqdo qaraabo, daris, saaxiib, musaafir, miskiin iwm.

2. in aad qoys ama qof faqiir ah siisid afurka soddonka bari ee bisha soonka.

3. in aad galab walba gaysid masjidka afur. Afurkaas wuxuu noqon karaa mid fudud oo isugu jira: timir, sharaab, sambuus, bur iwm ama wuxuu noqon karaa: casho iyo cabbitaan dhammaystiran.

4. dadka qaar waxay la heshiiyaan maqaaxi u samaysa afur iyo casho tiro go’an ah oo bisha oo dhan uu dadka ku afursado.

5. in dad badani isku darsadaan lacag ay dadka ku afuriyaan masjidka ama maqaaxi ama guri; si hawshu ugu fududaato.

6. waxaa kale oo suurtagal ah in dad badani guryohooda ka soo qaadaan afur oo ay isugu keenaan hal meel oo dadku ku wada afuraan.

7. dadka dibadaha ku nool waxay yeeli karaan in ay usoo diraan dad ay ku kalsoon yihiin lacag dadka loogu afuriyo gaar ahaan meelaha qaxootiyada iyo masaakiintu ku badan yihiin.

Waxaa kale oo faa’ido weyn ah haddii dad badan meel la isugu keeno in la siiyo duruus iyo wacdi inta la afurayo, taas oo iyana ajar weyn laga helayo; illaa qofkii dadka khayr tusa wuxuu la mid yahay kii sameeyaye, sida Nabig (scw) yiri.

Walaal hirgali fikraddaan adigu, una gudbi walaalaha kale; si khayrku u faafo.

Axkaamta Soonka bisha Ramadaan »
By SomaliMirror on 1 Sep, 2008 1:47 AM in Duruusta Ramadaanka | 1 Comment

بسم الله الرحمن الرحيم

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Saan ognahay soonka la soomo bisha ramadaan waa tiirka 3aad ee arkaanta islaamka, wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadli badan,waayo wuxuu kulansaday sabar laga sabro waxey naftu u baahan tahay iyo in lagu sabro dhibaatada gaajada iyo haraadka, sidoo kale Alle naftiisa ayuu u nisbeeyey soonka wuxuuna balanqaaday in uu ka abaalmarinaayo qofkii sooma.

Soonku Waa sir u dhaxeysa Alle iyo adoonkiisa qof kalena ma ogaan karo. Soonku waa cibaado da´ weyn oo dadkii naga horreeyeyba soomi jireen, waxaana la waajibiyey sanadkii 2 ee hijrada Nabiga (NNKH), waajibinta waxey ku sugantahay kitaabka Alle, sunnada Nabiga (NNKH), iyo ijmaaca muslimiinta.

Xikmooynka soonka waxaa ka mid ah kuwo uu Alle kaligiis ogyahay, waxaana jiro kuwo muuqdo oo iska cad kuwaasna waxaa ka mid ah:
1. cibaado uu Alle noo sharciyeeyey
2. In uu qofku fahmo in uu yahay daciif u baahan rabbigiis
3. In ey muslimiintu mid yihiin waayo isku mar ayeey bilaabaayaan soonka
isku marna wey afuraayaan

4.Waxaa isku mid ah oo uu simay soonku qof taajirka ah iyo qofka faqiirka ah.

Fadliga soonka bisha ramadaan:
1. Waxaa la furaa albaabada jannada waxaana la xiraa albaaba naarta
2. Waxaa ku jira habeen camalka la sameeyo uu ka khayr badan yahay 1000 bilood
3. Waxaa la xir-xiraa shayaadiinta.
4.Qofkii sooma asagoo rumeysan wuxuu Ilaahay sheegay,xisaabsanaayana ajar uu Allaah ka sugaayo waa loo danbi dhaafaa
5. Soonka wuxuu u shafeeca qaadaayaa saaxiibkiisa maalinta Qiyaamo.
6. Qofkii hal maalin u soomo Alle dartiis waxaa laga fogeynaayaa 70 sano naarta.

Goormuu bilaawdaa bisha ramadaan?
Saan ognahay soonka waajibka waa bisha ramadaan waxaa is weydiin mudan, goormuu ramadaan bilaabanaaya? Bisha ramadaan wuxuu ka bilaawanaayaa markii la arko bisha habeenka 29 ee bisha shacbaan ama ay bisha shacbaan 30 maalin buuxiso, mana banaano in maalim ama laba maalmood Ramadaanka ka hor la soomo ( Maalmaha Shakiga) illaa qof hore u soo soomi jiray sunnooyin oo ay kaga soo aaday mooyaane.

Waxaa sunno ah in la suxuurto intaaan la aadimin salaada fajar waxaana suxuurta ku jirta barako siduu Nabiga (NNKH) noo sheegay, suxuurto waxey noqon kartaa xataa xabad timir ah iyo koob biyo ama caano ah.

Waxyaabaha Soonka buriya :-
Waxyaala soonka jabiya ama buriya , loona baahanyahay qofka muslimka in uu barto siduu iskaga ilaalin lahaa waa:
1. galmada ula kacda ah ee loo galmooda xaaska xilliga maalinkii ah ee la sooman yahay
2. biyaha (shahwada) oo ka yimaada qofka ciyaar darteed ama uu isagu iska keenay
3. cuntada iyo cabitaanka oo si kas ah loo cabo
4. mataga oo kas la iskaga keeno
5. dhiiga caadada iyo dhiiga dhalmada
6. waali uu qofku waasho

Goorma ayaan loo baahneyn in uu qofka muslimku soomo?
Maadaama diinteenu ay tahay mid naxariis badan Waxaa jira xaalado aan qofka looga baahneyn in uu soomo waxaana ka mid ah xaaladahaas:
1. Qofka xanuunsan
2. Qofka musaafirka ah, safarka waa banaantahay in uu qofku iska afuro,
sidoo kale waxaa u banaan in uu soomo.
3. Gabadaha dhiiga xaydka ku dhacay iyo gabadha umushay oo dhiiga dhalmada ka socdo.

Waxaa jiro maalimo eysan banaaneyn in la soomo sida uu Nabiga (NNKH) cadeeyey, maalmahaasna waa:

1. Ciidul Fitri iyo ciidul Adxaa maadaamo ay yihiin labo maalin oo ay muslimiintu farxaayaan
2. Maalinta Jimcada kaligeed, in laga hormariyo ama laga dib dhigo maalin mooyaane
3. 3 da maalmood ee ka danbaysa maalinka 10aad ee dilxija ee ciidweynta, waana maalmo farxad oo cabitaan iyo cunto ( Maalmaha tashriiqa)
4. In la soomo sanadka oo dhan oon maalina laga afurin
5.. In la soomo maalinta laga shakiyo in ay ramadaan tahay illaa qof soo soomi jiray soon sunno.
6. In la soomo maalin sabti kaligeed illaa in lala soomo maalinta axada.
7. Sidoo kale gabadha ma u banaano in ay soonto soon sunno ah niinkeedoo joogo illaa uu ninkeeda u fasaxo.
8. Waxaa xaaraan ah in la isla xaariiriyo 2 maalin soonkeed asagoo uusan qofka afurin.

Aadaabta soonka

Waxaa jira waxyaalo looga baahanyahay in qofka soomaaya in uu la yimaado waxaana ka mid ah:
1. In uu suxuurto, wakhtigeedana uu dib dhigo.
2. In uu lamyimaado duco wakhtiga afurka, ducadaasna larajaynayo inay tahay mustaab..
3. In uu iska ilaaliyo waxyaalaha buriya soonka.
4. In uu cadeysto, hadduu dareemo isbadal riixada afka..
5. In uu ku dadaalo cibaadada iyo sameynta camalka wanagsan 10ka dambe ee ramadaan sida ictikaafka.
6. Quraan akhriska in labadiyo, akhrin iyo tadabur iswata..

Baraarujin:

Waxaa jiro waxyaalo dadka u maleynayaan hadduu qofka sooma la yimaado inuu Sonónka kaburayo, lakiin sida saxda ah ay tahay inay waxba udhimayn soonka, waxyaalahas waxaa ka mid ah:

1. In biyo madaxa la iskaga shubi karo, lana qubaysan karo.
2. In la dhunkan karo xaaska haduu qofka naftiisa ka adagyahay.
3. In la samaynkaro Sandaarsi iyo af luq-luqkhasho adoon ku xeel dheeraanayn.
4. In la cadayankaro hadduu qofka dareemo riixada afka oo isbadashay.

BEY’ADA WANAAGSAN IYO BARBAARINTA SUUBBAN

June 13, 2009

Mahad oo dhan Eebbe ayaa iska leh. Waan ku mahadinaynaa, waan kaalmo weydiisanaynaa, waan dembi-dhaaf weydiisanaynaa, waanan u tawbad keenaynaa. Eebbe waxan ka megan-gelaynaa nafteenna sharteeda iyo falalkeeda xunxun. Qofkuu Eebbe hanuuninayo cid lumin kartaa ma jirto, qofkuu luminayana cid hanuunin kartaa ma jirto. Waxan qirayaa Alle mooyee Ilaah kale in aanu jirin. Waxa kaloon qirayaa Nabi Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) Addoonkii Alle iyo Rasuulkiisii inu yahay.

Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) munaasabado badan buu ku tilmaamay doorka bey'ada wanaagsani ku leedahay habsami u barbaarinta ubadka.

Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxaa laga weriyay: (Dhallaan kastaa fidrada "abuurka iyo tawxiidka Eebbe ee toosan" ayuu ku dhashaa, hase yeeshee labadiisa waalid baa ama yahuudi ka dhiga, ama nasraani amaba majuusi "Dab-caabbud")

[1].

Xadiithkaas waxa laga fahmayaa in haddii ubadku uu helo laba waalid oo muslin suubban ahoo mabaadi’da iimaanka iyo Islaamka bara uu markaas caqiidada toosan ku korayo kuna barbaarayo, waxana taas la yiraahdaa bey'ada guriga.

Waxaa kaloo Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) laga weriyay: (Qofku saaxiibkiis buu ku diin yahay ee qof walba oo idinka mid ahi ha eego qofka uu la saaxiibayo)

[2].

Xadiithkaas waxa ka ifaya in hadduu saaxiibku qof Alle ka baqa, xumahana ka dhawrsada yahay, uu Alle-ka-cabsiga iyo dhawrsananta ka qaadanayo, waxana taas la yiraahdaa bey'ada bulshada, dugsiga ha ahaato ama xaafadda eh.

Axaadiithta caddaynaysa bey'ada wanaagsani inay raad xoog leh ku leedahay siduu qofka muslinka ahi; Alle-ka-cabsi, iimaan, caqiido iyo akhlaaq wanaagsan ugu barbaari lahaa waxaa kamid ah Xadiithkaan:

Abuu-Saciid, Sacad bin Sinaan Al-Khudri (RC) waxaa laga weriyay: Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Dadyoowgii idinka horreeyay waxa kamid ahaa nin sagaashan iyo sagaal naf intuu gooyay, dabadeed "dadkii" weydiiyay qofka uunka ugu aqoon badan. Waxa markaas la tusay raahib "wadaad", intuu u yimid buuna weydiiyay: sagaashan iyo sagaal naf baan gooyaye tawbad ma leeyahay?. Wuxuu ku yiri: maya, markaas buu isna dilay tiradiina boqol ku buuxiyay. Keddib wuxuu "dadkii" weydiiyay qofka uunka ugu aqoon badan, waxaana la tusay nin aqoon yahan ah. Wuxuu weydiiyay: sagaashan iyo sagaal naf baan gooyaye tawbad ma leeyahay?. Wuxuu yiri: haa, yaa tawbad keen kuu diidi kara. Soco oo meeshaas iyo meeshaas tag, waxana ku nool dad Alle caabbudee iyaga Alle la caabbud, dhulka tolkaana ha usoo laaban waa dhul xun eh. Ninkii intuu baxay kolkuu kala bar sii marayo bay geeridii u timid. Waxay markaas dood kululi ku dhex martay malaa'igtii naxariista "Jannada" iyo malaa'igtii cadaabta "Naarta". Malaa'igtii naxariistu waxay tiri: Isagoo tawbad keen ahoo qalbigiisa Eebbe usoo duway buu inoo yimid. Malaa'igtii cadaabtu iyaduna waxay tiri: Weligiisba wanaag ma aanu samayn. Markaas malag qof isu soo suuraadiyay baa u yimid, waxayna ka dhigteen garsoore. Wuxuu yiri: mitiriya inta labada dhul u dhaxaysa, kuu u dhowaado labadooda buuna leeyahay. Markay mitiriyeen, dhulkuu u socday inuu u dhowyahay baa usoo baxday, waxana markaas qaadatay malaa'igtii naxariista)[3].

Qisadaas aynu soo sheegnay waxa laga qaadanayaa in ubadku kolka uu barbaarin wacan ka helo waalid wanaagsan iyo macallin suubban, uuna helo bey'ad iyo jawi wanaagsan oo uu dhallin Alle ka cabsata kula saaxiibo, waxaan shaki ku jirin inuu ku barbaarayo iimaan, Alle-ka-cabsi, akhlaaq wanaag iyo edeb samaan.

Mabaadi’daas iyo tiirarkaas iyagoo ka duulaya bay dadkii hore ee suusuubbanaa ubadkooda u dooran jireen barbaariyeyaal, una diyaarin jireen jawi ay astaamo kuwa ugu habboon kula barbaaraan.

Waxaa gef aad u weyn ah dadka qaar inay u maleeyaan aadanuhu inu dhasho isagoo ma-gefe ama mooryaan ah, sida wanku baarrinimo ugu dhasho shabeelkuna bahalnimo. Waxaa gef ah in la aamino in aan mooryaannimada dadka la beddeli karin, sidoo kalena aan nafsamaanta qofka ku beeran la beddeli karin. Fikradda noocaas ahi waa mid sharci ahaan, caqli ahaan iyo tijaabo ahaan intaba ku khaldan.

Sharci ahaan bay ku khaldan tahay, maxaa yeelay Alle wuxuu yiri:

قَالَ اللهُ تَعَالَى: {وَهَدَيْنَاهُ النَّجْدَيْنِ} {سورة البلد: 10}.

(Waxana aan ku toosinnay labada jid "jidka toosan ee Jannada lagu galo iyo jidka qalloocan ee Naarta lagu galo") (Al-Balad: 10).

قَالَ اللهُ تَعَالَى: {وَنَفْسٍ وَمَا سَوَّاهَا 7 فَأَلْهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقْوَاهَا 8 قَدْ أَفْلَحَ مَن زَكَّاهَا 9 وَقَدْ خَابَ مَن دَسَّاهَا} {سورة الشمس: 6-10}.

(Waxan ku dhaaranayaa naf iyo Allihii "suuraddeeda" wanaajiyay. Dabadeed kala tusiyay wixii u daran iyo wixii u dan ah. Waa la hubaayoo waxa guulaystay qofkii "naftiisa" hufa. Waxana qasaaray qofkii "naftiisa" halleeya) (Ash-Shamsi: 6-10).

Caqli ahaan bay u khaldan tahay, maxaa yeelay Eebbe wuxuu soo dejiyay kutub wuxuuna soo diray Rusul. Muxuu haddaba sidaas u yeelay?. Soow wanaagga dadka iyo baraarihiisa adduun iyo aakhiro ma aha. Maxay dowladuhu manaahij iyo mabaadi’ u dejiyeen?. Maxaa dugsiyada iyo jaamacadaha loo sameeyaa?. Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta maxaa loo sameeyaa?. Macallimiin cilmiga barbaarinta iyo bulshada ku takhasustay maxaa loo shaqaaleeyaa?. Soow ma aha sidii loo dhaqan celin lahaa loona wax bari lahaa dadka?. Sidii looga hortegi lahaa dullinimada, dibad joogga, mooryaannimada iyo caadooyinka xunxun ma aha?. Soow sidii wanaagga loo dhagax dhigi lahaa, qalloocana loo toosin lahaa ma aha?. Haddaanay sidaas ahayn muxuu Eebbe kutubta usoo dejiyay, rususha usoo diray, xeerarka iyo sharciyadana u dejiyay?. Maxay culimada barbaarintu qaban jireen maxayse qaban doonaan?. Soow waxaas oo dhami waqti lumis iyo ciyaar ma aha?. Ma sidaas baa?.

Tusaale ahaan, aan is xusuusinno dhawrkaan arrimood:

- Dadka:

Waxaa jira qof muddo dheer dad dullaysan ku dhex noolaa, kana mid ahaa mooryaan aan cidna u aabe yeelin, bulshadana rafaad iyo rajo xumo baday. Ninkii mar uun buu nuur u ifay, qof suubban baa intuu la saaxiibay diinta ugu yeeray. Sidaas buu dullinimadii uu ku jiray intuu ka baxay daaciye diinta dadka ugu yeera noqday, shartii uu ku jirayna sharaf iyo wanaag ku beddelay. Dadka sidaas ahi dunida maanta way ku badan yihiin, cid inkiri kartaana ma jirto.

- Xayawaanka:

Waxaa jira qaar asal ahaan duurjoog ahoo kolkay dadku jara bareen rabbaayo noqday, dadka la nool oo dabeecad yaqaan. Dadku wuxu ciyaar baray fardihii, wuxuu dhayal baray shimbirihii, wuxuuna ugaarsi baray haaddii. Haddaba kol haddii xayawaankii dugaagga iyo duurjoogta ahaa sidaas loo hoggaaminayo, maxay kula tahay dad oo hadal yari maskaxdiisa iyo maankiisa rogi karo?, miyaanay kolka tubta toosan la tuso dabeecaddiisu is beddeli karin?.

- Dhirta:

kolka uu qofku dhul ugub ah oo bacrinsan abuur ku rido, biyo iyo carro nafaqeeyeyaalna la daba istaago, cudurrada iyo cayayaanka kala dagaallamo, laamaha u toosiyo, qodxahana ka jaro, abuurkaasi amar Alle ayuu ku mira dhalaa, qofkuna dalag ka goostaa, harkiisa harsadaa, khayrkiisana abid ku intifaacaa. Haddiise abuurkaas aan la daryeelin, carrada lagu beerayo aan la nafaqayn, aan la waraabin, laamaha loo toosin, qodxahana laga goyn, miro baahi tira ma dhalo, ubax iyo udgoon ma bixiyo, wuxuuna isu barkadaa sidii bal la daaqay ooy hadba dabayshu dhan u daadahayso. Sidaas oo kale baa nafta aadanaha hadba sidii loogu dadaalo mireheeda loo goostaa, haddii aan xil iyo xeel la iska saarin oo horteeda loo daayana wax laga faa’iido iskaba daaye, dareen iyo cudur bulshada dhiba u noqotaa.

siciid c/raxmaan cali
Email:siciid_32@hotmail.com
ceerigaabo.wordpress.com

THUMAAMA BINU UTHAAL

March 9, 2009

5
الحمد لله .. والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه ومن والاه

Sannadkii lixaad ee hijriyada wuxuu Rasuulka (scw) go’aan ku qaatay inuu ballaariyo dadaalkii uu ugu jiray fidinta dacwada islaamka, isagoo siddeed dhambaalood oo qoraal ah u kala diray boqorrada carbeed iyo kuwa cajam-ba, wuxuuna dhambaaladiisa ugu yeeray boqorradaas inay soo galaan diinta islaamka. Boqorradaas loo diray dhambaaladaas ayaa waxaa ku jiray Thumaama Binu Uthaal Al-Xanafi. La yaab ma lahan inuu Thumaama ka mid ahaa madaxda iyo boqorrada carbeed waqtigii jaahiliga ee islaamka kahor. Wuxuu ka mid ahaa madaxda reer Banii Xaniifa, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa boqorrada reer Yamaama ee aan amarkooda marnaba la khilaafin.

Wuxuu isku dayay dilka Rasuulka (scw)

Thumaama Binu Uthaal ma uusan aqbalin dhambaalkii uu u soo diray Rasuulka (scw), isagoo iska dhega-tiray dacwadii xaqa iyo kheyrka xanbaarsanayd. Taasi waxaa kaba sii darneyd, isagoo sheydaanka uu tusay inuu isku dayo dilka Rasuulka (scw), iyo si uu wiiqo dacwadii uu Rasuulka (scw) xanbaarsanaa. Wuxuu Thumaama u kuur-galay sidii uu uga takhallusi lahaa Rasuulka (scw) hadduusan si kedo ah uga badbaadeen. Eebbe (sw) ayaa Nebigiisa ka badbaadiyay shartii uu la maagay Thumaama.

Hase ahaatee, Thumaama Binu Uthaal haddii uusan ku guuleysan dilka Rasuulka (scw), waxaa hubaal ah inuu ku guuleystay jirdilka iyo dhibaateynta qaar ka mid ah asxaabtii Rasuulka (scw). Wuxuu Thumaama u tafa xeetay leynta saxaabada jeer uu sabab ugu noqdo inuu laayo qaar ka mid ah asxaabtaas, dhinaca kale wuxuu banneeyay dilka Rasuulka (scw), isagoo arrinkaasna ogeysiiyay qabiilkiisa reer Banii Xaniifa.

Safarkiisii Makka

Waqi badan kama soo wareegan, jeer uu maalintii danbe Thumaama Binu Uthaal go’aansaday inuu u kicitimo Makka, isagoo doonaya inuu soo cimreysto. Wuxuu Thumaama ka anbabaxay gobolkii Yamaama, isagoo ku sii jeeda xagga magaallada Makka, wuxuuna naftiisa ugu sheekeenayay inuu ku soo dawaafi doono hareeraha Kacbada iyo inuu u gowrici doono asnaamtii ku hareersanayd Kacbada.

Wuxuu gacanta u galay muslimiinta

Goor uu Thumaama ku jiro socdaalkiisa, uuna u dhow yahay magaallada Madiina ayaa waxaa isagoo aan filanaynin ku soo baxay koox ilaalo ah. Ilaaladaas oo ka mid ahaa ilaaladii ciidamada muslimiinta waxay watigaas ku gaaf wareeganayeen degmooyinka ku dhow dhow magaallada Madiina, si ay uga hortagaan haddii uu cadow magaallada soo galo. Waxay ilaaladii soo kaxeysteen Thumaama Binu Uthaal, weliba iyagoo aan aqoon u lahayn ninka ay soo qafaasheen. Markii ay yimaadeen Madiina, waxay Thumaama ku xireen mid ka mid ah tiirarkii masjidka, dabadeedna waxay la sugeen Rasuulka (scw), bal si uu go’aan uga gaaro arrinkiisa.

Markii uu yimid Rasuulka (scw) masjidka, uuna damcay inuu soo galo gudaha masjidka ayaa waxay indhihiisa qabteen Thumaama Binu Uthaal oo ku xiran mid ka mid ah tiirarka masjidka. Rasuulka (scw) wuxuu weydiiyay asxaabtiisa “ma taqaanaan ninka aad soo qabateen?”. Asxaabtii waxay yiraahdeen “maya Rasuulkii Allow”. Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri “waa Thumaama Binu Uthaal ee ahaa reer Banii Xaniifa, ee wanaajiya la dhaqankiisa”. Intaa kadib, wuxuu Rasuulka (scw) u laabtay reerkiisa, isagoo ku yiri “soo aruuriya wixii cunto ah ee aad haysaan, waxaadna u geysaan Thumaama Binu Uthaal”.

Maamuusiddii Rasuulka (scw) ee Thumaama

Dhinaca kale, wuxuu Rasuulka (scw) amray in hashiisa looga liso Thumaama subixii iyo galabtii, loona geeyo si uu dhamo caanahaas. Maamuusiddaas iyo wanaaggaas uu Rasuulka (scw) u qaddimayo Thumaama waxay dhacday kahor intuusan xabiibka Suubbanaha Rasuulka (scw) la kulmin ama uusan la hadlin Thumaama bin Uthaal. Intaa dabadeed, wuxuu Rasuulka (scw) soo aaday xaggii Thumaama, isagoo doonaya inuu si tartiib ahaan uu u soo geliyo diinta islaamka. Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri Thumaama: “maxaad haysaa Thumaamow?”. Thumaama wuxuu yiri “waxaan hayaa kheyr Muxammadow.., haddaad dishid waxaad dishay nin dhiig idinka galay, haddaad gallad sameysid-na waxaad ku galladaysatay qof kugu mahadinaya, haddiise aad doonaysid maal, weydiiso intaad doontid ayaa lagaa siin’e’’. Wuu isaga tagay Rasuulka (scw), isagoo Thumaama ku xirnaa tiirkiisa labo maalmood, halkaasna loogu geynayo cuntada iyo cabbitaanka, loogana soo lisayo hashii Rasuulka (scw). Maalintii danbe ayuu Rasuulka (scw) u yimid Thumaama, wuxuuna markale ku yiri “maxaad haysaa Thumaamow?”. Thumaama wuxuu yiri, ma hayo waxaan ka ahayn hadalkii aan horey kuugu iri, haddaad gallad sameysid waxaad ku galladaysatay qof kugu mahadinaya, haddaad dishid waxaad dishay nin dhiig idinka galay, haddiise aad daanaysid maal, weydiiso intaad doontid ayaa lagaa siin’e..

Haddana, sidii oo kale ayuu isaga tagay Rasuulka (scw), jeer uu misna markale u yimid, isagoo ku leh “maxaad haysaa Thumaamow?”. Wuxuu yiri: “hadalkii hore un baan hayaa.., haddaad gallad sameysid waxaad ku galladaysatay qof kugu mahadinaya, haddaad dishid waxaad dishay qof dhiig idinka galay, haddiise aad doonaysid maal, weydiiso intaad doontid ayaa lagaa siin’e”. Intaa ka dib, wuxuu Rasuulka (scw) jaleecay asxaabtiisa, wuxuuna ku yiri “iska sii daaya Thumaama..”. Asxaabtii waxay xargaha ka fureen Thumaama, dabadeedna sidii ayeey ku sii daayeen..

Way saameesay wuuna soo islaamay

Thumaama waxaa saameysay dabci wanaaggii iyo naxariistii Rasuulka (scw). Thumaama Binu Uthaal wuxuu ka dhaqaaqay masjidkii Rasuulka (scw), wuu sii socday jeer uu ka gaaray meesha loo yaqaano “Nakhl” una dhow magaallada Madiina, wuxuu yimid meel balli biyood ah, wuxuu ratigiisii ku xirtay toggii biyaha, dabadeedna biyihii ayuu isku daahiriyay, kadibna wuxuu u laabtay masjidkii Rasuulka (scw). Maba uusan iman goob ay ka buuxaan koox muslimiinta ka mid ah, jeer uu goobtii ka qiray shahaadada, wuxuuna yiri “waxaan qirayaa inuu jiro Allaha xaqa ah, waxan kaloo qirayaa Muxammad inuu yahay addoonkiii iyo adeegihii Alle (sw)”, dabadeedna wuxuu aaday Rasuulka (scw) isagoo ku yiri: “Muxammadow, wallaahi ayaan ku dhaartaye ma jirin qof saaran dunida guudkeeda aan adiga kaa necbaa, hase ahaatee hadda wejigaaga wuxuu noqday wejiyada oo dhan kan aan ugu jeclahay. Wallaahi ayaan ku dhaartaye ma jirin diin aan ka necbaa diintaada, haddase diintaada waxaan ka jeclahay diimaha dhammaantood . Wallaahi ayaan ku dhaartaye ma jirin magaallo aan ka necbaa magaalladaada, haddase magaalladaada ayaan ka jeclahay magaalooyinka oo idil” Dabadeedna wuxuu intaa Thumaama raaciyay “waxaan asxaabtaada ka galay dhiig oo waxaan asxaabtaada ka laayay rag badan, ee maxaa igu waajibaya inaan sameeyo?”. Wuxuu yiri Rasuulka (scw) isagoo tilmaamaya samaaxada diintaan ay leedahay “korkaaga cannaan ma ahaanin Thumaamow, Islaamku wuxuu jaraa oo tirtiraa wixii denbi ee hore”, wuxuuna ugu bishaareeyay kheyrka iyo wanaagga uu Eebbe (sw) u qoray islaamnimadiisa awgeed. Waxaa farxad awgeed fur-furantay wejigii Thumaama Binu Uthaal, wuxuuna ku yiri Rasuulka: “wallaahi ayaan ku dhaartaye inaan mushrikiinta ka leyn doono labo-laabyo intii aan ka laayay asxaabtaada, dhinaca kale waxaan naftayda iyo seeftayda iyo cidda ila socotaba aan yeelayaa gargaarkaaga iyo u gargaarka diintaada”, wuxuu kaloo intaa ku daray “Rasuulkii Allow fardoollaydaada ayaa dhexda iga qabsatay annigoo doonaya inaan soo cumreysto, ee maxaad igula talinaysaa inaan sameeyo?”.

Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri Thumaama “u kac gudashada cumradii aad u socotay, hase ahaatee waa inaad u gudataa sida waafaqsan shareecadda Alle iyo Rasuulkiisa”, isagoo barayna qaabka loo guto acmaasha cumrada. Thumaama ayaa u jiheestay magaallada Makka, isagoo doonayaa inuu soo cumreysto. Wuxuu istaagay bartamaha magaallada Makka, isagoo si sare codkiisa ugu qaadaya oraahda talbiyadda cumrada, isla markaasna leh “Labbay-ka-allaahuma Labbay-ka, Labbay-ka Laa Shariika Laka, Innal-Xamda Wannicmata Laka Wal-Mulk, Laa Shariika Laka..”taasoo macnaheedu yahay Ilaahayow adiga unbaan ku ajiibay oo ku aqbalay, waan ku ajiibay oo ma lihid Ilaah lagula wadaajiyo cibaadada, Mahadi iyo Gallad adigaa leh iyo boqortooyaba, Mana lihid Alle lagula wadaajiyo cibaadada.

Muslimkii ugu horeeyay ee gala Makka isagoo gudanaya cumrada

Thumaama Binu Uthaal Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu ahaa muslimkii ugu horeeyay ee gala magaallada Makka, isagoo talbiyeysanaya. Markii ay qureysh maqleen dhawaaqii Thumaama ayaa waxay hal mar ku soo qamaameen xaggiisa, iyagoo aad uga careysan falka Thumaama. Waxay la soo baxeen seefahooda, iyagoo soo aadayna dhinacii ka soo yeerayay dhawaaqii Thumaama, si ay u qabtaan ninkan ugu soo galay buulkoodii ama goobtii ay degganaayeen. Codkii Thumaama wuxuu cirka isku sii shareeray markii ay u soo dhowaadeen oo ay u yimaadeen qureysh, weliba isagoo si geesnimo ku jirto u eegayo xaggooda. Mid ka mid ah dhalinyaradii qureysh ayaa damcay inuu ku dilo Thumaama seeftiisa, hase ahaatee tolkiisa ayaa qabtay, iyagoo ku yiri “war miyaadan aqoonin ninka aad u fa-fakanaysid, waa Thumaama Binu Uthaal ee ahaa boqorkii Yamaama, wallaahi haddaad u geysatid dhibaato waxaa hubaal ah inuu naga jarayo sahaydii aynu heli jirnay, dabadeedna gaajo ayeeynu u dhimanaynaa”. Intaa kadib, qureysh waxay aadeen xaggii Thumaama kadib markay seefahoodii ku cesheen galalkii ay ku jireen, waxayna ku yiraahdeen “ma waxaad ka baxday diintaadii iyo diintii ay haysteen aabayaashaadii hore”. Thumaama wuxuu yiri “kama tegin diintayda, hase ahaatee waxaan raacay diin tan ugu kheyrka badan…, waxaan raacay diintii Nebi Muxammad”, wuxuuna intaa ku daray “Rabbiga kacbadan leh ayaan ku dhaaranayaaye inaydan idin soo gaari doonin kadib markaan ku laabto Yamaama kheyraatka Yamaama ka yimaada jeer uu kiina ugu danbeeya ka raaco Nebi Muxammad” .

Cunaqbatayntii uu Thumaama ku soo rogay qureysh

Thumaama Binu Uthaal siduu Rasuulka (scw) u amrayba wuxuu cumreystay iyadoo ay arkayaan qureysh. U dhowaanshaha Alle awgeed ayuu u gawracay, oo ma uusan u gowracin sanamyadii ku yiilay hareeraha kacbada. Thumaama wuxuu ku soo laabtay magaalladiisa, wuxuuna tolkiisa amray in sahayda ay ka joojiyaan qureysh, sidiina ayeeyna ugu hoggaansameen amarkiisa, oo Thumaama wuxuu cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogay qureyshtii degganayd Makka. Qureysh waxay u adkeysan waayeen cunaqabatayntii uu ku soo rogay Thumaama Binu Uthaal, waxayna cunaqabatayntii u keentay sicir-barar, iyo iyadoo gaajadii iyo abaartii ay ku faaftay dadkii degganaa Makka iyo nawaaxigeeda, jeer ay u cabsadeen naftooda iyo caruurtooda inay u dhintaan gaajo awgeed.

Waxay u dacwoodeen Rasuulka (scw)

Markay arrintu halkaas mareyso, waxay gaalladii qureysh u cawdeen oo u qoreen Rasuulka (scw), iyagoo ku leh “waxaan kaaga baranay inaad xiriirisid qaraabada, dadkana aad ku boorrisid xiriirka qaraabada.., waa kan oo waxaad goysay qaraabadeena, waxaad waalidiintii ku laysay seefaha, caruurtiina waxaad ku laysay gaajo. Thumaama Binu Uthaal wuxuu naga gooyay sahaydeenii, oo wuu na dhibaateeyay, haddii aad u qoraysid qoraal aad ugu sheegaysid inuu noo soo celiyo sahaydii aan heli jirnay fadlan samee”. Rasuulka (scw) wuxuu warqad u diray Thumaama, isagoo farayna inuu ka qaado cunaqabatayntii uu ku soo rogay qureysh, sidiina ayuu Thumaama u fuliyay amarkii Rasuulka (scw).

Intaa wixii ka danbeeyay, Thumaama Binu Uthaal intuu noolaa oo dhan wuxuu ahaa kii u hoggaansama diinta, aadna u ilaaliya oo fuliya ballamihii Nebiga (scw). Markii uu Rasuulka (scw) la kulmay Allihii sarreeyay, uuna geeriyooday, markaasna ay carabtii billaabeen inay isaga laabtaan diinta iyagoo koox-koox ah, ayaa istaagay Musaylamata Al-kadaab kana dhashay qabiilka reer Banii Xaniifa isagoo dadka ugu yeeray inay isaga rumeeyaan. Haddaba, waxaa istaagay Thumaama Binu Uthaal, isagoo tolkiisa u digaya kuna oranaya “reer Banii Xaniifow waxaan idiinkaga digayaa arrinkan mugdiga leh ee aan lahayn iftiinka. Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxay ayaan-darro haysataa qofkii rumeeya Musaylamata, dhinaca kale waa imtixaan lagu eegayo qofkii aan isaga rumeyn”, wuxuu kaloo Thumaama tolkiisa ku yiri “Reer Banii Xaniifow waxaa hubaal ah inayan labi nebi wada kulmi karin hal waqti, Nebi Muxammad waa Rasuulkii Alle mana ka danbeeyo gadaashiis Nebi kale, mana jiraan nebi lala wadaajiyo isaga nebinimada, dabadeedna wuxuu aqriyay billoowga suuradda Qhaafir ee uu Eebbe (sw) ku leeyahay: “Xaamiim (oo ka mid ah ereyada mucjisooyinka ku tusinaya, Alle ayaa og macnaha loola jeedo), soo dejinta kitaabka waxay ka ahaatay Allaha casiiska ah ee og wax walba. Waa Allaha dhaafa denbiga, aqbalana towbadda ayna ciqaabtiisu daran tahay ee leh nimcada badan Ilaah kale aan isaga ahayn ma jiro, xaggiisana ayaa loo noqon.”. Isagoo Thumaama is barbardhigayo hadalkaas Eebbe (sw) leeyahay, iyo hadalka ninka sheeganayo in isna lagu soo dejiyay aayado qur’aan ah. Thumaama wuxuu yiri ma hadalkii Eebbe (sw) ayaa lala barbardhigi karaa hadalka Musaylamata uu ku leeyahay “ rahow iska ciy, cabbitaana ma diidi kartid, biyahana ma wasakhayn kartid”. Intaa kadib wuxuu Thumaama gooni ula baxay intii diinta islaamka ku hartay, ee ka mid ahaa tolkiisa. Way tageen iyagoo si jidka Alle ula dagaalamaya dadkii ka riddoobay diinta, iyagoo sidaas u sameenayayna si kalimadda Alle ay u kor ugu noqoto dunida.

Ilaah ha kaga abaaliyo Thumaama Binu Uthaal islaamka iyo muslimiinta kheyr, hana ku maamuuso Jannadii uu Eebbe (sw) u yaboohay kuwa Alle ka cabsada, intaana waxaa ku dhammaatay sheekadii Allaha u naxariistee Thumaama Binu Uthaal.

ceerigaabo
ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaac cali
Email:siciid_32@hotmail.com

CABDULLAAHI BINU JAXSHI

March 8, 2009

2
الحمد لله .. والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه ومن والاه

Saxaabiga aynu hadda qaadanayno sheekadiisa waa saxaabiga ay xiriir qaraabo wadaagaan Rasuulka (scw), wuxuu ka mid ahaa asxaabtii ugu horeeyay ee soo gala diinta Islaamka. Cabdullaahi Binu Jaxsh waxaa dhashay Umaymata Binta Cabdil-mudhalib oo ahayd Rasuulka (scw) eeddadiis. Dhinaca kale wuxuu Cabdullaahi ahaa Rasuulka (scw) seedigiis, maxaa yeelay wuxuu Rasuulka (scw) qabay Zeynaba Bintu Jaxsh oo ay walaalo ahaayeen Cabdullaahi, marna ahayd hooyadii mu’miniinta. Cabdullaahi Binu Jaxsh wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee loo dhiibo calanka Islaamka, sidoo kale wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee loogu yeero Amiiral-mu’miniin.

Inkastoo aan la soo koobi karin guud ahaan taariikhda la xiriira habnololeedkii Cabdullaahi Binu Jaxsh, haddana waxaynu ka soo qaadanaynaa laga soo billaabo markuu soo islaamay. Wuxuu Cabdullaahi Binu Jaxsh soo islaamay, kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin daartii ama gurigii Arqam Binu Arqam, oo ku beegnayd xilligii ay dacwada islaamka ku jirtay qarsoodi, sidaa darteed ayaa wuxuu Cabdullaahi ka mid noqday saxaabadii ugu horeeyay ee qaata hanuunka Rasuulka (scw), sidaasna ku soo islaama.

Hijradii Cabdullaahi Binu Jaxsh

Markii uu Rasuulka (scw) u fasaxay asxaabtiisa inay u hijroodaan ama u guuraan magaallada Madiina, iyagoo la cararaya diintooda iyo hagardaamada iyo dhibaatooyinka kaga imaanaysa gaaladii Qureysh, wuxuu Cabdullaahi Binu Jaxsh galay lambarkii labaad saxaabadii hijrootay, oo waxaa fadliga hijrada kaga hormaray oo keliya saxaabiga la yiraahdo Abuu Salama. In si Alle dartii loogu hijroodo, loogana tago qoyska iyo dalka ayaanan ahayn wax ku cusub Cabdullaahi Binu Jaxsh, maxaa yeelay isaga iyo qaar ka mid ah qaraabadiis ayaa waxay hadda kahor u guureen meesha hadda loo yaqaano geeska Afrika ama Xabasha. Hase ahaatee, hijrada markan waxay ahayd mid ka xeel-dheer kana ballaaran tii hore. Waxaa Madiina u hijrooday dhammaan waalidka Cabdullaahi wuxuu dhalay oo ka koobnaa rag iyo dumar, waayeel iyo dhalinyaro, wiilal iyo gabdho yaryar., maxaa yeelay guriga Cabdullaahi wuxuu ahaa guri Islaam. Maba aynan ka sii bixin magaallada Makka jeer ay guryahoodii ka muuqdaan murugo iyo tiiraanyo, guryihii camirnaa waxay noqdeen oo guryo cidlo ah oo la moodo inaan la deggin ama lagu caweyn weligeed.

Guryihii iyo hantidii Cabdullaahi oo la bililiqaystay

Kama soo wareegin waqtigaas wax yar hijradii Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo intii la socotayba ilaa maalintii danbe ay soo baxaan madaxdii Qureysh oo ku gaaf-wareeganaya xaafadaha magaallada Makka, bal si ay u aqoonsadaan ciddii ka qaxday magaallada ee ka mid ah muslimiinta, iyo intii ku hartayba. Waxaana madaxdaas ku jiray Abuu Jahal iyo Cutbata Binu Rabiica. Cutbata ayaa eegay guryihii ay lahaayeen qoyskii reer Jaxsh oo dabeeshii boorka badneyd ay garaacayso albaabadii guryaha, dabadeedna wuxuu yiri: “guryihii reer Binii Jaxsh waxay noqdeen guryo cidlo ah oo u oonaysa dadkeedii”. Abuu Jahal ayaa ku yiri “yey ahaayeen kuwaas jeer ay guryahoodii u ooyaan?!”. Intaa kadib wuxuu Abuu Jahal taabsaday gurigii Cabdullaahi Binu Jaxsh, waxayna guryahaas ahaayeen guryaha magaallada Makka ku yiilay kuwooda ugu quruxda badan, uguna hodontinimo badan, oo waxaa yaalay alaabo fara badan. Abuu Jahal wuxuu gurigii Cabdullaahi ugu isticmaalay sida qofka hantida leh ugu isticmaalo hantidiisa.

Raalli ma ka tahay in gurigaaga laguugu beddelo guri Jannada ku yaala

Cabdullaahi Binu Jaxsh markii loo sheegay wuxuu Abuu Jahal ku sameeyay gurigiisa, wuxuu u sheegay Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulkka (scw) ku yiri isagoo bishaaro ugu beddelaya bililiqada gurigiisa: “miyaadan raalli ku noqonaynin Cabdullaahiyow inuu Eebbe kuugu beddelo gurigaaga guri ku yaala Jannada”. Cabdullaahi ayaa yiri “haa” Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) ayaa haddaba ku yiri “gurigaas ayaad leedahay”. Hadalkii Rasuulka (scw) waxay dejisay naftii Cabdullaahi, wuuna il-qabowsaday.

Imtixaankii ugu darnaa ee la mariyay Cabdullahi Binu Jaxsh

Cabdullaahi Binu Jaxsh ma uusan sigin inuu ku nasto magaallada Madiina, kadib wixii ka soo gaaray labadiisii hijradood oo dhibaato iyo hagardaamooyin ah. Ma uusan Cabdullaahi sigin inuu dha-dhamiyo raaxada dha-dhankeeda markii uu dhex joogay ansaartii Madiina, kadib wixii qureysh ka soo gaaray oo dhibaatooyin ah ilaa uu Eebbe (sw) doono inuu Cabdullaahi la kulmo imtixaan kii ugu darnaa ee uu noloshiisa arko laga soo billaabo markuu soo islaamay.

Haddaba, akhristow kaalay aynu si wadajir leh u ogaano waxay tahay imtixaankaas qallafsan ama daran ee la mariyay saxaabiga jaliilka ah ee Cabdullaahi Binu Jaxsh.

Howl-gal milateri

Wuxuu Rasuulka (scw) magacaabay ama xushay siddeed (8) ka mid ah asxaabta, si ay u fuliyaan howlgal milateri kii ugu horeeyay ee la fuliyo islaamka. Siddeedaas qof waxaa ku jiray Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo Sacad Binu Abii Waqaas, wuxuuna Rasuulka (scw) yiri: “ waxaan amiir idinkaga dhigayaa kan idinkugu adkeysiga badan gaajada iyo oonka”, intaa dabadeedna wuxuu calankoodii u guntay ama u dhiibay Cabdullaahi Binu Jaxsh, waxaana la yiraahdaa wuxuu Cabdullaahi ahaa kii ugu horeeyay ee madax looga dhigo ilaalo ka mid ah muslimiinta. Waxaa kaloo la sheegaa inuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee loo dhiibo calanka islaamka Xamsata Binu Cabdul-Mudhalib, waxaa kaloo la sheegaa kuwo kale.

Dhambaal sireed

Rasuulka (scw) wuxuu Cabdullaahi u xaddiday ama u tilmaamay meeshii uu aadi lahaa, wuxuuna u dhiibay dhambaal ama qoraal, isagoo faray inuusan eegin waxa ku qoran ilaa uu ka socdo labo maalmood socdaalkood. Ilaaladii uu hoggaaminayay Cabdullaahi Binu Jaxsh markay socdeen labo maalmood, ayaa wuxuu Cabdullaahi furay waraaqdii, waxaaba ku qoran sidatan: “haddaad eegtid qoraalkaygan soco ilaa aad kaga furatid Nakhla oo u dhaxeysa Dhaa’if iyo Makka, waxaadna is dul-taagtaa wararka qureysh, noolana imow wararkooda..”. Maba dhammeystirin Cabdullaahi aqriska dhambaalka jeer uu durbadiiba ka yiraahdo “maqlid iyo aqbalid waxaa iska leh Nebigii Alle”, dabadeedna wuxuu asxaabtiisa ku yiri: “ wuxuu Rasuulka (scw) i faray inaan socdo jeer aan ka gaaro Nakhla, si aan u daba galo oo aan ugu keeno Rasuulka (scw) wararka Qureysh, wuxuuna iga reebay inaan qasbo mid ka mid ah idinka si uu ii raaco, qofkii doonaya oo jecel shahaado iyo inuu jidka Alle ku dhinto ha i soo raaco, qofkaan doonaynin ha iska noqdo isagoo aan la canaanan”. Asxaabtii ayaa waxay hal mar yiraahdeen “maqalnay oo aqbalnay Rasuulkii Alle, waan kuu raacaynaa meeshii uu ku faray Nebigii Alle”.

Intaa dabadeed waxay asxaabtii socdaan, waxay maalintii danbe gaareen Nakhla, waxayna guda galeen inay wareegaan waddooyinka dhexdooda, si ay u soo ogaadaan wararka qureysh. Iyagoo ku sugan xaaladdaas, ayaa waxay meel fog ka arkeen afar nin oo kala ah Camr Binu Al-Xadrami, Al-Xakam Binu Kaysaan, Cuthmaan Binu Cabdillahi iyo walaalkiis oo la oran jiray Al-Muqiira. Nimankan waxay wadeen ganacsi ay lahaayeen qureysh oo isugu jiray hargo iyo sabiib iyo waxyaabaha ay qureysh ka ganacsadaan.

Wadatashi ku saabsan xaalad degdeg ah

Markay arrinku halkaas mareyso, ayaa asxaabtii waxay bilaabeen inay tashadaan, maalintaasna waxay ku beegnayd maalinta ugu danbeysa billaha xurmada leh, waxayna billahaas xurmada leh kala yihiin Dul-qicdah, Dulxijjah iyo Muxarram oo wada xiriira, iyo bisha Rajab. Waa billooyin ay carabta weligood xurmeyn jireen, oo waa xaaraan in dhiig la daadiyo ama in dagaal la qaado billahaas dhexdooda. Waxay yiraahdeen, haddii aan la dagaalano waxaan la dagaalanay billihii xurmada lahaa, waxaana ka dhalanaya taas in lagu tagri falo bishan iyo in lagu talo galo guud ahaan carada carabta. Haddii aan u kaadino ilaa ay ka tagto maalinta waxay galayaan dhulkii Xaramka, oo markaas way naga badbaadayaan.

Go’aanku waa in la laayo

Natiijadii ka soo baxday wada tashigooda waxay noqotay in lala dagaallamo nimankaas, waxay haystaan oo hanti ahna la qaniimaysto, sidiina ayeey ku dhaqaaqeen. Durbadiiba waxay laayeen mid ka mid ahaa afartii nin, labo kalena way qafaasheen, halka kii afaraadna uu carar ku badbaaday. Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo asxaabtiisiiba waxay soo kaxeysteen labadii nin ee la qafaashay, iyo hantidoodii, waxayna yimaadeen magaalladii Madiina. ‘

Si daran ayeey u qoomameeyeen

Markay u soo galeen Rasuulka (scw), uuna ogaaday falkii ay sameeyeen aad iyo aad ayuu uga xumaaday, wuxuuna si ba’an u dhaliilay falkii ay sameeyeen, isagoo la hadlayana wuxuu ku yiri: “wallaahi ayaan ku dhaartaye idinma farin dagaal, waxaan idin faray oo keliya inaad is-dul-taagtaan wararka qureysh, iyo inaad la socotaan dhaqdhaqaaqooda..”. Labadii nin ee la soo qafaashay arrinkooda dib ayuu u dhigay Rasuulka (scw), sidoo kalena ma eegin hantidii la soo qafaashay oo waxna kama uusan qaadan. Dhinaca kale, Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo asxaabtii kale ayaa si daran uga qoomameeyay falkoodii ay geysteen, waxayna si dhab ahaan u yaqiinsadeen inay halaagsameen, khilaafka ay khilaafeen amarkii Rasuulka (scw) awgeed.

Waxaa dhibaatadoodii dhibaato kale ugu siyaadiyay inay walaalahoodii muslimiinta ay ku badiyaan canaan fara badan, iyo iyagoo markasta ay xaggooda ka weji dadbaan., iyagoo ku oronaya: “waxay khilaafeen amarkii Rasuulka (scw)”. Waxaa sidoo kale dhibaatadoodii dhibaato kale ugu siyaadisay markay ogaadeen inay qureysh ka heshay dhacdadan mar-marsiiyo ay ku ceebeeyaan Rasuulka (scw) iyagoo qabiilooyinka kale ku oronaya “Muxammad wuxuu banneystay bishii Xurmada badnayd, wuxuu bishii xurmada badneyd daadiyay dhiig, hantidiina wuu qaatay, raggiina wuu qafaashay”.

Cidna ha weydiinin halka uu gaaray tiiraanyada iyo walbahaarka Cabdullaahi iyo asxaabtiisa ka soo gaaray wixii ka dhacay. Markii ay ku badatay walbahaarka, imtixaankiina uu ku cuslaaday, ayaa waxaa u yimid kii bishaareenayay, isagoo ku bishaareenaya inuu Eebbe (sw) ka raalli noqday falkii ay geysteen, arrintaasna wuxuu Alle ku soo dejiyay aayad qur’aan ah.

Bishaaro ka farxisay dhammaantood

Cidna ha weydiinin siday maalintaas u farxeen, iyagoo dadkiina ay billaabeen inay u tahniyadaynayaan oo ay u bishaaraynayaan, waxayna markaas aqrinayaan aayaddii qur’aanka ahayd ee ku soo degtay falkii ay sameeyeen awgeed.

Waxaa Nebiga (scw) lagu soo dejiyay oraahdii Eebbe (sw) ku lahaa:

“Waxay ku weydiinayaan dagaalka bisha xurmaysan, waxaad tiraahdaa dagaalka dhexdiisa waa weyn yahay, xannibid iyo is hortaag jidka Alle ah iyo in Alle lagu kufriyo iyo masjidka xurmeysan iyo ka bixinta ehelkiisa yaase kaga weyn Eebbe agtiis, gaaleynta dadka ayaa ka weyn dilka..”. Markay soo degeen aayadahan sharafta badan waxaa faraxday oo il-qabowsatay naftii Rasuulka (scw), wuxuu qaatay safarkii oo u qaybiyay muslimiinta, wuxuuna furasho ka qaatay labadii maxbuus, wuxuuna ka raalli noqday falkii ay sameeyeen Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo asxaabtiis, maxaa yeelay waxay ahayd duulimaadkooda mid dhacdo weyn ku ah nolosha muslimiinta, qaniimada laga qabsaday dhacdadaas waxay ahayd qaniimadii ugu horeysay ee la qabsado islaamka, leyntii duulimaadkaasna wuxuu ahaa gaalkii ugu horeeyay ee lagu daadiyo dhiigiisa islaamka, maxaabiistii la qabsadayna waxay ahaayeen maxaabiistii ugu horeeyay ee muslimiinta u soo gacan gala, calankii duulimaadkaas lagu guntayna wuxuu ahaa calankii ugu horeeyay ee uu Rasuulka (scw) u dhiibo koox ka mid ah muslimiinta, amiirkeedana wuxuu ahaa amiirkii ugu horeeyay ee loogu yeero amiiril-mu’miniin, wuxuuna ahaa Cabdullaahi Binu Jaxsh.

Wixii intaa kadib, waxaa la soo gaaray duulimaadkii Badar, wuxuuna Cabdullaahi Binu Jaxsh ka muujiyay goobtii dagaalka wacdarro daran. Dabadeedna waxaa timid duulimaadkii Uxud, waxaana Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo Sacad Binu Abii Waqaas kala soo gudboonaatay dagaalkaas sheeko aanan la hilmaami karin, ee aynu sheekada u dhaafno Sacad Binu Abii Waqaas, wuxuuna Sacad yiri:-

Tusaale ku saabsan geesinimadii Cabdullaahi

Maalintii dagaalka Uxud waxaan la kulmay Cabdullaahi Binu Jaxsh, wuxuu yiri: “maad Alle baridid?”. Waxaan ku iri haa, waxaana labadeenii isula baxnay dhinac, waxaana baryay Eebbe (sw) annigoo leh: “Rabbiyow haddaan la kulmo cadowga waxaad igu soo aaddisaa nin dagaalyahan ah, caradiisa ay aad u daran tahay, aan la dagaalamo, isna ila dagaalamo, dabadeedna waxaad igu arsuqdaa inaan ka guuleysto jeer aan ka dilo, hubkiisana aan ka qaato. Cabdullaahi Binu Jaxsh ducadeyda ayuu aamiin u yiri, dabadeedna waxaa duceystay Cabdullaahi Binu Jaxsh, wuxuuna yiri “Ilaahayow waxaad igu soo aaddisaa nin caradiisu ay daran tahay, ahna dagaalyahan, adiga dartaa aan ula dagaalamo, isna ila dagaalama, dabadeedna i qabta oo iga adkaada, sanka iyo labada dhegoodna iga gooya, oo markaan berito (maalinta qiyaamo) kula kulmo aad tiraahdo maxaa loo gooyay sankaaga iyo labadaada dhegood, oo aan iraahdo adiga iyo Rasuulkaaga dartii ayaa la iiga jaray, oo aad tiraahdo run baad sheegtay.

Cabdullaahi oo ku shahiiday dagaalkii Uxud

Sacad Binu Abi Waqaas wuxuu yiri: “ducada Cabdullaahi Binu Jaxsh waxay ahayd mid ka kheyr badan ducadeyda, waxaan arkay maalinta gelinkeeda danbe, isagoo Cabdullaahi la dilay, jirkiisana la googooyay. Waxaan arkay sankiisa iyo labadii dhegood oo laga soo laa-laadiyay geed. Eebbe (sw) wuxuu aqbalay ducadii Cabdullaahi Binu Jaxsh, wuxuuna ku maamuusay shahaado, sidii uu ugu maamuusayba shuhaddada sayidkooda oo ah Xamsata Binu Cabdil-Mudhalib. Rasuulka (scw) wuxuu hal qabri ku wada aasay Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo Xamsata Binu Cabdil-Mudhalib, Ilaahay dhammaantood ha u naxariisto, innagana ha ina qaadsiiyo wadiiqadoodii toosneyd, aamiin.

ceerigaabo
ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaan cali
Email:siciid_32@hotmail.com

SACIID BINU CAAMIR AL-JUMAXI

March 8, 2009

istambul2
الحمد لله .. والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه ومن والاه

SACIID OO AAN ISLAAMIN:

Wiilkii dhalinyarada ahaa ee la oran jiray Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi wuxuu ka mid ahaa kumanaankii kun ee yimid degmada Tanciim ee ku taallay agagaarka magaalada Makka, si ay u ajiibaan yeeristii ay u yeereen madaxdii Qureysh, iyo weliba si ay u daawadaan toogashadii ama dilkii saxaabiga la yiraahdo Khubeyb Binu Caddiyyi (rc), oo ka mid ahaa asxaabtii Nebi Muxammad (scw) ka dib markii gaaladii qureysh ay ku guuleysteen inay soo qabtaan/qafaashaan Khubeyb.

Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi Ilaah ka raalli noqdee waxay u suurto galisay dhalinyaranimadiisii inuu arko kii ay qafaasheen gaaladii Qureysh (waa Khubeyb’e) isagoo weliba gacmaha iyo lugaha ka xir-xiran, iyadoo weliba dumarkii, caruurtii iyo odayaashiina ay u fafakanayaan oo u baxsanayaan si ay uga aar-goostaan Khubeyb dadkoodii lagaga laayey dagaalkii Badr.

Dadkii faraha badnaa markii ay isugu yimaadeen goobtii lagu tooganayay Khubeyb Binu Caddiyyi ayaa Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi u diyaargaroobay sidii uu arki lahaa Khubeyb, markaas iyada ahna Khubeyb loo wado tiirka toogashada. Saciid wuxuu Khubeyb ka maqlay hadal uu si hoos ahaan ugu yiri gaaladii tooganaysay, hadalkaasina wuxuu ahaa: “haddaad doontaan ii oggolaada si aan u tukado labo rakcadood kahor intaydan i dilin”. Waa loo ogolaaday.

Saciid ayaa wuxuu eegay salaaddii Khubeyb, isagoo u jeestay kacbada si uu u tukado labo rakcadood. Saciid oo aad u jeclaystay salaadihii Khubeyb ayaa wuxuu yiri: “alla yaa ka qurux badnaa, alla yaa ka dhammeystir badnaa labadaasi rakcadood” Khubeyb Binu Caddiyyi kolkuu salaaddii dhammeeyay ayaa wuxuu gaaladii ku yiri: “wallaahi haddaanan ka cabsanaynin inaad u qaadataan inaan salaadda u dheereeyay cabsida aan ka cabsanayo geeri awgeed, waxaan dheereen lahaa salaadda”.

Saciid Binu Caamir wuxuu joogay dilkii Khubeyb iyo sidii sida aan naxariista laheyn jirkiisa loo googooyay, markaasna gaalada ay Khubeyb ku leeyihiin: “ma jeceshahay in silican oo kale lagu sameeyo Muxammad, adigana markaas aad nabad gesho”, uuna lahaa Khubeyb isagoo dhiig baxaya hadalkan: “wallaahi ma jecli inaan noqdo qof nabad qaba, Nebi Muxammadna ay muddo qodax”. Dadkii yimid goobtii toogashada ee gaalada ahaa ayaa si kor ahaan u dhawaaqayay, iyagoo lahaa: “dila.., dila..”

Saciid Binu Cumar wuxuu si naxariis ay ku jirto u eegey Khubeyb oo markaas indhihiisa kor ugu qaadaya xagga cirka, isagoo habaaraya gaaladii sidan u silcisay, wuxuuna lahaa: “Ilaahoow dhammaantood ciribtir, mid-midna u laay oo cid iyaga ka mid ahi ha ka tegin”. Wax yar dabadeedna wuu naf baxay oo wuu dhintay, iyadoo uusan qof tirin kara dhaawacyadii soo gaarey Khubeyb uusan jirin.

SACIID OO SAAMEYSAY DILKII KHUBEYB:

Gaaladii Qureysh waxay u soo laabteen guryahoodii, wayna iska iloobeen dilkii iyo toogashadii soo gaarey Khubeyb. Hase ahaatee Saciid Binu Caamir dhalinyarana ahaa (xilligaas aan qaangaarin) marnaba xiskiisa kama maqnaanin wixii Khubeyb soo gaaray maalintaas. Wuxuu ku arki jiray hurddada (riyada) hadduu seexdo, dhinaca kalena wuu ka fekeri jiray hadduu soo jeedo. Waxaa hortiisa iman jiray isagoo Khubeyb tukanaya tiirka hortiisa labadii rakcadood ee xasilloonida iyo degganaanshaha wadatey, wuxuuna maqlayay hadalkiisii dabancsanaa ee uu ku habaarayay gaaladii Qureysh. Saciid wuxuu markasta ka cabsan jiray in kuwii laayey Khubeyb ay xagga cirka kaga timaaddo ciqaab weyn, amaba lagaga soo rido xagga cirka dhagax weyn. Xilligaas iyada ahayd Saciid ma uusan islaamin.

Allaha u naxariistee Khubeyb wuxuu Saciid baray wax uusan aqoonin hadda ka hor. Wuxuu baray in nolosha dhabta ahi ay tahay caqiido iyo jihaad lagu gaaro waddada caqiidada ilaa ay geerida ka timaaddo. Sidoo kale wuxuu Khubeyb baray Saciid in iimaanka xeesha dheer uu sameeyo falal iyo mucjisooyin la yaab leh. Wuxuu baray arrin kale, oo ah in Nebiga (scw) ay jecel yihiin asxaabtiisa uu yahay Nebi laga taageersan yahay xagga samada.

ISLAAMIDDII SACIID BINU CAAMIR AL-JUMAXI:

Markey arrintu halkaas mareyso wuxuu Ilaah (sw) u waasiciyay laabta Saciid Islaamka. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa wuxuu Saciid ka dhex istaagey dad aad u fara badan dhexdooda, isagoo dadkii ogeysiiyay inuu barri ka yahay denbiyadii ay sameeyeen gaaladii qureysh, dhinaca kalena uu ka baxay cibaadadii asnaamta iyo in uu soo galay diinta Islaamka. Saciid Binu Caamir wuxuu u haajiray magaalada Madiina, isagoo wixii intaa ka danbeeyay laasimay la joogista Rasuulka (scw), wuxuuna isagoo Rasuulka (scw) la socda ka qayb galay duulimaadkii Kheybar iyo wixii ka danbeeyay.

Markii Nebiga (scw) la oofsaday oo uu dhintay, Saciid Binu Caamir waxa uu noqday sida seef galka ka baxday oo ay adeegsadaan labada khulafo ee Abuubakar iyo Cumar (rc). Saciid wuxuu noqday tusaale laga shidaal qaato, sida isagoo looga tusaale qaato mu’minkii adduunyadiisa aakhiro ku iibsaday, wuxuuna raalli ahaanshaha iyo abaal-marka Eebbe (sw) ka doortay dhammaan wixii ay naftu jeclayd oo shahawaad ah.

ASXAABTA SI GOONNI AH AYEEY U QADDARIN JIREEN SACIID:

Dhammaan asxaabta Nebiga (scw) waxay ogaayeen cabsida iyo iimaanka xeesha dheer ee Saciid, sidaa darteed si aad ah ayeey u qaddarin jireen markasta Saciid. Tusaale haddaan u soo qaadanno, Abuubakar iyo Cumar labadooduba Ilaah ha ka raalli noqdee, waxay ogaayeen inuu Saciid ku sifoobay astaamaha runta iyo cabsida Alle, markastana waxay maqli jireen nasteexada iyo waanada uu u soo jeediyo iyaga.

Maalin maalamaha ka mid ah ayaa waxaa Cumar Binu Khaddaab u soo galay Saciid Binu Caamir, waxayna ahayd xilligii billowga khilaafada Cumar. Saciid wuxuu Cumar ku yiri: “Cumaroow waxaan kuu dardaarmayaa inaad Alle uga cabsatid dadka, dadkana aadan Alle uga cabsan, inuusan is-khilaafin ficilkaaga iyo hadalkaaga, hadalka waxaa ugu kheyr badan kan ficilka rumeeyo.. Cumaroow indhaha ku hay muslimiinta uu Alle madaxda kaaga dhigay, kooda dhow iyo kooda fogba, waxaad iyaga la jeclaataa waxaad naftaada iyo reerkaaga la jeceshahay, waxaad iyaga la necbaataa waxa aad naftaada iyo reerkaaga la necebtahay, xaqa gaarsiintiisa waxaad u jirsataa buur kasta, Ilaahna cidna ha uga cabsan”.

Cumar baa wuxuu Saciid ku yiri: “Saciidoow yaa awoodi kara”. Saciid ayaa wuxuu yiri: “waxaa awoodi kara nin adigoo kale ah oo uu Alle u dhiibay umuurta ummadda Nebi Muxammad (scw). Intaas ka dib, wuxuu Cumar Binu Khaddaab ugu yeeray Saciid inuu maamulkiisa wax uga dhiibo, wuxuuna yiri: “Saciidoow waxaan kuu dhiibaynaa maamulka gobolka Ximsa”. Saciid ayaa u celiyay: “Ilaah baan kugu dhaariyaye inaadan i fidnayn”. Cumar ayaa carooday, wuxuuna yiri: “intaad mas’uuliyaddan qoorteeda saarteen ayaa ka dib iigaga cararaysaan!!, wallaahi ku dhaafi maayo”.

SACIID OO KA MID NOQDAY GUDDOOMIYE-GOBOLEEDYADA DOWLADDA CUMAR:

Wixii intaa ka danbeeyay Saciid Binu Caamir waxaa madax looga dhigay magaalada Ximsa. Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yiri: “miyaanan musha-haro kuu qoraynin”. Saciid ayaa ugu jawaabay: “maxaan ku sameenayaa amiirkii mu’miniintoow, maxaa yeelay waxaa iga badan lacagta aan ka qaato baytul-maalka”. Sidiina ayuu Saciid ugu safray magaalada Ximsa.

WAANA AMIIR, WAANA FAQIIR!:

Muddo yar markay ka soo wareegatay muddadii uu Saciid xilka qabtay, ayaa waxaa amiirkii mu’miniintii ee Cumar Binu Khaddaab uga soo wafdiyay magaalada Ximsa wafdi, kuwaasoo ka mid ah kuwo uu Cumar ku kalsoonaa. Cumar Binu Khaddaab wuxuu wafdigiii ka codsaday inay u soo gudbiyaan liiska fuqurada ee deggan magaalada Ximsa.

Wafdigii waxay Cumar u gudbiyeen liiskii ay ku qornaayeen fuqurada/masaakiinta reer Ximsa. Dadkii masaakiinta ahaa waxaaba ku jira Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi oo ah duqa magaalada Ximsa.

Cumar ayaa wafdigii weydiiyay cidda uu yahay Saciid Binu Caamir, waxayna ugu jawaabeen: “waa amiirkeena!”. Cumar ayaa markale wuxuu weydiiyay su’aashan: “amiirkiinu ma faqiir baa?!”. Waxay ku jawaabeen: “haa”, waxayna intaa raaciyeen in ay soo marto maalmo fara badan, iyadoo aan gurigiisa dab laga shidin!. Cumar ayaa aad uga fajacay arrintaasi, wuuna ooyay jeer ay ilmadii ka da’aysay ay ka qoysay garkiisa. Cumar wuxuu wafdigii u dhiibay lacag gaaraysa 1000 diinaar, wuxuuna lacagtii ku riday kiish, isagoo wafdigii ku yiri: “marka hore igu salaama Saciid, waxaadna ku tiraahdaan amiirkii mu’miniintii ayaa lacagtan kuu soo dhiibay si aad ugu kaalmeysato danahaaga khaaska ah”.

REERO ADDUUNYO MA AHAYN:

Wafdigii waxay yimaadeen magaaladii Ximsa, waxayna u tageen Saciid, iyagoo ku wareejiyeen kiishkii ay ku jirtay lacagta. Saciid markuu arkay lacagtii wuxuu bilaabay inuu iska fogeeyo, isagoo oranayay: “Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun, sida inay musiibo ku dhacday oo kale.

Afadii Saciid ayaa soo boodday kolkay maqashay Saciid, waxayna ku tiri: “maxaa kugu dhacay Saciid?!, ma amiirkii mu’miniintii ayaa dhintay?!”. Saciid ayaa ugu jawaabay: “maya ee waxaa dhacay wax taa ka weyn”. Waxay tiri: “ma muslimiintii ayaa dhibaato ku dhacday?!. Wuxuu yiri: “maya ee wax ka weyn taas ayaa dhacday”. Waxay tiri: “maxaa taas ka weyn?!”. Saciid ayaa yiri: “adduunyadii ayaa ii soo gashay, si ay u fasahaadiso aakhiradeyda, fidnadiina waxay degtay gurigayaga”. Xaaskii Saciid iyadoo aanan fahmin hadalka Saciid ayaa waxay iska tiri: “isaga takhallus haddaba”. Saciid ayaa weydiiyay afadiisa su’aashan: “arrintan ma igu kaalmaynaysaa?”, waxayna ku jawaabtay: “haa”.

Saciid wuxuu qaaday lacagtii oo dhan (kunkii diinaar ee uu Cumar u soo diray), dabadeedna wuxuu u qaybiyay masaakiinta muslimiinta. Run ahaantiina lacagtaasi aad ayuu ugu baahnaa isaga, maxaa yeelay ma haysan wakhtigaas arad iyo cunto ku filan, hase ahaatee wuxuu naftiisa ka doorbiday inuu daboolo baahida fuqurada muslimiinta iyo inuu iyaga la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay, si uu ugu sifoobo aayaddii qur’aanka ahayd ee ka hadlaysay arrintan.

MID KA MID AH TUSAALOOYINKA CADDAALADDA CUMAR:

Wakhti badan kama soo wareegan, jeer uu Cumar Binu Khaddaab ku yimaado kormeer magaalada Ximsa, isagoo doonaya inuu wax ka ogaado xaaladda ay ku sugan yihiin reer Ximsa. (Arrintan waxay tusaale cad ka bixinaysaa caddaaladda Cumar iyo sidii uusan u kala saari jirin madaxda iyo shacabka, waxaana xaqiiqo ah in tusaalahani dunida maanta aan lagu arag, laga soo bilaabo madaxda iyo dowladaha dunida Islaamka, ku xiji kuwa iyaga sheegta caddaaladda iyo sinnaanta waa reer galbeedka’e.).

Markii uu yimid magaalada Ximsa oo markii hore la oran jiray: “Al-Kuweyfa” ayaa sidii caadada u ahaydba wuxuu salaamay reer Ximsa, isagoo su’aallo ka weydiiyay umuurta amiirkooda Saciid Binu Caamir oo ahaa amiirka magaalada.

AFAR QODOB OO LAGU SOO EEDEEYAY SACIID:

Dadkii waxay amiirkooda ku soo eedeeyeen afar qodob oo ka mid ah falalka uu sameeyo Saciid, taasoo midba midda kale ka daran tahay. Cumar wuxuu isugu yeeray dadkii iyo amiirkooda, wuxuuna Alle ka baryay inuusan hoojin malihii wanaagsanaa ee uu u hayey Saciid, maxaa yeelay si aan xad lahayn ayuu ugu kalsoonaa Saciid. Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa ay ku eedeenayaan amiirkooda, waxayna ku jawaabeen sidatan:

“Nooma soo baxo ilaa ay maalintu in badan ka tagto”. Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yiri: “maxaad ka leedahay arrinkan?. Saciid xooggaa ayuu aamusnaa, markaasuu wuxuu yiri: “ma aanan jeclayn inaan sheego sababta keentay arrintan, haddase waa lama huraan. Anniga ma lihi adeege ama khaadim, sidaa darteed subax kasta waxaan qasaa cajiinta, muddo yar ayaan u kaadiyaa oo sugaa, ka dib markuu khamiiro ayaan dubaa, dabadeedna waan weeseestaa, markaasna ayaan dadka u soo baxaa”.

Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa kale oo ay ku eedeenayaan Saciid. Waxay yiraahdeen: “habeenkii cidna uma jawaabo”. Cumar ayaa Saciid ku yiri: “maxaad ka leedahay hadalkaas?”. Saciid wuxuu yiri, tanna ma aanan jeclayn inaan sheego, balse sababta aanan u soo bixin habeenkii ayaa ah, iyadoo aan maalintii siiyay iyaga (dadka), habeenkiina aan Ilaahay siiyay.

Mar kale ayuu Cumar dadkii weydiiyay: “maxaad kalood ka sheeganaysaan”. Waxay yiraahdeen: “bishii maalin ayuusan noo soo bixin”. Cumar ayaa Saciid weydiiyay sababta, wuxuuna Saciid ugu jawaabay: “ma lihi adeege amiirkii mu’miniintoow, dharna waxaan ka leeyahay lebiska aan qabo, sidaa darteed bishiiba hal jeer ayaan dhaqaa, waana sugaa ilaa inta uu ka qalalo, markaas ka dibna ayaan u soo baxaa”.

Cumar ayaa dadkii ku yiri: “maxaad kalood ka sheeganaysaan?”. Waxay yiraahdeen: “mararka qaarkood ayuu miyir beelaa”. Saciid ayaa wuxuu yiri: “waxaan goob joog ahaa dilkii Khubeyb Binu Caddiyyi annigoo mushrik (gaal) ah. Waxaan arkay qureysh oo googooneysa jirkii Khubeyb, waxayna ku oranayeen markaas: “ma jeceshahay inaad nabad gasho, oo Nebi Muxammad (scw) joogo booskaaga”, wuxuuna ku jawaabayay:”wallaahi ma jecli inaan reerkayga dhexdooda aan ku nabad qabo, Nebi Muxammad-na ay muddo qodax”, anniguna markaan taas xasuusto dhacdadii maalintaas iyo sidii aanan ugu gaargaarin ayaa waxaan maleeyaa inuusan Alle (sw) ii denbi dhaafaynin, markaasna ayaan miyir beelaa”.

Cumar Binu Khaddaab (rc) si farxad leh ayuu ugu farxay natiijadii dacwada, wuxuuna yiri: “waxaa mahad iska leh Allihii aanan hoojin malahayga”, ka dibna wuxuu Saciid Binu Caamir u dhiibay 1000 diinar si uu umuurihiisa gaarka ah ugu kaalmaysto.

Afadii Saciid markii ay aragtay lacagtii, ayaa waxay tiri: “waxaa mahad iska leh Allihii khidmadaada nagu deeqay, ee waxaad noo soo iibisaa wixii aan u baahnayn, noona soo ijaar adeege noo shaqeeya”. Saciid wuxuu afadiisii ku yiri: “ma doonaysaa wax taas kaaga kheyr badan”. Waxay tiri: “waa maxay”. Wuxuu yiri: “waxaan u dhiibanaynaa cid aan ka soo ceshan doonno goor aan aad ugu baahannahay”. Waxay tiri: “waa kuma kaas”. Saciid wuxuu yiri: “waxaan amaahinaynaa Alle amaah wanaagsan”. Waxay tiri: “waa runtaa, Ilaahna kheyr ha kaaga abaaliyo”.

Fadhigii uu Saciid fadhiyay kamaba dhaqaaqin, jeer uu lacagtii oo dhan ku guray kiishash ama qariirado, wuxuuna ku yiri mid ka mid ah ehelkiisa isagoo lacagtii u qaybinayya masaakiinta: “lacagtan waxaad u geysaa reerkii agoonta ahaa.., lacagtanna waxaad u geysaa islaantii garoobta ahayd.., lacagtanna waxaad u geysaa masaakiintii ina hebel ahaa…

Ilaah ha ka raalli noqdee Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi wuxuu ka mid ahaa dadka naftooda ka doorbida walaalahooda kale, haba ugu baahi badnaato naftiisa sheygaas. Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariisto Saciid Binu Caamir, innagana ina siiyo tusaalihiisii deeqsinimo, cabsi iyo caddaaladeedba. aamiin.

ceerigaabo
ceerigaabo.wordpress.com
siciid c/raxmaam cali
Email:siciid_32@hotmail.com+